Cadceeddu waa xiddig dhexdhexaad ah oo dhulka u jira 150 milyan oo kiiloomitir, wax ayna badankeedu ka kooban tahay curiyayaasha u gu faafidda badan ee Hydrogen iyo Helium. Wax ay dhulka ka weyn tahay 109 jeer, oo dhexroorka cadceeddu waa 1, 392, 684 kiiloomitir; halka dhexroorka dhulku uu yahay 12, 742 kiiloomitir oo keli ah. Waa xiddig dhallinyaro ah oo ilaa 4.5 bilyan oo sano noolayd, iyada oo la gu rajo qabo in ilaa 5 bilyan oo sano oo dambe ay sii noolaato haddii Alle idmo.
Haddaba waxaa jira halxidhaale cajiib ah oo muddo hadda la ga joogo 70 sano ilaa xilligan aynnu nool nahay furfuriddiisu uu saynisyahannada ku adkaaday, ilaa haddana aan la ogaannin sababta ka dambaysa waxa ay tahay.
Halxidhaalahaasi waxa weeye; haddii la cabbiro heerkulka oogada sare ee cadceeddu waa 5500° oo degree; laakiin haddii la qiyaaso heerkulka fagaagga ku wareegsan cadceedda ee keliya marka cadceed madoobaadka dhammayska tiran uu dhaco la arko ee ee loo yaqaanno Sun corona — هالة الشمس korbuu u sii kacayaa, oo wax uu noqonayaa hal ilaa laba milyan oo degree wax u dhexeeya; halkii ay ahayd in marba marka cadceedda la ga sii fogaado uu heerkulku sii yaraado. Oo sida caadiga ah goobta uu dabku ka baxayo way ka heerkul sarraysaa goobta ka fog. Laakiin cadceedda marka la joogo arrinku kaa waa uu ka soo horjeedaa, oo barta kulka cadceeddu uu ka soo baxo oo oogadeeda sare ah iyo fagaagga ku xeersan waxaa heerkul badan fagaagga! Kaasina waa arrin layaabkiisa leh oo in la isweyddiiyo oo jawaabtiisa la raadiyo mudan.