1. Ma isagaa bilaabay, dadkii hore se ceeb iyo bani’aadannimo la’aan ma u arki jireen?
2. Miyuu xoojiyay mise wuu la dagaallamay?
3. Waddooyinkee ayuu u maray la dagaallankiisa, muxuu se ka beddelay?
4. Muxuu u xaaraantinimayn waayay?
5. Muxuu u banneeyay u tegista addoonta?
6. Kala iibsiga addoomaha ka warran?
7. Imika dib in loo soo celiyaa ma bannaan tahay?
Ma Islaamkaa bilaabay, dadkaa hore se ceeb ma u arki jireen?
Addoonsigu wax uu ka mid ahaa dhaqannadii guunka ahaa ee bani’aadanku uu casriyadan u dambeeyay ka gudbay, kaas oo ummadihii iyo ilbaxnimooyiniii hore oo dhami ay soo wada mareen; diinlaawayaashooda iyo diinhaystadooduba. Addoonsiga waxaa loo arki jiray oo ummadihii hore agtooda uu ka ahaa wax is ka caadi ah, sida innaguba shaqaalayaasha iyo in uu qofi qof kale u shaqeeyo oo uu lacag ka qaato aynnu caadi ugu aragno, tiiyoo marka aad eegto xawaaraha tiknoolajiyadda iyo maskaxda macmalka ahi ay ku socoto laga yaabo in 100, 200 ama 300 oo sano ka dib bani’aadanku uu dhaqanka shaqaalannimaddana ka gudbo, oo dadkaa xilligaa noolaan doona shaqadu ay agtooda ka noqoto wax laga yalhyakhsado iyo bani’aadannimo la’aan, sida innaguba aynnu ummadihii hore u la yaabban nahay sida qofi uu qof kale uu addoon ugu noqon karayayna ay iyana sida qof dhani uu qof kale u gu shaqayn jiray qarnigii 21aad ay ka amakaagaan.
Miyuu xoojiyay mise wuu la dagaallamay?
Markii Islaamku uu yimid tiiyoo dhaqankaasi uu aad u xididaystay, waxaa suurtogal noqon weyday in hal mar xididdada loo siibo oo la xaaraantinimeeyo, maxaa yeelay waxyaabaha ka dhalanaya ayaa aad u weynaa sida qormada xaggeeda dambe aynnu ku xusi doonno. Sidaas oo ay tahay haddana ma sharciyaynnin, mana ammaanin, oo Qur’aanka iyo Sunnada ka soo heli maysid aayad ama xadiis leh “dadka addoonsada” ama ku baaqaysa in la addoonsado. Taa lidkeeda se waxaad ka soo helaysaa boqollaal aayadood oo guubaabinaya xorraynta addoomaha iyo ilaalinta karaamada iinsaanka.
Waddooyin noocee ah buu u maray la dagaallankiisa?
Islaamku waddo kasta oo addoonsiga la gu la dagaallami karo oo la gu tirtiri karo waa uu jideeyay, isaga oo qodobbadan hoosta ku qoran iyo qaar kale oo badanba u maray:
1. Marka koowaad wax uu aad cidhiidhi u ga dhigay hababkii iyo waddooyinkii addoomaha la gu qabsan jiray, ee ay ka midka ahaayeen xaditaanka iyo dhaca, boobitaanka iyo soo qafaalashada xilliga negida la yahay, wax uuna ku soo koobay keliya dagaalka cadowgu uu kugu soo qaaday ee aad is ka ga difaacayo.
2. Wax uu u soo celiyay oo uu u ilaaliyay xuquuqdoodii, oo dhar, cunto, hurdo, nasasho iyo wax kasta oo uu u baahan yihiin ayaa uu u waajibiyay, waxa uuna xaaraantinimeeyay tacaddigii iyo gaboodfalladii loo geysan jiray iyo garaacii iyo jariimooyinkii la gu la kici jiray, ee ilaa qarniyadii 18aad-19aad Reer Galbeedku ay ku la dhaqmi jireen dadkii afrikaanka ahaa ee ay addoonsadeen xilliyadii guumaysiga. Saxaabigii addoonkiisa dhirbaaxo keliya ka dhuftay, ee is la markiiba yidhi “Rasuuslkii Ilaahayoow waan xoreeyay” markii uu si kedis ah u ga warhelay in Rasuulku uu arkay oo weliba indhihiisa xanaaq ka muuqdo, Suubbanuhu (NNKH) waa kii ku yidhi “Haddii aanad sidaa samayseen naarta ayaa ku solan lahayd”, taas oo ka dhigan in kafaarada ruux addoon ah oo la dhirbaaxaa ay tahay keliya xorayntiisa. ¹ Xitaa waxa uu reebay in loogu yeedho “addoonkaygiiyoow”, oo Rasuulku (NNKH) waa kii yidhi: “Midkiin yaanu odhan: addoonkaygiiyoow iyo addoontaydiiyeey, ee ha yidhaahdo: wiilkaygiiyoow, inantaydiiyeey iyo inankaygiiyoow”. ²
3. Wax uu aad u dhiirrigeliyay xorraynta, wax aanu sameeyay waddooyin badan oo wax la gu xoreeyo, isaga oo qofka sameeyana u ballan qaaday in uu fadli weyn Ilaahay ka helayo, weliba naarta ka ga badbaadayo ( فَلَا اقْتَحَمَ الْعَقَبَةَ وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْعَقَبَةُ فَكُّ رَقَبَةٍ ). Qofka dembiyada qaar ku dhaca (sida qofka wax dilay; ama dhaartiisii beenowday; ama bil Ramadaan galmo sameeyay; ama gabadhiisa “dhabarkii hooyaday baad iga tahay” ku dhahay ee ka dhaartay; iwm) wax uu madax-furashada koowaad ka dhigay in uu addoon xoreeyo, si si dhakhsiyo ahba uu addoonsigu u soo gebagebeeyo. Laakiin nasiibdarro, boqortooyooyinkii Islaamka xukumay ayaaba ujeeddo iyo maqsuud ay dagaalkaba u galaan ka dhigtay, taasina waxa ay keentay in sannado ama qarniyo badan oo dambe uu addoonsigu sii jiitamo, ilaa Ilaahay uu xukmiyay in uu soo afjarmo.
