W/Q: Dr Sheekh Abuubakar Xasan Maalin
W/T: Cabdikariim Sh Bashiir
Ugu horrayn, ta’wiilku luuqad ahaan waxa uu ka yimid falka “آلَ ، يَؤُولُ” oo la macno ah “wuu laabtay”, culimaduna waxa ay u yaqaannaan isddilaax (terminology) ahaan in erey lagu xambaaro macno uu aqbalayo oo aan ahayn ka uu ku tusinayo korkiisa sare iyada oo la haysto daliil xoojinaya [ama qariino macnaha kore ka weecinaysa].
Ta’wiilku wax uu ku sugnaaday Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nebiga (NNKH), weliba sugnaan hubanti ah oo cidna aanay khilaafi karin. Waxaana u tusaale ah isaga oo Qur’aanka ku yimid hadalka Eebbe ee “نَسُوا اللَّهَ فَنَسِيَهُمْ ۗ ; Ilaahay ayaa ay illoobeen, markaasuu isna illoobay” ¹ iyo hadalka Eebbe ee “فَالْيَوْمَ نَنسَاهُمْ كَمَا نَسُوا لِقَاءَ يَوْمِهِمْ هَٰذَا ; Maanta ayaanu illoobi doonnaa sidii ay u illoobeen la kulanka maalinkoodan kan ah” ². Haddaba ma bannaan tahay in Ilaahay halmaan ama illow loo tiiriyo isaga oo ah nooc ka mid ah moogganaanta?! Ilaahay wax uu leeyahay, “وَمَا كَانَ رَبُّكَ نَسِيًّا ; Rabbigaana ma aha mid illooba.” ³ U ma na soconayso qof Ilaahay iyo maalinta Aakhiro rumaysan in uu yidhaahdo illowgu waa tilmaan ka mid ah tilmaamaha Alle, laakiin illowgaasi ma aha mid keenna oo kale ah; ama in uu yidhaahdo waa illow Ilaahay weynidiisa u cunnama toona.
Tafsiirka imaamkii salafka ahaa ee Ibnu-Jariir ad-Dabari waxaa ku sugnaa: “فاليوم ننساهم” waxaa looga jeedaa cadaabka ayaannu kaga dhex-tagaynnaa.”⁴ Waxaana aad aragtaa in Ibnu-Jariirkii salafka ahaa uu halmaankii ku soo arooray Kitaabka ku ta’wiiliyay “ka-ga-tegis” . Ta’wiilkaas oo kalena wax uu ku yimi Sunanka Tirmidi, oo wax uu yidhi Abuu-Ciisaa at-Tirmidi: ” Ehlul-cilmiga qaar wax ay fasireen aayaddan “فاليوم ننساهم”, oo wax ay yidhaahdeen macnuhu waa cadaabka ayaannu idin kaga dhex tagaynnaa.” ⁵
Waana kan turjumaankii Qur’aanka iyo buunigii umadda sayidkeenna Muxammed (NNKH) ee Cabdillaahi bin Cabbaas oo hadalka Ilaahay ee , “يُكْشَفُ عَن سَاقٍ” ku ta’wiilinaya “maalinta dhibta daaha la ga qaadi-doono”. Waxaana hadalkaas tafsiirkiisa ku soo raray Ibnu-Jariir ad-Dabari ⁶, waxa kale oo kitaabkiisa Fatxul-Baariga ku sheegay al-Xaafid Ibnu-Xajar. ⁷ Ibnul-Jawsina waxa uu kitaabkiisa Dafcu Shubahi-tashbiih ku yidhi: ” Waxa ay yidhaahdeen Ibnu-Cabbas, Mujaahid, Ibraahiim an-Nakhaci, Qataada iyo culimada badankoodu “يُكْشَفُ عَن سَاقٍ” macnaheedu waxa weeye maalinta dhibta la faydi doono.” ⁸ [Carabta ayaa marka dhibka badan uu dhaco odhan jirtay waa la tafaxaytay]
Saxiixu-Muslinna waxaa ku yimid in Ilaahay uu odhan doono [maalinta Qiyaame]: “Ina Aadanoow, waan xanuunsaday i mana aanad soo booqannin, markaasuu odhanayaa [Ina Aadan]: Ilaahayoow sideen kuu soo booqdaa adiga oo uunka rabbigooda ah? Wax uu odhanayaa [Alle]: miyaanad ogayn in addoonkaygii hebel uu xanuunsaday, dabadeedna aad soo booqan wayday? Miyaanad ogayn in haddii aad soo booqan lahayd aad iga heli lahayd agtiisa?” ⁹. Haddaba ma innoo bannaan tahay in aan nidhaahno Ilaahay tilmaan ‘xanuun’ la yidhaahdo ayuu is ka leeyahay, maxaa yeelay xadiis saxiix ah ayaa la gu sheegay? Sidoo kale ma innoo bannaan tahay in aan caqiiddaynno in haddii addoonku uu xanuunsado Allena uu xanuunsanayo? Eebbe waa uu ka sarreeyaa waxaas sarrayn weyn.
