Taxanaha Aragtida Daarwin iyo Qur’aanka — Qaybta 6aad |  Xoojiyayaasha Dhallanrogadka (2)

Qaybtii hore ee xoojiyayaasha waxa aynnu kaga soo hadalnay sida dhex-dhexoodyadu ay xoojiye adag ugu yihiin Aragtida Dhallanrogadka ee Jaarles Daarwin, iyada oo la eegayo qaab-dhismeedkooda iyo taariikhda ay ku beegnaayeen. Waxaana aynnu si faahfsaahsan uga soo hadalnay helitaanka qalfoofka dhexdhexooddii u dhexaysay kalluunka iyo berri-biyoodyada ee Tiktaalik, iyo sidoo kale dhex-dhexooddii u dhexaysay xammaaratada iyo shimbiraha ee Archaeopteryx.

Tirinaaksodhan (Thrinaxodon ; ثرناكسودون)


Sidoo kale waxaa isna la helay mid ka mid ah dhex-dhexoodyadii u dhexaysay xammaaratada iyo naaslayda, maaddaama naaslayda oo dhami ay ka soo dhallanrogmeen xammaaratada, taas oo loo bixiyay Thrinaxodon ; ثرناكسودون, oo u noqonaysa xilli ku beegan 251 milyan oo sano ka hor, taas oo dhanna uga eeg naasleyda dhanna xammaaratada.

Dhanka dhallanrogadka bani’aadanka oo ah dhanka ugu xasaasisayadda badan Aragtida Dhallanorogadka marka la marayo haddii aynnu u imanno, oo isirtirsigiisa aynnu ku bilownno marka la joogo cilmiga Abla-ablaynta noolayaasha (Taxonomy; التصنيف), waa sinji (species; نوع) lagu magacaabo Iinsaanka caqliga leh (Homo sapiens), oo ka tirsan duul (gennus; جنس) lagu magacaabo Dad (Homo ; إنسان), oo soo hoosgalaya dir (order; رتبة) la yidhaahdo Madax-weynta (Primates), oo ka sii tirsan bah (class; طائفة) la dhaho Naasley (Mammals; الثدييات), oo iyana soo hoosgala faylam (phylum; شعبة) la dhaho Xadhig-dhabarley (Chordates; الحبليات), oo ka mid ah boqortooyada (kingdom; المملكة) Xayawaanka.

Waxaana aynnu soo sheegnay, in uu ka soo dhallanorganay Dib-waayada (Great Apes; البشرانيات), oo ah meesha sidoo kale ay ka soo dhallanrogmeen Shimbaansiga, Goriilllaha, Bonoobbaha iyo Orangutanka, “Apes”na daanyeer ma aha sida dadka qaar ay u dhigaan, ee daanyeerka waxaa la dhahaa “Monkey”, kuwanna “Apes”, wayna ka la duwan yihiin labadani. Orangutanku waxa uu dirkan Dibwaayada uu ka soocmay 12 milyan oo sano ka hor, ka dibna waxaa ku soo xigay oo isna gaar uga soocmay 7 milayn oo sano ka hor Goriillaha, haddana 6 milyan oo sano ka hor Shiimbaansiga iyo Bonoobbaha, taas oo la macno ah in labadan dambe ee Shiimbaansiga iyo Bonoobbuhu ay innooga dhaw yihiin Goriilllaha, Goriilluhuna uu innooga dhaw yahay Orangutanka.

Sidaa aawadeed marka la tirinayo karomosoomada iinsaanka iyo afartan nooc ee aynnu soo sheegnay, waa in ay is le’ekaadaan tirada; maaddaama oo aragtidu ay leedahay hal meel (common ancestor) ayaa ay ka soo wada jeedaan. Laakiin sida la wada og yahay, bani’aadanku waxa ay leeyihiin 46 koromosoom (Chromosome), halka kuwan kale ay leeyihiin 48 koromosoom, taasna waxa ay ahayd waxyaabaha ugu waaweyn ee markii hore lagu bushiyay aragtida, laakiin saynisyahannada dhallanrogadku waxa ay yidhaahdeen, labadaa koromosoom ee maqan waxa ay ku lifaaqmeen laba koromasoom oo kale, ka dibna waa la baadhay.

