Haddii khawaarijtii hore ee xilligii saxaabada noolayd dadka muslimiinta ah ay ku gaalaysiin jireen denbiyada waaweyn ee dilka iyo sinada iyo waxa la midkaa ah, Muxammed ibnu Cabdiwahaab iyo xertiisu waa ay ka sii dallaceen heerkaas oo waxa muslimiinta ay ku gaalaysiiyaan wax aan dembi yar iyo mid weyn toona ahayn, sida barako ka deyidda dadka wanwanaagsan iyo tawasulka iyo hilbaha magaca Alle lagu gawraco ee munaasabooyinka la is kugu imanayo lagu qalo. Sooyaalkooduna billow ilaa dhammaad waa mid madow oo ku suntan dhac, boob, dil, budhcadnimo iyo argagixin muslimiinta oo keli ah ku kooban, iyaga oo ku sheegaya mushrikiin iyo gaalo diinta Ilaahay ka riddoobay, amaba halkii Muxammed bin Cabdiwahaab “ka gaalnimo badan mushrikiintii Quraysheed! ” ¹. Qaar badan oo ka mid ahina hadda way ka inxiraafeen waddadii Muxammed ibnu Cabdiwahaab ee “Gaalaysii oo ku jihaad ahayd”, oo keliya gaalaysiin aan loo meel dayin ayaa muslimiinta ay ku la kacaan, lagana yaabaa in awood li’i ay halkaa dhigtay ee fursad haddii ay helaan beri hore dadkaa mushrikiinta u ah ay ku jihaadi lahaayeen!
Marka loo eego waxa ay samayn jireen kuwoodii hore ee xilligii Ina Cabdiwahaab noolaana kuwan hadda jooga ee is qarqarxiyaa waxa ay noqonayaan masaakiin aan dhib lahayn, maxaa yeelay kuwii hore magaalo dhan oo Hargeysa oo kale ah ayaa inta ay galaan waxa dad ku nool oo dhan ay layn jireen, waxa hanti iyo maal yaalla oo dhanna ay dhici jireen. Mana aha taasi sheegasho caddayn la’aan ah iyo beenabuur , ee buugaagta taariikhyannadooda ay qoreen ayaan markhaati gashanayaa iyaga oo ku faanaya jariimooyinkaas ay umadda Islaamka ah ka galeen.
Sannadkii 1176kii Hirjiga oo ku beegnaa 1762kii Miilaadiga ahaana xilligii uu hoggaaminay ee madaxda uu u ahaa ninkii aasaasay ee Muxammed bin Cabdiwahaab, Wahaabiyadu waxa ay weerar ba’an ku qaadeen Magaalada Axsaa oo ah magaalo hadda ka mid ah Sucuudiga oo Riyaad u jirta 328 km, kana mid ah magaalooyinka Wahaabiyadu ay aadka u xasuuqeen marar dhawr ah oo kala duduwanna ay ku soo noqnoqdeen. Waxa ayna maalintan laayeen muslimiin aad iyo aad u tiro badan, weliba sida uu sheegayo taariikhyahankooda Muxammed bin Cumar al-Faakhiri dadkaas sida xoolaha ayaa ay u gawr-gawracayeen.² Markii dadkii ay ka soo dhammaadeenna waxa ay bilaabeen in ay dhacaan maal aad u fara badan oo hub, alaab, dhar iyo xoolo nool isugu jira. ³
Sannadkii 1198kii Hijriga ayaa haddana xilli hore oo arroor ah ay mar labaad ku soo kallaheen magaalada, markan dadka ay laayeen waa ay yaraayeen se xoolo nool oo aad u farabadan ayaa ay dhaceen, guryihii Muslimiintana inta ay u daateen ayaa wixii yaallay ee dahabkii dumarka iyo alaabtii gurigu ay u horreeyaan ay soo boobeen! ⁴
