Sida aynnu taxanaha qaybihiisii hore ku soo sheegnay, Aragtida Dhalanrogadku waxa ay qabtaa in noolayaasha berriga oo dhan ee hadda nool ay ka soo wada jeedaan badda, nolosha oo dhamina ay ka soo bilaabantay badda 3.5 bilyan sano ka hor. Sidoo kale waxa aynnu soo xusnay, in kalluunka ay ka soo dhalanrogmeen berri-biyoodyadu (amphibians; البرمائيات), sida Salamandharka (Salamander; السلمندر) iyo nooca loo yaqaanno Eryops-ka oo xamaaratada aad ugu ekaa, se dabar-go’ badan ayaa ku yimid berri-biyoodyada oo hadda waxaa ka hadhay noocyo u badan raha.

Berri-biyoodyadana waxaa ka soo dhalanrogmay xammaaratada (Reptiles; الزواحف), sida yaxaaska, diinasoorrooyinka, masaska iyo mascagalayda/ maslugalayda, farqiyo dhawr ah baana u dhexeeya berri- biyoodyada iyo xammaaratada. Xammaaratadana waxaa ka soo dhallanrogmay laba farac oo kala ah Naasleyda (Mammals; الثدييات) iyo shimbiraha.
Marka sinji uu sinji kale ka soo dhalanrogmayo, waa in la helo sinjiga soo dhalanrogmay iyo kuu ka soo dhalanrogmay mid aan ahayn oo u dhexeeya taariikh ahaan, mid walbana dhinac uga eg, si caddayn ay ugu noqoto in ay soo kala dhalanrogmeen oo ka dambe ka hore ka soo jeedo, maaddaama hal mar aannu dhalanrogadku dhacayn ee malaayiin sano uu qaadanayo. Kuwaas dhexe ee is ku xidhaya labada sinji waxaa loo yaqaannaa Dhex-dhexoodyo ( Intermediates — توسطيات ), waana kuwa aynnu maanta ka hadli doonno.

Jaarles Daarwin markii uu faafiyay buuggiisa Asalka Sinjiyada (Origin of Species), sannadkii 1859, badi la ma hayn dhex-dhexoodyada ( التوسطيات — Intermediates) oo waa ay maqnaayeen. Sidaas aawadeed baa loo odhan jiray iskuxidhayaal maqan (missed links — حلقات مفقودة). Taasina waxa ay Daarwin ku u ahaan jirtay laf dhuun gashay, oo waxaa mar kasta la weyddiin jiray “Haddii aragtidaadu ay run tahay, aaway dhex-dhexoodyadii, na tusi!”. Isaguna waxa uu ku niyadsamaa in dabadii la heli doono, markdhab ahaanna sidaas baa dhacday oo dhex-dhexoodyo aad u badan baa la helay, ilaa haddana diiwaan-qalfoofka (fossil record ; السجل الأحفوري) waxaa lagu hayaa wax gaadhaya 250, 000 oo qalfoof iyo dhagaxow, in kasta oo marka loo eego noocyada dabar-go’ay ay 1% ay ka noqonayso tiradaasi.

390 milyan oo sano ka hor waxaa soo muuqday kalluunka nooca loo yaqaanno Kalluun baal-caleenlaha ( Lobe-finned fishes الأسماك فصية الزعانف ). Kalluunnada sidoodaba iyada oo la ga dhimbiil qaadanayo qaabka baalal-biyoodkoodu uu u eg yahay waxaa loo qaybiyaa laba qaybood: kalluun baal- fallaadhle ( ray-finned fishes ; الأسماك شعاعية الزعانف), oo ah kalluunnada hadda nool kuwa ugu tirada badan uguna faafsan, waana kuwa baalal-biyoodkooda ay ku dhex jiraan lafo dhuubdhuuban oo kala baahsan oo sida gadhfeedha/shanlada madaxa lagu feedho oo kale ah; iyo kalluun baal-caleenle (Lobe-finned fishes ; الأسماك لحمية أو فصية الزعانف) oo iyagu asalkii kalluunnada ahaa se dabar-go’ badan uu ku yimid, waana kuwa baal-biyoodloodku uu laf weyn oo qudha uu dhexda ku leeyahay.

Haddaba kalluunnadan baal-caleenka ahi waxa ay soo muuqdeen 390 milyan oo sano ka hor, badhtameeyadii Casrigii Dhayfooniyanka (Devonian peeiod; العصر الديفوني), aragti ahaanna waa kuwa ay ka soo dhalanrogmi doonaan laf-dhabarleyda (الفقاريات) berri-biyoodka ah oo iyagu soo muuqday 360 milyan oo sano ka hor. Sidaas aawadeed, dhex-dhexoodda u dhexaysa kalluunnadan baalcaleenka ah iyo berribiyoodyadu waa in labadaa tiro meel u dhexaysa ay ku beegnaato, oo tusaale ahaan laga helo meelahaa 370- 375 milyan oo sano ka hor. Waana mustaxiil dabcan in dhex-dhexoodda laga helo 400 milyan oo sano ka hor.

