Taxanaha Aragtida Daarwin iyo Qur’aanka— Qaybta 1aad | Sooyaalka Aragtida

Jaarles Daarwin (1809 – 1882)

Noofeembar 24,1859: ka dib 20 sano oo baadhis, socdaal, xog ururin, dedaal iyo indho-indhoyn ah, oo shan sano oo ka mid ah uu ku dhammaystay dhabarka doonidiisii caanka ahayd ee Biigal (Beagal) oo kolba meel uu ugu safrayay si uu kasmo cusub uga helo, saynisyahankii Reer Ingiriis ee Jaarles Daarwin (Charles Darwin) waxa uu soo bandhigay buuggiisa caanka ah ee uu ku magacaabay “On The Origin Of Species by means The Natural Selection — أصل الأنواع عن طريق الإنتخاب الطبيعي “, ee markii dambe magaciisa loo soo gaabiyay Asalka Sinjiyada (Origion Of Species; أصل الأنواع), kaas oo uu ku soo bandhigay aragti saynis tii ugu doodda iyo saamaynta badnayd adduunka oo ah Aragtida Dhalanrogadka (Evolution theory نظرية التطور), oo uu ku mashquulsanaa 20 sano oo xidhiidh ah, ahna aragtida qudha ee asalka noolayaasha fasirta ee cilmiga Bayoolajiga ku jirta; isaga oo kaashanaya saaxiibkii Alfedh Raasil Wolas (Alferd Russel Wallace) oo isna ahaa saynisyahan Ingiriis ah, iyo sidoo kale aasaasihii labaad ee aragtida. 

Alfedh Raasil Wolas (1823 – 1913)

Jaarles Daarwin buuggiisa Asalka Sinjiyada kaga ma hadlin oo wuu ka reebay dhalanrogadka iyo asalkii basharka cabsi uu ka qabay bulshadii masiixiyiinta ahayd aawadeeed, keliyana waxa uu ku gaabsaday weedh qudha oo ah “Iftiin ayaa lagu ifin doonaa asalka iinsaanka iyo sooyaalkiisa: light will be thrown on the origion of man and his history ” ¹, se ugu dambayn 1871 ayaa uu ka qoray buug weyn oo gaarkiisa ah oo uu u bixiyay “The Descent of Man and Selection to Sex, oo Carabi ahaan loo turjumay: نشأة الإنسان والإنتقاء الطبيعي— Unkamiddii Iinsaanka iyo Doorashada Dabiiciga ah” oo laba qaybood ka koobnaa, kaas oo si waafi ah ugu faahfaahiyay asalka iinsaanka intii karaankiisa ahaa.

Unkamiddii Iinsaanka;  Jaarles Daarwin.

Jaarles Daarwin waxa uu Febraury 12, 1809 ku dhashay England, waxa uuna ka dhashay qoys aqooneed. Aabbihii waa Dr Robet Darwin, waxa uuna ahaa saynisyahan bayoolajiyeed. Awoowgiina waa Iraasmas Daarwin (Erasmus Darwin), isna waxa uu ahaa saynisyahan, faylasuuf iyo suugaanyahan weyn, waana raggii Daarwin uga hormaray Aragtida Dhalanrogadka. Marka laga soo tago fekerkiisa iyo aragtidiisa saynis iyo noloshiisii aqooneed, Jaarles Daarwin waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa ruux isduldhig badan oo akhlaaq wanaagsan, waxa uuna geeryooday Abriil 19, 1882 isaga oo 73 jir ah.

Iraasmas Daarwin (1731 – 1802): Daarwin awoowgii.

Daarwin ma ahayn mulxid sida dadka qaar ay u dhigaan, weligiina hal maalin muu noqon, si la mid ah sida aanu u ahayn yuhuudi, hase ahaatee sannadihii noloshiisa u dambeeyay waxa uu isku tirin jiray agnostic (لا أدري), walow noloshiisa intii u badnayd iyo markii uu buuggiisa Asalka Sinjiyada faafiyayba uu Ilaahay rumaysnaa, oo waa ka ku leh buuggiisaas Asalka Sinjiyada: ” Waxaa muuqata in qorayaasha sharafta lihi ay la dhacsan yihiin fikradda odhanaysa: sinji wal oo noolaha ka mid ah si madaxbannaan baa loo abuuray [macnihii sinjina sinji laga ma soo saarin laga mana soo dhalanrogin]. Balse aniga ahaan, waxaan qabaa in [soo bixidda sinjiyadu] ay si wacan ula jaanqaadayso waxa aynnu ka og nahay xeerarka ABUURUHU uu maaddada ku xardhay, taas oo ah in soo bixidda iyo dabargo’a noolayaasha deggan caalamku, imika iyo berigii horaba, ay ku dhacaan sababo heerka labaad ah, * oo la mid ah isla kuwa jaangooya dhalashada ruuxa iyo dhimashiisa oo kale uun. Marka noolayaasha aan u fiirsanayo , ee aan u arkayo in aan mid walba si madaxbannaan loo abuurin, balse ay yihiin tafiir ka soo jeedda qayb ka mid ah noolayaashii beryo hore — kahor samaysanka lakabkii koowaad ee Casriga Sayluuriyaanka — noolaa, waxay iila muuqanayaan in ay yeelanayaan nooc cabqarinnimo iyo sarreyn ah.” ²


