Codka iyo ilayska waxaa xawaare sarreeya ilayska, oo ilaysku ilbidhiqsigii waxa uu jaraa 300,000 oo kiiloomitir; halka codku uu il-bidhiqsigii ka jaro 343 mitir oo keli ah. Taasina waa sababta aynnu u aragno hillaaca ka hor inta aynnaan maqlin onkodka. Danabkuna/biriqda ilbidhiqsigii dhexdhexaad ahaan waxa uu jaraa 100,000 oo kiiloomitir, taas oo ka dhigan in dhulka uu ku soo gaadhayo wax xitaa ilbidhiqsi aad uga sii yar; halka hanqadhka oo codkiisa ahi uu isagu dhulka si uu u soo gaadho ay ku qaadanayso 5.8 ilbidhiqsi, xisaabtaasina waxa ay innoo soo baxaysaa marka xawaaraha codka (343 mitir ilbidhiqsigii) iyo masaafada darruurta iyo dhulka u dhexaysa oo dhexdhexaad ahaan 2 km ama 2000 oo mitir lagu qiyaaso aynnu is ku qaybinno.

Halkaana waxa aynnu ka qaadanaynnaa, in ka hor inta aynnaan maqlin hanqadhka uu 5.8 ilbidhiqsi ka hor danabku uu dhulka soo gaadho. Sidaas aawadeed weligaa ha ka argagixin hanqadhka (codka danabka), maxaa yeelay ka hor inta aanad maqlin ayuu danabkaasi meel kale qabsaday oo adiga waabu ku dhaafaye

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top