Tijaabo maskaxeeddan lagu magacaabay Qolka Jaynaha (Chinese Room ; الغرفة الصينية), waxaa sannadkii 1980 soo bandhigay faylasuufka weyn ee Ameerikaanka ah ee Jooon Seeral (John Searle) oo ku takhasusay falsafadda caqliga iyo falsafadda afka, kana dhiga Jaamacadda Kalafoorniya (University of Calivornia) ee dalka Maraykanka, isaga oo ku faahfaahiyay tijaabadan warqad aqooneeddiisa amaba buug-yarihiisa uu ku magacaabay “Minds, Brains and Programs”.
Mudane Joon Seeral waxa uu tijaabadan ku burburinayaa, sidoo kalana waxba-kama-jiraan iyo suurtagal la’aan kaga dhigayaa, sheegashooyinka — nasiib-darro— beryahan dambe faafay filimo badan oo khiyaali ah oo Matrix ka mid yahayna laga jilay, ee ah in maskaxda macmalka ah (Artificial Intelligence) gaar ahaan qaybta Strong AI ay caqli iyo wacyi yeelan doonto, weliba ka garaad sarrayn doonto bani’aadanka, aakhirkana ay ka la wareegi doonaan dhulka.
Tijaabadani waxa ay lee dahay: ka soo qaad aniga oo ku jira qol xidhan laakiin dalool yar ka bannaan, waxbana aan ka garanayn afka Jayniiska (qoraal ahaan iyo akhris ahaanba), laakiin qolka uu iigu jiro buug ay ku yaallaan kalmado gaar ah oo Jayniis ah iyo jawaabahooda oo iyana Jayniis ku qoran, ka dibna qof Jayniis ah oo qolka dibadda isagu ka joogaa uu su’aal ii soo qoro ka dibna uu daloolka yar iiga soo dhiibo, oo intaan ka eego buuggii macluumaadka ahaa aan jawaabta ku soo celiyo? Dabcan qofkaasi waxa uu u malaynnayaa in aan si fiican u aqaanno Afka Jayniiska, laakiin xaqiiqadu waa in aanan waxba ka garanayn afkaas, kana warhaynnin oo aanan fahmayn ujeedka iyo macnaha uu leeyahay waxa aan qorayo, laakiin keliya aan is ku xidh-xidhay macluumaad ii diyaarsan.
John Searle waxa uu yidhi, maskaxda macmalkuna (Artificial Intelligence) waa is la sida ninkaas qolka ku jira, oo waxyaabo lagu program-gareeyay ayay is ku xidh-xidhaysaa, iyada oo aan ujeedka iyo macnaha ay leeyihiin ka warhaynnin waxbana aan ka fahmayn, is ku xidhkaasina caqli u ma yeelli karo u mana samayn karo, waana mustaxiil in uu yimaaddo maalin ay baraad (consciousness) iyo caqli ay kaga warqabto ujeedka waxa ay is ku xidh-xidhayso ay yeelato; is ka dhaafba in bani’aadanka ay ka garaad iyo caqli sarraysee.