Tagtadii oo aynnu wax ka ogaannaa waxa ay innaga saacidaysaa timaaddada in aynnu uga kaashanno, dhacdooyinkii waaweynaa ee innaga horteen dhulka ka dhacayna darsi iyo cashar bay inoo yihiin ay tahay in aan wax ka baranno, si aynnu uga feejignaano oo wax kasta oo halis meeraheenna dhulka ku keeni kara aynnu is kaga ilaalinno oo uga fogaanno. Dad badan oo anigu aan ka mid ahayna taas aad u ma sii daneeyaan ee ruuxdooda iyo caqligooda ayaa ku riixaya in ay baadhaan dhacdooyinkii xiisaha lahaa ee hortood dhacay iyo taariikhihii hore ee dhulka soo maray, si ay ugu quudiyaan xiskooda faduuliga ah iyo laabahooda aqoonta u harraaddan ogaalkana u goomman, goob iyo goor kastana u heellan sidii xog cusub ay ku heli lahaayeen oo hore aanay u haynnin. Raallina ku ma ahaadaan sooyaalkaas garashadiisa in ay mayeedhaanka u la sinnaadaan.
Akhriste, sunnada Ilaahay ee abuurka ayaa ah in aanay cidi waarin, sinji iyo fardiba. “Dhammaan cid kasta oo [arlada] korkeeda ku sugan way madhanaysaa.” (Ar-Raxmaan: 26 ). Qolo kastaba marka intii loogu talogalay ay noolaato waa ay tagtaa, waxa aanay waddada u bannaysaa qolo kale si iyana fursaddooda jiraalka ay u helaan oo in muddo ah udgoonka nolosha iyo macaankeeda ay u dhadhamiyaan, marba haddii aanay suurtogal ahayn in meerahan yari uu wada qaado dhammaantood. Casrigan aynnu nool nahayna, waxa la qaddaraa in 8 – 9 milyan oo sinji (species; نوع ) oo noole ay dhulka guudkiisa saaran yihiin oo dhirtu ay ku jirto. Sinji kastaana waxa laga yaabaa in uu ka kooban yahay malaayiin iyo balaayiin fardi, oo sinjiga bani’aadanka oo keli ah baaba ka kooban siddeed bilyan iyo dheeraad. Waa tiro aad u badan marka la isu geeyo, balse marka loo eego sinjiyadii dunida soo maray waxa ay noqonayaan 1% ka mid ah, taas oo ka dhigan in 99%-kii kale ay dabargo’een.
444 milyan oo sano ka hor, Casrigii Ordofeeshiyaanka (Ordovician period: العصر الأردوفيشي), waxa dhacay dabargo baahsan oo galaaftay nolosha 85% ka mid ah noolayaashii ku noolaa badda, sababtana waxa loo aaneeyaa cimilodoorsoon iyo barafow iyo qabow daran. Noolayaal berri-ku-nool ahi ma ay dhiman, waayo maba aanay jirin xilligaas oo noloshu badda ka ma aanay soo gudbin. 364 – 375 milyan oo sano ka hor dabayaaqadii Casrigii Dhayfooniyankana ( Devonian period ; العصر الديفوني ) sidii si le’eg waxa waxa dhacay dabargo’ laxaad leh oo ay u le’edeen 75% ka mid ah noolayaashii dhulka ku noolaa; cimilodoorsoon, oksajiinta oo badweynnada ka yaraatay iyo fulkaanooyin daran ayaana sababay.
Casrigii Bermiyaanka (Permian period; العصر البرمي ), 252 milyan oo sano ka hor, isaga waxaa dhacay dabar-go’ii abid ugu darnaa ee taariikhda dhulka soo mara, oo waxaa halaagsamay 96% noolayaashii badda ku noolaa iyo 70% kuwii berriga ku noolaa, sidaas aawadeed baana loogu magacaabay Geeridii Weyneyd (The Great Dying; الموت العظيم ). Dabargo’an baaxadda weyn waxaa sababay waxyaabo badan oo is kaashanaya: cimilo doorsoon, dhaqdhaqaaq fulkaanooyin oo aad u firfircoon una baahsan, korodhka heerarka gaasaska diirran ee gibilka hawada sida Kaarboon Laba Oksaydhka (CO²), Miithaynta (CH⁴), Oosoonta (0³), iwm iyo sababo kale. Waxaana noolayaashii xilligan dabar-go’ay ugu caansan Taraaylobaayd (Trilobite; ثلاثيات الفصوص).
