Sida aynnu ku soo sheegnay taxanaha qaybtiisii u horraysay, Jaarles Daarwin la ma ayna kowsan Aragtida Dhallanrogadku, se isaga iyo saaxiibkii Alfedh Raasil Wolas oo ahaa aasaasihii labaad ee aragtidu waxa ay keeneen fikradda doorashada dabiiciga ah ( natural selection ; الإنتخاب الطبيعي ) ee la’aanteed aragtidu aanay macno sidaas ah yeelan lahayn, ahna ta ka dambaysay in Daarwin aragtida loo tiiriyo maamuus iyo magacna uu ku helo.
Dad badan oo aragtida qalad fahmay waxa ay ku doodaan, in Aragtida dhallanrogadku ay u ololaynnayso ama taageero ay siinayso luuqadda cunfiga iyo xoogga ee Niitje iyo kuwa la midka ahi ay ku baaqaan, iyaga oo leh Daarwin ayaa yidhi “negaanshiyaha waxa is ka leh cidda awoodda badan; البقاء للأقوى “! Kaasina waa qalad-fahan aad u weyn oo aragtida lagaga sugan yahay, maxaa yeelay aragtidu waxa ay leedahay ‘negaanshiyaha waxaa is ka leh cidda u suubbata (survival of the fittest; البقاء للأنسب أو الأصلح) ‘ ee ma ay odhan cidda xoogga ama awoodda badan. Haddii ay sidaas odhan lahaydna gebigeeduba way fashilmi lahayd ama beenoobi lahayd, waayo diinasoorrooyinkii iyo noolayaashii waaweynaa ee dabargo’ay ayaa qasab ay ahaan lahayd in ay hadhaan maaddaama ay xoog badnaayeen, dixiriga iyo bakteeriyadaxa waxa ay ahaan lahayd in ay baaba’aan. Hasehaatee ma aysan dhicin taasi, waayo negaanshiyaha waxa leh cidda u suubbanta ee ma laha cidda xoogga ama awoodda badan.
Abwaankii weynaa ee Gaarriye laftiisa ayaa qodobkan qaladfahmay, oo hawsha u qaatay muruq iyo xoog ninkii leh in uu badbaadayo, ka tabarta daran ee awoodda yarina uu dabargo’ayo, markii uu lahaa:
“Wacdarihii nafluhu soo mareen, mahadho weeyaan e
Malaw iyo kalluun iyo kol aan, midab raheed yeesho
Iyo kol aan hawada mayracdoon, kaynta mulacyeeyo
Raxanraad waxaan soo maraan, madaxu keenayn e
Tartankii muddada dheer socdee, lagu marriiq beelay
Mitidkii adkeystiyo ninkii, muruq leh mooyaan e
Maxas iyo inaan loo tudhayn, maato kala daadsan
Maahmaahyadii Daarwin baa, ii markhaatiya e.”
Haddaba, suubbanaanta waxaa laga wadaa u cunnamitaanka iyo la-jaanqaadka (adaptation) degaanka, iyo buuxinta shuruudaha uu rabo ee uu doonayo, oo ciddii shuruudaha deegaanka buuxin karta ee la jaanqaadi karta ayaa hadha, ciddii kalena waa ay dabar-go’daa. Tusaale ahaan waxaa dhacay barafow weyn, cidda badbaadaysa ee negaanshiyaha u suubbataa waa inta u adkaysan karta qabowgaas, ee tusaale ahaan dhogor badan oo waaweyn leh, ee ma aha cidda xoogga iyo awoodda badan, inta kalena way dabargo’aysaa. Waana kaa macnaha “negaanshiyaha waxa is ka leh cidda u suubbata“.
