Waxa Qur’aanka kariimka ahi uu inooga warramayaa in dadka oo dhami ay hal asal ka soo wada tafiirmeen, markaana dad walaalo ah oo xigto ah ay yihiin, si walba ha u kala midab, af, dhaqan, caqiiddo iyo deegaan duwanaadaane. Taasina waxa ay meesha ka saartay midab kasta oo cunsuriyadi ay leedahay, iyo weji kasta oo qobqob qabiil iyo takoor qowmiyeed uu ku astaysnaa, waxaana ay bashariyadda u horseedday caddaalad iyo sinnaan, iyo in ay dareemaan in dad isku jiidh iyo dhiig ah ay yihiin, oo ninka caddaanka ahina aanu cirka ka iman, gabadhana sheyddaan iyo reero jinaad aanay dhalin sidii dadka qaar ay aamminsanaan jireen. Alle Weyne waxa uu kitaabkiisa kariimka ah ku yidhi: “Waar hooy dadkiinnanoow, waxa aannu idin ka abuurnay lab iyo dheddig, waxaana aannu idin ka yeelnay shucuub iyo qabiillooyin si aad isugu garataan, ka idiin ku wanaagsan Ilaahay agtiisu waa ka idiinku Alle-ka-cabsiga badan”. ¹
Dhanka kale barihii uunka ee Nebi Muxammed (NNKH) waa kii lahaa: “Waar hooy Dadkiinnanoow, Rabbigiin waa mid, aabbihiinna waa mid. Qof carab ahi mid cajami ah waxba ma dheera, mid cajami ahina mid carab ah wax ma dheera; mid caddaan ahi qof madow waxba ma dheera, qof madowna mid caddaan ah waxba ma dheera— aan ka ahayn Alle-ka-cabsiga”. ² Riwaayaadka qaarna waxa ku soo aroortay : “Dhammaantiin Aadan baad ka soo jeeddaan, Aadanna ciidda”. Sidoo kale Rasuulku (NNKH) waa kii odhan jiray markuu ducaysanayo: “Ilaahayoow, waxa aan qirayaa in addoomuhu dhammaantood ay walaalo yihiin”. ³
Akhriste, saynis ahaan in dadka oo dhami hal fardi ka soo wada jeedaan ama ka soo wada jeedi karaan waa wax si fudud loo fahmi karo, waayo marka Aragtida Dhallanrogadka (Evolution Theory; نظرية التطور ) ee noolayaasha la joogo, doorsoonka hiddeside (gene mutation; طفرة جينية ) ku ma dhaco koox dhan, ee waxa uu ku dhacaa hiddesidaha fardi qudha, ka dibna fardigaas doorsoonka hiddeside ee dheefta leh wata ayaa jinsiga kale u taga oo dhashiisa doorsoonkaas u gudbiya, tafiirtiisuna waxa ay noqotaa ta hadha maaddaama doorashada dabiiciga ahi ay doorsoonkaas dheefta leh reebanayso, tafiiraha kalena waa ay dabar-go’aan. Tusaale ahaan, deegaan ay ku nooshahay koox sakaaro/sagaaro ah ayaa mid ka mid ah oo lab ah hiddesidihiisa uu doorsoon dheef lihi ku yimi, kaas oo bilmetel sababay in xawaarihii orodkiisa uu labalaabmo. Atoorkani (labka sakaarada) waxa uu u tegay sakaaro dheddig, ka dibna dhashiisii ayaa uu u gudbiyay doorsoonkii. Halkaa marka ay marayso, waxa dhacaysa in tafiirta atoorkani ay taranto, doorashada dabiiciga ahina ay sakaarada doorsoonkan dheefta leh wadata ay reebato, hadhowna wixii sakaaro ah ee doorsoonkaa wadataa ay hadho, kuwii kale ee horena ay dabar’go’aan oo la ugaadhsado maaddaama fursaddooda negaanshiyuhu ay ka yar tahay oo ay ka xawaare yar yihiin kuwan kale, ugu dambaynna deegaanka ay ku soo hadho sakaaro ku wada abtirsanaysa atoorkii hore.
