Taxanaha Aragtida Darwin iyo Qur’aanka— Qaybta 7aad | Naqdinta Aragtida

Jaarles Daarwin. Sawirku waa 1854, shan sano ka hor soo bixistii buugga Asalka Sinjiyada.

Laga soo bilaabo xilligii Jaarles Daarwin uu buuggiisa Asalka Sinjiyada (On the Origin of Species; أصل الأنواع) uu soo bandhigay, 1859, Aragtida Dhallanrogadku waxa ay la kulmaysay naqdiyo tiro badan, oo kaga imanaya dhan saynis, dhan falsafadeed iyo dhan laahuut intaba, waxaana laga yaabaa in ay tahay aragti saynis middii ugu mucaaradka badnayd abid; maaddaama oo ay taabanaysay dhammaan dadka dunida ku nool oo dhan, waxaana ay ahaydba kacdoon bayoolaji oo la mid ah kii Copernicus ee culuumta kawniyaadka iyo falagga, imikana waxa ay noqotay paradigm, sida aynnu hore u soo sheegnaynna waa aragtida ugu weyn ee bayoolajiga ku jirta, la’aanteedna Bayoolajigu wax macno ah yeelan maayo sida uu Siyuudoosiyos Dobshaaniski (Theodosius Dobzhansky) oo saynisyahannadii qarnigii 20aad ugu waaweynaa ka mid ahaa uu yidhi.

Siyuudoosiyas Dobjaasinski :“Wax bayoolajiga ku jira oo dhadhan yeelanayaa ma jiro ilayska dhallanrogadka la’aantii.”


Waxaa jira waxyaabo badan oo dadka wataa ay naqdiyo u haystaan balse ku dhisan aqoonla’aan baahsan oo aragtida ay kaga sugan yihiin, tirana malaha ma leh inta jeer ee aad maqasho “Haddii bani’aadanku uu daanyeerka ka soo dhallanrogmay maxaa hadda ay daanyeerradu u jiraan?”, iyo “Maxaa loo arki waayay daanyeer maanta leh bani’aadkaan ku soo biiray”, iwm. Runtiina, waa su’aalo keliya ka soo fuli kara maanka ruux aan aragtida daraasayn waxna ka garanayn, waayo qof kasta oo aragtida wax yar ka bartay waa uu garanayaa in bani’aadanku aanu daanyeerradan inna la nool ka soo dhallanrogan, iyo in dhallanrogadku aanu muddo yar ku dhicin ee kummanaan ama malaayiin sano uu qaato, oo aanay suurtagal ahayn in indhaha caadiga ah lagu arko noole hadda dhallanrogmaya, wax dhici karena aanay ahayn taasi.

Jean-Baptiste Lamarck

Sida caadada ah, marka aragti saynis la soo bandhigo waxa saynisyahannadu ay u soo jeediyaan naqdiyo, waxa ayna gudogalaan tijaabinta saxnimadeeda iyo qaladnimaddeeda iyo gorfaynteeda. Markaana haddii naqdinta iyo gorfaynta ay u babbac dhigto waxa ay noqotaa mid saxan oo guulaysata, haddii kalena mid liidata oo fashilanta, sida ku dhacday aragtidii
Jiin Babtiste Laamaark ee la sheego in beryihii dambe uu Daarwin dhankeeda u janjeedhsaday ka dib markii uu garan waayay waxa ka dambeeya isbeddelka noolaha, waa intaanu qarnigii 20aad saynisyahankii Reer Holand ee Hiigo Dhe Firiis daahfaydin doorsoonka (mutation; طفرة ) ku dhaca hiddesidaha ee keena dhallanrogadka noolaha.

Hugo De Vries (1848 – 1935)

Lamarckism-ku waxa ay sheegay, in nooluhu marka xaalad gaar ah xubin uu aad u isticmaalo in xubintaasi weynaato, oo tusaale ahaan geriga oo kale in qoortiisu ay waagii hore gaabnayd, laakiin duruufo dhexe oo ku sababay in geedaha dhaadheer uu tiigsado si uu u cuno aawadeed ay qoortu la dheeraatay, ka dibna noocaas oo kale noolayaasha ay is la beddelaan. Sidaa si le’egna, in nooluhu marka uu xubin isticmaali waayo uu xubinkaasi marka ka dambaysa sii yaraado, ugu dambaynna meesha uu ka baxo. Aragtidani walow dhan ay sax ka tahay, oo dabcan isticmaalka badan ee xubinku keeno in uu weynaado, sida murqaha oo kale, laakiin waxaa lagu bushiyay in aan isbeddellada kore la kala dhaxlin, oo aabbahaa haddii inta uu jiim galo murqihiisu ay waaweynaadaan adigu ka dhaxli maysid, ee isaga ayay ku koobnaanayaan.

