Istiwaha iyo Salafku Waxii Ay Ka Yidhaahdeen

W/Q: Dr Sheekh Abuubakar Xasan Maalin
W/T: Cabdikariim Sh Bashiir

Bidcoolayaasha xilligani waxa ay ku lumeen fahanka hadalka Ilaahay ee “الرَّحْمَنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَى”, sidii bidcoolayaashii Mushabbihadu ay hortood u gu lumeen casriyadii tagay. Xaafidkii Taajuddiin Cabdiwahaab as-Subkina wax uu kitaabkiisa Dabaqaatu Shaaficiyah al-Kubraa ku yidhi isaga oo ka soo guurinaya imaamkii la odhan jiray Ibnu-Jahbal: “Aayaddani waa gundhigga Mushabbihada iyo waxa u weyn ee ay cuskadaan, ilaa ay ku qoreenba albaabka Masjid Jaamaca magaalada Hamadaan”! ¹

Xaafidkii Abul-Faraj Cabdiraxmaan al-Jawsina wax uu kitaabkiisa Dafcu Shubahi Tashbiih ku yidhi: ” Qaar ka mid ah wadaaddaha dambe wax ay sifadan ku xambaareen wax uu keensanayo xisigu, oo wax yidhaahdeen “Ilaahay daato ahaan ayuu carshiga u ga kor maray”, tii oo ereyga” daato” uu yahay dheeraad aan cidna la ga soo guurin, oo keliya ay ka fahmeen is dareensiintooda ah in haddii cidi ay cid ka sarrayso ay ka dhigan tahay in ay daato ahaan u ga korrayso”. ²

Salafkii wanwanaagsanaana waxa ay [aayaddan iyo kuwa la midka ahba] ka lahaayeen laba waddo oo waafaqsan Kitaabka iyo sunnada.

Midka koobaad waa in macnaheeda Ilaahay loo bandhigo —arrinkiisu weynaaye — oo markaa la yidhaahdo waa istiwe Alle u qalma ma na dhex-galaynno. Xaafidkii Abul-fidaa Ismaaciil binu Kasiir wax uu tafsiirkiisa ku yidhi isaga oo sharxaya hadalka Ilaahay ee “ثُمَّ اسْتَوَى عَلَى الْعَرْشِ”: “Halkan marka la joogo dadku wax ay ka yidhaahdaan hadallo badan oo halkani ayna ahayn meel la gu faahfaahin karo, annaguna keliya wax aannu qaadaynnaa mad’habkii Salafkii wan-wanaagsanaa: Maalig, Awsaaci, Sawri, Lays binu Sacad, Shaafici, Axmed, Isxaaq binu Raahawayhi iyo ciddii la mid ka ahayd ee a’immada Muslimiinta kuwoodii hore iyo kuwoogii dambaba ahaa, mad’habkaas oo ah in sidaa ay ku timid la gu maro iyada oon la qaabaynaynnin, cid loo eekaysiinaynnin, sidoo kalena aan la diidaynnin. Macnaha kore ee ku soo degdegaya maskaxda Mushabbihiintana Alle waa uu ka hufan yahay, maxaa yeelay Alle u ma eeka cid ka mid ah abuurkiisa, (لَیۡسَ كَمِثۡلِهِۦ شَیۡءࣱۖ وَهُوَ ٱلسَّمِیعُ ٱلۡبَصِیرُ).” ³

Xaafid Ibnu-Xajar al-Casqalaanina wax uu kitaabkiisa Fatxul-Baariga ku yidhi: ” Bayhaqi wax uu sanad (سند) fiican ka ga soo saaray Cabdillaahi bin Wahbi in uu yidhi, “annaga oo ku ag sugan Maalig ayaa nin uu soo galay, dabadeedna wax uu yidhi, “Abaa-Cabdillaahiyoow, Alle wax uu yidhi “الرَّحْمَنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَى” ee sidee ayaa uu u ga kor noqday?”. Dabadeed Maalig inta uu hoos u foorarsaday dhidid ka soo booday, ka dibna inta uu madaxa kor u soo qaaday ayaa uu yidhi: ” Alle carshiga waa uu ka saramaray sida uu is ku tilmaamay, la ma na odhan karo ‘sidee?’, maxaa yeelay Ilaahay qaab wuu ka nasahan yahay, adigana kuu ma arko illaa in aad bidcoole tahay mooya e, i ga saara.” ⁴