Haddaba sidaa si le’eg, iinsaankana waa qasab ah tadawur ahaan in uu u noqdo fardi hiddesidihiisa uu doorsoon dheef leh ku yimid, taasina ka ma dhigna xilligiisii in fardigaasi uu keligii ku noolaa dhulka, ee koox u eeg oo ay isku sinji yihiin ayaa uu ka mid ahaa oo uu la noolaa, kuwaas ayuuna Alle ka dhex doortay Nebi Aadan (إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَى آدَمَ وَنُوحًا وَآلَ إِبْرَاهِيمَ وَآلَ عِمْرَانَ عَلَى الْعَالَمِينَ), isaga oo ku galladay hadalka iyo luuqadda oo u sahlay negaanshiyaha maaddaama ay si fudud is kugu la xidhiidhayaan is kuguna fahmayaan, sida ka muuqata aayadda “وَعلّمَ آدَمَ الأسْماءَ كُلّها”, iyo sidoo kale ruuxda ilaahiga ah ee wacyigan heerka sarreeya iinsaanka u horseedday (وَنَفخْتُ فِيهِ مِن رُوحي ). Ruuxduna ma aha nafta sida dadka badankoodu ay u haystaan, waxaana jirtay qormo aan beryo dhowaa ka qoray, ee waa cunsur aan maaddi ahayn oo Ilaahay ku galladay bani’aadanka. Waa waxa iinsaanka u suurtogeliyay in uu ka fikiro Ilaahay, malaa’ig iyo waxyaabaha metaphsysics-ka ah si ka duwan dhammaan noolayaasha, dhan kalena u suurtogeliyay in uu garto in uu noole maaddi ah yahay, waayo haddii cunsurkaa maaddiga aan ahayn ee goorta iyo goobtu xaddidaynnin aanu jireen suurtogal ma ahaateen in uu garto in uu maaddi yahay, sida kalluunka badda gunteeda ku jiraaba aanu u garteen in uu biyo ku dhex sugan yahay haddii aanu biyaha ka dhex bixin. Mar haddii Aadan uu doorsoon dheef leh oo qaarkii negaanshiyihiisa uu uga kaalmayno sida luuqadda iyo afka uu watana, tafiirtiisii ayaa hadhay, wixii kalena waa ay dabar-go’een, sidaa aawadeedna dadka hadda nool oo dhami isaga ayay ka soo jeedaan iyo gabadhii uu guursaday.
Dhanka kale, markii saynisyahannadu ay daraaseeyeen karamasoomka Y ee labka, waxa ay ogaadeen DNA ahaan in asalka lab ee ugu dhow ee dadka hadda nool oo dhami ay wadaagaan uu yahay shakhsi meelahaa 120, 000 ilaa 200, 000 oo sano ka hor noolaa, ⁴ waxaana lagu magacaabay ” Y-chromosomal Adam; آدم صبغي واي “; dheddig ahaanna in ay ku wada arooraan shakhsi gabadh ah oo lagu magacaabay ” Mitochondrial Eve; أم الميتوكندرية “, oo iyaduna u noqonaysa 150, 000 ilaa 200, 000 oo sano ka hor ⁵, taasina ka ma dhigna marnaba in keligood ay dunida ku noolaayeen xilligaas, ee dadkan hadda nool ayaa tafiirtoodii ah. Sida daraasaduhu ay xaqiijiyeenna, labadooduba waxa ay ku noolaayeen qaaradda Afrika, taariikhda ay noolaayeen sida ka muuqata way isa soo gaadheen, in kasta oo saynis ahaan aan la hubin in ay is guursadeen iyo in ay is arkeen toona. Waxaana innaga ay taasi innooga dhigan tahay, in Aadan iyo Xaawa ay Afrika ka soo wada jeedeen, waana suurtogal markaa in ay Bariga Afrika ay noolaayeen, halka aynnu ku nool nahay.
Markii u horraysay, 70, 000 oo sano ka hor ayaa koox yar oo bani’aadana ka mid ahi ay ka soo hayaantay dhulkoodii hooyo ee Afrika oo ay gaadheen Aasiya, waxaana ay ku fideen Hindiya, Jaynaha iyo koonfur-galbeed Aasiya. Dabadeed 50,000 ilaa 65, 000 oo sano ka hor ayaa ay gaadheen Ustareelliya; 45, 000 oo sano ka horna waxa ay cagodhigteen qaaradda Yurub oo la aamminsan yahay in ay ku la kulmeen Neanderthal-ka oo weliba xidhiidh jinsi uu dhexmaray, ilaa haddana qayb aad iyo aad yar oo DNA-gii neanderthalka ka mid ah ayaa laga helayaa hiddesidaha qaar ka mid ah bani’aadanka, ilaa Neanderthal-ku uu ka dabar-go’ay mar dambe. Waxaana dabar-go’iisa loo aaneeyaa waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin in bani’aadanku uu ku cidhiidhiyay oo uu kaga xoog badnaaeqy quudkii maaddaama uu ka agabyo iyo caqli badnaa, iyo in bani’aadanku uu u soo waariday xanuunno aanay aqoon oo ay dhinteen, iyo sidoo kale doorsoonka cimillada iwm. Dabadeed 15, 000 ilaa 20, 000 oo sano ka hor Casrigii Barafowga ayaa ay tageen Ameerikada Waqooyi iyo Ameerikada Koonfureed iyaga oo raacay biriishkii Bering Land Bridge ee is ku xidhayay Saybeeriya iyo Alaaska, sidaas ayayna dhulka iyo qaaradaha adduunka ay ku wada gaadheen, waxaana dhammaantood ay ku abtirsanayaan kooxdii yarayad ee Afrika ka soo hayaantay.