Dabayaaqadii Casrigii Tiriyaasigga (Triassic period; لعصر الترياسي ) iyo billowgii Casrigii Juraasigga (Jurassic period; العصر الجراسي ), 201 milyan oo sano ka hor, waxa isna dhacay dabargo’ kale oo daran, waxaana dhulku uu waayay 80% noolayaashii oogadiisa ku noolaa, sababaha ka dambeeyayna is la kuwaas hore baa loo aaneeyaa. Berigan waxa dabar-go’ay sinjiyo aad u farabadan oo berribiyoodyada ka mid ah, awoowaydii diinasoorooyinka ee Arkasoorooyinka (Archosaur; الأركوصورات) iyo sinjiyo kale oo badan oo badda ku noolaa.
Sidaas baa xaaladdu ay ahayd, sidaas baana sinjiyana ay u tegayeen qaar kalena ay u beddelayeen sida waalidkaba uu ilmihiisu u beddelo isaguna uu u galbado, ilaa laga soo gaadhayay 66 milyan oo sano ka hor dabayaaqadii Casrigii Kiritayshaska ( Cretaceous period; العصر الطباشيري ). Casrigan waxa dhulka ka talin jiray xammaaratada gaar ahaan diinasoorooyinka oo iyaga laftoodu sinjiyo badan oo kala duwan lahaa, oo daaqcun iyo hilibcunba isugu jira. Guud ahaan waxa ugu weynaa sinji doogcun ahaa oo lagu magacaabo Arjantiinosooraad (Argentinosaurus; أرجنتينوسورس ), kaas oo dhererkiisu gaadhayay 30 – 35 mitir, miisaankiisuna ilaa 70 – 100 ton (70, 000 – 100000 oo kg). Waxa uu lahaa qoor aad iyo aad u dheer una weyn, oo dhererkeedu lagu qiyaaso 7 – 9 mitir, waxaanu ku noolaa Ameerikada Koonfureed, qalfoofkiisana waxa laga helay Aarjantiin iyadaana loogu magacdaray.
Waxa ku soo xigay nooc kale oo la dhaho Baataagootiitaan (Patagotitan; باتاجوتيتان), oo isna dherer ahaan le’ekaa 37 mitir, miisaan ahaanna 70 ton (70, 000 kg). Dhanka kuwa hilibcunka ah waxa ugu weynaa sinji la dhaho Isbiinasooras (Spinosaurus; سبينوصورس ), kaas oo dherer ahaan le’ekaa 18 mitir, miisaan ahaanna 4 ton (4, 000 kg). Waxa uu lahaa fuq weyn iyo ilko haliilaya oo waaweyn, iyo kurus lafo ah oo dherer ahaan le’ekaa 1.8 mitir, waxa uuna ku noolaa goobo ka mid ah Waqooyiga Afrika, qalfoofkiisana waxa markii u horraysay laga helay Masar 1912.
Waxa kale oo qaybta hilib-cunka ah kaas ku soo xigay mid lagu magacaabo Traynasooras Rekis (Tyrannosaurus rex; التيرانوصوروس ركس), oo isna dherer ahaan gaadhayay 12 -13 mitir, miisaan ahaanna 8 – 9 ton (8, 000 – 9, 000 kg). Waxa uu lahaa fuq weyn iyo dib aad u dheer una culus, isaga oo ku socon jiray laba lugood oo keli ah, waxa uuna ku noolaa Ameerikada Waqooyi. Ilaa 50 qalfoof ayaana laga hayaa.
Waxa kale oo ka mid ahaa diinasoorooyinkaa qaar la odhan jiray Diinasoor-shimbireed (Pterosaurs; الدينصورات الطائرة), Barantasooras (Brontasaurs; بروتنصورات ), Diinasoor-Saddex-Geeslay( Triceratops; التَرَيسِيرَاتوپس), Istiigasooraad (Stegosaurs). Waxa sidoo kale xilligan noolayd naasley bidaa’i ah sida Didelphodon (ديمتريون) iyo naasley kale oo ay ka mid ahayd Dhaaynoseeriyam (Deinotherium; دينوثريوم) oo aynnu kaga hadalnay qormadii “Barafowgii Weynaa”. Dhanka badda waxaa jiray xilligaas xammaaratadii biyo-ku-noosha ahayd ee ay ka midka ahaayeen Mosasaurus, Pliosaurus iyo Ichthyyosaurus.