Cabdillaahi binu Cabbaasna wax uu ta’wiiliyay hadalka Eebbe ee “وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ ; Samada waxa aannu ku dhisnay awood”, oo waxa uu yidhi “waa awood”, sida ku timid Tafsiirka Ibnu-Jariir ad-Dabari ¹⁰ . Waxa uuna Ibnu-Jariir ta’wiilkaas ka soo raray koox ka mid ah Salafkii wanwanaagsanaa oo ay ka mid yihiin Mujaahid, Qataada, Mansuur iyo Sufyaan.
Kanna waa Imaam Axmed oo ta’wiilinaya hadalka Ilaahay ee “وَجَآءَ رَبُّكَ ; Rabbigaana uu yimaaddo”. Wax uu al-Xaafid Ibnu-Kasiir ku yidhi kitaabkiisa Al-Bidaaya Wan Nihaayah: “Bayhaqi wax uu ka soo weriyay Xaakim, Xaakimna Abii-Camar as-Sammaak, Sammaakna Xanbal: in Imaam Axmed binu Xanbal hadalka Ilaahay ee “Rabbigaanu uu yimaaddo” uu ku ta’wiiliyay ‘ abaal-marintiisu ay timaaddo’, Bayhaqina wax uu yidhi; Isnaadkani waa mid aanu hadal ka taagnayn.” ¹¹
Kanna waa Imaam Bukhaari oo ah sheekha is ka leh Saxiixa oo ta’wiilinaya ereyga “ضحك” ee ku soo arooray Sunnada. Al-Xaafid al-Bayhaqi wax uu kitaabkiisa Al-Asmaa was-Sifaad ka soo raray Imaam Bukhaari in uu yidhi: “Macnaha qosolku waa naxariis.” ¹²
Nadri binu Shumaylkii salafka ahaana wax uu ta’wiiliyay xadiiska (حَتّى يَضَع الجَبَّارُ فِيها قَدَمَه) ¹³, oo wax uu yidhi “macnihiisu [qadam] waa ciddii Alle cilmigiisu uu ku hor maray in ay ehlu-naar yihiin.” ¹⁴ [Macnihii ciddaa ayaa naarta la dejinayaa oo la gelinayaa]
Al-Xaafid Ibnul-Jawsina wax uu kitaabkiisa Dafcu Shubahi-tashbiih ku soo guuriyay, sidoo kalena Bayhaqi kitaabkiisa Al-Asmaa was-Sifaat ku soo raray, in Imaam Sufyaan binu Cuyaynah uu ta’wiiliyay xadiiska (آخِرُ وطْأَةٍ وَطِئَهَا الرَّحْمَانُ بِوَجٍّ) ¹⁵ , oo uu yidhi:”Macnuhu waa duullaankii u dambeeyay ee Rasuulku (NNKH) uu duulay wax uu ahaa Daa’if.” ¹⁶
Imaam Dahabina wax uu kitaabkiisa Siyaru Aclaam a-Nubalaa ku sheegay, in Imaam Maalig (AHUN) uu ta’wiiliyay soo degitaankii ku soo arooray xadiiska, oo wax uu yidhi [Dahabi]; “Imaam Maalig (AHUN) wax uu yidhi: Ilaahay ayaa soo dega wax looga jeedaa amarkiisa ayaa so dega, Alle isagu waa daa’im oo ma suulo. Saalixna wax uu yidhi ta’wiilkaas ayaan Yaxye binu Bukayr u sheegay, dabadeedna waxa uu yidhi waa mid fiican, laakiin wallaahi anigu Imaam Maalig ka ma maqlin.” ¹⁷
