
Sannadkii 2012, badmaaxihii reer Japan ee Yoji Ookata oo ku gudajira mihnaddiisii badmaaxnimo, Badweynta Baasifigana hoos u quusay qiyaastii 24 mitir/80 fiit, ayaa waxa uu ka dul dhacay farshaxan aad u qurux badan oo loo sawiray hab xirfadi ay ku dheehan tahay, kaas oo qaab ahaan goobo ah, dhexroorkiisuna uu dhan yahay laba mitir iyo dheeraad. Ookata waxa uu ogaaday isaga hortii in aanay cidi arkin, waxa uuna ka qaatay sawirro; kaddibna waxa uu la wadaagay qaar ka mid ah saaxiibbadiisii Telefishanka Qaranka Japan (NHK) si ay uga kaalmeeyaan furfurista halxidhaalahan farshaxaneed ee ashqaraarka iyo amakaagga leh.
Ookata waxa uu soo kaxaystay saaxiibbadii, waxa ayna quuseen badda si ay arrinka u la soo arkaan . Dabadeedna goobtii waxa ay ku ag rakibeen kaamirooyinkoodii, si ay u ogaadaan cidda ka dambaysa farshaxankan ee samaysay, waana ay ka tageen. In muddo ah markii ay ka maqnaayeen ayaa ay ku soo laabteen, si ay u daawadaan muuqaalkii ay duubtay kaamiradu. Waxa ayna ugu tageen, in fannaanka sameeyay farshaxankan cajiibka ahi uu yahay kalluun yar oo loo yaqaanno Cufaancuf (Pufferfish; سمكة البخاخ), isaga oo adeegsanaya oo ku naqshadaynaya baalalbiyoodyadiisa aadka u yaryar!

Daraasooyin badan oo lagu sameeyay nolosha kalluunkan yar kaddibna, waxa la ogaaday in aanu farshaxankan u samaynnin qurxinta salka badda; ee keliya uu u sameeyo si uu ugu soo jiito dheddigiisa; sidoo kalena uu beedkiisa/ ukuntiisa ugaga ilaaliyo in uu kaga dhex baaho gudaha badda! Dhowrkii maalmoodna hal mar buu sameeyaa.