Haddana sannadkii 1199kii Hirjiga ayaa safar laxaad leh oo ay lahaayeen ganacsato ka timid magaalada Axsa ay dhexda u galeen, sidii caadadooda ahaydna dadkii safarka waday oo ilaa saddex boqol oo qof ahaa oo is ku deyay in ay is ka difaacaan ayaa markii hore dhuunta ay ka wada asleen ⁵, ka dibna maalkii loo waday dadkii Muslimiinta ahaa iyo weliba geelii siday safarka oo dhan ayaa ay dhaceen! ⁶ Haddana mar afraad ayaa sannadkii 1203dii Hijriga ay soo weerareen Axsa, ka dibna wax ay ku laayeen maalintan dad ka badan 300 oo qof. ⁷
Weerarkii sannadkii 1210kii Hijriga ay ku soo qaadeen ayaa isagu ahaa kii u gu xumaa ee u gu xasuuqa iyo dhiigga badnaa, oo wax ay umaddii Muslimiinta ahayd ee ku noolayd Axsa u galeen si Tataarkii ka horreeyay aanay u gelin, heer dumarkii xaamilooyinka ahaa markii ay arkeen raggoodii iyo caruurtoodii oo hortooda lagu biraynnayo ay wada dhiciyeen oo carruurtii uurka ay ku sideen ay ka soo wada dhaceen naxdin iyo argagax aawadood. ⁸ Markan waa ay ku negaadeen magaalada, ka dibna dhawr bilood ayaa mujrimkii Sucuud bin Cabdicasiis la odhan jiray uu maalin walba boqollaal qof inta ciidankiisii Wahaabiyada ahaa ay u keenaan uu dilayay, boqollaal kalana uu cadaabayay oo ciqaabaha kuwa u gu waaweyn uguna xunxun uu marinayay, askartiisiina suuqa ciddii ay ku arkaan ay xasuuqayeen oo biraynayeen, ilaa reer Axsa ay dabar-go’een oo ay dhammaadeen in yar marka la ga reebo! ⁹ Markii dadkii ay dhammeeyeenna wax ay dhaceen hantidii magaalada taallay oo dhan! ¹⁰
Bishii Dul-Qicdah ee1217kii Hijriga oo ku beegnayd 1802dii Milaadiga Wahaabiyadu wax ay soo weerareen magaalada Daa’if ee hadda ka mid ah Sucuudiga si ay u qabsadaan, ka dib markii ay ka baxeen heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo Shariif Qaalib oo xilligaa xaakimkii Maka ahaa. Waxa aanay xasuuqeen dadkii Muslimiintii ahaa iyaga oo oo aan u ka la eegaynnin carruur iyo cirroole iyo rag iyo dumar toona¹¹, oo ku dhex laynaya masaajidda ¹², guryaha iyo suuqyada dhexdooda .¹³
Qaar ka mid ah dadkii magaalada degganaa ee markii ay soo weerareen ka baxsaday oo ay u sheegeen in haddii ay is keenaan ay ammaan siinayaan ayaa markii ay isa soo dhiibeen ay qafaasheen, ka dibna inta ay kexeeyeen ayaa qaar ka mid ah ay laayeen; halka qaar kalana ay geeyeen togga loo yaqaan Waadil-Waj oo inta dhar wixii ay xidhnaayeen ka siibeen ay halkaas kaga dhaqaaqeen iyaga oo qaaqaawan oo cawradoodu muuqato! ¹⁴
Maalinkan dadkii ay xasuuqeen waxaa ka mid ahaa muftigii Maka ee sheekh Cabdillaahi as-Sawaawii, qaadigii Maka ee sheekh Cabdillaahi Abul-khayr, sheekhii weynaa ee la odhan jiray Jacfar ash-Shaybi iyo dhammaan dadkii indhaha u ahaa reer Daa’if oo culimo, aqoonyahanno iyo odayaalba isugu jira.
Intaa ka dib sidii caadadooda ahayd wax ay dhaceen lacagtii, hubkii, alaabihii qaaliga ahaa iyo dhammaan hantidii taallay magaalada ee ay lahaayeen shacabkii Muslimiinta ahaa ee ay laayeen ¹⁵. Haddana wax ay gudo-galeen in ay baabiiyaan oo ay googooyaan kutubtii diiniga ahayd oo ay ku dhex tuuraan guddaafadihii magaalada.
