Sida marka la joogo fiisigiska iyo culuumta kawniyaadka Aragtida Qaraxa Weyn (Big Bang Theory ; نظرية الإنفجار العظيم ) ay u sheegtay in kawnku uu 13.7 bilyan oo sano ka hor ka soo bilaabmay wax aad iyo aad u yar oo “singularity” lagu magacaabo, ka dibna uu is ballaadhiyay ilaa kawnka intaa le’eg ee 93ka bilyan ee sannad-ilayseed dhexroorkiisu yahay uu noqday, ee wax ka badan laba tirilyan ama laba kun oo bilyan oo urur-xiddigeed (galaxy; مجرة ) ka kooban, xiddigihiisana lagu qiyaaso 300 oo sigistilyan oo u dhiganta 300 oo bilyan oo tirilyan oo xiddigood; ayaa marka bayoolajiga la joogana Aragtida Dhallanrogadku (Evolution Theory; نظرية التطور) ay u tibaaxday in noolayaasha oo dhami 3.5 bilyan oo sano ka hor bakteeriya yar oo dhooqooyinka badda gunteeda ka unkantay ay ka soo bilaabmeen, ka dibna sinjiyadaas noolayaasha ee hadda lagu qiyaaso 8 ilaa 9ka milyan ee sinji ee isugu jira dhir iyo xayawaanno ay ka soo farcameen, in kasta oo 99% sinjiyadii noolayaasha ee dhulka ku noolaa ay dabargo’een, maaddaama aanay suurtagal ahayn in meerahan yar ee dhulka uu wada qaado oo ay ku wada noolaadaan.
Sida aynnu hore u soo xusnay, saynisyahannada dhallanrogadka oo dhami waxa ay is ku raacsan yihiin in noolayaasha oo dhami ay hal asal ka soo wada jeedaan (common ancestor), qaarkood haba is kaga dhowaadaan oo jirrid soke iyagu ha is kaga soo dhacaane. Sidoo kale dhammaan noolayaasha barriga oo dhami waxa ay ka soo jeedaan badda. Imikana innaga oo raacaynna sida ay ugu taallo majallooyinka iyo buugaagta sayniska ah ee lagu kalsoon yahay waxa aynnu si fudud oo haddana faahfaahsan u soo tixi doonnaa sooyaalkii noolayaasha iyo weliba intii aynnu ka gaadhno abla-abalyntooda ; wixii adillooyin ah ama naqdiyo ahna waxa aynnu kaga warrami doonnaa qaybaha dambe ee xoojiyayaasha iyo naqdiyaha aragtida ah.
Meeraha dhulka cimrigiisu waa 4. 5 bilyan oo sano. Bilyankii sano ee u horreeyay wax nolol ah ahi ka ma aanay dul jirin, se bilyan sano ka dib oo noqonaysa 3.5 bilyan sano ka hor waxaa soo muuqday noolihii u horreeyay oo bakteeriyada ah, bakteeriyaduna dabcan waa hal-unugley (unicellular organism). Ku dhowaad laba bilyan oo sano ayaa bakteeriyadu keligeed ay ahayd noolaha keliya ee dhulka ku nool. Ka dib laba bilyan oo sano ka dib oo noqonaysa bilyan sano ka hor waxaa soo muuqday kaa’inaad yaryar oo lagu magacaabo Bu’layaal ( Eukaryotes ; حقيقات النوى ), kuwaas oo unuggoodu uu leeyahay bu’ ay ku dhex kaydsan tahay DNA-du oo leh dahaadh ama xuub sare oo ku wareegsan bu’da; halka kuwii ka horreeyay ee ay ka soo dhallanrogmeen ay ahaayeen Bu’laawayaal “Prokaryotes; بدائيات النووى”. Farqiyo dowr ah oo kale baana u dhexeeya labadan iyada oo la eegayo qaabka unuggu uu u samaysan yahay iwm, aalaabana Bu’layaashu (Eukaryotes) waa ay ka waaweyn yihiin Bu’laawayaasha (Prokaryotes).
600 milyan oo sano ka hor, Casrigii Kaambariga (Cambarian period; العصر الكامبري) inyar ka hor, waxaa ka soo dhallanrogmay oo ka soo farcamay kaa’inaadkaas xayawaanaad yaryar oo unugbadanley ah (multicelluar organisms;عديدة الخلايا) , sida dixiriga iyo isfanjiga (sponge-ga (الإسفنج) oo ilaa hadda inna la nool, laakiin Casrigii Kaambariga dhexdiisa ( 541 – 485 milyan oo sano ka hor) ayaa noloshu ay aad isu qaybisay isbeddello waaweynna ay dhaceen. Casrigan waxaa soo muuqday noolayaasha loo yaqaanno Taraaylobaayd (Trilobate; ثلاثيات الفصوص).
