Mar kasta oo aqoonta bani’aadanka ee kawnka ku xeeran uu ka haysto ay sii ballaadhato, waxa u sii adkaata in aanu kawnka keli ku ahayn; taa la jirkeedana waxaa jaba oo wiiqma kibirka xad-dhaafka ah iyo isu haysashada uu is ku haysto in uu markazka iyo xarunta jiraalka iyo kawnka uu yahay. Sidoo kale waxaa qofka mu’minka ah u sii korodha suuraysashada iyo fahanka iyo ogaalka uu ka haysto weynida Alle iyo awooddiisa, iyo ka warqabka in bani’aadanka iyo dhulkiisuba maaddi ahaan aanay waxba ahayn, se la gu ladhay oo la gu karaameeyay wax gaar ah iyo waxyaabo aan kawnka intiisa kale aanu la wadaagin inta la og yahay, oo caqliga iyo ruuxdu ay u gu horreeyaan.
Sida culimada cosmology-ga (الكونيات) iyo astronomy-gu (علم الفلك) ay xaqiijiyeen, kawnku marba marka ka dambaysa waa uu sii weynaanayaa oo uu sii fidayaa, ilaa haddana kawnka inta wax la ga ogaan karo ee observable universe-ka (الكون المرصود او المنظور) ay ku magacaabaan, dhexroorkiisu waa 93 bilyan oo ilays-sanadeed. Taas oo ka dhigan, ilayska ilbidhiqsigii jara masaafo dhan 300, 000 oo kiiloomitir, ee cadceedda 150ka milyan ee kiiloomitir i noo jirta ka ga yimaadda ee innagu soo gaadha siddeed daqiiqo oo keli ah, waxa uu u baahan yahay 93 bilyan ama 93 kun oo milyan oo sano si labo cidhif oo kawnka ka mid ah uu isaga gudbo!
Kaasi waa observable universe-ka wax laga ogaan karo, se ka aan wax laga ogaan karin ee unobservable universe-ka ah waxa uu gaadhayaa ilaa 500 oo bilyan oo ilays-sanadeed. Kawnka intaa le’eg ee 93ka bilyan ee ilays-sannadeed ah, inta la qiyaaso waxaa ka jira laba tirilyan ama laba kun oo bilyan oo urur-xiddigeedyo ah (galaxy – مجرة).
Urur-xiddigeed (galaxy; مجرة) waa ururro waaweyn, oo midkiiba uu ka kooban yahay balaayiin xiddigo, dayaxyo, meerayaal iyo godad madmadow (black holes) ah. Tusaale ahaan, dhulkeenna iyo ururka cadceeddu (solar system; المجموعة الشمسية ) waxa ay ka tirsan yihiin ururxiddigeedkeennan diillin-caanoodda (milky way – درب التبانة) , kaa oo ka kooban 300 ilaa 500 oo bilyan oo xiddigood, dhexroorkiisuna waa 100, 000 ilaa 120, 000 oo sannad-ilayseed!
Guud ahaan labadaa tirilyan ee ururxiddigeedna, waxaa la gu qiyaasaa in 300 sigistilyan oo u dhiganta 300 oo bilyan oo tirilyan oo xiddigood uu ka kooban yahay, weliba waa kawnka observable universe-ka oo keli ah uun! Sidoo kale meerayaasha waxaa lagu qiyaasaa in ay 70 kontilyan (quintillion) oo u dhiganta 70 milyan oo tirilyan oo meere ay yihiin! 70 kaa koontilyan ee meerayaasha ahna, ururxiddigeedkanna diillin-caaanoodda oo keli ah waxaa la ga helayaa qiyaastii 300 milyan oo meere oo nololi ay ka suuroobi karto.
Haddaba waxaa la is weyddiiyay: dhab ahaan haddii kawnku uu intaa le’eg yahay, ma macquulbaa in meereheenna dhulka oo keli ah ay cidi ku nooshahay? Miyaanay u badnayn in ay jiraan noolayaal kale oo caqli leh oo ku nool kawnka intiisa kale? Dabcan saynis ahaan “haa” ayaa la yidhi, waxaana jira dedaallo aad u badan oo saynisyahannada ay ku bixinayaan in u gu yaraan raadad la helo tusinaya jiritaankooda, amaba haddii ay suurtogasho la la xidhiidho.
Dhanka diin ahaanna, aad bay suurtogal u tahay in noolayaashi ay jiraan, oo Qur’aanka kariimka ahi waa uu xoojinayaa in ay jiraan noolayaal caqli leh oo kawnka innagu la nool, oo tiraba ishaarooyin dhawr ah ayaa aayadaha Qur’aanka qaar ka mid ah aynu ka helaynnaa; kuwaas oo qaarkood ayba si aad u cad ay u tibaaxayaan. Tusaale ahaan Alle waxa uu suuradda Naxli ku yidhi: “وَلِلَّهِ يَسْجُدُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ مِن دَابَّةٍ وَالْمَلَائِكَةُ وَهُمْ لَا يَسْتَكْبِرُونَ — Ilaahay waxaa u sujuuda waxa samooyinka ku dhex jira iyo waxa dhulka ku dhex jira ee daabbooyin ah iyo malaa’igta; iyaga oo aan is kibranaynnin.”
