Hordhac
Dhacdada Banii-Qurayda waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee mustashriqiinta iyo Reer Galbeedku ay Nebi Muxammed iyo Islaamkaba ku duraan, iyaga oo ku sheegaya ama ku tilmaamaya in ay ahayd “xasuuq” ama “isir-sifayn— genocide” iwm. Laakiin qormadan waxa aynnu ku sugi doonnaa in warkaasi uu khuraafo aanay waxba ka jirin yahay, ee dhacdadaasi ay ahayd keliya hawlgal milatari oo lagu fuliyay niman haddii ay ugu bataan 80 aan gaadhsiisanayn oo Khiyaanada weyn ku kacay; innaga oo raacinaynna caddaymo caqli-gal ah iyo taariikho sugan.
Sababtii duullaanka
Markii Nebi Muxammed uu magaalada Madiina ka saaray yuhuuddii Reer Banii Nadiir ee uu u raray Shaam iyo Khaybar, ka dib markii ay is ku dayeen in ay khaarijiyaan oo ay shirqoolaan, ayaa Xuyay binu Akhdab oo madaxii Reer Banii Nadiir ahaa uu bilaabay in uu Quraysh ku soo kiciyo Nebi Muxammed iyo saxaabadiisa, iyada oo Nebigu haddaa uu cafiyay oo maalkoodii iyo dhiiggoodiiba uu u ilaaliyay, oo keliya uu ku gaabsaday in uu magaalada ka tarxiilo maaddaama oo ballankii wada-noolaanshaha ay ka baxeen.
Dabadeed waxaa isa soo urursaday Reer Banuu Sulaym, Reer Banuu Murra, Fasaara, Qadafaan iyo Quraysh oo dhan, waxaana unkamay ciidankii weynaa ee Isbahaysiga (الأحزاب) lagu magacaabay, kaas oo kummanaan dagaalyahan ka koobnaa. Kadibna Xuyay waxa uu u tegay madaxii Reer Banii Qurayda ee Kacb bin Asad ¹ , si uu u gu guubaabiyo in uu ku biiro Axsaabta oo magaalada dhanka koonfureed oo bannaanayd uu ka soo galo. Laakiin Kacb in kasta oo markii hore uu ka yara joogsaday maaddaama oo ballan ka dhexeeyay isaga iyo Nebi Muxammed aakhirkii waa uu ku qancay, waxa uuna ka dalbaday in laba kun oo dagaalyahan ay ku soo xoojiyaan.
Tani waxa ay ahayd khiddad aad halis ugu ah muslimiinta, haddii ay guulaysan lahaydna muslimiin dambe dib loo ma ma arkeen, sida mustashriqii iyo taariikhyahankii Scottishka ee W. Montgomery Watt uu ku xusay buuggiisa “Muhammad at Medina (محمد في المدينة)“.
Maxkamadayntii Banii Qurayda
Markii Rasuulku uu warkaa dhiillada leh maqlay waa uu ka qariyay saxaabada, si aanay niyad-jab iyo cabsi hor leh oo kale aanay u qabsannin. Waxa uuna gudagalay sidii caadada u ahayd in uu is ka hubsado, isaga oo diray Sacad bin Mucaad (Madaxii Aws), Sacad bin Cubaada (Madaxii Khasraj), Cabdillaahi bin Rawaaxa iyo Khawaat bin Jubayr. Markii ay tageenna waxa ay ku la kulmeen afjigaad iyo caddaysasho ballan-burin, afartii saxaabina waa ay ku soo warceliyaan Rasuulka.