Sidoo kale qoraagii iyo taariikhyahankii la odhan jiray Muxammed Adiib Qaalib wax uu kitaabkiisa weyn ee Akhbaarul-Xijaas wan-Najdi uu ku sheegay in maalintan ay addoonsadeen dumarkii iyo carruurtii muslimiinta ahaa, wax uuna yidhi: “Waxa ay la dirirayeen Daa’if iyo dadkeeda saddex maalmood, ilaa Wahaabiyadu ay jabiyeen oo qasab ku la wareegeen. Ka dibna wax ay laayeen raggii halka dumarkii iyo carruurtiina ay addoonsadeen”. ¹⁶ Waxa aanu raaciyay “Sidaas ayaa ay u la dhaqmi jireen cid kasta oo ay weeraraan.” ¹⁷
Markii Daa’if ay ka dhammaadeen waxa ay u jihaysteen magaalada Maka, wax ayna burburiyeen qabriyadii saxaabada iyo dhammaanba waxyaabihii taariikhiga ahaa ee la ilaashan jiray ¹⁸. Sidoo kale wax ay gubeen maktabaddii weynayd ee ay yaalleen dhaxalkii iyo kutubtii diiniga ahayd oo fanni walba isugu jiray. Waxaana markii u horraysay Masjid-Xaramka ay ka bilaabeen akhrinta buugga Kashful-shubahaatka ee uu qoray qofkii aasaasay ee Muxammed bin Cabdiwahaab, culimadii iyo dadkiina wax ay qasab ka ga dhigeen in ay yimaaddaan oo ay dhegaystaan buuggaas gaalaysiinta muslimiinta ay ku barayaan.
Sannadkii 1216kii Hijrigana12 kun oo askar Wahaabiyo ah ayaa weeraray magaalada Karbalaa ee dalka Ciraaq. Weliba weerarkaa xasuuqa ah wax ay ku beegeen ciid ka mid ah ciidaha Shiicada oo lagu magacaabo Ciidul-Qadiir oo badi raggii xoogga lahaa ay magaalada ka maqan yihiin oo qabrigii Imaam Cali bin Abii-Daalib ee magaalada Najaf ee Ciraaq ku yaalla u aadeen si ay u soo booqdaan.
Ka dibna wax ay xasuuqeen dadkii magaalada joogay oo ahaa shacab guryahooda inta ay u daateen ay ku dhex gawr-gawraceen, ¹⁹ halka qaar kale oo is ka ganacsanayaynna ay ku dhex biraynnayeen suuqyadii magaalada! ²⁰ Intaa oo keli ah ku ma aynna eekaaane sidii dhaqankooduba ahaa wax ay dhaceen hantidii taallay oo dhan ²¹, iyaga oo ku rartay wax ka badan afar kun oo awr, intii ay qaadi kari waayeenna dab ayaa ay qabad siiyeen oo waa ay gubeen!
Yaman oo ah meelaha Wahaabiyadu ay aadka u baabiiyeen ahna meeshii Rasuulku (NNKH) uu u duceeyay ee uu yidhi : “Ilaahayoow noo barakee Shaamtayada iyo Yamantayada” ²² ayaa Wahaabiyadu sannadkii 1220kii Hijriga oo ku beegnaa 1806dii Miilaadiga ay soo weerareen, iyaga oo ka bilaabay magaalada Xudayda. Maalintan dadka ay laayeen walow ay yaraayeen wax ay dhaceen hanti isugu jirta xoolo, agabyo, xariirtii dumarka, dahab, fiddo (silver) iyo dhar ok ay lahaayeen bulshadii Muslimiinta ahayd, sida buuggiisa ‘Cinwaanul-majdi fii taariikhi-Najdi’ uu ku sheegay taariikhyahankooda Cismaan binu Bishri isaga oo ku faanaya dhacaas iyo boobkaas ay geyteen! ²³
Markii ay dhadhamiyeen dhiigga Muslimiintii Yamaniyiinta ahayd ee ku noolaa magaalada Xudayda ayaa mar labaad sannadkii 1225kii Hijriga kuna beegan 1811kii Miilaadiga ay soo weerareen magaalada Luxayah, taas oo jihada waqooyi ka xigta magaalada Xudaydah oo u jirta 110 km. Markan ummad aan la soo koobi karaynnin ayaa ay kurka ka gooyeen oo ay xasuuqeen. Sida uu sheegayo Cusmaan binu Bishri – oo ah taariikhyahanka Wahaabiyaduna – wax ay xasuuqeen maalintan dad aan ka yarayn 1000 qof ²⁴ oo isugu jira rag iyo dumar iyo carruur intaba!