Iyada oo sidaas noloshu ay tahay, oo sinji waliba nimcadiisa uu dhan ka daaqayo, ayaa maalin maalmaha ka mid ah 66 milyan oo sano ka hor waxa dhulka ku habsaday dhagaxcireed ( meteoroid; نيزك ) aad u weyn oo dhexroorkiisa lagu qiyaaso 10 km (6.2 mayl), kaas oo ku dhacay jasiirad-u-eekaha Yucatán ee dalka Mexico, ilaa haddana raadkii dhagaxcireedku waa uu ka muuqdaa oo halkii uu ku dhacay waxa ka samaysmay hog weyn oo dhexroorkiisu uu yahay 150 km iyo dheeraad, waxaana godku sidaa ugu sii weynaaday waa xawaarihii sare ee dhagaxcireedku uu ku socday, goobtana waxa lagu magacaabaa booraanta Jiksulub (Chicxulub Crater ; فوهة تشيككسولوب)
Dhagaxcireedkani ma ahayn kii ugu horreeyay ee oogada dhulka so gaadha walow mid la mid ahi aanu dhulka haleelin, oo 3.8 ilaa 4.1 bilyan oo sano ka hor dhulku waxa uu la daalaadhacayay dhagaxcireedyo iyo barafcireedyo (comet; مذنبة) farabadan oo uga imanaya dibadda shishe, dhagax iyo barafcireedyadaas ayaana saynisyahanno badan ay qabaan in ay yihiin meesha dhulka ay biyuhu uga yimaaddeen.
Markii dhagaxcireedkan oo xawaare aad u sareeya ku socday uu dhulka haleelay, waxa ka dhashay boodh iyo siigo weyn oo cirka is ku shareeray, kuwaas oo gibilka hawada (atmosphere; الغلاف الجوي ) wada qabsaday, oo dhulka ilaysyadii qorraxda badankooda ka xijaabay, mugdi iyo gabaahiirna meeraha dhulka geliyay muddo lagu qiyaaso 10 sano iyo dheeraad. Taasina waxa ay keentay in heerkulkii dhulka uu aad hoos ugu dhaco, dhanka kalena cuntasamaysigii geeduhu uu joogsado, halkaana dhir badan iyo noolayaal badan oo ku tiirsanaa bad iyo berriba ay abaadaan, qaar kalena ay qabowgii darnaa u adkaysan waayaan oo ay madhaan.
Sidoo kale dhagaxcireedkani waxa uu sababay in ay ololaan badi kaymihii waaweynaa, qiiqii ka dhashayna cirka ayuu galay waxa uuna dhankiisa ka qaybqaatay wasakhowgii hawada iyo in ilaysyadii qorraxda uu dhulku waayo, ololkaasna noolayaal iyo dhir badan baa ku gubtay oo halkaas ku dabar-go’ay, abaar baahsan baana ka dhalatay. Waxa kale oo dhagaxcireedkaas ka dhashay Mawjado-Suunaamiyo (Tsunami waves; موجات تسونامي ) aad u daran, kuwaas oo gebi ahaanba baabiiyay noolayaashii iyo dhirtii ka ag dhowayd goobaha xeelliga badda guud ahaanba caalamka. Danka kalena qashin badan bay badda ku soo celiyaan, taas oo keentay in noolayaal badan oo badda ku noolaa ay u dhintaan.
Sababahaas oo is kaashanaya iyo sidoo kale sida ay tusinayaan cilmibaadhisyada qaarkood fulkaanooyin iyana dhacay baa ka wada qaybqaatay in ay dabargo’aan dhammaanba diinasoorooyinkii waaweynaa ee dhulka ka talinayay 66 milyan oo sano ka hor, waxa aanay waddadu u furantay tarankii iyo tadawurki naasleyda ilaa aadamuhu uu ka soo baxay. Haddii aanu Alle kaga takhaluseen diinasoorooyinkaa waaweynaana xilligan suurtogal ma ay ahaateen in aynnu dhulka ka talinno oo ilbaxnimooyin aynnu dhisno iyo in aynnu ku dul noolaanno toona.