Tiirarka Abuurka

Kuwani waa Tiirarka abuurka (The Pillars of Creation; أعمدة الخلق), oo innoo jira 6500 oo sannad-ilayseed, oo u dhiganta 61. 5 kuwaadrilyan (quadrillion) oo kiiloomitir, oo habka scientific notation-ka haddii loo qoro noqonaysa 6.149 × 10¹⁶, macnihii 6 la raaciyay 16 eber. Sannadkii 1995 ayaa telescope-ka Hubble uu ka soo qaaday sawirkii u horreeyay, ka dibna telescope-ka James Webb ayaa October, 2022 ka soo qaaday sawir aad uga muuqasho badan kii Hubble.

Sawirka waxa qaaday tiliskoobka Hubble, sannadkii 1995.
Isla goobtii, waxaana sawirka qaaday tiliskoobka James Webb 2022.

Tiirarkani waxa ay ku yaallaan goob ay aad ugu badan yihiin gaasaska iyo boodhka kawniga ah , oo ku tirsan ceeryaanta Eagle (Eagle Nebula; سديم العُقاب) ee innoo jirta ilaa 7000 oo sannad-ilayseed, taas oo dhex dhacda ururka carabtu ay u taqaanno Urur-abeeska (كوكبة الحية), magaciisa sayniska ahina uu yahay Serpens. Ceeryaan marka aynnu lee nahay waa walaxcireed ka samaysan Haaydarajiim, Hilyam iyo boodhka kawniga ah, waana meelaha ay ka samaymaan xiddigaha, sidoo kalena ay ka samaysantay qorraxdeennu 4.6 bilyan oo sano ka hor.

Ceeryaanta Iigal

Boodhka kawniga ahina waa nooc ka mid ah boodhka oo fagaagga sare laga helo, kaas oo beryihii hore saynisyahannada gaar ahaan cirbixiyeennada u diidi jiray in ay arkaan meerayaasha iyo xiddigaha iyo ajraamta cirka ee ka dambeeya, se aakhirkhii markii cilmiga falaggu uu horumaray ee la adeegsaday ilaysyada guduud-hoosmareennada (Infrared light; الأشعة تحت الحمراء) ah lagu guulaystay in la arko waxa ka dambeeya.

Tiirarka abuurka waxaa loogu bixiyay magacaas sababta oo ah waxaa ka abuurma oo ka samaysma xiddigo aad u farabadan, kuwaas oo ka samayma hadhaadiga xiddigo hore oo halkaa ku dhammaaday oo noqday tiirar gaasas ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top