Imaam Sufyaan ibnu Saciid ibnu Masruuq as-Sawri oo Imaam Dahabi uu ku tilmaamay hadalkiisii ahaa “waqtigiisii wax uu ahaa sheekhii Islaamka, imaamkii xufaaddda iyo mudanihii culimada ku dhaqmay cilmigooda” isna wax uu ta’wiiliyay hadalkii Ilaahay ee ahaa “وَهُوَ مَعَكُمْ أَيْنَ مَا كُنتُمْ ; Alle waa agtiinnna meel kasta oo aad joogtaan”, oo wax uu yidhi waa cilmigiisa, sida Imaam Dahabi uu ku soo guuriyay kitaabkiisa Siyaru Aclaamin an-Nubalaa. ¹⁸
Sidoo kale Sufyaan as-Sawri wax uu ta’wiiliyay hadalka Ilaahay ee “Wax aanu u ga seeto-dheeraynaynnaa meel aynna ogayn”, oo wax uu yidhi; [waxa weeye] nimcooyinka ayaanu ku maashaynaynnaa mahadnaqana waannu u diidaynnaa. ¹⁹
Sidoo kale mufasirkii weynaa ee taabiciga ahaa ee Mujaahid waxa uu ta’wiiliyay hadalka Ilaahay “أَن تَقُولَ نَفْسٌ يَا حَسْرَتَا عَلَىٰ مَا فَرَّطتُ فِي جَنبِ اللَّهِ “, oo wax uu yidhi waxaa loo ga jeedaa “aan dayacay amarkii Alle”. Bayhaqi ayaana ku sheegay kitaabkiisa Al-Asmaa was-Sifaat . ²⁰
Xammaad binu Saydna wax uu ta’wiiliyay xadiiska soo degitaanka, oo wax uu yidhi: “Soo degitaankiisu waa aqbiliddiisa.” Bayhaqi ayaana ku sheegay kitaabkiisa Al-Asmaa was-Sifaat. ²¹
Akhriste, kuwani waa nusuus cadcad oo ka sugnaatay Salafkii wanaagsanaa ee saxaabadii, taabiciintii iyo kuwii ka dambeeyayba is kugu jira, kuwaas oo ku saabsan ta’wiilinta waxa Alleoo tiiriyay. Bal haddaba halkay tegayaan kuwaas diiddan ta’wiilka ee u arka lumitaan, bidco, jahminnimo iyo tacdiil?
Sayiddada Ashaaciraduna wax ay uun ku taagan yihiin tubtaas cad ee ay ku taagnaayeen saxaabadii Rasuulka iyo dadkii noolaa saddexdii qarni ee ka mid ahaa hoggaamiyayaasha diinta, soo-rarayaasha sunnada iyo dhex-taalkii innoo dhexeeyay innaga iyo Rasuulka (NNKH). Wax aanan ku dhaartay Allaha isaga mooyee ilaah kale aanu jirine, liibaan la ga ma rajaynayo kuwa khilaafay [Ashaacirada] ee la collaytamay, ka na barida noday caqiiddoodada saxda ah, maxaa yeelay iyagu [Ashaaciradu] may ikhtiraacan manhaj iyo mad’hab cusub, balse wax ay uun ku socdeen waddadii caddayd ee ay ku socdeen Nebigii Umadda iyo qarniyadii fadliga ku yeeshay markhaati-kaciisa.