Karamasoom 2

Dhab ahaanna run bay noqotay, oo koromosoomka labaad ee bani’aadanka marka aad dhugato ee aad kala furfurto, waxa aad arkaysaa in uu yahay laba koromosoom oo is ku dhegay, maxaa yeelay karoomasoom kastaa sida caadiga ah waxa uu leeyahay laba “telomere” oo ah labada dhinac ee koromosoomka, iyo qayb dhexe oo “centromere” la dhaho, laakiin karoomasoomkan waxaad arkaysaa in uu leeyahay laba centromere iyo afar telomere, taas oo ka dhigan in uu yahay laba koromasoom oo is ku dhegay. Sidaasna waxa koromosoomada bani’aadanku ay ku noqonayaan 48 koromosoom.  Taasina runtii waxa ay noqotay mid ka mid ah xoojiyayaasha ad-adag ee dhallanorgadka ee cusub.


Dabcan hidde-sidayaashu waxa ay hadda noqdeen qayb ka mid ah xoojiyayaasha waaweyn ee dhallanrogadka, ee xilligii Daarwin aan la aqoon warna aan laga hayn, se beryo dhawayd soo if baxay. Noolayaasha oo dhan waxa ay wadaagaan wax ka mid ah hiddesideyaaasha asaasiga ah, sida kuwa ka ma masuulka ah shaqooyinka in xogaha hiddesidayaasha ay u raraan cid kale (Biological replication; التنسخ الحيوي), iyo kuwa loo soo gaabsado HOX ee doorka weyn ka ciyaarta jaangoynta qaabdhismeedka iyo dhallanrogadka noolayaasha, iwm.   Taasina waxa ay xoojinaysaa dhallanrogadka, iyo in noolayaasha oo dhami hal meel ka soo wada jeedaan. Dhanka kalena shiimbaansiga waxa aynnu wadaagnaa 98.8% ka mid ah hiddesidayaasha, badanka nooleba noolaha uu uga dhow yahay dhallanrogad ahaan ayaa uu uga dhow yahay hiddeside ahaan, walow taasi aanay mar kastaba ahayn maaddaama hiddesidayaashu ay la kulmi karaan doorsoomo (mutations; طفرات ) kala fogayn kara. 

Diiwaan-qalfoofka (Fossil record; السجل الأحفوري)

Ugu dambayn, aynnu soo qabanno mid ka mid ah isaguna xoojiyayaasha dhallanrogadka, oo ah Diiwaan-qalfoofka (Fossil record ; السجل الأحفوري). Diiwaan-qalfoofka iyo sida uu u ka la tartiibinayo noolayaasha iyo taariikhdoodu aad bay muhiim u tahay, si loo ka la ogaado aragtida saxnimadeeda iyo qaladnimadeeda, oo haddii aad hesho qalfoof noole oo xilligiisa ka horreeya ama u noqonaya xilli dhallanrogad ahaan aanay suurtagal ahayn in la helo, taasaa kuugu filan in aragtida aad ku beeniso, laakiin haddii shay kastaaba meeshiisa uu yaallo, taasi waxa ay xoojinaysaa Aragtidu ay saxan tahay.


Diiwaan-qalfoofku waxa uu sheegayaa, in nooleba nooleha uu ka dhaw yahay taariikh ahaan uu ka qaab-dhismeed adag yahay (معقد), nooleba noolaha uu ka fog yahayna uu ka qaab-dhismeed fudud yahay ( بدائي وبسيط). Haddii dabcan sida Khalqawiyiinta ama Takwiiniyiinta — oo ah ragga leh si madax-bannaan ayuu Alle noole kasta u abuuray oo midna mid kale laga ma abuurin — ay leeyihiin uu arrinku yahayna, waxay ahayd in qalfoofkii la doonaba xilli kasta iyo taariikh kasta oo la doono la helo, oo tusaale ahaan la helo qalfoof bani’aadan (Homo sapiens) oo milyan sano ka hor ama 600, 000 oo sano ka hor u noqonaya, ama qalfoof iinsaan (Homo) — noocuu doono ha noqdo noocyadii toddobada ahaa ee aynnu soo xusnaye — oo u noqonaya 10 ama 20 milyan soo sano ka hor, ama mid diinasoor oo 600 oo milyan oo sano ka hor u noqonaya. Laakiin la ma heli karo, taasina waxa ay xoojinaysaa in Aragtida Dhallanrogadku ay sax tahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top