Nasiibwanaag dagaalkii ciidamadii Isbahaysigu waa uu fashilmay oo ma dhicin, ciidamadii Isbahaysiguna waxa ay ku ka la laabteen deegaannadoodii, muslimiintiina waxa ay ka badbaadeen halistii ugu weynayd ee abid soo foodsaartay. Markii ay sidaa u ga soo noqdeen Khandaqii, ayaa iyaga oo nasta oo dharka dagaalka is ka dhiga is leh Rasuulku uu u sheegay in Jibriil uu u yimi oo la amray in uu ku duulo Reer Banii Qurayda. Waxa uuna ku yidhi saxaabadii: “Mid idinka idin ka mid ahi yaanu salaadda Casar ku tukan meel aan Banii Qurayda ahayn”. ² Ka dib saxaabadii waxa ay weerareen Reer Banii-Qurayda, sida buugaagta taariikhdu ay xusaanna waxaa iskuweer laga hayay ilaa dhowr iyo labaatan maalmood ³ . Dabadeed markii ay u adkaysan waayeen go’doonkii ayaa ay isa soo dhiibeen, iyaga oo shardistay in uu xukumo Sacad bin Mucaad oo Islaamka ka hor ay xulafo ahaayeen, odaygii Reer Awsna ahaa; oo in uu la saayiro ay ka rajaynnayeen. ⁴
Sacad binu Mucaad waxaa uu ku xukumay in dagaalyannada la laayo, dumarka iyo caruurtana la qafaasho, xoolahooda iyo maalkoodana la qaniimaysto. Dabcan xukunkanna waxa uu la jaanqaadayaa xeerarka caalamiga ah ee hadda jira, kuwaas oo dhigaya in cidda ku kacda Khiyaanada weyn (High treason — الخيانة العظمى) ay mudan tahay in la khaarijiyo, ama xabsi daa’in la gu xukumo. Reer Banii Qurayda dagaalyahannadooda khiyaanadooduba taas waaba ay ka sii xagjirtay, oo xilli muslimiinta aad ugu adkaa o la is ku soo wada xulafaystay ayaa inta ay ballankii ka dhexeeyay buriyeen ay soo raaceen cadowgoodii ⁵; halkii curfigu uu keenayay in arrinkaa caksigiisa ay sameeyaan, oo Madiina ay dawladda muslimiinta la difaacaan.
Xaqiiqada tirada la dilay
Marka hore aynnu is la ogaanno, in waqtigii hore ee saxaabada aanay jirin diiwaanno la gu qoro tirada dadka dagaalka lagu laayay, kuwa dhaawaca ah iyo waxa la midka ah. Mar hadday sidaa tahayna, cid kastaaba waxa ay jeclayd in ay korodhsato tirada ay dileen; maaddaama guul ay gaadheen iyo jab ay cadowgooda ku rideen ay tusinayso. Taasina waa arrin caan ah oo ilaa hadda la adeegsado (in tirada cadowga laga dilay la badiyo). Waana ta sababta in hal dagaal oo kali ah tirooyin kala duwan oo aad u ka la badan la sheego.
Marka aynnu u imanno Reer Banii-Qurayda, horta kutubta saxiixa ah ee lagu kalsoon yahay sida Bukhaari iyo Muslin midna tiro muu sheegin, aad ayaana la is ku gu khilaafay intii laga dilay maalintaas, oo qaarkood waxa ay sheegeen sida Ibnu Isxaaq oo bilaa zanad ku soo weriyay i in ay ahaayeen 600 ilaa 700 oo dagaalyahan, halka qaar ay sheegeen 800 – 900 oo dagaalyahan ⁶! Imaam Axmed, Nasaa’i, Tirmidi iyo Ibnu-Xibaanna waxa ay Jaabbir bin Cabdillaahi ka soo weriyeen in ay ahaayeen 400 oo dagaalyahan ⁷. Imaamkii weynaa ee Xumayd bin Sanjawayhna waxa uu zanad saxiix ah kaga soo guuriyay Imaam Ibnu Shihaab as-Suhri in uu yidhi waxa ay ahaayeen 40 dagaalyahan. ⁸
Riwaayadaha sheegaya in 500, 600, ama 900 ay ahaayeen, waxa ay sheegaan in Rasuulku uu dhammaantood soo kexeeyay; dabcanna inta iyaga iyo Madiina u dhexaysay waxa ay ahayd lix ilaa 7 saacadood oo lug ah in loo ka la socdo. Ka dibna Rasuulku uu godad magaalada Madiina u ga dhex qoday, dabadeedna koox-koox inta madaxa la ga guro godadka la gu dhex ridayay. Marka la ga yimaaddo in riwaayadahaas mid kastaba zanadkeeda la gu muransan yahay, iyo in meelo farabadan ay Qur’aanka kariimka ah ku khilaafsan tahay, iyo in labada saxiix ee Bukhaari iyo Muslin midna aanu sheegin tiro iwm; balse ay xuseen uun xukunkii Sacad ee ahaa in dagaalyahannada ama kuwii dagaalka ku lugta lahaa ee cadowga soo raacay la laayo, su’aallo iyo qodobbo badan oo waaweyn ayaa ku dul gadaaman riwaayadahaas, kuwaas oo oo xoojinaya in waaqaca iyo xaqiiqadaba ay ka fog yihiin.