Sannadkii 2004, Niil Shuubin oo ka mid ah saynisyahannada dhallanrogadka isaga iyo saaxiibbadii shan sano oo xidhiidh ah oo ay ku gudajiraan raadinteeda waxa ay ku guulaysteen helidda dhex-dhexooddii u dhexaysay kalluunka iyo berri-biyooddyada, iyaga oo ka helay jasiiradda Ellesmere ee dalka Canada. Qalfoofka dhex-dhexooddan waxaa lagu magacaabay Tiktaalig (Tiktalik ; تيكتاليك), waxa ayna u noqonaysaa 375 milyan oo sano ka hor oo ah waqtigii ugu munaasabsanaa ee aynnu rabnay in la helo. Mar hadday tahay dhex-dhexooddii kalluunka iyo berri-biyoodka waa in ay dhanna uga ekaato kalluunka, dhanna berri-biyoodyada.

Dhanka madaxa waxa ay uga eg tahay berri-biyoodka, oo waxa ay leedahay madax ballaadhan oo ka yaxaaska ama maska u eeg, halka madaxa kalluunku uu qaabkaa ka duwan yahay. Sidoo kale indhuhu waxa ay kaga yaallaan madaxa xaggiisa sare oo cirka ayay u jeedaan, halka kalluunka ay kaga yaallaan hareeraha madaxa oo dhinacyada ay u jeedaan. Sidoo kale, waxa ay yeelatay oo baalal-biyoodkii ay noqdeen addimo adag oo u suurtagelinaya ku socodka barriga; waxa ayna sidoo kale leedahay qoor, kalluunku se qoor ma leh.

Dhanka kale, waxa ay diirka sare uga eg tahay kalluunka, oo waxa ay leedahay waxa lagu magacaabo scales-ka (الحرشفة) [ ereybixin u ma hayo]. Sidoo kale waxa ay leedahay waafyo ( gills ; خياشيم), oo ah meesha uu ka neefsado kalluunku, iyo weliba baalal-biyood (fins ; زعانف) se hoosta ku wata laf adag oo ah ta cududda, dhudhunka iyo faruhu ay ka beermi doonaan; baalal-biyooddka iyo waafyahana waxaa is ka leh kalluunka. Daahfaydkan Niil Shuubbin waxa uu ka qoray buug uu ku magacaabay ” Your Inner Fish ; سمكتك الداخلية” , oo Afka Carabigana loo soo turjumay, ee qofkii rabaa halkaa ha ugu noqdo faahfaahinta ku saabsan. Sidaa aawadeed, taasi waxa ay caddayn xooggan u tahay aragtida, iyo in berri-biyooddadu ay ka soo dhalanrogmeen kalluunka, dhex-dhexooddii u dhexaysay xitaa waqti ahaan iyo qaabdhismeed ahaanba la helay oo ay tahay Tiktaaligga!

230 milyan oo sano ka hor oo noqonaysa badhtameeyadii casrigii Tiriyaasigga (Triassic period; العصر الترياسي ), waxaa soo muuqday diinasoorrooyinka nooca loo yaqaanno laba-addinleyda (theropods ; ثيروبودس), oo ah kuwa ku socda laba addin ama lugood, halka kuwa kale ay yihiin diinasoorrooyinka afar-addinleyda ah (tetrapods ; التيترابودس). Diinasoorrooyinka laba-addinleyda ahi waa kuwa ay ka soo dhallanrogmi doonaan shimbiraha hadda nool ee cusub, ee loo yaqaanno Neornithes-ka (الطيور الحديثة ) oo u noqonaya 70 milyan oo sano ka hor. Sidaas awgeed, dhex-dhexoodda diinasoorta laba-addinleyda ah oo xammaaratada ka midka ah iyo shimbiraha cusub u dhexaysaa waa in ay ku beegnaato labadaa tiro dhexdooda oo ay noqoto 150 milyan oo sano ka hor.

Sannad ka dib soo bixistii buugga Daarwin, 1960, waxaa gobolka Bavaria ee waddanka Jarmalka laga helay dhex-dhexooddii u dhexaysay diinasoorta laba-addinleyda ah oo dabcan ka mid ah xammaaratada (reptiles) iyo shimbiraha cusub, oo lagu magacaabay Arkiyoobetrikis ( Archaeopteryx ; الأركيوبتريكس), taas oo u noqonaya 150 milyan oo sano ka hor. Archqeopteyrx waxa ay ka kooban tahay laba erey oo Giriig ah oo kala ah “Archaeo” oo macnaheedu yahay “fog”- waqti ahaan ama “duug/baalli”, iyo “Ptreyrx” oo macnaheedu yahay “shimbir” ama “baal”, sidaas daraaddeed erey-bixinteedu waxa ay noqonaysaa “Shimbirkii fogaa” ama “Baal-baalille”.
Mar haddii Arkiyoobetrikisku yahay dhex-dhexooddii u dhexaysay xammaratada iyo shimbirahana, waa in labadoodaba uu dhan uga eekaadaa, oo ma aha xammaarato dhammaystiran mana aha shimbir dhammaystiran ee labadooda ayuu u dhexeeyaa. Waxa uu leeyahay daba weyn oo dheer iyo weliba ilko; dhankaana waxa uu uga eg yahay xammaaratada oo shimbiruhu dabo caadi ah iyo ilko ma laha. Sidoo kale waxa uu baalasha ku leeyahay ciddiyo, halkaana waxa uu uga eg yahay xammaaratada waayo shimbiruhu baalasha ciddiyo ku ma laha. Dhanka kale waxa uu leeyahay baalal oo halkaa shimbiraha ayuu ka metelaa, waxa kale oo uu afka uga eg yahay shimbiraha, oo waxa uu leeyahay qaroobbe ama fuqshimbiraad (beak ; منقار) walow aanu afkiisu u fiiqnayn sida shimbiraha hadda nool.