Aragtida Daarwin iyo Qur’aanka— Qaybta 11aad | Beertii Aadan iyo Xaawa: Cirka mise Dhulka?

Qur’aanka kariimka ah meelo farabadan oo ka mid ah ayuu Alle ku caddeeyay in bani’aadanku uu dhulka ka soo jeedo oo isaga laga beeray kuna tarmay, si la mid ah dhammaan noolayaasha kale ee dhulka ku la nool; hal meelna ku arki maysid tiiyoo Ilaahay sheegayo in bani’aadanku uu meel ka baxsan dhulka ka yimi guud ahaanba. Tusaale ahaan Alle suuradda Nuux waxa uu ku yidhi: “وَٱللَّهُ أَنۢبَتَكُم مِّنَ ٱلْأَرْضِ نَبَاتًا ; Ilaahay waxa uu idin ka soo biqliyay dhulka biqlin”. Suuradda Huudna waxa uu ku yidhi isaga oo ka warramaya hadalkii Nebi Saalix uu qoomkiisa ku lahaa:” هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ الْأَرْضِ وَاسْتَعْمَرَكُمْ فِيهَا; isaga [Alle] ayaa idin ka unkay dhulka, idin kuna cammiray”.

Is kaba dhaaf taase, Alle waxa uu sheegay in noolayaasha kale ee dhulka innagu la nool oo dhami ay ummado inna la mid ah yihiin, oo waxa uu yidhi: “وَمَا مِن دَآبَّةٍۢ فِى ٱلْأَرْضِ وَلَا طَٰٓئِرٍۢ يَطِيرُ بِجَنَاحَيْهِ إِلَّآ أُمَمٌ أَمْثَالُكُم ; ma jiro san-ku-neefle dhulka ku sugan iyo shimbir ku duula labadiisa baal toona ilaa waa ummado idin la mid ah”, waayo asal baa aynnu wadaagnaa. Dabcan waxaa la innagaga karaameeyay xayawaannada kalena ma aha jidhka, oo qaar badan oo ka mid ah ayaaba jidh ahaan innaga wanaagsan, ee waa ruuxda (وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي) sida Imaam Abuu-Xaamid al-Qasaali uu yidhi, waana ta uu ka dhashay baraadkan aadka u cajiibka ah iyo caqligan aadka u heerka sarreeya ee bani’aadanku uu xayawaannada kale oo dhan dheer yahay.

Iyada oo ay sidaa tahay, oo nusuustaa aynnu xusnay iyo qaar kale oo badanba ay ku cad dahay in dhulka aynnu ka soo jeedno oo isirtirsigeennu uu isaga ku arooro, haddana culimadu ilaa qarniyadii hore wax ay is ku maandhaafeen Aadan ma meel dhulka ka baxsan ayaa loo qaaday ka dib abuurkiisii mise maya? Ogobeey waxa la is ku hayaana waa ka dib abuurkiisii, ee culimadu way is ku waafaqsan yihiin in Aadan dhulka awalkiisii hore joogay.

Khilaafkani waxa uu la xidhiidhaa jannada Qur’aanka lagu sheegay in la dejiyay Aadan iyo Xaawa halkay ahayd, oo culimada qaarkood waxa ay yidhaahdeen cirka ayay ahayd sida badanka mufasiriintu ay ku tageen, qaarkoodna waxa ay yidhaahdeen maya ee dhulka ayay ahayd sida Abuu-Muslin al-Asfahaani iyo dhammaan Muctasilada, Ibnu Abii-Yaxyaa, imaamkii weynaa ee Aluusina uu sheegay in laga soo guuriyay qayb ka mid ah culimadii caarifiinta ahayd ee Suufiyadu iyo qaar kale ay ku tageen, sida laga dheehanayo tafsiirkiisa Mafaatiixul-Qaybna uu u janjeedhay imaam Fakhru-diin ar-Raasi, culimada mucaasiriinta ah sida imaam Shacraawina uu qabay; halka qaarkoodna ay ka joogsadeen, oo ay yidhaahdeen waxa oo dhami waa suurtogal, in la kala xoojiyo adillooyinka labada dhinacna way adag tahay, ee Alle ayaan u deynaynnaa.

Haddaba, aynnu si cilmiyaysan is ku dul taagno waxa ay daliishadeen qolyaha hore ee qabay in cirka ay ahayd oo aynnu sheegno waxa lagaga jawaabay, ka dibna qolyaha kale ee yidhi dhulka ayay ahayd waxa ay u cuskadeen aan u dambaysiiyo oo aniguna aan la qabo.

