Maaris Ma U Guuri Doonnaa Mustaqbalka Dhow?

Meeraha Maaris ee soomaalidu ay u taqaanno Farraare, Carabtuna Marriikh (المريخ ), waa meere midabkiisu casaan yahay oo cadceedda u jira 228 milyan oo km, ururka bahda qorraxdana (solar system; المجموعة الشمسية) waa meeraha afaraad ee ugu soo dhow cadceedda, dhan kalena waa kooda ugu yar marka laga yimaaddo Duse (Mercury; عطارد ). Waxa uu leeyahay laba dayax oo isaga ku wareega oo la kala dhaho Diimoos (Deimos; ديموس ) iyo Fooboos (Phobos; فوبوس ). Waa meere jaar la ah meeraheenna dhulka, dhexroorkiisuna waa 6,779 km (4,212 mayl) , taas oo ka dhigan in dhexroorkiisa uu yahay ku dhawaad kalabadh dhexroorka dhulka oo isagu 12,742 km ah (7,918 mayl), laakiin mug ama xajmi ahaan lix meeloodow meel dhulka ka mid ah ayuu Maaris le’eg yahay.

Dhulka iyo Maaris

Maaris da’ ahaan waxa uu jiraa 4.6 bilyan oo sano, oo ah da’ ku dhow ta dhulka oo 4.5 ah, sidoo kale cufisjiidadkiisu waa saddex meelood cufisjiidadka dhulka, maalinkiisuna waa 24.6 saacadood, halka sannadkiisu uu yahay 687 maalmood oo ah ku dhowaad labalaabka sannadka dhulka, waxaanu leeyahay xilliyada dhulka qaar la mid ah: gu’ , xagaa, dayr iyo jiilaal, maxaa yeelay marka uu udubdhexaadkiisa ku wareegayo waxa uu u wareegaa hab janjeedh ah sida dhulka, janjeedhkaas ayaana xilliyada sannadku ay ka dhashaan.

Janjeedhka wareegga dhulka ee udubdhexaadkiisa.

Dhanka kale waxa oogadiisa laga helayaa biyo barafoobay oo badan, lakabyadiisa hoosena waxa laga helayaaba kuwo dareere ah, waxaana loo badinayaa in beryihii hore uu lahaa oo oogadiisa laga heli jiray biyo dareere ah, taasina waxa ay xoojinaysaa in nololi ay beryo hore ka jirtay. Maaris waxa kale oo uu leeyahay buuro, togag qallalan iyo jeexjeexyo. Isku eekaanshahaas dhulka iyo maaris u dhexeeyaana waa ka keenaya in ahmiyad gaar ah loo siiyo Maaris, waa haddii aad is weyddiin lahayd “Maxaa isaga uun loo rabaa in laga dul dego ee meerayaasha kale looga doorbidayaa?”.

Muuqaal laga metelay xogihii Maaris laga helay oo muujinaya sidii meeruhu ahaa balaayiin sano ka hor.

Gibilkiisa hawadu (Atmosphere; الغلاف الجوي) waa mid khafiif ah oo 95.3 % ka kooban kaarboon laba oksaydh, 2.7% naytroojiin, 1.6% aargoon ah iyo ino yaryar oo oksajiin iyo uumi-biyood ah, weligiina sidaa ma ahayn ee berigii hore wuu ka cufnaan badnaa sidan, cufnaantaasina waa ta suurtogelinaysay in sooyaalkiisii hore biyo dareere ah uu meeruhu helo, balse markii uu khafiif noqday waxa uu sababay in biyuhu ay uumi iyo baraf u dhexeeyaan. Gibilka hawada ee Maaris ma laha qaddar ku filan oo gaaska Oosoonka (Ozone; أوزون ) ah (O³), mar hadday sidaas tahayna is ka ma difaaci karo ilaysyada fiyoore-dhaafka ah (ultra-violet; الأشعة فوق البنفسجية ) ee ka imanaya qorraxda, kuwaas oo halis baaxad weyn ku ah jidhka iyo maqaarka noolayaasha; halka dhulka gibilkiisu uu leeyahay lakab Oosoon ah oo ku filan walow aanu badnayn oo ilaysayadaa fiyoore-dhaafka ah cirka ku nuuga inta aanay oogada dhulka soo gaadhin, waana sababta noloshu ay dhulka ugu negaatay.