1. Waxa riwaayadahaasi ay sheegeen in waxoogiiba — rag iyo dumar iyo caruurba — lagu xareeyay laba daarood oo ka la ahaa tii Usaama bin Zayd iyo Bintul Xaarith an-Najaariya. Haddaba suurtogal ma tahay in laba daarood ay qaadaan dad gaadhaya laba kun oo qof? Macquul ma aha in laba guri ay laba kun oo qof qaadaan, aad bayna taasi waaqica u ga fog tahay.
2. Iyada oo uu jiro godkii Khandaq oo ilaa 5 KM dhamaa, maxay ahayd baahida loo qabay in sagaal boqol ama shan boqol oo qof Madiina la gu dhex dilo oo suuqyada Madiina godod looga dhex qodo; iyada oo ay ka dhalan karaan haliso caafimaad iyo xanuunno faafa?
3. Waxa is weyddiin mudan, aaway godadkii ama xabaallo-waddareedyadii Madiina la ga dhex qoday ee la gu dhex raseeyay meydadkii boqollaalkaas qof, illeen taariikhda la gu ma maqal godad la leeyahay waa godadkii Reer Banii Qurayda e?! Taasi waxa ay xoojinaysaa in aanay godadba jirin, tirada raggii maalintaa la dilayna ay aad u yaraayeen oo raggii madaxda ahaa uun ay ahaayeen, oo ugu badnaan 20 ama 40 sidii Ibnu Shihaab sheegay, ama 50 iyo 70 ugu badnaan ay ahaayeen.
4. Riwaayadaha qaar waxa ay sheegeen in Cali iyo Subeer oo keli ah uu Rasuulku u igmaday fulinta xukunkaa dilka ah. ⁹ Haddaba ma dhici kartaa laba qof oo keli ahi in ay 500, 600 ama 900 oo qof ay seef ku dilaan hal maalin? Saykoolaji ahaan iyo nafsad ahaan ma awoodaan. Taasina waxa ay xoojinaysaa in tirada maalintaa la dilay ay aad u yaraayeen.
5. Haddii ay dhab tahay in intaas oo qof la dilay, siday ku dhacday in Yuhuudda qaybo ka mid ah oo Madiina ku hadhay ay xaalad nabad ah oo aan cabsi ku jirin ay hawlahoodii is ka ga sii wataan, sida uu Montgomery Watt-ba xusay?
6. Yuhuuddu waxa ay caan ku ahayd in dhacdooyinkii iyo taariikhihii qadhaadhaa ee la soo mariyay ay ururiyaan oo weliba ay buunbuuniyaan. Haddaba haddii 400 ilaa 900 oo qof hal maalin laga dilay maxay ku dhacday in buugaagtooda taariikhda ay ku qori waayaan? Tusaale ahaan qoraagii yuhuudiga ahaa ee Samuel Usque oo is ka leh buugga caanka ah Tacsiyadaha Musiibooyinkii Israa’iil ( Consolation for the Tribulations of Israel — عزايا عن بلايا إسرائيل) oo uu ku ururiyay dhammaan musiibooyinkii Yuhuudda ku dhacay ama loo geystay, xilliga uu buuggiisaas qorayayna ay ahayd xilligii Muxammed bin Isaxaaq uu taariikhdaa qoray, muxuu meel yar oo ka mid ah uu u ku xusi waayo wax dhacdadan xasuuq-ku-sheegga ah ku saabsan? Taasi waxa ay xoojinaysaa in xasuuq aanu sinnaba u dhicin, ee hawlgal milatari uun la gu fuliyay khiyaanoolayaashii balanka ka baxay madaxoodii. Maxaa yeelay haddii xasuuq sidaas ahi uu dhici lahaa suurtogal ma noqoteen in buugaagta taariikhda ee Yuhuudda laga waayo.