Ugu horrayn, waxa ay culimadaasi yidhaahdeen ereyga “الجنة” ee ku jira aayadda “وَقُلْنَا يَا آدَمُ اسْكُنْ أَنْتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ; wax aannu nidhi Aadamoow dega adiga iyo xaaskaaguba beerta” waxaa ku jirta “أل” oo Carabiyada dhexdeeda faa’idaysa “wax la garanayo ; المعرفة”, sidaa aawadeed waxa ay ku dhacaysaa taa la is la wada og yahay ee aakhiro. Waxaana lagaga jawaabay qodobkaas:

1. Ereyga “أل” ee garashada (المعرفة) faa’ideeyaa waxa uu ku yimaaddaa saddex qaybood: is-la-ogaal sheegis (عهد ذكري), sida in aad hadalkaaga “رجل; nin” ku dhex sheegto ka dibna aad tidhaahdo “ninkii; الرجل” adiga oo kii aad sheegtay u jeeda; iyo qayb la yidhaahdo is-la-ogaal maskax-ku-hayn (عهد ذهني ) oo ah in shay aad si gaar ah qof is ku la og tihiin aad “أل ” geliso, sida in aad tidhaahdo “ذهبت مع خصمي إلى القاضي; aniga iyo ninkii aanu is haynnay waxa aannu is ku la tagnay garsoorihii”, oo garsoorahaas si gaar ah ayaad is ku la og tihiin; iyo qayb la yidhaadho is-la-ogaal taagan (العهد الحضوري), sida in aad tidhaahdo “ذهبت اليوم ; maanta wax aan tegay” maaddama “maantu” ay taagan tahay.

Haddaba maanta aayaddan cidda la la hadlayay ee lagu yidhi “أسكن ; deg ” waxa uu ahaa Aadan, oo la ma odhan “وأسكنّا آدم الجنة ; Aadan waxa aannu dejinnay jannada” si innagu ta aynnu naqaanno ee aakhiro aynnu u la doonano, shaki la’aan jannadan la sheegayna waa mid maskaxdiisa ku jirtay oo uu garanayay oo Alle iyo isagu ay is la ogaayeen (عهد ذهني) si la mid ah sida isaga uu u garanayay geedka la yidhi”ولا تقربا هذه الشجرة ; ha u dhowaannina geedkan”, marka la eego hab-u-dhaca (السياق) aayadahana waxa ay beertaasi ku taallay dhulka, maxaa yeelay inta aan Aadan la dejin beertan ayaa Alle yidhi: “إني جاعل في الأرض خليفة ; dhulka dhexdiisa waxa aan yeelayaa khaliif”, la ma na sheegin in gadaal laga qaaday oo dhulka meel ka baxsan la geeyay, haddii uu jirana Alle waa sheegi lahaa oo la innaga ma qariyeen.

2. Mar kasta oo la yidhaahdo “الجنة ” qasab ma aha in loo la jeedo jannadii aakhiro, oo Ilaahay waxa uu yidhi isaga oo ka warramaya qolyihii beeralayda ahaa ee suuradda Qalam/Nuun lagu sheegay: “إِنَّا بَلَوْنَاهُمْ كَمَا بَلَوْنَا أَصْحَابَ الْجَنَّةِ ; annagu waa aannu imtixaamnay iyaga sidii aannu u imtixaamnay asxaabtii beerta (beeralayda)”, waana la is ku wada waafaqsan yahay in jannadaa la sheegay aanay tii aakhiro ahayn ee beer dhulka ah ay ahayd, ogowna oo “أل”-na waa la geliyay oo waxba kaga ma duwana ereyga “الجنة” ee aayadda Nebi Aadan ka warramaysa lagu sheegay. Markaana, tania waa la mid uun, oo ma aha tii aakhiro ee waa beer dhulka ah.

Dhanka kale, waxa ay culimadaasi soo daliishadeen hadalka Ilaahay ee “اهبطوا”, waxa ayna yidhaahdeen waxa ay tusinaysaa in beertaasi ay meel sare oo laga soo degay ay ku taallay, sidaa aawadeed wax ay ahayd jannadaa aakhiro ee dhulka ka baxsan. Waxaana lagaga jawaabay in ereyga “هبوط ” afka carbeed laba macno uu ku yimaaddo: hoos-u-soo dhac goobeed (هبوط مكاني) oo laga wado in meel goob ahaan sarraysa laga soo dego oo meel hoosaysa goob ahaan la yimaaddo; iyo hoos-u-dhac meeqaan (هبوط مكانة), maantana kani uu yahay hoos-u-dhacii meeqaan, oo dabcan beertaas Aadan la dejiyay waa ay ka sarraysay beeraha kale ee dhulka, waana ay ka geedo, hadh, midho iyo manaafacaad badnayd qayrkeed, ka dibna waa laga soo saaray nimcadaas oo waxaa la geeyay goobo kale oo ka hooseeya meeqaan ahaan oo ka dhib iyo tacab iyo rafaad badan, sidaa aawadeed ayaana loo yidhi “اهبطوا”.

Ereygan “هبوط” haddii la sheegana macnahiisu mar kasta ma aha cir ama meel sare ka soo dhicid, oo is la suuradda al-Baqra ee aayaddani ay ku jirto ayay ku soo aroortay in Reer Banii-Israaa’iil la yidhi: “اهْبِطُوا مِصراً”, insi iyo jinna way wada og yihiin in aanay cirka joogin.