Dunida Reer Galbeedkuna sida dadka qaar ay u haystaan addoonsiga u ma ay mamnuucin sababo bani’aadamnimo, oo iyaga ayaaba ugu addoonsi badnaa, uguna tacaddi iyo gaboofal badnaa marka la eego sida ay u la dhaqmi jireen, ee kacaankii warshaduhu markii uu bilaabmay ee shaqo badan oo looga baahnaa addoomaha ay warshadihii halkoodii galeen, ee markii hore xoog ayaa loo baahnaa maaddaama dhaqaalaha badankiisu beerasho uu ku xidhnaaye hadda warshado xirfad u baahan ay soo baxeen, dhanka kalena addoomaha kharashkii iyo lacagtii ku kacaysay ay qaali ahayd, ayaa taasi waxa ay keentay in baahidii loo qabay ay yaraato is la markaana faa’ido ay yeelan waayaan. Taasina waxa ay keentay in addoonsiga waqtigiisu uu dhammaado iyada oo duruufo dhaqaale ay dabada ka riixayaan soo afjarkiisa.
Islaamku muxuu u xaaraantinimayn waayay?
Sida hore aynnu u soo sheegnay, sababo farabadan ayaa jiray oo surtogal-la’aan ka dhigayay xilligaas xaaraantinimaynta, se aynnu saddex qodob ka xusno
1. In gaaladu marka ay saxaabada ku soo duusho ee ay jabiso ay dumarkooda iyo caruutoodaba addoonsadaan, muslimiintu marka ay jabiyaanna ay waxba samayn kari waayaan oo ugu yaraan dumarkii iyo caruurtii laga addoonsaday ay addoomo kale oo ay ku soo furtaan ay waayaan; de taasi dulmi iyo caddaalad-darro ayaa ay noqon lahayd oo cidiba diin dadka kale u jabinaysa ku ma ay jirteen mana soo gasheen
2. Waxaa dhici lahaa khalkhal dhaqaale iyo mid bulsheed, oo adba qiyaasoo haddii maanta la dhaho cidina cid u shaqaysa ma soo qabsan karto khalkhalka ka dhalan kara mid le’eg ama ka weyn ayaa ka dhalan lahaa.
3. Waxani wax uu ahaa xeer dagaal oo dadkii waqtigaas noolaa oo dhami ay ka midaysnaayeen, oo sida haddaba dagaalladaba marka la galo “maxaabiis” loo ka la qabsado ayaa xilligaasna dumarka iyo carruurta goobta dagaalka yimaadda loo kala qabsan jiray. Waa xilligan oo dadka Islaamka ah diintoodu ay farto in maxaabiis aanay qabsannin oo kale uun, wax suurtogal aan ahayn in ay tahay ruux waliba waa garanayaa.
Muxuu Islaamku u banneeyay u tegista addoonta?
Haddii la xaaraantinimayn lahaa u tegista addoomaha iyaga ayaa ay caqabad ku ahaan lahayd, iyaga ayaana xilligaa jeclaan lahaa oo dooran lahaa, waayo waxa ay fursad u helayaan in ay helaan meel ay ku gutaan dareenkooda jinsi, sidoo kale waxa ay noqonayaan “ummul-walad” oo wax ay ka nabadgelayaan in cid kale la ga iibiyo, dhanka kalena is la maalinta ninkaasi uu geeryoodo ayaa xor ay xor noqonayaan.
Ka la iibsiga addoomaha
Dad badan waa laga yaabaa in ay aad u la yaabaan sida qof dhan loo iibsan karo, laakiin miyaanay ogayn in ilaa hadda la iibiyo dad weliba magac leh oo laba kooxood oo kuwa ciyaarahi ahi ay lacag ka la siistaan, oo suuqa ka la iibsiga ciyaartoydu uu jiro; haddana sidaasoo ay tahayna wax ceeb ah aan loo arag? De tanna waa la mid uun.
In dib loo soo celiyo ma diin baa?
May, diin ma aha; maxaa yeelay Islaamku addoonsiga ma sharciyaynnin oo wax fiican oo ujeed ah ka ma dhigin, ee sidii loo la dhaqmi lahaa ayaa Qur’aanka la gu xusay, taasina wax diini ah ka dhigi mayso. Waa is ka sida faqriga iyo masaakiinta oo kale uun, oo Qur’aanku wax uu ka warramay sidii iyo wixii xaaladdaa la samayn lahaa; laakiin taasi ka ma dhigayso faqrigu in uu fiican yahay oo lamahuraan uu yahay, oo la odhan maayo maaddaama Qur’aanka la ga ga warramay axkaam ku saabsan masaakiinta waa in faqriga lagu baaqo si axkaamtaa loo fuliyo.
Tixraacyo
1. Saxiixu-Muslin (5159)
2. Saxiixul-Bukhaari (2552)