Dad badani waxa ay is ku qaldaan astronomy-ga ( علم الفلك) oo cilmul-falagga ah iyo astrology-ga (التنجيم) oo xiddigiska ah oo beryihii hore aan kala soocnaan jiray se beri dambe la ka la soocay; farqi weyn ayaana u dhexeeya labadan oo is ku mid ma aha. Cilmul-falaggu (astronomy) waa saynis badhax la, waana barashada meerayaasha, xiddigaha, dayaxyada, godadka madmadow iyo wax kasta oo ku saabsan cirka oo ka baxsan meereheennan dhulka; halka xiddigisku uu yahay in waxyaabahaa ka dhacaya cirka loo adeegsado in la ga ga sii warramo arrimo la soo darsi doona dadka qaar iyo waxyaabo la mid ah. Kan dambena waa jaad ka ka mid ah jaadadka faalka ee saynis ma aha, waana khuraafaad iyo waxba-kama-jiraan badankiisu, afka cilmiga ahna waxa uu ka mid yahay bahda loo yaqaanno pseudo-science-ka (العلم الزائف); waana ka diinta Islaamka dhexdeeda laga dayriyay ee ka hore ma aha.