Barafowgii Weynaa ee Dhulka

Muddo hadda la ga joogo 2. 588 milyan oo sano ka hor, waxaa dhacay barafow aad u baaxad weynaa oo daboolay qeybo badan oo dhulka ka mid ah, kaas oo soo jiitamay ilaa 11, 700 oo sano ka hor. Casrigan waxaa loo yaqaannaa Casrigii Barafowga (Pleistocene -العصر الجليدي ).

Mammuthus

Casrigan intii la gu gudo-jiray waxaa dabar-go’ay noolayaal aad u farabadan, kuwaas oo uu u gu caansan yahay noole bahda naasleyda ka mid ahaa oo afka qalaad loo gu yeedho Mammuthus (الماموث الصوفي), oo qaab ahaan maroodiga u eekaa, oo laba fool oo dhaadheer oo qaanso aad mooddo oo afka is ku haya iyo dhogor aad u waaweyn lahaa. Noolahan wax uu dhulka kor u ga kacsanaa ilaa afar ama shan mitir, waxaana markii u horraysay raqdiisa ama qolfoofkiisa la ga helay meel u dhow webiga Lena River ee gobolka Siberia ee dalka Ruushka, sannaddii 1798.

Dhaaynoseeriyam (Deinotherium; الدينوتير)

Noolayaashii dabar-go’ay casrigaa waxaa kale oo ka mid ah, noole isaguna maroodiga u eekaa se labada fool ku lahaa gadhka, oo afka qalaad loo gu yeedho Deinotherium (الدينوتير). Wax uu noolahani ku noolaa Afrika, Yurub iyo koonfurta Aasiya, wax uu na dabar-go’ay hal milyan oo sano ka hor.

Machairodontinae (معروكات الأسنان)

Waxa kale oo noolayaashii xilligan dabargo’ay ka mid ahaa koox afka qalaad lagu yidhaahdo Machairodontinae, kuwaas oo u eekaa shabeelka, se miciyo aad u dhaadheer u na waaweyn oo ilaa 18 sentimir gaadhaya lahaa, waxaana qalfoofkooda lagu helay qaarado kala duwan, sida Ameerika Waqooyi iyo Ameerikada Koonfureee, Afrika, Yurub iyo Aasiya.

Wahsi Badanihii Dhulka ee Weynaa (Giant ground sloth – الكسلان الأرضي العملاق)

Waxaa kale oo noolayaashaa ka mid ahaa noole aynnu ku magacaabi karno Wahsi Badanihii Dhulka ee Weynaa (Giant ground sloth – الكسلان الأرضي العملاق), kaas oo ahaa noole dhogor badan oo laba qoob oo aad laba miciyood mooddana cagaha hore iyo kuwa dambe ku lahaa, waxa uuna u adeegsan jiray googoynta geedaha iyo jirriddooda si uu u quuto iyo difaaca naftiisa. Waxa uu ku noolaa Ameerikada Koonfureed, meelo bdan oo Arjantiin iyo Baraasiil ka mid ah ayaana laga helay qalfoofkiisa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top