Xaafidkii adduunyada ee Ibnu-Casaakir wax uu kitaabkiisa ‘تبيين الكذب المفتري فيما نسب للإمام أبي الحسن’ الأشعري’ ku yidhi: “Abul-Xasan (al-Ashcari) madaahibta Ehlu-sunnaha wax uu ka oogay wixii bidcoolayaasha agtooda ku baaba’ay, wax uuna caddeeyay hadallada a’immadii ka horraysay iyo kuwii kalaba wixii is ka dheeh galay, wax uuna cusboonaysiiyay astaamihii shareecada wixii ku noqday beeninta kuwa xad-gudbay aawadeed wax tir-tirmay. Ka ma na dhigna u abtir sheegashada mad’habkayaga dhanka tawxiidku in aanu isaga (Abil-Xasan al-Aschari) taqliidsanaynno oo aanu cuskanaynno, balse waa in aannu ku waafaqsan nahay wixii uu ku tegay ee keliyaynta Alle ahayd, daliilladuna in ay u is taageen sixiddiisa aawadeed ayaa aannu u gu waafaqnay ee in aanu keliya taqliidsanaynno ma aha. Cidda annaga naga midka ah ee u nisbo-sheegataana keliya wax ay u gu nisbo sheegtaan waa si ay u ga soocmaan bidcoolayaasha aan qabin wax uu ku tagay, ee ka midka ah qaybaha Muctasilada, Jahmiyada diidda tilmaamaha Alle, Mujassimada, Karraamiyada, Mushabbihada iyo wixii halmaala ee kooxaha bidcoolayaasha iyo kuwa is ka leh odhaahaha fasahaadsan ee gacan-ku-rimiska ah intoodii kale ah, maxaa yeelay Ashcari waa ninkii is ku taagay raddintooda ilaa uu ka burburiyay oo ciddii aan bidcadooda garanayn bidcadooda u caddeeyay. Warkan [oo ah in annaga Ashcarinnimo la na gu tuurayo si loogu dhalleeceeyana] wax uu la mid yahay uun hadalkii imaamkayaga Shaafici ee reer Muddalib sidoo kale Nebiga inaadeerkii ahaa uu yidhi markii la gu sheegay Raafidinnimo, kaas oo ahaa;
” يَا رَاكِباَ قِفْ بِالمُحَصَّبِ مِن مِنى
وَاِهـتِـف بِـقـاعِدِ خَيفِها وَالناهِضِ
سَحَراً إِذا فاضَ الحَجيجُ إِلى مِنىً
فَـيـضـاً كَـمُلتَطِمِ الفُراتِ الفائضِ
إِن كــانَ رَفــضــاً حُــبُّ آلِ مُـحَـمَّدٍ
“فَـليَـشـهَـدِ الثَـقَـلانِ أَنّي رافِضي
“Midkan gaadiidka korsanoow joogso meesha Muxasab la yidhaahdo ee Mina ku taalla, oo u dhawaaq midka degan Masjid Khiifkeeda iyo ka ka sii ambabaxayaba xilli aroor ah oo ay xujaajtu Mina ku sii qulqulayaa qulqulitaan la mid ah sida ay u qulqulaan biyaha is-garaaca ee Webiga Furaad oo kale, oo dhawaaq adiga oo leh ‘haddii jacaylka Ehlu-beydka Nebigu uu yahay raafidinnimo, jin iyo insiba ha ka markhaati kacaan in aan Raafidi ahay.”
