Salafka Wahaabiyadu Waa Ayo?

F.G! Qormadan waa laba qoraal oo la isu geeyay oo ka mid ahaa taxane mawdduucan ku saabsanaa, kaas oo laba qaybood keliya ay ka soo baxeen intii kalena ay dhimman tahay.

Qormadan waxa aynnu hab cilmiyayasan ugu faaqidi doonnaa salafka Wahaabiyadu cidda dhabta ah ee uu yahay, . Waxaana aydin ka la ogaan doontaan, maaddaama laba salaf ay jireen (السلف الصالح والسلف الطالح — Salafka wanaagsan iyo salafka xun), kooda ay raaceen, innaga oo caawa ka bilaabi doonna mid ka mid ah salafkoodaas oo Qaadi Abuu Yaclaa al-Farraa la dhaho.

1. Abuu Yaclaa Al-Farraa

Abuu Yaclaa al-Farraa waa tiir ka mid ah tiirarka waaweyn ee Wahaabiyada, waana wadaad uu in badan cuskado oo odhaaydiisa uu kutubtiisa aad ugu soo xigto Ibnu Taymiya al-Xarraani. Abuu Yaclaa waxa uu is ka leeyahay buug uu ku magacaabay Ibdaalu Ta’wiilaat, oo uu is ku gu soo dhex uruuriyay tajsiim iyo jidhayn Alle oo dhan; iyo axaadiisyo gacan-ku-samays (موضوع) ah oo Rasuulka la ga ga been-abuurtay, kuwaas oo uu is ku deyayo in uu saxiixiyo oo uu difaaco. Ilaa taariikhyahankii iyo sheekhii weynaa ee Ibnul Athiir uu yidhi isaga oo buuggaas dhalleecaynnaya: “waxa uu isugu keenay amakaag oo dhan, sida baababka uu u tartiibsadayna waxa ay ku tusinaysaa tajsiim badhaxla”. ¹

Abuu Yaclaa waxa uu rumaysnaa in Alle uu carshiga ku dul fadhiyo, oo halkaas uu ku dul sugan yahay (Alle waa uu ka hufan yahay e). Isaga oo arrinkaas tilmaamayana waxa uu yidhi: “Kaasi ma reebtoonaanayo, si la mid ah sida aanay u reebtoonayn in Alle la gu tilmaamo in carshiga uu ku dul fadhiyo”. ² Sidoo kale waxa uu aamminsanaa in mararka qaarna marka uu macbuudkiisu kursiga uu ku dul fadhiisto, uu kursigu jiqiiq-jiqiiq yidhaahdo! Waana kan isaga oo leh: “Ma na reebtoona in kursigu uu jiqiiq-jiqiiq yidhaahdo marka daatada Alle ay ku dul fadhiisato”. ³

Imaamkii weynaa ee tafsiiryahanka ahaa ee Abuu-Bakar Ibnul-Carabina, waxa uu kitaabkiisa weyn ee Al-Cawaasim Minal Qawaasim uu ku soo guuriyay, in Abuu Yaclaa markii la ga deyn waayay su’aasha ah Ilaahay sifadaa ma leeyahay, taa ma leeyahay iwm uu yidhi, “Wax kasta ii tiiriya waan qabaa wax aan gadhka iyo xubinta taranka aan ka ahayn e”. ⁴ Macnihii wax aan gadhkaas iyo cawradaa ahayn oo dhan Ilaahay ku sifeeya, laakiin labadaas maaddaama cawradana uu Alle yidhi “لم يلد”, gadhkana uu xadiis gacankusamays ah oo isagu uu buuggiisa Ibdaalka uu ku saxiixiyay uu ku soo arooray, iyaga labadaas uun Alle ha ku sifaynnina, se waxa kale oo dhan waad ku tilmaami kartaan, anna waan qabaa!

Abuu Yaclaa waxa uu buuggiisa Ibdaalka uu ku saxiixinayaa xadiis gacankusamays ah oo Rasuulka la ga ga been-abuurtay, kaas oo sheegaya in Rasuulku uu arkay Ilaahay oo wiil dhallinyaro ah oo timo-adag oo gadh-ma-layte ah ⁵— Alle waa uu ka hufan yahay waxaa ay ku tilmaameen e. Waxa uu is ku dayayaa in uu aad u difaacayo, oo weliba Mushabbihada kale riyo iyo wax ayuu Rasuulku ku arkay ayay ku anddacoodaan jireene isaga waxa uu qabay in Rasuulku uu toos uu u arkay, Ilaahayna uu wiilkaa dhallinyarada ah ee timaha adag uu yahay!

