Aabbahaa waad ka da’ weynaan kartaa

Wixii ka horreeyay saynisyahankii weynaa ee Jarmalka ahaa ee Albert Einstein, saynisyahannadii Classical physics-ka (الفيزياء الكلاسيكية) oo uu u horreeyo Isaac Newton waxa ay qabeen in waqtigu uu yahay xaqiiqo mudlaq ah (absolute), taas oo wax saameeyaa aanu jirin. Sidaa aawadeedna waxaa loo haystay in waqtiga dhulka, cadceedda iyo meerayaasha iyo xiddigaha iyo kawnka oo dhamiba uu isku mid yahay.

Albert Einstein

Laakiin markii uu yimid Albert Einstein, ee uu soo bandhigay labadiisa aragtiyood ee Xigaalnimada Gaarka ah (Special Relativity النسبية الخاصة) iyo Xigaalnimada Guud (General Relativity-da النسبية العامة), fikraddii ahayd in waqtigu uu absolute yahay waxa ay noqotay khuraafo; waqtigana waxaa la ogaaday in uu nisbi (relative) yahay, oo uu ku saamoobo xawaaraha iyo cufka (mass- الكتلة) oo kawnku aanu isku waqti ahayn.

Maaddaama ay sidaas tahayna, tagtada (past – الماضي), taaganta (present – الحاضر ) iyo timaaddaduba (المستقبل – future) waa waxyaabo nisbi ah. Macnihii waxa adiga taagan (present) kuu ah meerayaal kale marka loo eego waa wax tagay (past), waxyaabo adiga tagto kuu ahna meerayaal kale marka loo eego waxa ay u yihiin taagan (present); halka wax adiga timaaddo (future) kuu ah meerayaal kale ay u yihiin taagan, halka qaar kalana ay u yihiin tagto (past).


Tusaale ahaan, saddex meere ayaa si siman oo sida jaantuuska sare ka muuqata oo kale ah is kugu xiga.  Meeraha dhexda ku jira ee  T aynnu ka soo qaadno in meeraha B uu u jiro 10 sannad-ilayseed,  meeraha kale ee J-na uu meeraha T u jiro 5 ilays-sannadeed. Haddaba haddii aynnu ka soo qaadno in meeraha “B” uu qarax ka dhacay, qaraxaas waxa ay noolayaasha ku nool meeraha “T” ay ogaanayaan 10 sano ka dib markii uu dhacay, iyagana waxa uu u noqonayaa wax hadda dhacaya (present), maxaa yeelay ma arki karaan ilaa ilaysku uu u soo gudbiyo; ilayskuna si uu u soo gaadho waxa ay ku qaadanaysaa toban sano.

Haddaba halkaa marka aynnu taagan nahay, noolayaasha ku nool meeraha T waxa taagan (present) u ah oo ay arkayaan wax noolayaasha ku nool meeraha J ay arki doonaan 5 sano oo kale ka dib, sidaa darteed waxa ay arkayaan timaaddadooda. Is la xilligaasna, waxa noolayaasha meeraha T ku nool u ah taagan waa tagto (past) marka loo eego meerihii qaraxu uu ka dhacay ee B. Waxaana tusaalahan innooga caddaaday in waqtigu uu nisbi (relative) yahay, oo kawnku aanu is ku waqti ahayn.

Sida oo kale, aragtida Xigaalnimada Gaarka ahi ( Special Relativity; النسبية الخاصة) waxa ay inna baraysaa: in shayga xawaarihiisu mar kasta oo sii kordho oo ka ilayska (300, 000 km/s) u ku sii dhawaado uu waqtigiisu uu soo gaabanayo, ama uu luudayo. Waana waxa loo yaqaanno Luudidda wakhtiga (Time dilation – تباطؤ الزمن), sannadkii  1971 ayaana laba saacadood lagu tijaabiyay, oo iayaga oo isku waqti sheegaya midna cirka loo diray inta aaladcireed la saaray, midna dhulka lagu sii daayay, ka dibna markii ay soo noqotay waxaa la arkay in tii cirka loo diray ay ka gaabisay tii dhulka, sababtuna waa in  xaawaraheedu uu kordhay sidaas aawadeedna waqtigeedu uu u luuday.

Isqabanwaaga Mataanaha (Twin paradox: مفارقة التوأمين)

Tusaale aynnu soo qabanno caan ah, oo loo yaqaanno Isqabanwaaga Mataanaha (Twin paradox : مفارقة التوأمين). Bilmetel, Axmed iyo Cumar oo mataanno ah, da’dooduna ay tahay 20 sano, ayaa Axmed uu u safray meere 20 ilays-sannadeed jira; isaga oo raacay aalad-cireed ku socota xawaaraha ilayska mid u dhow. Einstein waxa uu inna leeyahay, Axmed waqtigiisu waa uu luudayaa, sababtuna waa in wakhtigu  (الزمن) uu gaabiyo ama luudo mar kasta oo xawaaruhu uu sii bato ama ka ilayska uu ku sii dhawaado. Sidaa aawadeed, waxaa suurtogal ah in Axmed isagu uu meerahaa 20ka ilays-sannadeed jira uu ku tago kagana soo noqdo 2 sano iyo meelahaa gudahood goortiisa/ zamankiisa oo gaabinaysa aawadeed, oo uu soo noqdo Cumar oo 40 sano ay da’diisa ku koroddhay (20 uu Axmed sii socday iyo 20 uu soo socday) oo 60 jir ah, isna da’diisa ay laba sano ku koroddhay oo 22 jiir ah.

Is la tusaalahan, haddii halkaa aynnu mataannaha nidhi aynnu ka dhigno ama ku beddelno in ay is dhaleen, oo Axmed uu dhalay Cumar, Axmed da’diisuna ay tahay 40 sano, Cumar oo wiilkiisa ahna 20 sano; Axmed waxa uu soo noqonayaa wiilkiisii oo 60 jir ah muuqaal ahaan iyo jidh ahaanba, isna uu 42 sano jir yahay muuqaal ahaan iyo jidh ahaanba!

Sidaa darteed, wiilku aabbihii waa uu ka da weynaaan karaa!

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top