7. Waxaa la og yahay in dumarkii iyo caruurtii maalintaa laga qabsaday Reer Banii Qurayda ugu badnaan ay ahaayeen 1000, qaarna 700 ayayba ku sheegaan e. Haddaba haddii aynnu meesha u hoosaysa ka soo qabanno, oo aynnu xisaabinno in ugu yaraan nin kastaaba uu shan caruur ah iyo gabadh ay guriga u joogtay, kadibna lixdaas aynnu 1000 u qaybinno, waxaa i noo soo baxaya in raggu ay ahaayeen 166 nin; waa marka aynnu ka soo qaadno in wax alliyo wixii rag ahaa oo dhan la dilay oon cidna la cafin, in kasta oo sida aayadda “فريقا تقتلون وتأسرون فريقا — Qayb aad dilaysaan iyo qayb aydin xidhaysaan” ¹⁰ ku cad ay jiraan rag weliba badan oo la xidhay oo dilka ka nabad-galay. Waxbana ka ma jiraan hadalka ah in “تأسرون” looga jeedo dumarka iyo caruurta, maxaa yeelay iyaga loo ma adeegsado “أسر” ee waxa loo adeegsadaa “سبي”. Haddii tusaale ahaan aynnu nidhaahno ugu yaraan kalabadh ayaa la cafiyayna, waxaa inoo soo baxaysa in ugu badnaan inta la dilay ay 80 iyo meelahaas ahaayeen.
Dabcan waxba kama jiraan beenta ah in Rasuulku uu dilayay cid kasta oo timaha hoose ay u soo baxeen, oo taasi waxa ay ka soo horjeeddaa dhaqankiisii iyo dhammaan siiradiisii oo dhan. Waxaana xusid mudan in ninka Ibnu Isaxaaq uu warkaas ka soo weriyay uu yahay nin Reer Banii Qurayda ka mid ah oo la yidhaahdo Cadiyah l-Quradi. In kasta oo la sheego in uu Islaamayna lagu ma kalsoonaan karo, maxaa yeelay weli waxaa ku sii jiri karta qabyaalad iyo kooxaysi. Imaam Maaligna Ibnu Isaxaaq aad buu ugu dhaliili jiray in duullaannadii Rasuulka uu ka soo weriyo niman Yuhuud ah ¹¹, ama waagii hore Yuhuud ahaa; kadibna uu buuggiisa Taariikhda ku daro.
Ma laga fursan karayay xukunkaas?
Marka la ga yimaaddo in dilka ay mutaysteen maaddaama ay khiyaanada weyn ku dhaceen, maangal ma ay ahaateen in aadyar la is ka sii daayo, waxaana ay ahaan lahayd khiddad milatari oo aad u liidata. Maxaa yeelay dagaalkii intaa le’ekaa ee isbahaysiga ahaa waxa soo abaabulay kuwii shalay uu is ka cafiyay, oo Reer Banii Nadiir ahaa. Maantana kuwan haddii la is ka sii daayo waxa ay la macno ahaan lahayd uun in loo fasaxay in isbahaysigii ay dib u gu biiraan oo mar kale dagaal aan la is ka caabbin karin muslimiinta lagu soo qaado. Taana waxaa ka markhaati kacay mustashriqiin iyo taariikhyahanno Reer Galbeed ah.
Qoraagii reer British ee Karen Armstrong waxa ay buuggeeda caanka ah Muhammad: A Biography of the Prophet (سيرة النبي محمد) ku tidhi: “Umadda Islaamku waxa ay si cajiib ah uga badbaadday isir-sifayn baahsan waqtigii go’doonka (go’doonkii Khandaq)…. Sidoo kale Reer Banii Qurayda waxa ay inyar u jirsadeen in Madiina ay baabiiyaan. Haddii Muxammed uu is ka sii dayn lahaana waxa ay ka shaqayn lahaayeen sii kordhinta mucaaraddada yuhuuddii Khaybar, waxa ayna abaabuli lahaayeen weerar kale oo ku aaddan Madiina; oo muslimiintu dammaano-qaad kale u ma haysan in mar kale uu nasiibku saacido [sidii uu u saaciday dagaalkii Khandaq].” ¹²
Tixraacyo
1. Siiratu Ibnu Hishaam (J2/221), As-Siira Nabawiyah, Raagib as-Surjaani (J28/11).
2. Waxaa soo saaray Bukhaari (4119) iyo Muslin (1770)
3. Taariikhu Dabari (J20/ 585), Siirada Ibnu Hishaam (3/246)
4. Mohammad at Medina, W. Montgomery Watt (327)
5. Tixraaca hore (226)
6. Ibnu Hishaam (J2/240)
7. Waxaa soo weriyay Axmed (14773), Nasaa’i fil Kubraa (7679) iyo Ibnu Xibbaan (4784)
8. Al-Amwaal, Ibnu Zanjawayhi (461)
9. Inaaratu Dujaa, Xasan bin Muxammed an-Nashaad (J1/402)
10. Suuratu Axsaab (26)
11. Athiqaat, Ibnu Xibbaan (J7/381 – 283)
12. Siiratu Nabiyi Muxammad, Karen Armstrong (308)