Waddada labaadna waa in sarrayntaas la gu ta’wiiliyo sarrayn mulkiyadeed iyo mid awoodeed. Taasna Ibnu-Jariir ad-Dabari ayaa tafsiirkiisa ku sheegay markii uu ka hadlayay hadalka Ilaahay ee ah “ثُمَّ اسْتَوَى إِلَى السَّمَاءِ”, wax uuna yidhi: “Sidaas oo kale dheh Ilaahay waa ka sare maray sarrayn mulkiyadeed iyo mid awoodeed, ma na aha korrayn guurguurid iyo mid suulitaan”. ⁵

Haddaba haddii aad doonayso in ay kuu nabad-gasho diintaada iyo caqiiddadaaduba waa in aad qaaddo labadan waddo mid ka mid ah, si aad u ga badbaaddo dhiiqada bidcada, tashbiiha iyo tajsiimka. Waanad aragtaa walaalkayga muslinka ah ee ku dadaalaya in uu ilaashado caqiiddadiisoow, in bidcoolayaashaasi [Wahaabiyada] ayna ku waafaqin Salafkii wan-wanaagsanaa labadan waddo midna, oo marka ay doonaan in ay tawfiidiyaan ay leeyihiin “annagu qaabka ayaanu Ilaahay u bandhigaynnaa”, iyada oo salafkeennii wanwanaagsanaana — Alle ha ka raalli noqdo dhammaantood e – ay diideenba in la qaabeeyo tilmaamaha Alle sida aynnu hore u soo marnay dhawr jeer. Aslanna iyagu [Wahaabiyo] ta’wiilka dhankiisa ma ba daymoodaan, maxaa yeelay wax ay u arkaan sida ay sheeganayaan lumitaan iyo bidco! Waxaanad soo ogaatay wax ka badan hal mar in ta’wiilku uu ka mid yahay mad’habkii Salafkii wanwanaagsanaa.

Waxa aanad aragtaa in ay ka weecdeen mad’habka Salafkii wanwanaagsanaa, oo ay leeyihiin marka ay ka hadlayaan istiwaha “Ilaahay daato ahaan ayuu carshiga u ga kor maray, Ilaahay carshiga ayuu si xaqiiqo ah u ga kor maray”, iyaga oo naska ku daraya wax aannu Alle u gu idmin. Bal halkee ayaa ereyga “daato” iyo “xaqiiqo” ay ka ga soo arooreen Kitaabka iyo Sunnada? Wax aynna taas ka rabaan waa in Alle ay u sugaan goob iyo sarrayn daato ahaan ah, iyada oo aayadaha samaawiga ah iyo xadiisyada nabawiga ahiba ay is ku waafaqeen in Alle uu ka hufan yahay goob iyo jiho labadaba.

Xadiisyadaa waxaa ka mid ah xadiiska uu Bukhaari Saxiixiisa ku soo weriyay ee ah, “midkiin marka uu u is taago salaaddiisa, wax uu la faqayaa/munaajoonayaa Rabbigiisa– ama Rabbigiisa ayaa isaga iyo qiblada u dhexeeya ee mid idin ka mid ah yaanu dhanka qibladiisa candhuuf u tufin.” ⁶ Ibnul-Xajar wax uu kitaabkiisa Fatxul-Baariga ku yidhi: “xadiiskani wax uu raddi ku yahay cidda sheegatay in Alle carshiga uu daato ahaan u ga sarreeyo.” ⁷