Sidoo kale waxaa soo muuqday casrigan, gaar ahaan 518 milyan oo sano ka hor, Xadhigdhabarleydii (Chordates; الحبليات ) u horreysay, sida Haaykoojidhas (Haikouichthys; سمك الهايكويشثيس) oo ahaa kalluun bidaa’iya oo xadhig-dhabar (notochord; حبل ظهري ) iyo baalalbiyood bidaa’iya lahaa. Haaykoojidhas waxa ay ka kooban tahay laba erey oo kala ah “Haikou” oo ah magac magaalo ku taalla Shiinaha oo halkii laga helay qalfoofkiisa ah, iyo “ichthyps” oo ereg Giriig ah oo macnihiisu kalluun yahay ah, sidaas aawadeed macnuhu waa “Kalluunkii Haikou”.
Intaa ka dib, 505 milyan oo sano ka hor waxaa soo muuqatay Biikiya (Pikaia; بيكايا) oo 1911 uu qalfoofkeeda Ingiriiska ka helay Charles Walcot oo saynisyahan Ameerikaana ah. Biikiya waxa ay lahayd xadhigdhabar (notochord;الحبل الظهري) dhammaan jidhkeeda ku taxan, waxaana ay u muuqataa in awoowyadii u horreeyay ee lafdhabarleyda (vertebrates; الفقاريات) oo dhan ay ahayd.
420 milyan oo sano ka hor, billowgii Carigii Dhayfooniyanka (Devonian period; العصر الديفوني) waxa ka soo dhallanrogmay Biikiya iyo Haaykoojidhaska kalluun-daamanlaha (Gnathomstata; الأسماك ذات الفكوك), waxaana loo qaybiyaa kalluunkan laba qaybood oo waaweyn oo midkiiba qaybo badan ka sii kooban yahay : qaar la yidhaahdo Chondrichthyes (الاسماك الغضروفية) iyo qaar kale oo la dhao Kalluumada Waaweyn (Osteichthyes; الأسماك العظيمة ). Kalluumada Waaweyn qalfoofihii ugu horreeyay ee laga helay waxaa ka mid ah Giiwoo Niiroos (Guiyu oneiros; جويو أونيروس) oo laga helay dalka Jaynaha, taas oo u noqonaysaa 419 milyan oo sano ka hor. Waxaana ay lahayd qaabdhismeed lafood oo bidaa’i ah.
Ka dibna 400 oo milyan oo sano ka hor waxaa qaybtan dambe ee Kalluumadii Waaweynaa (Ostechrhyes; الأسماك العظيمة ) ka soo Dhallanrogmay laba qaybood: Kalluun-baalfallaadhlaha (Ray-finned fishes; الأسماك شعاعية الزعانف ) iyo Kalluun Baal-caleenlaha (Lobe-finned fishes; الأسماك فصية الزعانف). Labadani waxa ay ku kal duwan yihiin mid baalbiyoodkiisa (fines; الزعانف ) waxa ku dhex jira lafo dhuudhuuban oo sida fallaadhaha ilayska oo kale u kala baahsan oo waa kalluun baal-fallaadhlaha, midna baalalbiyoodkiisa waxa ku dhex jirta keliya laf weyn oo qudha oo waa kalluun baal-caleenlaha.
Haddaba qaybtan dambe ee Kalluun-baalcaleenlaha ah (Lobe finned fishes; الأسماك فصية الزعانف) waxaa 360 milyan oo sano ka hor dabayaaqadii Casrigii Dhayfooniyanka (Devonian period; العصر الديفوني) iyo billowgii Casrigii Kaarbooniga ( Carboniferous period; العصر الكربوني ) ka soo dhallanrogmay berribiyoodyada (Amphibians; البرمائيات ), iyada oo baalalbiyoodyadii si tartiib-tartiib ah isugu beddelay addimo cago u eeg oo u suurtogelinaya in barriga dushiisa ku socdaan.
Dadhtameeyadii Casrigii Kaarbooniga ee dambe, 320 – 310 milyan oo sano ka hor, waxa barribiyoodyadii ka soo dhallanrogmay Xammaaratada (Reptiles; الزواحف ), waxaana soo muuqday xammaaratooyinkii u horreeyay sida Haaylomoonis (Hylomons; هايلونومس) oo leh jidh qallalan oo ka saacidaya in deegaanno engagan ay ku noolaadaan, iyo kiish xabeed (amnion; الكيس الأمنيوسي ) galalka beedka ee hoose ka mid ah oo u suurtogelinaya in beedkooda ay meel qallalan oo ka baxsan biyaha ay dhigtaan.