Dhanka cimilada, meeraha Maaris waa mid aad u qabow marka loo eego dhulka, oo habeenkii heerkulkiisu waxa uu gaadhaa ‐50°C ilaa ‐60°C, mararka qaarna ‐125°C, meelaha cidhifkiisa koonfureed ahina waxaa bay gaadhaan ‐80°C; halka maalintii uu kor u soo kaco oo meelaha dhulbadhaha ah uu heerkulkoodu noqdo O°C ilaa 20°C, meelaha kalena ‐20 ilaa ‐30°C, waana heerkul ay adag tahay in lagu dul noolaado oo noolayaashu ay u adkaystaan.

Xaaladda ay is kugu dhow yihiin Maaris iyo Dhulku.

Maaris waxa uu dhulka ka fog yahay masaafo u dhexaysa 54 ilaa 401 milyan oo km, waxaana keenaya kala dheeraanshaha intaa le’eg labada wareeg ee ay ku kala samaysanayaan cadceedda. Marka ay is kugu dhow yihiin waa marka ay si toos ah is kugu beegmaan, ee dhulkuna uu ku kala dhex jiro khad toosan cadceedda iyo maaris, 26kii biloodna hal mar ayay xaaladdani soo noqotaa, waxaana markaa dhulka iyo maaris ay is ku jirsadaan 54 milyan oo km oo keli ah, waana xilliga ugu munaabsan ee markab-cireedyada (spacecraf; مركبة فضائية ) loo diro Maaris maaddaama masaafadu ay gaaban tahay, hadhow haddii bani’aadan la raacinayana waqtigaas ayaa la la eegan doonaa, taas oo ka dhigan haddii cidi ay ka dul degto Maaris in aanay isla markaaba soo noqon karn ee 26 bilood ay sugayaan.

Roald Amundsen

Muddo hadda laga joogo qarni iyo dheeraad, December 14,1911, shan iyo toban nin oo uu hoggaaminayo daahfaydihii Norwey u dhashay ee Roald Amundsen ayaa safar daahfaydid ah ku aaday cidhifka koonfureed ee dhulka, waxaana ay ahayd markii u horraysay ee si dhammaystiran basharku uu u tago qaaraddaas una daahfaydo. Ku dhowaad lixdan sano ka dibna, 1969, waxa basharku uu aaday dayaxa, markaas oo Neil Armstrong iyo Buzz Aldrin iyo koox ay hoggaaminayeen ay cagadhigteen dayaxa safar afar maalmood qaatay ka dib, runtiina taasi waxa ay ahayd tallaabo hor leh oo basharku uu ku tallaabsaday, waana kii Armstrong yidhi markii uu sidaa labadiisa lugood ugu joojiyay dayaxa: “Tani waa tallaabo yar oo iinsaan uu dhigay, balse waa booto weyn oo bashariyaddu ay boodday“.

Abboolo 11

Laga soo bilaabo xilligaas, waxa xoogaystay ifafaallaha bani’aadanku uu ku naawilayo in uu mar uun fagaagga iyo meerayaasha kale uu u safro, gaar ahaan Maaris, maaddaama uu waxyaabo badan oo aynnu soo sheegnay uu meerayaasha kale iyo dayaxaba kaga soocan yahay. Dhinaca kale, waxaa suurtogal ah in musiibo weyn ay haleesho dhulka, sida tusaale ahaan xanuunno faafa oo dunida oo dhan saameeya, cimillada dhulka oo xumaata, ama in meereyare ama dhagax-cireed uu ku habsado dhulka, sida tusaale ahaan dhagaxii weynaa ee 66 milyan oo sano ka hor casrigii Kiritayshaska (Cretaceous period; العصر الطباشيري ) cirka ka soo dhacay, kaas oo kaga takhallusay diinasoorrooyinkii iyo xayawaannadii waaweynaa ee dhulka ka talin jiray, waddadana u banneeyay iinsaanka iyo naaslayda guud ahaan. Markaana waxa muhiim noqotay, in bani’aadanku uu raadiyo ugu yaraan deegaan kale oo uu kaga samatabaxo haddii musiibooyinkaas ama qaar kaleba ay yimaaddaan, hadduu doono markaa dib dhulkiisa ha ugu soo noqdee.