Wax kale oo ka mid ah xadiiska Muslin ku soo saaray Saxiixiisa ee ah, “Ilaahayoow, adigu wax aad tahay Allaha muuqda, korkaagana shay ma ahaanin, wax aanad tahay Allaha qarsoon [indhaha dadku aanay arkin], cid hoosta kaa xigtaana ma jirto.” ⁸ Xaafid Bayhaqina wax uu kitaabkiisa Al-Asmaa wa Sifaad ku yidhi: “Asxaabtayada qaar ka mid ahi waxa ay xadiiskan u daliishadeen in Alle uu goob ka hufan yahay, oo haddii korkiisana uuna shay ahaanni,  hoostiina aanu shay ahaannin, de goobba ku ma dhex jiro.” ⁹

Labadan xadiis ee saxiixa ah ee Bukhaari iyo Muslin ay soo weriyeenna waxaa ku caddaaday, waxa bidcoolayaashu ay faafiyaan ee in Alle jihada sare uu daatadiisa ku joogo ah,  in uu lid ku yahay oo uu ka soo soo hor-jeedo wixii nebi Muxamned (NNKH) uu ka la yimi Ilaahay.

Waxaana la ga yaabaa in mid u hadlayaa uu yidhaahdo; ma wax aad diiddan tihiin tilmaanta sarraynta ah ee ku soo aroortay Kitaabka Alle iyo sunnada Rasuulkiisa (NNKH)? Wax aanan odhanaynnaa — Ilaahay ayaana waafajintu ay ahaatay e — annagu wax aanu qiraynnaa in Alle dhammaan tilmaamihiisa uu ku sarreeyo sarrayn macneed, sidii ay ku tageen umaddan Salafkeedii, diinteenna toosanna sarraynta ay diiddan tahay waa sarraynta daateed [macnihii in daatada Alle ay jiho sare joogto].

Waana kan hadalkii Xaafid Ibnu-xajar uu kitaabkiisa Fatxul-Baariga ku yidhi ee bal qaado: “Jiho sare iyo mid hoosaba in Alle uu ka hufan yahay ka ma dhalanayso in aan Eebbe sarrayn la gu tilmaamin, maxaa yeelay sarraynta Alle la gu tilmaamaa waa sarraynta macnawiga ah, sarraynta suurtogalka aan ahaynna waa sarraynta xisiga ah.” ¹⁰