Dhallanrogadka Geriga sidii uu Laamaark u mala’awaashay.



Haddii aynnu u soo laabanno Aragtida Dhallanrogadka, waxa aynnu soo qadan doonnaa qayb ka mid ah naqdiyada ilaa hadda nool, ee aragtida dul hoganaya. Dabcan qaybo ka mid ah naqdiyadii hore waa laga jawaabay, meeshana waa ay ka baxeen, sida kii uu soo bandhigay xisaabyahankii iyo fiisigisyhankii Brithiska ahaa ee Loodh Kelfin, oo mar uu da’da dhulka ku xisaabiyay 100 milyan oo sano yidhi ” suurtagal ma aha in sinjiyada intaa le’egi ay muddadaa ku dhallanrogmaan”. Laakiin naqdigaasi meesha wuu ka baxay, ka dib markii qiyaastaa Kelvin ee cimriga dhulku ay qalad soo baxday oo la ogaaday in cimrigiisu yahay 4.5 bilyan oo sano.

Lord Kelvin (1824 – 1907)



Sidoo kale waxaa lagu naqdin jiray aragtida in aanay ahayn aragti saynis ah, marka loo eego mabda’a Kaaral Baabbar ee Been-aqbalidda (Falsifiability; قابلية التكذيب) ee caanka ah marka la joogo falsafadda sayniska (philosophy of sceince; فلسفة العلم ), kaas oo sheegaya in aragtidu si ay aragti saynis ah u noqoto uu jiri karo wax lagu beenin karo haddii la helo, aragtida Daarwinna aanu jirin wax lagu beenin karo, maaddaama oo kummanaan ama malaayiin sano ka hor wax dhacay ay ka warramayso.

Karl Popper (1902 – 1994)

Naqdiganna waxaa ka jawaabay saynisyahankii Biriirish-Hindiyaanka ahaa ee  Joon Haaldhayn, isaga oo inna siiyay halbeeg lagu beenin karo oo ah qalfoof bakayle oo u noqonaya Casrigii Kaambariga (Cambrian period; العصر الكامبري) hortii, macnihii 500 milyan oo sano ka hor, maaddaama oo dhallanrogad (evolution) ahaan aanay suurtagal ahayn in xilligaas la helo noole u qaabdhismeed adag (معقد) sida bakaylaha oo kale.

J. B. S. Haldane (1892 – 1964)

Dhanka kale, waxaa iyana xilligii Daarwin maqnaa badii dhex-dhexoodyada (intermediates; التوسيطات), oo diiwaan-qalfoofku (fosill record; السجل الأحفوري) ku dhowaad waa uu wada madhnaa, taasna sida aynnu soo sheegnay waxa ay ku ahayd laf dhuun gashay iyo waxyaabaha lagu naqdiyo kuwa ugu waaweynaa. Isna waxa uu ku niyad-samaa in la heli doono dabadii, badi haddii ayna ahayn dhammaan dhex-dhexoodyadaas ama is-ku-xidhayaashaa maqnaana (missed links; الحلقات المفقودة) hadda ma aha kuwo maqan, walow dal-daloollo uu leeyahay diiwaan-qalfoofku aan weli la awdin.

Alferd Wegener (1880 – 1930)


Dhanka kale, waxaa ka mid ahaa naqdiyadii ugu waaweynaa ee aragtida loo soo jeediyay, in qaarado kala duwan laga helay noolayaal aan badda is kaga gooshi karin, sida raha oo kale. Markaa, haddii aan noole kastaba si madaxbannaan qaarad kastaba loogu abuurin, ee sida uu Daarwin sheegayo ay hal asal ka soo wada jeedaan, sidee baa badweyn dhan ay uga tallaabeen oo qaarado kala duwan ay ugu noolaadeen? Dabcan waa naqdi aad u adag, balse isna meesha waxa uu meesha ka baxay ka dib markii saynisyahankii Jarmalka ahaa ee Alfedh Wiignar uu la yimid Aragtida Googo’a Qaaradaha (Continental Drift Theory; نظرية الإنجراف القاري), taas oo sheegaysa in berigii hore qaaradaha oo dhami ay is ku ahaayeen hal qaarad oo keli ah oo uu u bixiyay Pangaea, ka dibna ay kala googo’day, waana aragti sax ah oo mabaadi’da cilmiga Jiyoolajiga xilligan la joogo ka mid ah.