Waxa uu qabay in Nebi Muxammed uu Ilaahay carshiga ku la fadhiisan doono , si la mid ah sidii uu u qabay ardaygiisii Ibnu Taymiya al-Xarraani, oo buuggiisa Majmuuca ku xusay in caqiido wanaagsan ay tahay, sida aynnu ku faahfaahinnay qormadan. Weliba Abuu Yaclaa waxa uu qabay in caqiidadaasi ay ka la saarto Ehlu-Sunnaha iyo bidcoolayaasha, oo ninkii aan qabin uu halaagsamayo. Isaga oo arrinkaas caddaynayana waxa uu yidhi: “Waxa aannu is ku laasiminnay raddinta kuwa diiday fadligan culimadu ay sheegeen ee ay aqbaleen [waa in Nebi Muxammed uu Ilaahay la fadhiisanayo e], cudda diiddaana waxa ay ka mid tahay firqooyinka halaagsamay”. ⁶

Abuu Yaclaa al-Farraa iyo buuggiisa Ibdaalkaba culimo waaweyn oo ay is ku Xanaabilo yihiin ayaa raddiyay, oo waxba kama jiraan ku sheegay, sida Safaariini, Ibnul Qaadil Jabal, Ibnul Jawsi iyo qaar kale oo badan. Waxaana malaha ugu raddin adkaa caalimkii xanbaliga ahaa ee Abul Faraj Ibnul Jawsi, oo caan ku ahaa raddinta mushabbihada Xanaabilada ka mid ah, mas’aladaana ka qoray kitaabkiisa weyn ee caanka ah ee Dafcu Shubahi Tashbiih, kaas oo bilowga kitaabkiisaba kuwa weeraraya Abuu Yacla iyo kuwa la midka ah ee Ilaahay abuurkiisa ku shabbahay. Waxa uu Imaam Abul Faraj uu yidhi isaga oo sheekhii weynaa ee xambaliga ahaa Abuu Muxammed Risqullaah at-Tamiimi ka soo raraya: “Dhab ahaan Abuu Yaclaa waa uu ku kaajay mad’habka Xanbaliga ah, weliba kaadi aanay biyaha baddu dhaqi karin”. ⁷

Imaamkii weynaa ee Dahabi, oo isagu Ibnu Taymiya hal mas’alo ku raacay, waxa uu yidhi isaga oo ka warramaya buuggan Ibdaalka ee Abuu Yacla uu qoray: “Qaadi Abii Yaclaa khibrad u muu lahayn cilalka xadiiska iyo rijaasha toona, sidaa aawadeed ayuu usuul iyo furuucba uu ugu soo xujaystay xadiisyo waxba kama jiraan ah”. ⁸

2. Cusmaan bin Saciid ad-Daarimi

Cusmaan bin Saciid ad-Daarimi waxa uu ka mid yahay salafka Wahaabiyada, waana ragga ay aadka ugu faanaan ee sheekhooda Ibnu Taymiyana uu cuskado. Mana aha sheekhii weynaa ee Sunanka is ka lahaa ee Abuu Muxammed Cabdullaahi bin Cabdiraxmaan ad-Daarimi as-Samarqandi ee geeryooday 255kii Hijriga, oo kan waxaa la yidhaahdaa Cismaan bin Saciid, waxa uuna geeryooday 280kii Hijriga.

Daarimi waxa loo tiiriyaa ama uu is ka leeyahay buug meelahaa 400 oo bog ka kooban, oo uu ku raddinayay nin muctasili ahaa oo la odhan jiray Bishri al-Mariisii, oo magaciisa la yidhaahdo “نقض عثمان بن سعيد على بشر المريسي”. Laakiin ha raddiyo oo ma ba xumee, waxa uu noqday mushabbih mucaddil raddinaya, oo waxa uu buuggiisa ka dhex buuxiyay tajsiim iyo jidhayn Alle oo dhan iyo u eekaysiin uu Ilaahay iyo abuurkiisa isu eekaysiinayo.

Daarimi waxa uu qabay, buuggiisaasna uu ku caddeeyay, in ilaahiisa afar malag ay tunka ku sidaan, oo isna carshiga uu fuushan yahay. Waana kan isaga oo leh: “Waxaa na soo gaadhay in markii ay xambaareen [malaa’igtu] carshiga, tiiyoo uu korka ka saaran yahay Jabbaarku isaga oo ku gaashaaman weynidiisa iyo jaliilnimadiisa, in ay tabarbeeleen oo tadarruceen, jilbo-jilbana ay u dhaceen, ilaa loo ga laqimay “لا حول ولا قوة إلا بالله “, kadibna ay qaadeen”. ⁹ Waxa uuna sii raaciyay, “Hadduu doono baal kaneeco ayuu ku dul sugnaan karaa, markaasaa ay qaadi kartaa; waaba carshiga oo samooyinka ka weynbe e”. ¹⁰ Macnihii ilaaha uu caabudo kaneeco yar ayaa qaadi karta, imikana afar malag ayaaba sida oo dhabarka uu ka saaran yahay!