Haddaba aayaddan waxaa la ga fahmayaa amaba ku cad in ay jiraan daabbooyin Ilaahay u sujuuda oo samooyinka ku nool, ma na aha daabbooyinkaasi sida culimadii hore qayb ka mid ahi ay u qaateen malaa’igta. Maxaa yeelay Alle waxa uu suuradda Nuur ku sheegay in daabbo kasta uu biyo ka abuuray; malaa’igtana sida la is ku wada waafaqsan yahay nuur ayaa la ga abuuray. Sidaa aawadeed suurtogal ma aha in daabbooyinkaasi ay malaa’ig noqdaan.
Waxa sidoo aayadda la mid ah aayadda ku jirta suuradda ash-Shuuraa, ee Ilaahay uu ku yidhi: “وَمِنْ آيَاتِهِ خَلْقُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَثَّ فِيهِمَا مِن دَابَّةٍ ۚ وَهُوَ عَلَىٰ جَمْعِهِمْ إِذَا يَشَاءُ قَدِيرٌ — Ilaahay aayadihiisa waxaa ka mid ah abuurka samooyinka iyo dhulka iyo waxa labadoodaba dhex mushaaxa ee daabbooyin ah, isaguna [Alle] kulmintooda xilligii uu doono waa mid awooda.” Aayadanna fahan kale ayaa aynu ka dheehan karnaa, oo ah in waqti waqtiyada ka mid ah aynu is la kulanno. Waxayna la mid tahay aayaddii hore oo, culimadii hore aakhiro ayaa ay ku fasireen, daabbioyinkana waa malaa’ig ayaa ay yidhaaheen, maxaa yeelay xilligoodii aad bay u adkayd in ay suuraystaan in ay jiraan noolayaal dhulka aan ku noolayn oo caqli leh. Laakiin kulmintani in aanay aakhiro ahayn, qariino la ga dheehan karo ayaa aayadda ka muuqata. Taas oo ah, in Alle uu kulmintaa ku xidhay doonista (المشيئة), badankana Alle marka aakhiro uu imaanshaheeda ka warramayo mashii’o ku ma xidho.
Sidoo kale, Ibnu-Cabbaas mar la weydiiyay macnaha toddobada dhul ee Alle ku sheegay suuradda ad-Dalaaq aayadda u dambaysa waxa uu yidhi: ” Waa toddoba dhul, dhul kastana waxa jooga nebi nebigiina la mid ah, Aadan Aadankiina la mid ah, Nuux Nuuxiina la mid ah, Ibraahin Ibraahinkiina la mid ah iyo Ciise ciisihiina la mid ah.” ¹
Haddaba waxaa is weyddiin mudan, haddii dabcan saynis ahaan ay aad suurtogal u tahay in noolayaashi ay jiraan, diin ahaaanna aynnu dheehanaynno in ay jiraan; maxaa loo arki la’ yahay ilaa hadda? Su’aashan waxaa hore sannadkii 1950 is ku weyddiiyay fiisigisyahankii weynaa ee reer Talyaani ee Enrico Fermi, kadib markii ay is ku qaban weyday badnida iyo awoodda suuragalnimada noolayaashan, iyo ka warhelitaan la’aantooda iyo weliba weynta waxyaabo xoojinaya jiritaankooda ilaa hadda, isaga oo ku dhawaaqay weedhiisii caanka noqotay ee ahayd “But where is everybody – aaway laakiin dhammaantood?”. Waxaana isweyddiintiisan loo bixiyayay Isqabanwaaga Fermi (Fermi parodox – مفارقة فيرمي).
Isqabanwaagaa Fermi waxa looga warceliyay siyaabo kala duwan, oo aynnu ka xusi karno kuwan hoose:
1. In sida aynnu innaguba u raadinaynno ay i noo raadinayaan, laakiin weli aynnu is la’ nahay.
2. In waayo hore oo ilbaxnimadeennu ay hoosaysay ay inna la soo xidhiidheen, laakiin nasiibdarro ay inna waayeen, iyana ay dabargo’een.
3. In ay inna og yihiin, laakiin ay noolayaal hooseeya i noo arkaan, oo sida innaguba aynnaan dan u ga gelin la xidhiidhka qudhaanjada iyana aanay dan innooga gelayn. Fikraddanna way xoog badsn tahay marka loo eego Halbeegga Kardashev (Kardashev Scale – مقياس كارداشيف), ee uu soo bandhigay saynisyankii Russian-ka ahaa ee Nikolai Kardashev, si uu u gu cabbiro ama u gu saadaaliyo heerarka horumarka ilbaxnimo ee noolayaashi ay leh yihiin, kaas oo heerkiisa koowaadba uu tibaaxayo in ay aad innooga sareeyaan, is kaba dhaaf ka saddexaad iyo ilaa ka lixaad oo aynaan suuraysan karaynba e.
4. Qolo iyagu noolayaashan jiritaankoodaba diiddanna waxa ayba ku xalliyeen oo isqabanwaagan ay ka ga jawaabeen in aanay jirinba noolayaashi.
——
Tixraacyo
1.Waxa soo saaray Xaakim, waxa uuna yidhi: ” Isnaadkiisu waa mid saxiix ah”.