Hawsha ah in markab-cireed ay dadi saaran yihiin uu maaris tago waa mid aad u culus una adag: dhan farsamo iyo dhan caafimaadba. Maxaa yeelay, markab-cireedyada hadda gacmaheenna ku jira waxa ay ugu yaraan ku qaadanaysaa lix ilaa sagaal bilood si ay u gaadhaan Maaris, weliba waa marka la la eegto waqtiga uu innoogu dhow yahay ee uu inoo jiro 54 milyan oo km. Intaa safarkaas lixda ilaa sagaalka bilood ah lagu jiro, maaddaama cufisjiidadkii dhulka laga baxay, lafaha dadka rakaabka ahi macdano badan ayaa ay waayayaan, waxaana sidoo kale kordhaya firfircoonnida unugyada Osteoclast ee burburiya lafaha, taas oo keenaysa in lafahoodu ay jilcaan, oo hadhow marka cagta Maaris ay saaraanba u adkaysan waayaan oo ay jajabaan. Sidoo kale waxa suurtogal ah in ay waxyeelloobaan murqahooda. Si looga hortago taasna, waxa loo baahan yahay in laylisyo badan iyo jimicsiyo ay safarku ku dhex sameeyaan, taasina waxa ay qasab ka dhigaysaa in markab-cireedka la raacayo uu noqdo mid weyn, haddii markab-cireedku uu weynaadna xawaaruhu in uu yaraado ayaa dhacaysa oo safarku uu dheeraado, taasina waa mushkilad kale.

Xaaladda degitaanka ayaa iyadu ah mid aad u culus, gaar ahaan marka markab-cireedka la raacayaa uu yahay mid weyn oo ahba ka loo baahan yahay, oo waxaa dhici karta in markab-cireedku uu burburo, sidii ku dhacday aalad-cireeddii (spaceprobe; مسبار فضائي ) la magaca baxday Schiaparelli ee ay is ka kaashanayeen wakaaladda cirka ee Yurub (ESA) iyo wakaaldda cirka ee Ruushka (Roscosmos), taas oo 2016 markii ay ku deg is tidhi oogada Maaris gebi ahaanba burburtay, iyada oo haddana ahayd mid aanay cidi saarnayn.

Schiaparelli

Haddiiba lagu dul dego, waqtiga ugu yar ee dib looga soo hayaami karaa waa 26 bilood ka dib oo ah marka maaris iyo dhulku ay 54ka milyan ee km ay is ku jiraan sida aynnu hore u soo sheegnay. Dhanka hawoqaadashada, iyada si hawo iyo oksajiin loo helaa way fudud tahay, oo kaarboon laba oksaydka ayaa laba loo kala jebinayaa oo oksajiin laga la soo baxayaa, amaba biyaha barafoobay ee Maaris ayaa la kala saarayaa maaddaama ay ka kooban yihiin laba haydararjiin ah iyo oksajiin, in kasta oo taasi ay qalabyo hormarsan u baahan tahay maaddaama biyahaasi ay aad u dhagaxoobeen, mar kalena markab-cireedka la raacayaa in uu weynaado ay rabto si wixii qalab, cunto, oksajiin, dawo, jiim iyo aasaasiyaad kaleba ah ee loo baahan yahay uu u qaadi karo.

Haddii la doonayo in halkaa lagu dul noolaado waqti badan, waxa loo baahanayaa dhul beereed in laga sameeyo Maaris. Waxaana xusid mudan in carrada Maaris ay ku jiraan maaddooyin sun ah oo dhibaato u geysanaya noolaha, sida Perchlorate-dda, markaana si wax looga beero waa in maaddadaa laga tirtiro marka hore. Sidoo kale, waxa aynnu soo sheegnay in gibilka hawada ee Maaris uu khafiif yahay, oo aanu celin karin ilaysada fiyoore-dhaafka ah ee cadceedda ka imanaya, kuwaas oo dhirta iyo iinsaankuba aanay u adkaysan karin, markaana waxa ay noqonaysaa in gibil macmal ah oo munaasab ah loo sameeyo, taasna aad bay u adkaanaysaa fulinteedu.

Dhanka cimilada lafteeda waxa ay noqonaysaa in kor loo qaado, oo la soo gaadhsiiyo derejo noolayaashu ay xammili karaan, taasina waxa ay u baahanaysaa agabyo badan iyo waddooyin hormarsan oo dawladaha dunida oo dhami ay is ka kaashadaan si loo sameeyo, waxaana ay qaadan kartaa boqollaal sano. Cimilada oo dhexdhexaad noqotaana waxa ay innaga caawinaysaa in biyaha barafka ah ee Maaris ay dhalaalaan oo dareere ay noqdaan, gaar ahaan marka cadaadiska hawada ee Maaris oo 99% ka hooseeya ka dhulka kor loo qaado, cadaadiskaa hooseeyaana waa ka sababaya in biyuhu ay maaris korkiisa aanay xaalad dareere ah marin, ee uumi iyo adke mid uun ay noqdaan. Waxyaabahaas aynnu soo sheegnay oo dhan waxa aad loogu sii baahanayaa marka la is leeyahay dul dega maaris oo muddo badan ku noolaada, laakiin haddii laga soo noqonayo waxaas oo dhan loo ma baahna, in kasta oo adeegyada hadhow lagaga soo noqonayo ay imanayso in la sii diyaariyo oo la sii qaato.