*Sababo heerka labaad ah, waxaa laga wadaa falgallada iyo xeerarka dabiiciga ah ee koonku ku shaqeeyo ee Abuuruhu uu dhigay, sida noolemaniyeedka ninka iyo ugxanta gabadhu haddii ay kulmaan in uu ilmo samaysmo, iyo in wadnaha oo istaagaa ay dhimasho sababto.  Macnihii Jaarles Daarwin ma diiddanayn in uu Abuure jiro, iyo in soo bixitaanka sinjiyada noolayaashu ay ku dhaceen xeerarkaas iyo falgalladaas heerka labaad ah ee Abuuruhu uu ugu talagalay, balse waxa uu diiddanaa waxa loo yaqaanno Abuurka gaarka ah (Special Creation; الخلق الخاص) ee qolyaha loo yaqaanno Khalqawiyiintu (Creationists) ay ku doodaan, kaas oo sheegaya in noole walba si madaxbannaan loo abuuray.


Kinis Millar

Munaasabo ahaanna, aad bay u badan yihiin saynisyahannada dhalanrogadka (evolutionary biologists) ee Ilaahay jiritaankiisa iyo abuuristiisaba rumaysan, oo tusaale ahaan waxaa ka mid ah saynisyahankii Ruushiyaanka ahaa ee Theodosius Dobzhansky (1900 – 1975), Francisco J. Ayala (1934 – 2023), Kenneth R. Miller iyo qaar kale oo badan oo kulligoodba saynisyahannadii dhallanrogadka kuwii ugu waaweynaa qarnigii 20aad ahaa. Taasina waxa ay caddaynaysaa sheegashada ah in aragtidu ay Ilaahay jiritaankiisa diidayso in aanay waxba ka jirin, fahan li’i aragtida lagaga sugan yahayna ay ka dhalatay, waayo dad badan ma kala saari yaqaannaan aragtida iyo aydhoolajiyadaha ay ku ladhaan dadka qaar ee aanay iyadu shaqo ku lahayn, sida waxa loo yaqaanno Daarwiiniyadda Bulsheed (Social Darwinism; الدارويينة الإجتماعية) , sheekada sudfada, iwm.

Siyuudoosiyoos Dobshaaniski

Fikradda dhalanrogadka ma ahayn mid la kowsatay Daarwin in kasta oo isagu uu dhidibbada u taagay, fikradda Doorashada Dabiiciga (Natural selection) ahna uu keenay, oo sida aynnu sheegnay awoowgii Erasmus Darwin ayaaba uga horreeyay, bal e qarnigii lixaad ee miilaadiga hortii faylasuufkii Giriigga ahaa ee Thales oo ahaa faylasuufyadii loo yaqaannay “Presocratics — ما قبل السقراطيين” ayaa sheegay in noocyada noolayaasha oo dhami ay ka soo unkameen badda. Sidaa si le’eg ayaa faylasuufkii Anaximander oo Thales saaxiibkii iyo ardaygiisii ahaa uu u xusay in noloshu ay ka soo bilaabantay kana soo dhalatay dhoobo, dhoobadaasna uu ka samaysmay kalluunkii u horreeyay; halkaana ay noolayaasha oo dhami ka soo farcameen. Sidoo kale faylasuufkii weynee ee Aristotle oo ah aasaasaha cilmiga Mandiqa iyo falsafadda Akhlaaqda ayaa isna ka hadlay dhalanrogadka.