Mar haddii negaanshiyaha ay is ka leedahay cidda u suubbatana, hubaal la’aan waxa abuurta ka dhex jiraya loollan ku aaddan sidii mid kastaaba uu u negaan lahaa. Loollankaasina waxa uu noqon karaa mid sinjiga dhexdiisa ka dhex dhaca, mid sinji iyo sinji kale u dhexeeya iyo mid sinjiyada iyo abuurta kale u dhexeeya. Loollanka negaanshiyuhana mar kasta ma aha mid cunfi iyo dhiig ah in kasta oo kaasina jiro. Tusaale ahaan dab ayaa degaan ka kacay, mar hadday sidaa tahayna maanta waxaa badbaadaya kuwa orodka badan ee ka carari kara dabkaas, kuwa kalana waa ay dabar-go’ayaan. Loolankaasina waa mid u dhexeeya dabeecadda iyo noolayaasha. Kaymaha waaweyn ee aadka u cidhiidhiga ah, geedaha dhaadheer iyo kuwa gaagaaban waxaa ka dhex dhaca loollan ay ku loollamayaan fallaadhaha iyo iftiinka cadceedda ee cuntada ay ka samaystaan. Kaasina loollan ayaa la yidhaahdaa.
Marka loollankaasi uu yimaaddo, cid baa guulaysanaysa oo deegaanka u hadhaysa halka kuwa kalena ay dabargo’ayaan. Haddaba hadhitaankaas degaanku ay u hadhayso cidda u munaasabka ah, cidda aan munaasabka u ahaynna ay u dabar-go’ayso ama ha ku dabar-go’do ugaadhsi ama si kale e, ayaa lagu magacaabaa doorashada dabiiciga ah (natural selection ; الإنتخاب الطبيعي), ee ma aha doorasha dabiiciga ahi wax jira oo meel yaalla oo wax kala doordooranaya sida dadka qaar ay u maleeyaan. Waxaana doorashada dabiiciga ah lagu fogaynayaa ta macmalka ah. Markaa waa is ka sarbeeb iyo luuqad duurxuleed (metaphor) uun, duurxulkana cid kasta ayaa adeegsata, oo waa sida fiisgisyahan yidhi “cadceedda ayaa dhacday” isaga oo og xaqiiqo ahaan in cadceed dhacdaa aanay jirin, ee qarsoomiddaas ay indhaha ka qarsoontay uun lagu metelay sidii oo ay dhacday. Maantana hadhitaankaas uu hadhayo noolaha degaanka u suubbada, iyo dabargo’aas uu ku dabargo’ayo ka aan u suubban, ayuun baa lagu metelay doorasho hab dabiici ah u dhacday, ee cid wax dooratay gebi ahaanba ma jiro.
Tusaale ahaan, degaan ayaa waxa ku nool wada nool deero iyo ugaadhsatadeeda, sida libaax, shabeel iwm. Ka dibna doorsoon (mutation – طفرة ) ayaa ku yimi hiddesideha mid ka mid ah deeradii, kaas oo tusaale ahaan sababay in ay hesho xawaare orod oo ka badan keedii hore. Doorsoonkan oo kalena waa mid faa’ido leh, walow doorsoon kastaa aanu faa’ido wadan. Ka dib waxaa dhacaysa in deeradaasi ay jinsiga kale u tagto oo dhasheeda ay doorsoonkaa u gudbiso, dhashiina ay iyana sii taranto. Ka dibna jiilkan dambe ee orodka badani uu negaado, kii hore ee ka orodka yaraana la ugaadhsado oo uu dabar-go’o maaddaama fursaddiisa negaanshiyuhunay ka yar tahay tafiirta kan kale, ilaa ugu dambayn degaanka ay isugu soo hadho tafiirta deeradii hiddesideheeda doorsoonku uu ku yimid. Kummanaan sano ayaana laga yaabaa in arrinkaasi uu qaato ee ma aha wax hal mar iyo muddo yar ku dhacaya
Haddaba hadhitaankan ay deegaanka ku hadhay deeradaa orodka badan, ayaa laga dhigay oo lagu metelayba in la doortay deeradaas orodka badan, oo lagu magacaabay “doorashada dabiiciga ah ; natural selection”.