Halkan ka soo akhri qormo faahfaahsan oo ku saabsan aragtida Wiignar ee Googo’a Qaaradaha.

Mar haddii ay sidaas tahay,  waxa halkaa ka soo baxday in ruhu beryihii hore qaaraddii Pangaea uu ku wada noolaa, maaddaama 370 milyan oo sano ka hor rahyadii u horreeyay ay soo muuqdeen, qaaradda Pangaea-na keliya ay 175 milyan oo sano ka hor kala googo’u uu ku bilaabmay, ka dibna rihii uu kala baahay oo midiba qayb raacay, sidaas aawadeedna qaarado kala duwan looga helay isaga oo badda aan is kaga gooshi karin.

Intaa marka laga yimaaddo, aragti kasta oo saynis ah waxa lamahuraan in ay xaqiiqooyin badan fasiri karto, waayo aragtidu waa sida dunta tusbaxa oo kale, xaqiiqooyinkuna sida kuulihiisa. Duntu waxa ay is ku xidhaa kuulaha tusbaxa, la’aanteedna tusbax dhammayatiran la heli maayo oo kuuluhu macno samayn maayaan. Sidaas oo kalena, aragtida sayniska ahi waxa ay is kugu kaa xidhaysaa oo ay kuu fasiraysaa xaqiiqooyin kala duwan, la’aanteedna xaqiiqooyinku macno samayn maayaan. 

Haddaba, Aragtida Dhallanrogadku xaqiiqooyin farabadan ayay fasiraad ka bixisay, sida isu-eekaanshaha noolayaasha iyo wadaagiddooda DNA-ga, iyada oo tidhi sababtu waa in ay asal wadaagaan. Xubnaha hadhaadiga ee noolayaasha qaar ku yaalla ee wax shaqa ah aan qaban ama dhibtoodu ay ka badan tahay dheeftooda, iyada oo tidhi sababtu waa in asal hore oo ay ka soo jeedaan ay dheef u lahaayeen xubnahaasi.  Sidoo kale kala qaybsanka juquraafiyadeed ee noolayaasha, iyada oo tidhi sababtu waa in midiba uu goob ku go’doomay ka dibna uu gaarkiisa u dhallanrogmay. Intaas iyo waxyaabo kale oo badan oo aynnaan halkan ku wada sheegi karin ayaa ay fasiraad ka bixisay Aragtida Dhallanrogadku, kuwaas oo fikradda Abuurka Gaarka ah (Special creation; الخلق الخاص) ee ay qabaan qolyaha Khalqawiyiinta (Creationists) la dhaho ee sheegaysa in noole kastaba si madaxbannaan loo abuuray aanay fasiraad ka bixin karin.

Sidaas oo ay tahay, haddana waxa ay ku fashilmaysaa fasiridda xaqiiqooyin kale, oo ay ka mid tahay quruxda dabeecadda, iyo fasirka waxa loo yaqaanno qariisada (anstnict; الغريزة) iyo qaybaheeda kala duwan. Charles Darwin-na waa dareensanaa in qariisadu ay aragtidiisa taxaddi ku tahay, sidaa aawadeed ayuu buuggiisa Asalka Sinjiyada baabka 3aad nuskhadda Ingirisiiga ama baabka 8aad turjumaadda Ismaaciil Mud’hir ee Carbiga markuu u baabaystay “Qariisada” uu u sheegay in ay halis ku tahay aragtidiisa iyo qaadashadeeda.

Gool iyo dhasheeda.



Dhammaanteen waxa aynnu wada naqaannaa, in ay jirto wax loo yaqaanno qariisada Hooyannimada (Maternal instinct; غريزة الأمومة ), oo hooyo kasta ku beeran ama ku abuuran. Hooyo kastaa dhasheeda waa ay xannaanaysaa, dhawrtaa, nuujisaa, ilaalisaa, sidoo kalena difaacdaa. Haddii aanay jirin qariisadaasina, ma suurtagasheen in noole uu noolaado, iyo in uu dhallanrogad dhaco asal ahaanba. Ka soo qaad adigu haddii hooyadaa maalintaad dhalatay aanay ku ilaalin lahayn ee ay ku dili lahayd, ama ugu yaraan aanay ku nuujiseen ee ay is kaga kaa tagi lahayd? Dabcan maad noolaateen, sidaasoo kalana noolayaasha kale iyana waa ku la mid. Sidoo kale, dhasha yari marka ay sidaa u dhalato, iyada oo khibrad hore iyo barasho midna aanay jirin ayaa ay doonataa naaska hooyadeed si ay u nuugto ( oo toloow yaa baray in wax la nuugo!), haddii ayna doonan lahaynna halkaas ayaa ay gaajo ugu bakhtiyi lahayd, hooyadeedna ay ku goblami lahayd, ugu dambaynna sinjigaasi halkaas ayaa uu ku dabar-gu’i lahaa oo uu ku soo afjarmi lahaa! Haddaba halkay ka timid qariisadaasi, yaa se ku abuuray? Waa su’aal tafsiir maaddi ah oo maangal ah aanu jawaab ka bixin karin.

