Nagu Saabsan

Wax walba oo ku saabsan madasha Aqoonsoor 

Tagtada Madasha

Mudane akhriste, Aqoonsoor waa madal aqooneed soo jirtay dhowr bilood, laguna baahiyo qormooyin cilmi ah oo la xidhiidha laamaha kala duwan ee aqoonta. Madashu markeedii hore waxa ay caan ku ahayd magaca “Maanfure” oo dhowaan laga beddelay, sababo jira awgood. 

Mudane Akhriste, bahda Aqoonsoor,  oo uu u horreeyo Cabdikariim Sh Bashiir,  haatan iyo horaba, waxa ay u taagan yihiin baahinta maqaallo isugu jira feker, diin, sooyaal iyo sayniska qaybihiisa kala geddisan, gaar ahaan felegga, bayoolajiga iyo jiyoolajiga, kuwaas oo loo qoray hab nidaamsan oo fudud  oo ruux waliba uu fahmi karo. Waxaana ay u diyaarsan yihiin sidan:

Aragtida & Ujeedka Aqoonsoor

Ujeedka madashani waa koruqaadidda wacyiga bulshadeenna soomaaliyeed iyo aqoonteeda, iyada oo loo marayo qalinka iyo qoraalka,  si adduunka aynnu u la tartanno oo ilbaxnimo iyo xaddaarad u dhisno. 

Maqaallada ugu caansan

Qaar ka mid ah maqaallada ugu caansan madasha ee mudan in qof kastaa akhriyo marr\ ka mid ah noloshiisa, waayo waxa ay sidaan wacyi macno badan ruuxa u kordhin kara. 

 

Sayniska iyo diinta

“Saynisku diin la’aanteed waa ku laangadhaynaya, diintuna saynis la’aantii waa tu indha la.”
—Albert Einstein

Addoonsiga iyo Islaamka.

Misagaa bilaabay, dadkii hore se ceeb iyo bani’aadannimo la’aan ma u arki jireen ? Miyuu xoojiyay mise wuu la dagaallamay? Waddooyinkee ayuu u maray la dagaallankiisa, muxuu se ka beddelay?

 

Yuug iyo  Yamaayuug

Labadan erey ee Yuug iyo Yamaayuug “يأجوج ومأجوج” halka ay asal ahaan ka soo jeedaan qolo waliba dhan bay u la kaceen, oo qaar baa yidhi waxa uu ka yimid ereyga Carbeed ee “المأج” oo macnihiisu yahay “is garaac/ isbaraanbar”, ama “أج النار” oo macnaheedu yahay dabkii baa huray

Samayska Xiddigaha

Ruux wal oo fiisigis-falageedka ay wax uga baxsan yihiin, maanta wuu og yahay in curiyayaasha asaasiga ah ee xiddiguhu ay ka kooban yihiin ay Haydrojiin iyo Hilyam yihiin, iyo ino yaryar oo curiyayaasha kale ah oo soo raaca.

Hoyga Akhristayaasha

Halkani waa hoyga akhriska, nagu soo biir!

Scroll to Top