Anigana culimada qaar waxaa la iga soo gaadhsiiyay iyaga oo ka gabyaya mid la mid macnahaa Imaam Shaafici uu ka gabyay in ay yidhaahdeen:
” إن اعتقاد الأشعري مسدد لا يمتري في الحق إلى ممتري
وبه يقول العَالِمُون بأسرهم من بين ذي قلم وصاحب منبر
إن كان من ينفي النقائص كلها عن ربه ترمونه بتمشعر
وترونه ذا بدعة في عقله فليشهد الثقلان أني أشعري “
“Ictiqaadka Ashcari waa mid la toosiyay, xaqana ka ma shakiyo qof shakisan mooya e, isaga ayaynna qabaan aqoonyahannada oo idil mid wax qora iyo mid minbar lehba. Haddaba haddii cidda Rabbigeed nuqsaamaha oo dhan u diidaysa aad ku sheegaysaan Ashcarinnimo, oo caqligiisa mid bidco u ga saaxiib ah aad u arkaysaan; jin iyo insiba ha ka markhaati noqdaan in aan Ashcari ahay.” ²² Hadalkii Ibnu-Casaakir ayaa dhammaaday isaga oo wata soo gaabin yar oo maqaamku uu keensanayo.
Haddaba, qofkaagan muslinka ah ee hinaasiga ah ee diintiisa ilaalinteeda ku dadaalayoow, Alle uga cabso caqiidaddaada, oo ha u fasahaadin bidci madax adag doonistiisa iyo jaahil ujeeddo leh oo naftiisa, diintiisa, aakhiradiisa iyo adduunkiisaba ku cadaw ah dartii.
Imaam Nawawi kitaabkiisa Sharxu Saxiixu Muslin isaga oo sharxaya xadiiska “Rabbigeen habeen walba wax uu u soo degaa samada adduunyo” ²³ wax uu yidhi: “Xadiiskani wax uu ka mid yahay xadiisyada sifaadka, waxaana ku jira laba mad’hab oo caan ah oo culimadu ay leeyihiin. Midka koowaad oo ah mad’habka badi salafka iyo qaar ka mid ah mutakallimiintu waxa weeye in la rumeeyo in uu xaq u gu yahay sida Ilaahay u cunnamaysa, iyo in daahirka sare ee la is la yaqaanno aan loo ga jeedin, sidoo kale aan laga hadlin ta’wiilintiisa iyada oo la rumaysan yahay in Alle uu ka hufan yahay tilmaamaha uunka ee guurguurka, dhaqdhaqaaqa iyo dhammaan astaamaha kale ee uunka ah. Mad’habka labaad oo ah mad’habta badi Mutakallimiinta iyo qeybo ka mid ah Salafka, ahna mid la ga soo weriyay Maalig iyo Awsaaci isna wax weeye in la gu ta’wiiliyo macno Ilaahay u cunnama, iyada oo la eegayo meelaha uu ku ka la yimi, sidaas darteed ayaa xadiiskan ay u gu ta’wiiliyeen macnihiisu in uu yahay naxariistiisa, amarkiisa iyo malaa’igtiisa ayaa soo dega, ama in uu yahayba sarbeeb oo macnihiisu markaa yahay aqbalidda dadka ducaysanaya.” ²⁴
Wax kale oo uu yidhi [Imaam Nawawi] markii uu sharxayay xadiiska (إِنَّ قُلُوبَ بَنِي آدَمَ كُلَّهَا بَيْنَ إِصْبَعَيْنِ مِنْ أَصَابِعِ الرَّحْمَنِ) ²⁵: “Xadiiskani wax uu ka mid yahay xadiisyada sifaadka, laba mad’hab ayaana ku jira. Midka koowaad waa in sidaa la gu rumeeyo iyada oo aan loo banbaxayn ta’wiil iyo garashada macnaha toona, balse waxaa la rumaynnayaa in uu xaq yahay, iyo in aan looga jeedin korka sare wax uu ku tusinayo, maxaa yeelay Alle ayaa yidhi; “لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ”. Mad’habka labaadna waa in in lagu ta’wiiliyo macno Ilaahay u qalma, markaana ujeeddada xadiisku wax uu noqonaysaa mid duurxul (مجاز) ah.” ²⁶
