W/Q: Dr Sheekh Abuubakar Xasan Maalin
W/T: Cabdikariim Sh Bashiir
Dhaqamada bidcoolayaasha casri kasta waxaa ka mid ah in ay ku been-abuurtaan imaamyadii umadda hoggaamiyayaashooda ahayd, maxaa yeelay wax ay og yihiin in odhaahda loo tiiriyo a’immadu ay muslimiinta meeqaan iyo qiimo agtooda ka leedahay; oo wax ay doonayaan in ay ku suuq-geystaan badeecaddooda duugowday. Yaabna ma laha taasi oo Sayidkii basharka (NNKH) ayaaba lagu been-abuurtay, oo loo tiiriyay xadiisyo barkumataal ah.
Waxaa ka mid ah culimada ay ku been-abuurteen imaamkii weynaa ee Abii-Xaniife, oo waxa ay sheegeen in uu yidhi “Qofka yidhaahda ma garanayo Rabbigay ma samada ayuu jiraa mise dhulka waa gaal, maxaa yeelay Alle ayaa yidhi “الرَّحْمَنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَى”, carshigiisuna waa toddobada samo korkooda.” Jawaabtuna waa in hadalkani uu been-abuur iyo masabbid ku yahay imaamka, maxaa yeelay qofka odhaahdan ka soo weriyay waa Xakam ibnu Cabdillaahi Abuu-Mudiic al-Balkhi oo ahaa Jahmi daciif ah.
Imaam Dahabi wax uu kitaabkiisa Miisaanul-ictidaalka ku yidhi: “Ibnu-Maciin wax uu yidhi ‘wax uu yahay ma jirto’, wax kale oo uu yidhi “waa daciif”. Bukhaari wax uu yidhi ” waa daciif ra’yiyayste ah”. Nasaa’i wax uu yidhi “waa daciif”. Axmed wax uu yidhi “ma habboona in wax la ga weriyo”. Abii-Daa’uud wax uu yidhi “dadku waa ay ka tageen warkiisa, Jahmi ayuuna ahaa”. Ibnu-Xibbaan wax uu yidhi “wax uu ka mid ahaa madaxdii Murji’ada, kuwii sunnada necbaa ee haddana u nisbo-sheegan jiray”. Cuqaylina wax uu yidhi “Cabdillaahi binu Axmed ayaa noo sheegay in aabbihii [Axmed binu Xanbal] uu weyddiiyay Abii-Mudiic al-Balkhi, dabadeedna uu yidhi [Axmed]: wax ba la ga ma weriyo, oo waxaa la sheegay in uu odhan jiray “jannada iyo naarta waa la abuuray, waynna dhammaan doonaan”, hadalkaasina waa hadal Jahmi; wax uuna geeriyooday sannadkii 199H isaga oo afar iyo siddeetan jir ah.” ¹
Haddaba ninkan Bukhaari uu yidhi waa daciif, Imaam Axmedna uu yidhi wax ba la ga ma weriyo; sidee ayaa loo cuskan karaa oo loo gu aamini karaa waxa uu soo guurinayo? Yaab ma laha in ay ku dheg-dhegaan barkumataalladan oo kale, maxaa yeelay dadkani waa dad mar kasta wata khuraafaad iyo baaddil, iyada oo haddaa Abii-Xaniife ay ka sugnaatayba in uu u banbaxay in Alle uu goob u diido.
Mullaa Cali al-Qaari sharaxa uu saaray kitaabka Fiqhul-akbarka wax uu ku yidhi: “Sheekhii imaamka ahaa ee Ibnu-Cabdisalaan wax uu kitaabkiisa ‘ar-Rumuus’ ku sheegay in imaam Abii-Xaniife (AHUN) yidhi “qofka yidhaahda Ilaahay garan maayo ma dhulka ayuu joogaa mise cirka waa uu gaaloobay, maxaa yeelay hadalkani wax uu ku moodsiinayaa in Alle uu goob leeyahay; qofka mooda in Alle uu goob leeyahaynna waa Mushabbih”. Shakina ma leh in imaam Ibnu-Cabdisalaam yahay culimada kuwooda u gu waaweyn ee loo gu kalsooni badan yahay; sidaas darteed waxaa waajib ah in la cuskado wax uu soo guuriyo.” ²
Sidoo kale imaam Shaafici ayaa ka mid ah culimada ay ku been-abuurteen, oo wax ay ka soo guuriyeen in uu yidhi “Hadalka waddada aan ku taagan ahay anigu, sidoo kale aan ku dul arkay asxaabtayda ehlul-xadiiska ah ee aan arkay waxna aan ka qaatay sida Sufyaan iyo Maalig; waa in la qiro in ilaah xaq la gu caabudaa aanu jrin Alle mooyaan e, iyo in Alle carshigiisa samada ku dhex-yaal uu ahaaday, uunkiisana sida uu doono u gu soo dhawaado.”
Jawaabtuna waa in hadalkani uu yahay been iyo been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn, caddayntiisuna waa tan ee qaado. Caqiiddadani waa mid la ga ga been-abuurtay imaamka, sida Dahabi uu ku sheegay kitaabkiisa ‘al-Miisaan’ markii uu ka taariikhaynayay Maxamed binu Cali binu Abii-Daali al-Cushaari, wax uuna yidhi Dahabi: “Waxyaabo ayaa ay u hoosaasiyeen/ qariyeen [Cushaari] markaasuu isna ku warramay laab-xaadhni aawadeed. Waxaana ka mid ah [waxyaabahaas] xadiis gacan-ku-samays ah oo ku saabsan fadliga habeenka Caashuura, iyo caqiido Shaafici loo nisbeeyay”. ³
Cabdillaahi ibnu Xasan binu Axmed binu Abii-Shucaybka ay sheegteen in Imaam Shaafici – Alle ha ka raali noqdee – uu caqiiddadan ka weriyaynna wax uuba dhashay geeridii Imaam Shaafici laba sano kadib, oo xaafidkii Axmed binu Cali al-Khadiib al-Baqdaadi wax uu kitaabkiisa ‘Taariikhu-Baqdaad’ ku yidhi: “Wax aan idhi dhalashadiisu wax ay ahayd sannadkii 206dii.” ⁴
Halkaana waxaa ku caddaaday in waxa bidcoolayaasha casrigeennani ay faafiyaan ee ah in a’immadu ay xoojinayaan caqiiddooyinkooda khasaara ah uu yahay khuraafo ka mid ah baaddiladooda uu.. Carruurtana wax ay u laqimaan been-abuurradaa beenta ah, Ilaahaybaa se ka ga filan.
——
Tixraacyo.
1. Miisaanul-ictidaal (J1/574)
2. Al-Fiqhul-akbar (171)
3. Miisaanul-ictidaal (J3/657)
4. Taariikhu-Baqdaad (J9/436)