Daarimi waxa uu qabay in macbuudkiisu uu dhaq-dhaqaaqo, oo uu markuu doono fadhiisto markuu doonana istaago, iyada oo aynnu wada og nahay in isbed-beddelka iyo dhaq-dhaqaaqu uu tilmaamaha makhkuuqaadka ka mid yahay! Waxa uuna ku yidhi buuggiisa: “Maxaa yeelay Allaha Xayiga ah ee Qayuumka ahi wuxuu doonuu sameeyaa, xilliguu doonoo dhaq-dhaqaaqaa, markuu doono ayuu hoos u soo degaa korna uu u kacaa, xilliguu doono ayuu wax haystaa wax bixiyaa fadhiistaa oo uu istaagaa; maxaa yeelay astaanta noolaha iyo ma-noolaha u dhexaysaa waa dhaq-dhaqaaqa!” ¹¹ Waana jaahil e, nolosha iyo dhaq-dhaqaaqu in ay is laasimaan ma aha wax caqligu keenayo, ee waa wax caadadu ay keentay oo la la bartay oo dabiici iska noqotay. Markaas ayuu Ilaahay iyo abuurkiisii uu is ka ga qiyaas qaatay oo uu is ku eekaysiiyay, oo uu yidhi mar haddii alle nool yahay waa in uu dhaq-dhaqaaqo oo uu marna fadhiisto marna istaago. Kaasina waa qiyaas-qaadasho qaldan iyo fahan gaaban, oo kelia ka soo fuli karta madaxa qof caqli la’ oo mushabbih ah.

Daarimi waxa uu qabay in buurta iyo barriga ay buurtu Ilaahay u ga dhaw dahay maaddaama oo ay ka sarrayso, oo meeliba meesha ay ka sii sarrayso ay Ilaahay uga sii dhaw dahay masaafo ahaan— Alle waa uu ka hufan yahay waxaa uu ku tilmaamay e. Waxa uuna ku yidhi buuggiisa: “Qofka rumeeya in Ilaahay uu carshigiisa dushiisa ahaaday samooyinka korkooda, si hubanti ah waxa uu u ogaanayaa in figta buurtu ay xaggeeda hoose Ilaahay uga dhaw dahay”! ¹²

Waxa kale oo uu qabay in Alle Aadan markii uu abuurayay uu si toos ah gacanta uu u la dhex galay, oo Alle iyo Aadan ay is taabteen. Waxa uuna yidhi: ” Ilaahay waxa uu gacantiisa ku tawalliyay abuurka Aadan isaga oo taabanaya”! ¹³ Mana jiro cid salafka ka mid ah oo tidhi Ilaahay ayaa gacanta la dhex galay wixii uu ka abuurayay Aadan, la ma na soo heli karo.  Dabcanna waxa uu qalad-fahmay aayaddii “لما خلقت بيدي”, waxa uuna u qaatay in Alle gacmo xaqiiqo ah oo xubin ah uu leeyahay, sidoo kalana uu gacmahaa la dhex galay abuurkii Aadan, iyada oo macnaha aayaddu ay tahay “Ibliisoow, maxaa kuu diiday in aad u sujuuddo waxa aan gacmahayga ku abuuray”, macnihii “Aniga ayaaba abuuray ee sideed ugu sujuudi weyday?”. Waana usluub innaguba aynnu adeegsanno marka aynnu doonaynno in wax aynnu sharafno.

Haddaba ninka caqiidooyinkaa halista ah ee gaalnimada afka u saaran haddii ayna ahaynba aamminsanaa ee buugaagtiisa ku dhigay, Wahaabiyada waxa uu u yahay salaf wanaagsan oo ay ku daydaan, diintana ay ka qaataan.  La gu ma kadsoomi karo tarjumada imaam Taaju-diin as-Subki uu ninkan ka qoray, oo imaamku ma daalacan buuggiisan sida muuqata. Maxaa yeelay suurtogal ma ahaateen in nin leh buug waxaasoo dhami ay ku qoran yihiin uu ammaano, iyada oo la og yahay sida imaamku uu mujasimada iyo mushabbihada ku ahaa.


Tixraacyo

  1. Alkaamil fi Taariikh, Ibnul-Athiir (J8/278)
  2. Ibdaalu Ta’wiilaat, Abuu Yaclaa (174)
  3. Ibdaalu Ta’wiilaat (537)
  4. Al Cawaasim Min al-Qawaasim, Abuu Bakar Ibnul-Carabi (J2/283)
  5. Ibdaalu Ta’wiilaat (147 – 148)
  6. Ibdaalu Ta’wiilaat (524)
  7. As-Sayfu Saqiil, Taqiyu-diin as-Subki (184)
  8. Taariikhul Islaam, Shamsudiin ad-Dahabi (J10/101)
  9. Naqdu Cusmaan bin Saciid (85)
  10. Tixraaca hore
  11. Naqdu Cusmaan bin Saciid ( 20)
  12. Naqdu Cusmaan bin Saciid (504)
  13. Naqdu Cusmaan bin Saciid (25)

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top