Wax ayna xuseen culimada wax ka qoray diimaha iyo caqiiddooyinku, in u sugidda Ilaahay loo sugo goob ay ka mid tahay ikhtiraacaadka iyo baaddilka Raafiddada. Imaam Cabdul-qaahir al-Baqdaadi wax uu kitaabkiisa Al-Farqu Baynal Firaq ku yidhi: “Hishaam binu Xakam wax uu sheegtay in Ilaaha uu caabudaa yahag jidh xuduud iyo dhammaadyo leh, wax kale oo uu na yidhi “Ilaahay waa uu jiray tiiyoo meeli aynna jirin, ka dib Ilaahay meeshii ayaa uu abuuray inta uu dhaqdhaqaaqay, ka dibna dhaqdhaqaaqaas aawadii ayaa goobta Alle ay ku timid, Allena goobtaas ayuu dhex-degay, booskiisuna waa carshiga”! Wax kale oo uu yidhi [Hishaam] isaga oo tilmaamaya Ilaaha uu caabudo, “waa toddoba taako oo uu taakooyinkiisa ah”! Waxaabad mooddaa in uu u ga qiyaas qaatay bani’aadanka, maxaa yeelay sida badan ee caadada ah qof kastaa waa toddoba taako oo taakooyinkiisa ah. Abul-Hudalyna wax uu kutubtiisa mid ka mid ah ku sheegay in uu Hishaam binul Xakam ku la kulmay buurta Abii-Qubays ee ku taalla Maka, ka dibna uu weyddiiyay iyamaa weyn Allaha aad caabuddo iyo buurtan? Wax uu yidhi [Abii-Hudayl] wax uu ishaaray buurtu in ay Alle ka sarrayso oo ay ka weyn tahay!.” ¹¹ Waxaa dhammaaday hadalkii aan ka soo raray Imaam Cabdi-Qaahir al-Baqdaadi.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay u daliishadeen [Wahaabiyadu] sarraynta goobeed ee daatiyada ah hadalka Ilaahay ee  “إِلَيْهِ يَصْعَدُ الْكَلِمُ الطَّيِّبُ”. Bal haddaba waa kan wixii tafsiiryahannada iyo xadiisyahannadu ay ka yidhaahdeen aayaddan ee qaado. Xaafid Ibnu-xajar wax uu kitaabkiisa Fatxul-Baariga ku yidhi: “Bayhaqi wax uu yidhi: koritaanka hadallada wanaagsan iyo sadaqada fiicani wax uu ka dhigan yahay aqbalid, korista malaa’igtuna waa tegitaanka goobahoodii samada ku yaallay ay tagaan”. Ibnu-Baddaalna wax uu yidhi “ujeeddada Bukhaari uu baabkan ka leeyahay waa in uu ku raddiyo ku dhegista Jahmiyada Mujasimada ahi ay ku dhegaan macnayaasha kore ee muuqata, waxaana soo sugnaaday in Alle aanu jidh ahayn oo markaa  goob uu ku sugnaado aanu u baahnayn, oo waa uu jiray iyada oo meelna aynna jirin, keliyana Alle wax uu is ku gu tiiriyay koritaanka malaa’igtu waa sharfid uun, in dhankiisa loo kor-noqdaana waa in Alle uu sarreeyo [sarrayn macnawi ah], isaga oo ka hufan goob.” ¹² Waxaa dhammaaday hadalkii uu yidhi xaafidku.

Labadaasina [Ibnu-xajar iyo Bayhaqi] waa laba imaam, laba xaafid, laba buurood iyo laba sheekh oo waaweyn, ka ma na shakiyo ku adadaygga diintooda ay ku ad-adkaayeen qof bidci ah oo niyaddiisu ay xun tahay mooyaane, waana kuwaas iyaga oo Alle u diidaya meel iyo goob.

Imaamkii Cabdul-Qaahir al-Baqdaadina waxa uuba kitaabkiisa Al-Farqu Baynal Firaq ku sheegay in mas’aladani ay ka mid tahay waxyaabaha ay ku ijmaaceen Ahlu-sunna wal-jamaaca, wax uuna yidhi: “wax ay culimadu ku ijmaaceen in meeli aynna Alle koobin, waqtina aanu Alle ku dul-socon, iyaga oo khilaafsan wax ay sheegteen Hishaamiyada iyo Karraamiyada oo in Alle uu carshigiisa taabsan yahay ah. Wax uuna Amiirul-mu’miniin Cali bin Abii-Daalib – Alle ha ka raali-noqdee – yidhi, “Alle carshiga wax uu u abuuray si uu u muujiyo awooddiisa ee u ma abuurin si uu daatadiisa boos u gu noqdo”, wax kale oo uu yidhi “Waa uu jiray iyada oo meeli aynna jirin, haddana sidii uu ahaa uun buu yahay”. ¹³

Haddaba Sunniyoow Ilaahaaga u mahad-naq, mar haddii Alle uu kaa caafiyay caqiidooyinkii Raafiddada, Xashawiyada iyo kuwii raacay waddooyinkoodii dulliga ahaa. Ilaahay ayaanan ku dhaartay e, ka ma raali aha in Ilaahay jiho loo sugo qof iimaankiisu duran yahay oo raacay waddooyinka shayaaddiinta mooya e. Halkee ayaynna toloow ka marayaan kuwaasi hadalladii Salafkii wan-wanaagsanaa ee Ilaahay jihada ka reebi jiray? Daxaawiyada waxaa ku sugnaa “Ilaahay jihooyinka lixda ahi ma koobaan”. Ilaahay wax aannu weyddiisanaynnaa nabadgelyada diintayada iyo badqabka caqliyadayada iyo jidhadhkayagaba.