Aristootal (384 – 322 C. H )

Dhanka faylasuufyadii muslimiinta, badhtameeyadii qarnigii 9aad ee Miilaadiga, faylasuufkii iyo saynisyahankii Reer Ciraaq ee muctasiligaa ahaa ee Jaaxid ayaa ka hadlay dhalanrogadka weliba hab saynis, isaga oo buuggiisa weyn ee “الحيوان ” ku faahfaahiyay, oo tusaalayaal dhawr ah u soo qaatay oo shimbiruhu ay ka mid yihiin. Sidoo kale waxa uu kaga hadlay loollanka negaanshiyaha aawadii (الصراع من أجل البقاء) oo uu ku sii saadaaliyay waxa Jaarles Daarwin uu u bixin doono Doorashada Dabiiciga ah (Natural selection — الإنتخاب الطبيعي) ee seeska u ahba Aragtida Dhalanrogadka ee Daarwin, dartiina isaga loogu magacdaray aragtida. 

Al-Jaaxid (776 – 868 miilaadiga)

Sidoo kale Ikhwaanu-Safaa, Ibnu Miskawayhi iyo Ibnu Khalduun ayaa ka mid ah falaasifada muslimiinta ee dhalanrogadka ka hadlay, oo tusaale ahaan Ibnu Khalduun — oo ahaa dhaqaalayahankii, faylasuufkii iyo caalimkii weynaa ee Tuniisiga ahaa — waxa uu si cad oo cajiib leh uu buuggiisa caanka ah ee Muqaddamada uu ugaga warramay dhalanrogadka, isaga oo xusay in si aadyar aad yar (تدريجيا ) ay ciidda uga abuurantay dhirtu, dhirtana ay ku xigeen xayawaannadu, xayawaannadana uu ku sii xigay bani’aanka oo meeshii ugu dambaysay ee silsiladdaas ah! ³

Laamaark (744 – 1829)

In yar ka hor Daarwin saynisyahankii Faransiiska ahaa ee Jiin Babtisti Laamaark (Jean-Baptiste Lamarck) ayaa isna ka hadlay tadawurka, isaga oo sheegtay in adeegsiga badan ee xubin la adeegsadaa ay keento in xubinkaasi uu koro oo uu weynaado, sidoo kale in la adeegsan waayaa ay keento in xubinkaasi yaraado ilaa uu meesha ka baxo, sidaasna isbeddelka noolayaasha ku dhacaa uu u yimaaddo, isaga oo tusaale ugu soo qaatay geriga, oo yidhi berigii hore qoortiisu sidan u ma dheerayn, ee duruufo yimid oo ahaa in geedaha dhaadheer uu cuno ku qasabtay ayaa sababtay in qoortii uu aad isticmaalo oo geedaha dhaadheer uu ku fanto si uu u u daaqo, ka dibna qoortii ayaa weynaatay oo dheeraatay ilaa ugu dambayn inta ay le’eg tahay hadda ay le’ekaatay. Balse waxa Laamaark loogu jawaabay in aan raadadka iyo isbeddellada kore la kala dhaxlin, oo haddii adigu aad jiim gasho tusaale ahaan oo murqo waaweyn aad yeelato carruurtaadu kaa ma dhaxlayaan ee adigu uun ay kugu eekaanayaan, sidaas aawadeed bayna fikraddiisu ay qalad u noqotay. Sidaas oo ay tahayna, waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay raggii Daarwin uga  hormaray in uu jiro dhalanrogad iyo isbeddel noolayaasha ku dhaca.


Dhalanrogadka geriga sida Laamaark uu u sawirtay.


Markii Jaarles Darwin uu buuggiisa Asalka Sinjiyada soo bandhigay ee si aftahannimo leh oo cilmiyaysan uu uga hadlay dhalanrogadka, waxaa uu saynisyahannadii ka la kulmay weji fiican iyo aqbalaad hor leh. Waqtiyo dhexe se aragtidu caalamka sayniska qayb ka mid ah way ku daciiftay, sababtuna ay ahayd in aan la garayninn waxa keena dhalanrogadka iyo in la la’aa qolfoofka noolayaal dhexe oo ay ahayd in la helo, waxaa dib u soo nooleeyay saynisyahankii Jarmalka ahaa ee Awgasti Waysman markii la daahfayday doorsoonka(mutation: الطفرة) hiddesidaha ku dhaca ee ka dambeeya dhallanrogadka ; halkaana waxaa ka dhalatay wixii loo bixiyay Daarwiniiyadda Cusub (Neo-Darwinism —   الدارويينة الجديدة أو الحديثة).

August Weismann (1834 – 1914)

Tixraacyo

  1. Darwin, C. (1859). On the Origin of Species (1ast ed.). pp. 488 – 489.
  2. Is la tixraaca hore
  3. Muqaddamu Ibnu-Khalduun, Jus. 1, b. 206 – 207.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top