Richard Dawkins

Waxa kale oo jirta, qariisada la yidhaahdo Naf-huridda (the sacrifice; التضحية), oo noolayaasha dhammaantood ku wada abuuran, laga soo bilaabo bakteeriyada hal-unugleyda ah, ilaa laga soo gaadho bani’aadanka. Richard Dawkins mar uu is ku deyay in uu fasiro qariisadanna, waxa uu bixiyay Hidde-sidaha anaaniga ah (Selfish gene ; الجين الأناني), waana mawdduuca buuggiisa caanka ah ee The Selfish Gene uu ka hadlayo badankii.

Hiddesideha Anaaniga ah

Waxa uu Dawkins sheegay, in naf-huriddana waxa samaynayaa uu yahay hidde-sidaha, kaas oo raba in uu sii tarmo oo aanu halkaa ku soo geyoon. Laakiin waa jawaab tabardaran dhab ahaan, waayo hidde-sidaha isagu halkuu ka keenay in uu naf-hur sameeyo?! Halkuu se ka keenay in uu doono in uu sii jiro? Waxaana burburinaysa dooddaa Dawkins, in mararka qaar marka xayawaannada dhasha laga dilo ay weeraraan ciddii dishay, marka lagu socdo fikirka Dawkinsna waxa ay ahayd in taas caksigeedu ay dhacdo oo xayawaankaasi uu baxsado si hiddesidihiisu uu u gudbo oo uu tarmo. Laakiin taasi ma dhacdo, waayo hiddeside in uu gudbo doonaya ayaan asal ahaanba jirin oo warka Dawkins baan sax ahayn. Sidoo kale, noolayaashu keliya naf-hurka u ma sameeyaan dhashooda si loo yidhaahdo hidde-side in uu sii negi ahaado oo uu gudbo raba ayaa jira, ee cid aan shaqaba ku lahayn ayaa ay u huraan mararka qaar!  Qariisooyinka noolayaashuna aad bay u badan yihiin qaarkoodna mucjiso ay u yihiin, se dhawrkaa tusaale ayaa aynnu ka soo qaadannay. 

Sidoo kale, doorashada dabiiciga ah ee udubdhexaadka u ah Aragtida Dhallanrogadku ma fasiri karto weynaanta seeska maskaxda bani’aadanka ee lagu qiyaaso 1, 345 g (cm³), waayo doorashada dabiiciga ahi waxa ay u shaqaysaa hab aadyar aadyar ah, iyada oo reebaysa wax kasta oo u adeegaya la jaanqaadka  (adaptation) iyo negaanshiyaha, maskaxda bani’aadankana saddex meelood meel ka mid ah ayaa ku filnayd negaanshiyihiisa, sida shiimbaansiga oo isagu saddex meelood meel maskaxdeenna leh uu negi u yahay, dabeecadduna ma taqaanno hal-mar-boodka sida la wada yaqaanno. Sidaa aawadeed ayuu Alferd Russel Wallace oo aasaasihii labaad ee aragtida ahi uu waagii dambe ugu janjeedhsaday dhanka ruuxaaniyaadka, markii uu ogaaday in aan doorashada dabiiciga ah lagu fasiri karin arrimo dhawr ah oo tani ay ka mid tahay, ilaa buugaag weyn oo mujalladaad ah uu mawduucyadaas ruuxaaniyaadka uu ka qoray.

Alferd Russel Wallace (1823 – 1913)

F. G! Halkan waxaa ku dhammaaday taxanihii Aragtida Daarwin iyo Qur’aanka qaybtiisii koowaad ee sharaxidda iyo faahfaahinta saynis ee aragtida, halkaana waxa ka bilaabmaya isbarbardhigga Qur’aanka iyo aragtida: miyaa ay is waafaqayaan mise waa ay is ka hor imanayaan? Akhri qaybta 8aad.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top