Muxuu ku samayn qofka sarrayna daateed aaminsan hadalka Ilaahay ee ah “وَهُوَ ٱللَّهُ فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَفِى ٱلْأَرض” iyo hadalkii nebi Muuse ee ahaa “وَعَجِلْتُ إِلَيْكَ رَبِّ لِتَرْضَىٰ”?  Nebi Muuse ma jihada samada ayuu tegay? Iyo hadalkii Ilaahay ee ahaa “وَمَن يَخْرُجْ مِن بَيْتِهِ مُهَاجِرًا إِلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ ثُمَّ يُدْرِكْهُ الْمَوْتُ فَقَدْ وَقَعَ أَجْرُهُ عَلَى اللَّهِ ۗ “? Hijradii Muslimiintu ma jihada carshiga ayay ahayd?! Iyo “فَأَتَى ٱللَّهُ بُنْيَٰنَهُم مِّنَ ٱلْقَوَاعِدِ”? Iyo aayadaha la midka ah?

Haddii ay yidhaahdaan wax aannu ku ta’wiilinaynnaa wax la munaasib ah caqiidadayada oo markaa Ilaahay cilmigiisa, awooddiisa iyo raali-ahaanshihiisa ah, wax aannu ku leennahay miyaydaan ahayn kuwii caqiiddaysnaa in ta’wiilku uu bidco iyo lumitaan yahay? Ma sannad baad xalaalaynaysaan sannad kalena waad xaaraantinimaynaysaan sidii jaahiliyadii hore? Waar bidcoolayaashiinanoow, u kaalaya kalimad innaga wada dhexaysa oo ah in albaabka ta’wiilka aynnu furno dhammaantii, oo markaa aannu ta’wiilinno nusuustii ku moodsiinaysay in Alle jihada samada ama ta dhulka uu jiro; ama in aynnu wada xidhno albaabkiisa; ama in aynnu ku gaabsanno wixii Salafku ay ta’wiiliyeen oo aynnu ka aamusno wixii ka soo hadhay.

Cilmi-badanihii Muxammad Saahid al-Kawsari wax uu taxqiiqiisa kitaabka Al-Asmaa wa Sifaad ee Bayhaqi uu is ka leeyahay ku yidhi: “Abiibakar Ibnul-Carabi wax uu kitaabkiisa Al-Cawaasim Wal Qawaasim ku yidhi: xadiisyada saxiixa ah ee baabkan – baabka al-asmaa was-sifaad – ku jiraa saddex martabadood weeye:

Ta koowaad; waa ereyada soo arooray ee dhammaystiranka badhaxa la’ tilmaamaya, ee wax nuqsaan iyo aafooyin ah aan lahayn; kuwaas waa waajib in la rumeeyo.

Ta labaad; waa wixii soo arooray ee nuqsaan badhax-la’ ah; kuwaas Alle waxba u ga ma sugnaannin, loo ma na tiirin karo Alle illaa in macne ahaan loo ga leexinayo si lamahuraan ah mooyaan e. Waana sida hadalka Ilaahay ee ah “addoonkaygiiyoow, waan xanuunsaday ii ma na aanad soo booqannin ¹⁴” iwm.

Ta saddexaad; waa wixii dhammaystiran ku tusinaya laakiin u eekaansho ku moodsiinaya.
Waxa soo arooray isaga oo dhammaystiran badhax-la’ ah waa sida kelinnimadda, ogaalka, awoodda, doonista, nolosha, maqalka, aragga, koobista [addoomhiisa uu koobay], maamulka iyo in aanay jirin cid la mid ah ama u dhiganta, kuwaasi ka hadal iyo ka joogsi toona ma leh.
Ka soo arooray isaga oo wata aafooyin badhax la’ iyo nuqsaanna waa sida hadalka Ilaahay ee ‘ مَنْ ذَا الَّذِي يُقْرِضُ اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا “, iyo hadalka Ilaahay ee ah “جعت فلم تطعمني، عطشت فلم تسقني”, caalim iyo jaahilna way og yihiin in kani uu yahay duurxul loo duurxulayo cidda nusqaamahani ay ku tacalluqaan, laakiin Alle uu daatadiisa deeqda badan ee muqaddaska ah uu u gu tiiriyay karaamayn iyo sharfid uu u samaynayo weligiisa [cidda uu jecel yahay], iyo naxariis dalab iyo jilcin uu jilcinayo qalbiyada in uu yahay.