Ogowna walaakayga muslinka ah ee wanaagsanoow in tafwiidku sidoo kale yahay mad’habka salafkeennii wan-wanaagsanaa (AHUN). Wax ay ahaayeen qaar sifooyinka macnayaashooda Ilaahay u bandhiga oo aan u dhex galin sida bidcoolayaasha qalqallafsan [Wahaabiyada] ay u dhex-galeen. Wax ay ku lumeen [bidcoolayaashu] mad’habkii tafwiidka, oo tusaale ahaan hadalka Ilaahay ee “الرَّحْمَنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَى” waxa ay leeyihiin istiwuhu waa kii dhabta ahaa ee la is la yaqaannay, laakiin qaabka ayaannu Ilaahay u bandhigaynnaa; Hadalka Ilaahay ee “يَدُ اللَّهِ فَوْقَ أَيْدِيهِمْ ۚ ” ahna, [wax ay leeyihiin] gacantu waa gacantii xaqiiqada ahayd, laakiin Ilaahay ayaanu qaabka ay tahay u bandhigaynnaa, adigu sii wad uun.
Wax aanad arkaysaa iyaga oo caqiiddaysan in Ilaahay uu leeyahay qaab-dhismeed (الكيفية), iyaga oo haddana mar walba ka af-buuxsada hadalkooda ah “Ilaahay ku ma tilmaamaynno wax uu is ku tilmaamay mooya e”! Bal haddaba halkee ayaa Kitaabka Alle iyo Sunnada uu ka ga soo arooray qaab-dhismeed si aanu u bandhigno?!
Salafkayagii wanwanaagsanaana wax ay ku ijmaaceen in Alle uu ka hufan yahay qaab-dhismeed, waana kuwan hadalladoodii ee qaado. Waxaa ku sugnaa kitaabka Fatxul-Baari fii sharxi Saxiixil-Bukhaari in Awsaaci, Maalig, Sawri iyo Lays binu Sacad la weyddiiyay xadiisyada ku saabsan sifaadka, dabadeedna ay yidhaahdeen; “sidaa ay ku timid ku mara, qaab dhismeed la’aantii.” ²⁷
Bayhaqina wax uu tax (سند) saxiix ah kaga soo weriyay Axmed binu Abil-Xawaari, Abil-Xawaarina uu ka ga soo weriyay Sufyaan binu Cuyaynah in uu yidhi; “Wax kasta oo Ilaahay naftiisa ku tilmaamay tafsiirkiisu waa akhrintiisa iyo in la ga aamuso.” Waddada Abii-Bakar ad-Dubacina wax uu Bayhaqi kaga weriyay in uu yidhi [Abii-Bakar]: “Mad’habka Ehlu-sunnaha ee hadalka Alle ee “الرَّحْمَنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَى” waa sidaas qaab la’aan.” ²⁸
Tirmidana wax uu ku yidhi baabka fadliga sadaqada: ” Wararkani waa ay sugmeen, sidaas darteed waa aannu rumaynaynnaa annaga oo aan suuraysanayn [macne aanu garanaynno], la ma na odhanayo “sidee?”, sidaas ayaana ka soo aroortay Maalig, Ibnu-Cuyaynah iyo Ibnul-Mubaarak, oo ah in ay sidaa ku mareen kayfiyo la’aanteed, kanna waa hadalkii ehlul-cilmiga Ehlu-sunna wal-jamaaca.” ²⁹
Wax uuna ku yidhi [Ibnu-Xajar] kitaabkiisa Fatxul-Baariga: “Bayhaqi wax uu ku soo saaray waddada Abii-Daa’uud ad-Dayaalisi in uu yidhi: “Sufyaan as-Sawri, Shucbah, Xammaad binu Sayd, Xammaad binu Salamah, Shariik iyo Abuu-Cawaanah wax ay ahaayeen qaar aan Alle xad u yeelin, sidoo kale cidna u eekaysiinnin, xadiisyadanna waa ay soo werin jireen ma na aynna odhan jirin ‘sidee?’.” ³⁰
Wararka ku yimid in Alle uu ka nasahan yahay qaabkuna (الكيفية) waa qaar sugan, oo aad uga soo fulay Salafkii wan-wanaagsanaa. Intaas aynnu soo sheegnaynna waa ku filan tahay ciddii leh dhego wax weeleeya, ama maqalka u soo raariciyay isaga oo qalbigiisu uu joogo. Horana waxaa loo yidhi;
لَقَد أَسمَعتَ لَو نادَيتَ حيًّا
وَلكِن لا حَياةَ لِمَن تُنادي
“Allaylehe waad maqashiisay haddaad qof nool u dhawaaqday, laakiin cidda aad u yeedhay ayaan nolol u sugnayn”.
