Cadceeddu masaafo ahaan wax ay innoo jirtaa 151 milyan oo kiiloomitir, iftiinkeeduna wax uu innagu soo gaadhaa siddeed daqiiqo iyo siddeed iyo soddon ilbidhiqsi, waana marka masaafadaa cadceeddu ay innoo jirto ee 151ka milyan ee kiiloomitir ah aynnu u qaybinno xawaaraha ilayska oo 300, 000 km/s ah , ka dibna si ilbidhiqsiyada aynnu ugu beddelno daqiiqado aynnu tirada innoo soo baxdana 60 u sii qaybinno. Taasina waxa ay ka dhigan tahay, ma arki karno taaganta cadceedda (present of sun – حاضر الشمس), ee waxa aynnu aragnaa waa uun qaabkii ay ahayd siddeed daqiiqo ka hor. Waxaa la mid ah dhammaan xiddigaha iyo meerayaasha habeenkii innoo muuqda, oo midkoodna ma aragno taagantiisa ee waxa aynnu aragnaa tagtadoodii. Tusaale ahaan: haddii telescope uu sawir ka soo qaado xiddig innoo jirta 100,000 oo sannad-ilayseed, sawirkaa uu qaaday ma aha sidii ay ahayd markii uu sawirka qaadayay, ee waa sidii ay xiddigtaasi ahayd 100, 000 oo sano ka hor, maaddaama oo ilayska la’aantii aynaan arki karin; si ilaysku uu iyada uga yimaaddo oo innaga uu innoo soo gaadhana uu 100, 000 oo sannadood u baahan yahay!

Haddaba, ka warrama haddii noolayaal ilbaxnimo heer sarraysa leh oo ku nool – tusaale ahaan –  meere innoo jira 75 milyan oo sannad-ilayseed ay telescope-kooda dhanka dhulka u soo jeediyaan, ma bani’aadan iyo ilbaxnimo iyo sida hadda aynnu nahay ayaa ay arkayaan, mise diinasoorrooyinkii iyo noolayaashii dhulka ku noolaa 75 milyan oo san ka hor? Dabcan ta dambe!

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top