Casrigii Bermiyaanka (Bermian period; العصر البرمي ), 275 milyan oo sano ka hor, waxaa soo muuqatay xammaaratada koox ka mid ah oo loo yaqaanno Seraabsidhis (therapsids; الثيرابسيدات), taas oo muuqaal ahaan u soo dhowayd Naaslayda (Mammals; الثدييات), kana mid ahayd xammaaratada micilayda ah. Waxaana qalfoofyadeeda laga helay meelo ka mid ah koonfurta Afrika, Aasiya iyo Ustraalliya, Cidhifka Koonfureed in ay ku noolaydna waa la aamminsan yahay.
Dabayaaqadii Casrigii Tiriyaasigga (Triassic period; العصر الترياسي) iyo horraantii Casrigii Juraasigga (Jurassic Period; العصر الجراسي), 225 – 190 milyan oo sano ka hor, waxa Seeraabsidhista ka soo dhallanrogmay naaslayadii u horreysay oo dherer ahaan aad u yaryaryad, waxaana ka mid ahaa jinsi la odhan jiray Moorkanugowdhan ( Morganucodon; مورجانوكودون) oo 205 milyan oo sano ka hor soo muuqday, waxaana loo badinayaa in uu lahaa dhogor si ka duwan xammaaratada.
Casrigii Juraasigga (Jurassic period; العصر الجراسي ) dabayaaqadiisii, 150 milyan oo sano ka hor, waxaa xammaaratada haddana ka soo dhallanrogmay shimbirihii u horreeyay, iyaga oo ka soo dhallanrogmay qayb ka mid ah xammaaratada oo ah diinasoorooyinkii laba-addinleyda ahaa (Theropods; الثيروبودات ). Markaana, Shimbiraha iyo Naaslayda labadooduba waxa ay ka soo dhallanrogmeen Xammaaratada, naaslayda ayaa se horreysay.
Laga soo bilaabo Casrigii Juraasigga (201 – 145 milyan oo sano ka hor) ilaa Casrigii Kiritayshaska (Cretaces period; العصر الطباشيري ) oo ahaa 145 – 66 milyan oo sano ka hor, waxa dhulka madax ka ahayd oo aad isugu ballaadhisay xammaaratada, gaar ahaan diinasoorrooyinka. Balse dabayaaqadii Casrigii Kiritayshaska 66 milyan oo sano ka hor ayaa isbeddel baahsan oo ka dhashay dhagaxcireed aad u weyn oo dhulka ku habsaday uu dhacay, kaas oo dabargooyay dhammaanba diinasoorooyinkii dhulka ka talin jiray waqtigaas, waddadana u furay tadawurkii ama dhallanrogadii naaslayda iyo fiditaankeeda, waxaana markii u horraysay soo muuqday xilligaas noolayaasha lagu magacaabo Madaxweynta (Primates — الرئيسات).
Intaa ka dib horraantii Casrigii Miyoosiinta (Miosene period; العصر الميوسيني ) oo ah 23 milyan oo sano ka hor, waxaa ka farcamay Madaxweynta noolayaasha loo yaqaanno Dad-u-eekayaasha (Hominidae ; البشرانيات ), Great Apes-na waa la dhahaa kuwan mararka qaar in kasta oo magacani aanu mid saynis ahayn oo magaca saynis uu kaas hore ee Hominidae-ga yahay. Apes-na daanyeer lagu ma turjumi karo oo “Monkey” ayaa daanyeerka la dhahaa, Carabi ahaan xitaa ma laha tujurmaad saxan oo u dhigmaysa ereygan (Apes), in kasta oo mararka qaar ay is ka dhahaan “القردة العليا” oo ah turjumaad aan qummanayn, qaladfahan weyna dhalin karta. Ereybixinta ugu dhow ee ereygaas Great Apes-na waxa ay noqon kartaa Dibwaayo, maaddaa dib aanay lahayn.
12 milyan oo sano ka hor ayaa Oraangutaanku ( Orangutan) gaar uga noqday bahdan Dad-u-eekayaasha ama Dibwaayada, ka dibna 7 milyan oo sano ka hor ayaa haddana Goriilluhu uu ka soocmay, ka dibna 6 milyan oo sano ka hor ayaa haddana Shiimbaansiga (chimpanzee ; الشمبانزي) iyo Bonobowgu (بونوبو) ay iyana ka hadheen, taas oo ka dhigan in dadku aanay shiimbaansii iyo goriille midna ka iman ee iyaga iyo dadku ay asal hore ( common ancestor ; سلف مشترك) oo noolaa 6 – 7 milyan oo sano ka hor ay wadaagaan.
