Ilaahay ma dan buu iga leeyahay ?

Marka qofku uu kawnka u fiirsado, ee weynidiisa iyo ballaadhnidiisa uu la amakaago, ee uu ogaado in meerihiisan dhulku uu yahay mid ka mid ah 70 kontilyan (quintillion) oo u dhiganta 70 milyan oo tirilyan oo meere, waxaa laga yaabaa in qofka mulxidka ah ama muslinka ah se shakisan uu is weyddiiyo: “Rabbiga kawnka intaa le’eg ee dhexroorkiisu yahay 93ka bilyan ama 93ka kun ee milyan ee sannad-ilayseed ¹ — waaba hadduu jiro e — muxuu igu falayaa? Dabcan innaga oo kale dan iyo muraad naga yeelan maayo, waayo wax aan nahay ayaan jirinba”!

Su’aashan oo kale waxa ay ka timaaddaa waxa loo yaqaanno dadaynta, oo ah in bani’aadanku uu wax kastaba isagu is kaga halbeeg-qaato oo uu is ku miisaamo. Waana sababta xitaa jihooyinka uu xubnihiisa ugu magacdaray, oo “midig” waxa uu ka soo qaatay gacantiisa midig, “bidixna” gacantiisa bidix! Dagaalku isaga oo aan xubno bani’aadan iyo wax la mid ah toona lahayn ayuu odhanayaa “Dagaalku jilbuhuu dhulka dhigtay”! Waana waxa loo yaqaanno dadaynta (humanization or anthropomorphism; الأنسنة ). In kasta oo afka uu ka sheeganayo in kawnka aanu waxba ka ahayn, haddana waxa uu u dhaqmayaa oo uu fikiraa sidii oo uu yahay xarunta kawnka iyo jiraalka oo dhan, awood iyo cid ka sarraysaana aanay jirin! Waxa isaga shar u la muuqdaa waa shar, waxa khayr u la muuqdaana waa khayr, oo kummanaan bakteeriyo haddii uu dilo ama ay dhimato shar u ma arko e khayr buu ba u arkaa maaddaama oo aanay isaga u fiicnayn; waayo sharku waa waxa sayidka jiraalka — waa isaga e — shar u la muuqda uun!

Sidaa darteed ayaa xitaa Ilaahay uu dadayntiisa ugu la dul dhacaa oo uu u suuraystaa in uu yahay noole isaga la jaad ah, oo waxa isaga la weyn uu Ia weyn yahay; waxa isaga la ballaadhan uu la ballaadhan yahay; sida madaxweynayaasha dadka wax u maamula; waxa isaga layaab iyo fajac iyo wareer la ahna uu isna la yahay! Waana nooc ka mid ah sanamaynta (الوثنية ) ama dadaynta Alle!

Ilaahay marba haddii uu yahay abuuraha goobta iyo goorta, shaki la’aan waa uu ka baxsan yahay labadoodaba. Mar hadday sidaa tahayna, wixii dhacay balaayiin sano ka hor, waxa hadda dhacaya iyo waxa balaayiin sano ka dib dhici doonaaba isaga waa isugu mid. Sidaas oo kalana kawnkaa kaa fajaciyay ee aad weynidiisa la amakaagsan tahay iyo xitaa malaayiin iyo tirilyan jibbaarkiisa iyo atamka ugu yariba Ilaahay agtiisa way ka siman yihiin, kawnka meesha ugu fog ama ugu dambaysa iyo meesha ugu dhaw waa is kugu mid: is ku si buu u arkaa, u maamulaa, uga warhayaa, una abuuray, oo mid kastaba “كن ; ahow” ayaa uu ku uumay. Sidaa darteed Ilaahay agtiisa weynaan iyo yaraan wax la gu ma qiimeeyo.

Is ka dhaafba bani’aadanka loogu deeqay caqliga iyo garaadka inta la og yahay aanu kawnku la wadaagin — ahna noolaha keli ah ee Ilaahay ka fikiraya waxna is ka weyddiinaya e — caleenta ugu yar ee geedka ku taalla ciyaar-ciyaar loo ma abuurine muhiim weeye Alle agtiisa, oo Alle waxa uu xusay in uu og yahay kana warhayo, wax uuna yidhi: “وَمَا تَسْقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعْلَمُهَا ; Caleen ma dhacdo ilaa waa uu og yahay”. Sideennu markaa adiga kaaga warhaynnin muhiimna aanad u ahayn?!

——

1. Sannad-ilayseed (light-year ; سنة ضوئية ): waa halbeeg saynisyahannada falagga iyo cosmology-gu ay adeegsadaan, oo mar haddii kawnka aanay suurtagal ahayn in kiiloomitir iyo mayl iwm masaafooyinkiisa lagu cabbiro ayaa intee ilaysku uu halkaa ku gaadhayaa ay halbeeg ka dhigteen. Ilaysku ilbidhiqsigii waxa uu jaraa 300,000 Km. Tusaale ahaan cadceedda oo kale waxa ay inoo jirtoo 150 milyan oo kiiloomitir, 150kaa milyan ee kiiloomitir marka aan halbeeggan ilayska u beddelayo waxa aan is ku qaybinayaa 150ka milyan ee masafada cadceedda ah iyo xawaaraha ilayska oo 300, 000 km/s ah. Waxaana ii soo baxaya 500 oo ilbidhiqsi. Kadibna 500 ee ilbidhiqsi ayaan u beddelayaa daqiiqado oo 60 ayaan u qaybinayaa, waxaana ii soo baxaya 8.3 daqiiqo. Waxaanan markaa odhanayaa cadceeddu waxa ay inoo jirtaa 8.3 daqiiqo halkii aan ka odhan lahaa waxa ay innoo jirtaa 150 milyan oo km. Halkii sannad-ilayseed oo ah sannadkii ilaysku inta uu jarayana waa 9.46 tirilyan oo kiiloomitir (9.46 ×10¹²). Haddaba ilayska cadceeddaa innoo jirta 150ka milyan ee kiiloomitir kaga imanaya siddeed daqiiqo oo keli ah waxa uu u baahan yahay 93 bilyan oo ah 93 kun oo milyan oo sannadood si uu laba cidhif oo kawnka ka mid ah isaga gudbo! Waana kaa macnaha dhexroorka kawnku waa 93 bilyan oo sannad-ilayseed.

1 thought on “Ilaahay ma dan buu iga leeyahay ?”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top