“Dhinacyada layaabka leh ee Aragtida Dhallanrogadku ay leedahay waxaa ka mid ah in ruux waliba uu u haysto in uu fahansan yahay”!
—Bayoolajistigii Jarmalka ahaa ee sannadkii 1976 abaalamarinta Nobel Prize-ta ka qaatay caafimaadka, Jaak Moonood (Jacques Monod).
Ku dhowaad lix bilood ka dib soo bixistii buuggii Jaarles Daarwin ee Asalka Sinjiyada (Origin of Species; أصل الأنواع), bishii Juun 1860 , Madxafka Jaamacadda Oxford waxa ka dhacday dood ku saabsan Aragtida Dhallanrogadka. Waxa dooddan ka qaybgalay Thomas Henry Huxley oo ahaa Daarwin saaxiibkii, kana mid ahaa saynisyahannadii bayoolajiga kuwii ugu waaeynaa qarnigii 19aad, Robert FitzRoy oo isna ahaa wadihii doonida Beagle ee Jaarles Daarwin, Samuel Wilberforce oo ahaa baadderi Ingiriis ah, Joseph Dalton Hooke iyo rag kale oo badan.
Ka dib waxaa niqaash koobani uu dhex maray Thomas Henry Huxley iyo Samuel Wilberforce. Weilberforce waxa uu Hexley si jeesjees uu ka muuqdo u weyddiiyay su’aal u dhigan: “Awoowyadaada hooyo iyo kuwaaga aabbo kuwee baa daanyeerro ahaa?”! Markaas baa Huxley markii uu arkay in ninkani aanu waxba aragtida ka garanaynnin uu ugu jawaabay hadal la macno ah: “In mid ka mid ah awoowyaday uu daanyeer noqdo ayaan ka doorbidi lahaa in mid adiga oo kale ah oo wax aan jirin ku hadlayaa uu awoow ii noqdo!”. ¹
Dabcan waxaa jira sawirkaas yar ee aadka u liita ee dadku ay Aragtida Dhalanrogadka ka haystaan, waana dacaayad iyo qaladfahan laga soo bilaabo baadderigan Weilberforce ilaa hadda dadku ay is ka soo dhaxdhalayeen oo ka markhaatikacaysa heerka aqoon-la’aaneed ee aragtida laga ga sugan yahay. Marka hore Aragtidu Dhalanrogadku ma aha aragti aadamaha oo qudha ka warranta si marka aragtida la soo hadalqaadaba loo la soo boodo ereyo ay ka mid yihiin daanyeer iwm, ee waa aragti fasirta asalka iyo sida ay ku yimaaddeen 8 ilaa 9ka milyan ee sinji ee noole ee dhulka guudkiisa saaran ee aadamuhu uu mid qudha ka yahay, iyo balaayiintii kale ee dabargo’ay iyaga hortood ee dhulka ku noolaa. Mana qabto aragtidu sida aynnu qaybaha dambe ku faahfaahin doonno in bani’aadanku uu daanyeer ka yimid, la mana soo heli karo gebi ahaanba saynisyahan evolutionary biologist (عالم أحياء تطوري ) ah oo yidhi bani’aadanka ayaa daanyeer (monkey) ka yimid laga so bilaabo Jaarles Daarwin ilaa kuwa hadda nool ee Richard Dawkins uu ka mid yahay.
Haddii aynnu u soo laabanno ujeedka dhallanrogadka (evolution) iyo waxa uu ka dhigan yahay, waxaa lagu qeexaa qeexitaanno kala duwan se isku wada ujeeddo ah, waxaana aynnu ka soo qaadanaynnaa ka ugu fudud, oo ah : doorsoon ku yimaadda hidde-sidayaasha (genes – الجين) noolaha, kaas oo sababa isbeddel ku dhaca sinjiga noolahaas ama jinsigiisa. Hiddesiduhuna — sida aynnu wada og nahay — waa ka ka masuulka ah qaabka, dhererka, midabka iyo sifo kasta oo nooluhu uu leeyahay. Sidaa darteed haddii isbeddel uu ku yimaaddo hidde-sidayaasha waxaa dhacaya dhallanrogad (evolution).
Dhallanrogadka waxaa loo qaybiyaa laba qaybood: Dhallanrogad Yar ( Micro- evolution ; تطور صغروي ) iyo Dhallanrogad Weyn (Macro -evolution; تطور كبروي). Qaybintanna waxaa markii u horraysay sannadkii 1927 adeegsaday saynisyahankii Ruushiyaanka ahaa ee Yuuri Filibjiinko oo ahaa macallinka iyo ustaadka saynisyahankii masiixiga ahaa ee qaybtii hore aynnu ku xusnay ee Siyuudosis Dobshaaniski (Theodosius Dobzhansky 1900 – 1975), ee isna ahaa saynisyahannada evolution-ka kuwoodii ugu waaweynaa qarnigii 20aad.