Dhanka kale, culimada qabta in jannadaasi ay beer dhulka ah ay ahayd waxa ay u cuskadeen waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin:

1. Jannada aakhiro ciddii gashaa ka ma baxdo, oo Alle waxa uu yidhi “وَمَا هُم مِنها بِمُخْرَجِين ; iyaguna ma aha kuwo laga saarayo”, sidee markaa Aadan iyo Xaawa looga saaray haddii jannada aakhiro ay galeen?

2. Jannada aakhiro Alle waxa uu ku magacaabay jannada waaritaanka (جنة الخلد), oo waxa uu yidhi: “قُلْ أَذَٰلِكَ خَيْرٌ أَمْ جَنَّةُ ٱلْخُلْدِ ٱلَّتِى وُعِدَ ٱلْمُتَّقُونَ ۚ ; dheh: ma kaasaa khayr badan, mise jannada waaritaanka ee loo ballanqaaday kuwa Alle ka dhawrsada”, waxa kale oo lagu magacaabaa “Deegaanka sugnaanshaha ; دار القرار”. Haddaba haddii ay sidaa tahay Aadan ku ma kadsoomeen danna ka ma galeen warkii Ibliis uu ku lahaa markii uu waswaasinayay ee ahaa “Ma ku tusaa geedkii waaritaanka; هل أدلك على شجرة الخلد”, maxaa yeelay waabu ku jiraa daartii waaritaanka ee muxuu uga baahan yahay waaritaan?

3. Rasuulka (NNKH) waxaa ka soo aroortay in uu Alle xadiisu-qudsi ku yidhi: “Wax aan u diyaarayay addoomahayga wax aan indho arkin, dhegi aanay maqlin; qalbi basharna aan ku soo dhicin”. Haddaba sidee ayaa ay is ku qabanaysaa arrinkaas xadiiska lagu dhex sheegay iyo in Aadan iyo Xaawa ay jannada arkeen weliba ay dhex deganaayeen in muddo ah?!

4. Aadan iyo Xaawa waxaa jannada la dejiyay ka dib markii Ibliis naxariista Alle laga fogeeyay ee lacnadda Rabbi ku dhacday. Haddaba sidee markaa ay u suurto-gashay in Ibliis tiiyoo la lacnaday in haddana uu jannada gudaha u galo si uu u soo waswaasiyo Aadan iyo Xaawa oo ku dhex jira? Waxbana ka ma jiraan sheekooyinka israa’iiliyaadka ah ee abeesuu is ku soo dhex qariyay iwm ka warrama.

5.  Jannada aakhiro dhexdeeda waxa la innooga warramay in aanu jirin wax takliif ah, oo sideedaba waa meel abaalmarin ee ma aha meel imtixaan iyo takliifid, dembina ka ma dhex dhaco sida Alle sheegay (لا لغوٌ فيها ولا تأثيم). Aadanna waa la kallifay, geed baa laga mamnuucay, dembina waa uu ku dhex dhacay.

6.  Jannada waxaa is la leh oo loo ballanqaaday dadka u shaqaysta, Aadanna u ma shaqaysan, sidee markaa uu ku galay? Midda kale jannada aakhiro nimcadeeda iyo raaxadeedu ma go’aan, tanna waa ay go’day oo way ka soo dhammaatay.

7. Jannada aakhiro lagu ma dhex daalo, laga ma xiise-dhaco, oo lagu ma dhex caajiso. Tanna waxaa muuqata in Aadan iyo Xaawa waxoogay inta ay ka xiise-dheceen in ay wax cusub tijaabiya is yidhaahdeen, oo ah geedkii laga mamnuucay.

Ugu dambayn, waxaas oo dhami waxa ay tusayaan ama ay xoojinayaan in beertii Nebi Aadan la dejiyay ay ahayd beer dhulka ah, ee aanay ahayn jannadii aakhiro ee dambe. Labada dhan marka la is ku eego iyo waxa ay ka la daliishadeenna waxaa xoog badan sida muuqata qolyaha dambe, oo waa laga jawaabay dhammaan waxa ay cuskadeen culimada hore waana la meelmariyay, halka kuwan jawaabo aan loo haynnin. Tilmaamaha beertaas Aadan iyo Xaawa la dejiyay iyo jannada aakhirana farqi aad u weyn ayaa u dhexeeya oo is ku ma dhowa, sidaa aawadeed waxaa xooggan aniguna aan qabaa in jannadaasi ay ahayd beer dhulka ah; Alle ayaana nooga ogaal badan.

F.G! Halkan waxaa ku dhammaaday taxanihii Aragtida Daarwin iyo Qur’aanka, oo qaybihiisa saynis ee badhaxa la aad ka heli karta khaanadda (category) Bayoolajiga, qaybihiisa diineedna khaanadaha Feker iyo Saynis iyo Diin. Waxaana jirta qayb kale oo la xidhiidha mawdduucan oo ka dambaysay, waana sidii Ilma Nebi Aadan ay u tarmeen. Halkan ka soo akhri:

Sidee baa carruurtii Nebi Aadan ay u tarmeen?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top