Intaa kadibna, 2 milyan oo sano ka hor waxaa soo baxay jinsiga Iinsaanka (Homo ;هومو) oo ka soo jeeda sinji ka horreeyay oo la odhan jiray Australopethicus Afarensis oo noolaa intii u dhexaysay 3.9 – 2.9 milyan oo sano ka hor, waxaana qalfoofyadiisa ugu caansan qalfoofka Luusi (Lucy) oo 1974 dalka Itoobbiya uu ka helay saynisyahankii Ameerikaanka ahaa ee Doonal Johaanson (Donald Johanson), taas oo ahayd gabadh ka mid ah sinjigaas Australopethicus Afarensis, waxa aanay taallaa Matxafka Taariikhda Dabiiciga ah ee Itoobbiya.
Sinjiyada duulkan Homo ka tirsan waxa ugu waaweyn toddoba sinji oo kala ah: Homo rudolfensis, Homo habilis, Homo ergaster, Homo erectus, homo heildelbergensis, Homo neanderthal iyo Homo sapeins-ka.
1. Homo rudolfensis; هومو رودولفينسيس
Sinigani waxa uu 1.9 milyan oo sano ka hor ku noolaa Afrika, halkaas buuna ku dabar-go’ay. qalfoofkiisii u horreeyay waxaa sannadkii 1973 laga helay Kenya, gaar ahaan badda yar ee Rudolf oo hadda loo yaqaanno Lake Turkana, ahna ta loogu magacdaray.
2. Homo habilis ; هومو هابيليس
“Habilis” macnaheedu waa farsamayaqaan, sidaa darteed baa loogu magacaabaa “الإنسان الماهر”. Waxa uu ku noolaa bariga qaaradda Afrika, muddadii u dhexaysay 2.3 ilaa 1.4 milyan oo sano ka hor. Qalfoofkiisii u horreeyay waxaa laga helay waqooyiga Tanzania sannadkii 1962.
3. Homo ergaster ; هومو إرجاستر
Sinjigani waxa uu muddo hadda laga joogo 1.9 milyan oo sano ka hor ku noolaa koonfurta iyo waqooyiga Afrika, isaga oo ka soo dhallanrogmay sinjigii ka horreeyay ee Homo habilis-ka, waxaana qalfoofkiisa markii u horraysay koonfurta qaaradda Afrika laga helay sannadkii 1949.
4. Homo erectus ; هومو إريكتوس
Sinjigan waxa kale oo la yidhaahdaa Iinsaankii toosnaa “Upright man ; الإنسان المتصب ), taasina kama dhigna in uu ahaa kii u horreeyay ee toosma ama laba lugood ku socda, ee dhammaan noocyada Homo-ga oo dhan waa ay toosnaayeen. Homo erectus-ku waxa uu 1.6 milyan oo sano ka soo dhalanrogmay Homo ergaster-ka, waxa uuna ku fiday Bariga dhexe, Yurub iyo ilaa qaaradda Aasiya, isaga oo dabar-go’ay 50, 000 oo sano ka hor. Taasina waxa ay ka dhigan in ay isa soo gaadheen Iinsaanka caqliga leh (Homo sapeins).
5. Homo heidelbergensis ; هومو هايدلبيرغ
Homo heidelbergensis waa halka uu ka soo jeedo Homo neanderthal-ku, waana dhexdhexoodda u dhexaysay Homo erectus-ka iyo Homo sapiens-ka oo aadamaha ah, waxaana qalfoofkiisa markii u horraysay laga helay koonfurta Jarmalka, sannadkii 1957. Waxa uu ku noolaa qaaradda Yurub qaybo badan oo ka mid ah, sida Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Burtiqiiska iyo Spain; iyo qaaradda Afrika sida Itoobbiya, Namibia iyo koonfurta Afrikaba.
6. Homo neanderthal (هومو نياندرتال )
Homo neanderthalka oo Homo heidelbergensis-ka ka soo farcamay, waxa uu ku noolaa Yurub iyo galbeedka Aasiya, laga soo bilaabo dhexaysay 350, 000 ka hor. Waxa uuna dabar-go’ay 24, 000 oo sano ka hor.
7. Homo sapien ( هومو سابينس او البشر)
Homo sapein-ka oo ah basharkan hadda nool waa nooca keliga ah ee ka hadhay noocyadii Homo-ga, waxaanu jiray ilaa 300, 000 oo sano ka hor, waana noolaha keliga ah ee caqliga aadka u heerka sarreeya ee layaabka leh iyo luuqad ama af leh, ee sidoo kale ilbaxnimooyin dhisay ama sameeyay.
Mahadsanid