Iyada oo culaysyadaas iyo kuwa kale oo aynnaan xusinba ay jiraan, haddana waxa wakaaladaha cirka iyo bilyanneero uu ka mid yahay Mulkiilaha X ee Elon Musk (Twiter) ay dedaal weyn ku bixinayaan sidii markab-cireedyo (spacecraft; مركبة فضائية ) dadi ay saaran yihiin loogu diri lahaa Maaris mustaqbalka dhow, haddii Ilaahay innoo suurtogeliyo in cimri-qaalibka dadka la dheereeyo sida hadda lagu talojirana waa aynnu gaadhi doonnaa.

Markabcireedka Kiriyoosati

Dabcan markab-cireedyo badan ayaa loo diray Maaris laakiin cidi aanay saarnayn, ilaa haddana markabcireedyo shaqaynaya waxa oogadiisa ku dul sugan saddex mid, oo kala ah Curiosity rover oo taabacsan wakaaladda cirka ee NASA oo bishii November 26, 2011kii la diray, kuna dul degay August 6, 2012; iyo Perseverance rover oo isna taabacsan NASA oo bishii July 30, 2020 loo diray, kana dul degay Febraury 18, 2021, waxaana uu la gaar yahay markab-cireedkani in uu wato drone duulduulaysa oo lagu magacaabay Ingenuity oo meelo aanay markabcireedyadu mari karin korka ka soo sawiraysa; iyo ka saddexaad ee u dambeeya oo la magacbaxay Zhurong oo laga leeyahay Jaynaha oo May 14, 2021 ku degay oogada Maaris; halka ay ku dul wareegaan markab-cireedyo iyo aalad-cireedyo (space probe ; مسبار فضائي ) kale, oo uu ka mid yahay aalad-cireedka Amal ee Iimaaraatka Carabta laga leeyahay, kaas oo Febraury 2021 gaadhay Maaris, muhiimaddiisuna ahayd in macluumaad ku saabsan gibilka hawada ee Maaris uu soo gudbiyo, ilaa haddana si fiican buu shaqadiisa u wataa.

Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan, imaamkii weynaa ee Fakhrudiin ar-Raasi oo geeryooday muddo hadda laga joogo ku dhowaad 900 oo sano, ahaana nin ballaadhan oo culuum aad u farabadan oo fiisigis, falag, dibbi, xisaab, mandiq iyo culuumta diinta iyo caqliga idilkeedba ay ka mid yihiin baac dheer ku lahaa, ahaana sheekha is ka leh mid ka mid ah kutubta ugu waaweyn ee Tafsiirka Qur’aanka laga qoray ee Mafaatiixul-Qayb, markii uu sharxayay aayadda 22aad ee suuradda Cankabuut ee “وما أنْتُمْ بِمُعْجِزِينَ في الأرْضِ ولا في السَّماء “, waxa fiiradiisa dheer iyo khiyaalkiisa cajiibka ah uu kaga la soo dhex baxay aayaddaas in suurtogal ay tahay in maalin maalmaha ka mid ah uu bani’aadanku cirka tago ama uu dego, oo aayadduna ay ishaarayso in haddii xitaa uu dego aanu awoodda Ilaahay ka baxaynnin, oo aanu marnaba noqon doonin sidii Yuval Noah Harari uu is moodsiiyay ilaah (Deus), ee uu ahaanayo bashar daciif ah, isaga oo Raasi yidhi “Waxa looga jeedaa haddii cirka aad kortaan amaba biyaha guntooda aad gashaan Ilaahay awooddiisa ka bixi maysaan, baxsashana kaga ma dhuuman kartaan marnaba”, xagga ahe waxa uu ka sii raaciyay “Dhulka ayaa laga horraysiiyay samada.. maxaa yeelay baxsad-isku-deyiddooda suurtogalka ahi waxa ay ka dhici karaa dhulka, intaa ka dib haddii aan ka soo qaadno in ay helaan awood ay cirka ku koraan”.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top