Is fidintaas Ilaahay aayad qudha ayuu ku soo koobay, oo waxa uu yidhi: ” وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍۢ ثُمَّ إِذَآ أَنتُم بَشَرٌ تَنتَشِرُونَ; caddaymihiisa waxaa ka mid ah in uu idin ka abuuray ciid, intaa ka dibna waaba idinka oo ah bashar faafaya”. Aayaddan weliba waxa macnaheedu uu aad u soo baxayaa, marka aynnu qaadanno tafsiirka ah in aan Nebi Aadan si toos ah ciidda looga abuurin, ee waxa la sheegayaa uu yahay asalkii Aadan iyo dhammaan noolayaashuba ay ka soo bilaabmeen ee unuggii u horreeyay ee dhooqooyinka badda laga unkamay ahaa, waayo aayaddu waxa ay sheegaysaa in markii ciidda la innaga abuuray muddo aad u badan oo laga cabbiray “ثم” ka dib aynnu noqonnay bashar, oo aynnu billownay in aynnu faafno. Haddii is la Aadan ciidda si toos ah looga abuurayna “ثم” la ma dhaheen ee “فإذا أنتم بشر” ayaa la odhan lahaa, maaddaama fa’du ay kala dambayn waqti oo yar ay faa’idayso, oo isla sidii Aadan ciidda looga abuurayba uu bashar tarmaya oo faafaya noqday.
Haddaba haddii dadka dunidan ku nool oo dhami ay dhab ahaan Aadan iyo Xaawa ka soo wada tafiirmeen sida diintu sheegtay, ama hal asal ay wadaagaan sida saynisku qeexay, waxaa ay is weyddiin mudan sida ay ku tarmeen ilma Nebi Aadan ee siddeeddaa bilyan ee qof ee kala caqiiddooyinka, afafka, dhaqamada iyo deegaannada duwan ay ku noqdeen. Indho saynis marka mas’alada aynnu ku eegno wax dhib ahi ma jiraan, waayo waxa aannu leenahay ilma Nebi Aadan keligood dhulka ku ma ay noolayn, markaasna wax qasbaya in iyagu ay is guursadaan ma jiro, ee kooxdii kale ee la sinjiga ahaa se iyagu ay ka wacyiga iyo caqliga sarreeyeen ayaa ay ka guursadeen, sidaas ayayna ku tarmeen ilaa ugu dambayn tafiirtoodii ay noqotay dadka kelida ah ee nool.
Balse culimadii Islaamka badankooda maaddaama xilligoodii aanu saynis jirin, waxa ay ogaayeenna uu ahaa in Aadan iyo Xaawa la abuuray dadkuna iyaga ay ku abtirsadaan, dhan ay uga baxsadaan in carruurtii Ilma Nebi Aadan ay is guursadeen walow aanu wax daliil ahi ku soo aroorin may helin, taasina mushkilad bay noqotay, waayo aayad Qur’aan ah iyo xadiis Nebi oo saxiix ah toona lagu ma sheegin in sharciga Islaamka iyo sharciyadii Alle uu soo dejiyay oo dhan mid ka mid ah lagu banneeyay in carruur walaalo ah ay isku guursan karaan oo ay isku galmoon karaan, sidoo kalena in ilma Nebi Aadan ay is guursadeen iyo in iyaga la is ku banneeyay oo sharcigoogii uu sidaa ahaa toona. Dhanka kalena, caafimaad ahaan haddii laba qof oo walaalo ahi ay is ku tagaan, ka dibna ay wax is ka dhalaan, badanka ka ma badbaadaan carruurtoodu xanuunno hidde ah hiddesidayaasha labadooda waalid oo isku dhow aawadeed. Sidoo kale abuurkooda ayaa silloonaada, oo iyaga oo xubnaha qaar la’ ama aanay shaqaynayn ama si kale u eeg ayaa ay dhashaan, intaana waxa u sii dheer xanuunnada nafsiga ah iyo in iyaga oo caqli ahaan buka ay soo dhashaan, badankana maba sii tarmi karaan.