Waad aragtaa walaalkayga wanaagsanoow in bidcoolayaashu [Wahaabiyada] aanay Salafkii ku waafaqsanayn ta’wiilkii, maxaa yeelay wax ay u arkayaan bidco; sidoo kalena aanay ku waafaqsanayn tafwiidkii, maxaa yeelay wax ay bandhigaan qaabka isaga oo Alle qaab uu ka hufan yahay. Tog ayaa ay ku sugan yihiin, Salafkii wanwanaagsanaana tog kale ayaa ay joogaan.
Tixraacyo
- Suuradda at-Tawbah, aayadda 67
- Suuradda al-Acraaf, aayadda 51
- Suuradda Maryam, aayadda 64
- Tafsiiru Ibnu-Jariir ad-Dabari (J3/619)
- Sunan at-Tirmidi, Abuu Ciisaa a-Tirmidi (J7/138)
- Tafsiiru Ibnu-Jariir ad-Dabari (J7/348)
- Fatxul-Baari, Ibnu-Xajar al-Casqalaani (J13/428)
- Dafcu Shubahi Tashbiih, Abul-Faraj Ibnul-Jowsi(18)
- Waxa soo saaray Muslin, Ibnu-Xibbaan iyo Imaam Axmed
- Tafsiiru Ibnu-Jarii ad-Dabari (J7/92)
- Al-Bidaaya wan-nihaaya, Ibnu-Kasiir (J10/327)
- Al-Asmaa was-Sifaad, Bayhaqi (433)
- Waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslin
- Al-Asmaa was-Sifaad, Bayhaqi (330)
15.waxaa soo saaray Axmed, Bayhaqi iyo Dabraani - Dafcu Shubahi-tashbiih, Ibnul-Jowsi (223), Al-Asmaa was-Sifaad, Byahaqi (427)
17.Siyaru Aclaam an-Nubalaa, Dahabi (J7/418) - Siyaru Aclaam an-Nubalaa, Dahabi (J7/207)
- Siyaru Aclaam an-Nubalaa, Dahabi (J7/190)
- Al-Asmaa was-Sifaad, Bayhaqi (339)
- Al-Asmaa was-Sifaad, Bayhaqi (429)
- Tabyiin al-Kadibil Muftari, Ibnu Casaakir (340)
- Waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslin
- Sharxu Saxiixi-Muslim, Nawawi (J6/37)
- Waxaa soo saaray Muslin, Tirmidi, Axmed, Ibnu-Xibbaan, Nasaa’i, Xaakim iyo Bayhaqi.
- Sharxu Saxiixi-Muslin, Nawawi (J8/204)
- Fatxul-Baari, Ibnu-Xajar al-Casqalaani(J13/407)
- Al-Asmaa was-Sifaad, Bayhaqi (411)
- Sunanu-Tirmidi, Abii-Ciisaa at-Tirmidi (J3/41-42)
- Fatxul-Baari, Ibnu-Xajar al-Casqalaani (J13/407)