Malahayga waa su’aal qof kasta oo idin ka mid ahi uu is weyddiiyay ama ku soo dhacday, Rasuulkana (NNKH) waxaa laga soo weriyay in uu yidhi: “Midkiin ayaa shayddaanku uu u iman, ka dibna waxa uu ku odhan waxan yaa abuuray? Waxan kale yaa abuuray? Ilaa uu ka odhanayo Rabbigaana yaa abuuray? Marka halkaa uu la gaadhana Ilaahay ha ka magangalo, hana ka reebtoomo”. Dabcan qofka intaasi ay ku filan tahay mooyee ka kale ee halkaa aanay kaga joogsanaynnin waxa uu u baahan yahay in jawaab uu kaga nasto helo. Su’aashanna jawaabbo badan ayaa lagaga jawaabay oo aad u xeeldheer, se mid iyo laba fudfudud ayaa maanta aynnu ka xusi doonnaa.
Shay marka uu u baahanayo in la jirsiiyo waa marka aanu weligii jiri jirin ee jiritaankiisu uu bilow leeyahay, laakiin haddii weligiiba uu jiri jiray u ma baahna in cidi ay jirsiiso. Qaacidada saxda ahina ma aha “Wax kasta oo jiraa waa in cid jirsiisaa ay jirto” sida dadka qaar ay u maleeyaan, ee waa “Shay kasta oo dib ka yimi (حادث) waa in cidi ay jirsiisay”. Sidaa aawadeed markii kawnka aannu sugaynnay in cidi ay jirsiisay is la markiiba is ka ma aannan odhan “yaa abuuray?”, ee markii hore in uu jiritaan la’aan uu u hormaray ayaannu sugnay ka dibna in cid jirsiisa uu u baahan yahay ayaannu caddaynay, sida muuqaalkii maalinkii dhawaa ee aynnu si kooban ugaga hadlaynnay mid ka mid ah caddaymaha caqliga ah ee jiritaanka Ilaahay.
Mulxidiinta laftooduna beryihii hore markii ay dhihi jireen kawnku weligiiba wuu jiray arrinkan ayaa ay ku baraarugsanaayeen, oo su’aasha ah “Yaa jirsiiyay?” ayaa in ay kaga baxsadaan ay rabeen, maaddaama shay kasta oo dib ka yimi uu u baahan yahay cid jirsiisa, balse shayga weligiiba jiray ee macnihii jiritaan la’aan aanu u hormarin aanu cid jirsiisa u baahnayn.
Haddaba waxaa is weyddiin mudan, Ilaahay ma jiritaan la’aan baa u hormartay si cid jirsiisa ama abuurta uu ugu baahdo? Jawaabtu waa “maya”, maxaa yeelay haddii weligiiba aanu jiri lahayn wax dib ka yimi (حادث) ayaa uu noqon lahaa, wax kasta oo dib ka yimina cid jirsiisa ayuu u baahan yahay oo cid jirsiisa ayuu u baahnaan lahaa, ciddaasina cid sii jirsiisay ayaa ay u baahnaan lahayd oo halkaa waxaa ka dhalan lahayd silsilad dabafuran ama tasalsulka (التسلسل) waxa la dhaho iyo ka kale ee iskuwareegga (الدور) la dhaho mid, oo labadooduba caqli ahaan aan suurtagal ahayn.
Kan dambe ee iskuwareegga ( الدور) la dhaho haddii aynnu ku horraynno, isagu waa in tusaale ahaan la yidhaahdo “Cabdi waxaa jirsiiyay Cumar, Cumarna waxaa jirsiiyay Cabdi”, waana wax aan suurtagal ahayn caqli ahaan, maxaa yeelay si Cumar loo jirsiiyo oo Cabdi uu u jirsiiyo waa in Cabdi uu hortii jiray, is la xilligaana si Cabdi loo jirsiiyo oo Cumar uu u jirsiiyana waa in aanu Cabdi jirin, waxaana halkaa ka dhalanaya laba shay oo isburinayaa in ay kulmaan (إجتماع النقيضين) oo caqli ahaan mustaxiil ah.
Haddii ka hore ee tasalsulka aynnu u imannana, waxa aynnu leennahay haddii sidaa cillooyinka iyo sababuhu ay u sii taxmaan, oo kawnka cidi ay jirsiisay, ciddaasna cid kale jirsiisay, ciddaasna cid kale jirsiisay oo sidaa uun ay u sii socoto dhammaad la’aan, waxaa ka dhalan lahayd in kawnkuba aanu jirin. Tusaale ahaan: ka soo qaad qalin baad istaaji aad is tidhi, ka dibna markuu kuu istaagi waayay haddii wax iskii u taagan aad ku isjaajin lahayd wuu istaagi lahaaye ayaad mid kale oo aan isna iskii is ku taagi karin oo cid kale oo uu ku tiirsado u baahan aad ku tiirisay, isna haddana mid kale oo aan iskii is ku taagi karin ayaad ku sii tiirisay, haddaad sidaas uun aad u sii waddo suurtagal ma tahay in qalinkii u horreeyay ee istaaji aad lahayd uu istaago? Maya dabcan! Sidaas oo kale kawnku maaddaama oo aanu jiritaanka iskii u lahayn oo wax gadaal ka yimi uu yahay waxa uu u baahan yahay cid jirsiisa, ciddaasina haddii ay noqon lahayd cid iyana aan iskeed jiritaanka u lahayn oo cid jirsiisa u sii baahan oo sidaa uun ay u sii socon lahayd dhammaad la’aan suurtagal ma ahaateen in kawnku uu jiro!
Tusaale kale, ka soo qaad nin sabool ah oo aan shilin haysan ayaa mid kale oo sabool ah oo la mid ah lacag weyddiistay, haddana kii kalana sabool kale oo la mid ah ayuu sii weyddiistay, kii kalana mid kale, haddaad sidaas uun u sii waddo ilaa dhammaad la’aan suurtogal ma tahay in saboolkii u horreeyay uu maalqabeen noqdo ama lacag helo? Dabcan maya, haddii aynnu aragno isaga oo lacag haystana waxa aynnu leennahay nin aan isagu sabool ahayn ayaa siiyay.
Dhanka kale, waxaa la kala saaraa laba shay, oo loo kala yaqaanno wax iskii ku ah (ما بالذات) iyo wax cid kale ku ah (ما بالعرض). Wax kasta oo cid kale ku ahi waa qasab in wax iskii ku ah uu u noqdo, laakiin waxa iskii ku ahi cid kale u ma noqdo. Tusaale ahaan bariis baad dhadhamisay, waxa aanad aragtay in uu dhanaan yahay. Maanta bariiskani maaddaama oo iskii aanu dhannaanka u lahayn (ما بالعرض) waa in wax iskii u dhannaan uu u noqdo, sidaa aawadeed ayaad is ku weyddiinaysaa yaa dhannaaniyay? Wax aanad kaga jawaabaysaa “Milixda”. Haddaba milixda dhannaankeedu ma mid cid kale ay ka ka soo qaadatay baa sidii bariiska mise iskeed bay dhannaan u tahay (ما بالذات)? Maya ee iskeed bay dhannaan u tahay, sidaa aawadeed is weyddiin maysid “Yaa dhanaaniyay?” sidii bariiska. Maantana maaddaama oo kawnku aanu jiraalka iskii u lahayn oo wax gadaal kaga yimid uu yahay, waa in uu u noqdo cid iskeed jiraalka u leh oo aanay cidi jirsiinnin.