Dhanka kale waxa ay baabiiyeen oo ay dumiyeen guryihii iyo meheradihii Muslimiintu ay lahaayeen ee ku yaallay magaalada ²⁵, sidoo kalena dhammaan hanti wixii meel ay ku qaataan ay waayeenna waa ay gubeen oo wax ay qabad-siiyeen dab si dabadood aanay cidina u qaadan oo dad intii soo hadhay ay gaajo u bakhbakhtiyaan! ²⁶
Markii ay soo baabiiyeen magaaladii Luxayah ayaa mar kale ay u soo jihaysteen magaaladii Xudaydah ee shan sano ka hor ay dad ku soo laayeen, maal fara-badanna ay ka soo dhaceen. Dadkii magaalada degganaa markii ay maqleen in Wahaabiyadii Luxayah soo xasuuqday ay dhankooda u soo jihaysteen ayaa badankoodii ay baxsadeen, xoolo yar-yar oo doomo wixii ay qaadi karayaan ahna doomahoodii ay ku qaateen halka maalkii iyo hantidii faraha badnaa ee kalana ay ka baxsadeen, ka dibna waa ay tallaabeen.
Markii Wahaabiyadii – oo Daami binu Shucayb nin la odhan jiray uu hoggaaminayo – ay soo gaadheen magaalada ayaa horta sidii caadadooda ahayd ay dadkii magaalada ku sii hadhay oo aad u badnaa ay dhammaantoodba xasuuqeen ²⁷, ka dibna wixii hanti taallay magaalada ayaa ay burburiyeen oo ay baabiiyeen, ileen markan meel ay ku qaataan ma jirto oo xoolihii Luxayah ayaa ay awrtii ka soo buuxsadeen e! ²⁸
Akhriste, Wahaabiyadu umadda Islaamka ah keliya u ma ayna geysan dibudhac fikir iyo mid aqooneed; caqli la dagaallan iyo caqiiddo liidata; diin ku dhaqan sillan iyo nacaybka wixii iyaga aan ahayn oo dhan; akhlaaq xumo, naxariis la’aan iyo arxandarro, ee laga soo bilaabo maalintii la sameeyay ilaa maalinkan maanta ah waxa ay ku wadeen xasuuq iyo dabargoyn iyo dhac iyo boob iyaga ka dhan ah, intan aan xusayna waa tusaalayaal aan waxba ka noqonayn jariimooyinkii ay umadda muslimiinta ah ka galeen oo keliya si aad wax uga ogaato aan kuugu sheegay, adiga ayaanan kaaga tegayaa in aad ka jawaabto budhcad iyo culimo diin faafinaysay kay yihiin!
Tixraacyo
1. Kashfu Shubahaat, Muxammed ibnu Cabdiwahaab (31); Al-Qawaacidul Arbacah, Muxammed ibnu Cabdiwahaab (31)
2. Taariikhul-Faakhiri, Muxammed ibnu Cumar (139)
3. Taariikhu-Najdi, Xuseen ibnu Gannaam (122)
4. Cinwaanul-majdi fii Taariikhi-Najdi, Cusmaan ibnu Bishri (J1/ 154)
5. Cinwaanul-majdi fii taariikhi-Najdi, Cusmaan ibnu Bishri (J1/155)
6. Tixraaca hore
7. Cinwaanul-majdi fii taariikhi-Najdi (J1/168)
8. Cinwaanul-majdi fii taariikhi-Najdi (J/216)
9. Cinwaanul-majdi fii taariikhi-Najdi (J/217)
10. Tixraaca hore
11. Safaxaat min Raariikhi Jasiiratil-Carab, Maxammed Ciwad al-Khadiib (178)
12. Is la tixraaca hore
13.Cinwaanul-majdi fii taariikhi-Najdi (J1/260)
14. Safaxaat min taariikhi Jasiiratil-Carab, Muxammed bin Ciwad(178)
15.Cinwaanul-majdi fii Taariikhi-Najdi (J1/260)
16. Min akhbaaril-Xijaas wan-Najdi min Taariikhil-Jabarti, Muxammed Adiib Qaalib (90)
17.Tixraaca hore
18. Cinwaanul-Majdi fii taariikhi-Najdi, Cusmaan ibnu Bishri(J/263)
19.Cinwaanul Majdi fii Taariikhi Najdi (J1/ 257)
20. Is la tixraaca hore
21. Is la tixraaca hore
22. Waxaa Saxiixiisa ku soo saaray imaam Bukhaari
23. Cinwaanul-majdi fii Taariikhi-Najdi (312)
24. Tixraaca hore
25. Tixraacii hore
26. Tixraacii hore
27. Tixraacii hore, laakiin bogga 313
28. Tixraaca hore