Dhallanrogadka weyni waa dhallanrogadka ku dhaca hiddesidayaasha noolaha, kaas oo uu ka dhasho in sinji (species ; نوع) uu sinji kale ka soo dhex baxo. Sinjina marka aynnu lee nahay waxa looga jeedaa koox noolayaal ah oo ka midaysan tilmaamo ama sifooyin gaar ah, kuwaas oo is ku tegi kara soona saari kara tafiir ( ذرية – offspring) iyana sii tarmi karta. Haddii tafiirtaasi aanay tarmi karin waxa ay ka dhigan tahay in labadaa noole ee is ku tegay ay laba sinji kala yihiin. Tusaale ahaan dameeraha iyo farduhu waa laba sinji oo kala duwan, maxaa yeelay haddii dameer lab ah iyo faras dheddig ah ay is ku tagaan oo “baqal” ay is ka dhalaan, amaba faras lab iyo dameer dheddig ay isku tagaan oo Hinny (نغل) ay is ka dhalaan, waxaa ay is ka dhaleen midkooda ma tarmi karo. Taasina waxa ay caddayn u tahay in dameeraha iyo farduhu ay laba sinji kala yihiin oo aanay is ku sinji ahayn.
Dhallanrogadka yar isagu wa dhallanrogadka ku dhaca sinjiga dhexdiisa, badankana cid diiddaa ma jirto, maxaa yeelay waa la arki karaa. Haddii aynnu u fiirsanno — tusaale ahaan — cayayaanka, waxa aynnu aragnaa in marka la buufiyo ay ka soo dhex baxaan qayb buufintu aanay waxba ka taraynnin, taas oo ka dhigan in doorsoon hidde-sidayaasha ku yimi oo uu keenay in jiil u adkaysan karaya buufintaas uu yimaaddo. Kanna waxaa la yidhaahdaa dhallanrogadka yar (micro- evolution).
Haddii tusaale kale oo aad caan u ah aynnu bixinno: kacdoonkii warshadaha ee Ingiriiska hortii qaaradda Yurub iyo Ingiriiska gaar ahaan waxaa ku noolayd balanbaalis loo yaqaanno “Pepperad Moth”, oo midab caddaan ah oo dhibco madmadow leh lahayd; waxaanay ku noolaan jirtay geedo xayaabo midab u dhow kaa — oo lichens loogu yeedho — leh. Kadib warshadihii kacaanku waxa ay sababeen in dhirtii ay midab madow-xigeen ah yeelato kaarboonkii ay sii deynayaan aawadii, waxaana taasi ay halis galisay nolosha balanbaalistan maaddaama ay ugaadhsatada balanbaalistan siiba shimbiruhu ay si fudud ku ugaadhsan karaan midabkeeda soo muuqda ee caddaanka ah aawadii. Ka dib waxaa dhacday in doorsoon dheef lihi uu ku dhacay hidde-sidayaashii ballanbaalista, kaas oo keenay in qayb kale oo is la sinjigii balanbaalistii ah uun se midab madow-xigeen ah leh uu soo baxo. Doorsoonkan waxaa loogu yeedhaa “mutation – الطفرة”.
Halkaa marka ay marayso, waxaa shaqaynaya waxa lagu magacaabay doorashada dabiiciga ah (natural selection), oo balanbaalisihii hore ee midabka caddaanka ah lahaa meesha ayaa ay ka baxayaan maaddaama oo la ugaadhsanayo, waxaana hadhaya kuna tarmaya kuwa deegaanka u munaasabka ah ee midabka madow-xigeenka ah leh ( البقاء للأصلح) maaddaama oo ay is ku qarin karaan geedahan midabkoogu madow-xigeenka noqday. Halkaa waxaa ku dabargo’aya qaybtii hore ee midabka caddayd, waxaana soo hadhaya qaybtii midabka mad-madowga ah lahayd. Sidaa darteed ayaa balanbaalisaha Ingiriiska oo dhami ay u noqdeen kuwii madowga ahaa. Kanna waxaa la yidhaahdaa Dhallanrogadka yar (micro – evolution), oo hal sinji ayuu ka dhex dhacaa.
Doorsoonnadaasi marka ay sii bataan, ee muddo badan oo kummanaan ama malaayiin sano gaadhaya ay isa sii korkoraan, waxaa laga yaabaa in uu yimaaddo dhallanrogad weyni, oo sinji kale oo gaarkiisa u taagan oo cusub uu soo baxo, sida sannadyadu markii ay isu sii korkoraanba marka dambe qarni gaar ahi uu ka soo baxo, waana waxa loo yaqaanno Dhallanrogadka weyn (Macro-evolution).
Tixraacyo
1. “Wilberforce and Huxley: a legendary encounter”: https://web.archive.org/web/20191203133057/http://users.ox.ac.uk/~jrlucas/legend.html