Marka ay soo arooraan erayo hal macno wax ka badan aqbalaya oo dhan dhammaystir ka ah dhan kalena nusqaan ka ahna, muslin kasta waxaa waajib ku ah in uu [ereyadaas] sarbeeb ama duurxul u ga dhigo macnayaasha Alle ku bannaan oo uu u diido macnayaasha aan Alle ku bannaanayn. Markaa ereyada uu sharcigu yidhi ee gacanta, cududda/jinta, kafka iyo fartu waa odhaaho xeeldheer oo ku tusinaya macnayaal wan-wanaagsan, oo [tusaale ahaan] Carabtu cududda wax ay u cuskan jirtay awoodda, qabashada iyo adaygga, markaa cududda in Alle loo tiiriyaa way ansaxaysaa[ iyada oo loo jeedo macnayaashaas], maxaa yeelay arrinka oo dhan [awood, qabasho iyo adayg] Alle ayaa is ka leh. ” ¹⁵
Waxaa dhammaaday hadalkii Ibnul-Carabi. Hadalkanna wax aan u soo guuriyay isaga oo wata dherer aan ku munaasab ahayn kitaabkan xajmigiisu uu yaryahay, maxaa yeelay waa hadal qof kasta oo qalbigiisu nadiif yahay agtiisa ka fiican.

Imaam Maalig bin Anasna wax uu u daliishaday in Alle uu jiho ka reebban yahay, hadalkii Rasuulka ee ahaa ” ha iga fadli-badinnina Yuunus binu Mataa” ¹⁶, oo wax uu yidhi Maalig: “Wax uu Yuunus uu ugu gaar yeelay si uu innoogu baraarujiyo in Alle la nasaho, maxaa yeelay Rasuulka waxaa loo qaaday carshiga, Yuunusna – calayhi salaam – wax uu ku hoobtay gunta badda, iyada oo sidaas ay tahaynna Ilaahay jiho ahaan is ku mid bay u ahaayeen. Hadalkanna waxaa ku waafaqay Imaamul-Xaramayn, wax uuna arrinkaa ku leeyahay [Imaamul-Xaramayn] sheeko qurux-badan oo aan sadarradan munaasib ku ahayn. Warkan waxaa kitaabkiisa ‘السيف الصقيل في الرد على ابن الزفيل’ ku sheegay Taqiyu-diin as-Subki al-Kabiir. ¹⁷


Tixraacyo


1. Dabaqaatu Shaaficiya al-kubraa (J9/47)
2. Dafcu Shubahi Tashbiih (122)
3. Tafsiiru Ibnu-Kasiir (J2/220)
4. Fatxul-Baari (J13/407)
5. Tafsiirka Dabari (J1/192).
6. Waxaa soo saaray Bukhaari, Axmed, Ibnu-Abii-Shayba iyo Bayhaqi
7. Fatxul-Baari (J1/508)
8. Waxaa soo saaray Muslin, Axmed, Tirmidi, Ibnu-Maajah iyo Nasaa’i
9. Al-Asmaa was-Sifaad (409)
10. Fatxul-Baari (J6/136)
11. Al-Farqu Baynal Firaq (65)
12. Fatxul-Baari (J13/416)
13. Al-Farqu Baynal Firaq (333)
14. Waxaa soo saaray Muslin
15. Al-Asmaa wa Sifaad (433)
16. Waxaa soo saaray Bukhaari
17. As-Sayful Saqiil (37)

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top