Sidaas oo ay tahay, haddana waxa dadka dhexdooda caan ka noqotay in Nebi Aadan labo wiil oo uu dhalay oo Qaabiil iyo Haabiil la kala odhan jiray ay isku dileen laba hablood oo labadooda mataano la ahaa. Qaabiil waxa mataan la ahayd gabadh qurux badan, Haabiilna gabadh foolxun. Waxaana xeerku uu ahaa in labada mataanood ay is weydaarsadaan, oo Qaabiilna mataanta Haabiil guursado, Haabiilna mataanta Qaabiil. Laakiin Qaabiil ayaa iimaan-darrooday oo hungureeyay walaashiisii mataanta la ahayd, ilaa aakhirkii uu dilay Haabiil. Warkanina ma aha mid aayad Qur’aan ah iyo xadiis Nebi laga qaatay, ee waa tafsiir saxaabigii weynaa ee Ibnu-Cabbaas laga soo weriyay oo la xidhiidha aayadaha 27aad ilaa 31aad ee suuradda Maa’ida, sugnaanshihiisana waxa ku godan far, waayo waxa zanadka ragga warkan Ibnu-Cabbaas ka soo weriyay ku jira Ismaaciil ibnu Cabdiraxmaan as-Suddi oo culimada xadiiska qaybina ay daciifisay qayb kalena ay runsheege ku sheegtay. Haddiiba xitaa uu Ibnu-Cabbaas ka sugnaadana waxa muuqata in waxyaabihii saxaabadu ay ka maqli jireen Ehlu-Kitaabka uu ka mid yahay, maaddaama aayad Qur’aan ah iyo xadiis Nebi oo saxiix ah oo sheegay aanu jirin, warkanna aan si kale lagu ogaan karin. Dabarina waxa uu sanad kaga soo guuriyayba Ibnu-Isxaaaq in Ibnu-Isaxaaq uu ka weriyay qayb ka mid ah Ehlul-Kitaabka war la mid ah kan Ibnu-Cabbaas ⁶, taasina waxa ay muujinaysaa in warku Israa’iiliyaad ah uu yahay.
Saxaabigii kale ee Ibnu-Cumarna waxa isaga laga soo guuriyay tafsiir ka duwan kan Ibnu-Cabbaas loo tiiriyay, oo sheegaya in midkood uu ahaa beeroole ka kalena adhiile. Waxa la amray labadoodaba in ay qurbaan Ilaahay ugu dhowaadaan, ka dibna adhiilihii ayaa neefkii u wanaagsanaa uguna shilisaa qurbaan ka dhigay isaga oo ku qalbisan; halka beeroolihii uu dalaggii ugu liitay oo niyad-xumo uu ku ladhay qurbaan ahaan uu u bixiyay. Dabadeed adhiilihii ayaa laga aqbalay, beeroolihiina laga ma aqbalin. Xaasidnimada ay is ku dileenna halkaas ayaa ay ka dhalatay. Warkan laftiisuna ishkaal ayaa ku jira, waayo bani’aadanku waxa ay waxbeerashada barteenba 10, 000 ilaa 12,000 C. H. Waxa kale oo jira tafsiir kale oo isagu sheegaya in labadan qof ee la yidhi “ابني آدم ; ilma Aadan” aanay ahayn carruurtii Nebi Aadan isagu uu si toos ah u dhalay, ee ay yihiin laba nin oo Reer Banii-Israa’iil ahaa, iyaga oo culimadaasi daliishanaya aayadda laga dambaysiiyay qisada ee ” من اجل ذالك كتبنا على بني إسرائيل “, iyaga oo xusay in aayaddu ay tusayso in labadaa nin ay xidhiidh la lahaayeen Reer Banii-Israa’iil, oo is dilkoodaa aawadii loogu waajibiyay Reer Banii-Israa’iil xukunkan ah “Qofka qof dilaa waxa uu ka dhigan yahay qof dadka oo dhan dilay”, markaana halkaa laga qaadanayo in laba nin oo Reer Banii-Israa’iil ay ahaayeen. Kanina waa tafsiir laga soo raray Daxaak iyo Al-Xasan ⁷.
Ugu dambayn, maaddaama aanay jirin aayad Qur’aan ah iyo xadiis Nebi oo saxiix ah oo ku soo aroortay habkii ilma Nebi Aadan ay u tarmeen, ma habboona in la is ka sheegto in iyagu ay is guursadeen oo dad walaalo ahi ay is ku galmoodeen, oo haddana la sheegto in xilligoodii taasi ay bannaanayd iyada oo aan la haysan nas Ilaahay iyo Rasuulkiisa ka yimid oo arrinkaa sheegaya. Fasirka ugu dhow ee ku aaddan habkii ay ku tarmeenna waa kaas aynnu soo xusnay ee in aanay dhulka keli ku ahayn ah— Alle ayaana xaqiiqada nooga ogaal badan.
Tixraacyo
1. Xujuraat: 13
2. Musnadka Imaam Axmed, J. 5, b. 411
3. Musnadka Imaam Axmed: J. 4, b. 369; Sunanu Abii-Daa’uud: J. 2, b. 83
4. https://www.sciencenews.org/…/y-chromosome-analysis…
5. https://www.britannica.com/…/mitochondrion/Role-in-disease
6. Tafsiiru-Dabari: J. 10, b. 201.
7. Mafaatiixul-Qayb, Fakhrudii ar-Raasi


