Inta badan marka la ga hadlayo Qiyaamaha, keliya waxaa la ga galaa dhanka cabsi-gelinta iyo cadaabka oo qudha, heer dadkii ay u qaateen in maalintaas naxariis iyo waxaasi ayna jirin, oo cid kastaaba argaggax iyo cabsi iyo werwer ay ku jirto. Kaasina waa fahan qaldan oo aayadaha Qur’aanka iyo axaadiista Suubbanaha qeybo badan oo ka mid ah liddi ku noqonaya.
Maalinta Qiyaame waa maalin Alle uu faydi doono naxariisihiisa iyo galladihiisa qayb weyn oo ka mid ah, waana maalin kuwa Alle ogaan iyo kibir u diiday inta ay arkeen xujooyinkiisii cad-caddaa iyo kuwii uunka Alle lacnad ku ahaa mooya e dadka kale naxariista Alle ay gaadhayso, oo amaan iyo farxad ay ku jiraan, sidoo kalana baqe iyo murugo ay ka dheer tahay. Oo Alle wax uu yidhi isaga oo mu’miniinta ka warramaya: “Ma murug gelinayo argaggaxa weyni [Qiyaamaha], malaa’igta ayaana soo dhawaynnaysa [iyaga oo ku leh] kani waa maalinkiinnii la idiin yaboohi jiray”. ¹
Nebi Muxammedna (NNKH) waxaa la ga weriyay in uu yidhi: “Ilaahay naxariista waxa uu ka yeelay boqol qaybood, sagaal iyo sagaashan ka mid ah agtiisa ayuu yeelay, mid ka mid ahna dhulka ayuu u soo dejiyay. Midhaa qudha ayaa uunku uu is ku gu naxariistaa, ilaa geenyadu ay qoobkeeda kor u ga qaaddo dhasheeda iyada oo ka cabsanaysa in uu haleelo”². Riwaayo Muslin ku jirtana waxaa ku sugnayd, in Rasuulku (NNKH) uu yidhi “Sagaal iyo sagaashankaa kale addoomihiisa ayuu Alle maalinta Qiyaame u gu naxariisanayaa”.³
Bal u fiirso, noolayaashii balaayiinta ahaa ee adduunka soo maray ee dabargo’ay, iyo kuwa hadda dhulka ku nool ee lagu qiyaaso in ay 7 milyan oo nooc yihiin, nooc kastaana uu malaayiin ama bilyanno noole uu ka kooban yahay, oo 7daa milyan hal ka mid ah waaba bani’aadanka oo 8 bilyan oo qof ah ka kooban e, wax alliyo waxa naxariis ah ee ay leeyihiim waa hal ka mid ah boqol naxariisood (1%), sagaal iyo sagaashankii kalana Alle ayaa addoomihiisa ugu naxariisanaya maalinta Qiyaame.
Naxariista maalintaa uu Alle addoomihiisa ugu naxariisan doono weynideeda iyo ballaadhnideeda, waa ta keentay in xitaa noolihii ugu gaalnimada iyo sharka badnaa oo Ibliis ahi uu maalintaa damco in ay gaadho oo loo gu dembi dhaafo, sida ku sugan xadiiska Dabaraani uu labadiisa kitaab ee Kabiirka iyo Awsadka uu ku soo weriyay, ee Rasuulku uu ku yidhi: “Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, Ilaahay maalinta Qiyaame wax uu dembi-dhaafi doonaa dembi-dhaaf uu Ibliis u luquntaagi doono; isaga oo damcaya in uu gaadho”. ⁴ Bal suurayso haddaba naxariistaa Ibliis uu damacu ka galay inta ay le’eg tahay!
Qur’aanka kariimka ah marka aynnu u fiir-fiirsannana, wax aynu arkaynnaa meelo farabadan oo Qur’aanka ka mid ah oo Alle is raacinayo Qiyaamaha iyo magaciisa Raxmaanka (naxariis-badane) ah, si aynnu u dareenno in maalintaa naxariis weyni ay taallo, oo cidda i na xisaabinaysaana ay Allaha naxariista badan ee hooyooyinkeen xitaa i noo ga naxariista badan ay tahay, oo waa kii Rasuulku maalin Saxaabadiisa markii uu arkay gabadh ilmaheedii yaraa muddo ka dib markii uu ka lumay heshay oo ku dul oyday saxaabadiinna ay ku dareen weyddiiyay : “Ma u malaynnaysaan in iyadu [hooyadu] ay wiilkeeda dab ku tuurayso?”, ka dibna saxaabadu ay yidhaahdeen” Maya, la ga ma yaabo” ku yidhi “Haddaba naxariista Alle uu addoomihiisa u hayo ayaa ka weyn naxariista tani ay ilmaheeda u hayso”. ⁵
Meelahaa Alle uu magaciisa Raxmaanka iyo Raxiimka uu Qiyaamaha raaciyay waxaa ka mid ah, aayadda Faatixada ku jirta, oo Alle markii uu yidhi ” الرحمن الرحيم”, waxa uu raacsiiyay “مالك يوم الدين”; si uu i noo tusiyo in cidda maalintaa maamulaysaa ay tahay naxariis-badanaha. Waxaa sidoo kale ka mid ah aayadda ku jirta Suuradda Al-Ancaam, oo Alle markii uu yidhi: “كَتَبَ عَلَىٰ نَفْسِهِ ٱلرَّحْمَةَ – [Alle] naftiisa waxa uu ku waajibiyay naxariis”, ayaa uu ku xigsiiyay “لَيجْمَعَنَّكُمْ إِلَىٰ يَوْمِ ٱلْقِيَٰمَةِ لَا رَيْبَ فِيهِ — Maalinta Qiyaami ayuu is ku kiin keeni doonaa shakina dhexdiisa ma ahaannin”. ⁶
Tixraacyo
1. Suuradda al-Anbiyaa (103)
2. Waxaa soo saaray Bukhaari (6469)
3. Waxaa soo saaray Muslim (2752)
4. Mucjamul Kabiir (J3/168)
5. Waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslin
6. Suuradda al-Ancaam (12)