Kawnanka badan Maxaa Ka Run Ah?

Tirowga kawnanku (multiverse) waa fikrad sheegaysa in kawnkeennan aynnu ku nool nahay qaybtiisa la gaadhi karo ee wax laga ogaan karo (observable universe) iyo qaybtiisa kaleba ay tahay mid ka mid ah kawnan kale oo ka xeerar iyo dabeecad geddisan keennan, dabcanna waa fikrad aan gaadhsiisanayn aragti saynis ah oo ah fardiyo (hypothesis) aan shardiyadii looga baahnaa aragtida sayniska ah buuxin, oo kow xaqiiqooyin badan ma fasirayso dhanka kalana beenin ma aqbalayso oo runnimadeeda iyo beennimadeeda la ma ka la saari karo; si la mid ah sida aanay innoo siinayn saadaalllo tijaabin aqbalaya (تنبؤات قابلة للإختيار) oo kawnankaa suurtogal ma aha in la daraaseeyo oo wax laga ogaado.

Fikraddan saynis ahaan waxa laga mala’awaashay aragtida doodda badan ay ka taagan tahay ee Super string theory-da (نظرية الأوتار الفائقة ) oo mar haddii jaanis aynnu u helno aynnu sharxi doonno idamka Alle, iyo tan kale ee Inflation-ka (التضخم الكوني) oo iyada lafteedu ilaa hadda aragti xooggan oo adillooyin ku filan haysata aan ahayn, taas oo sheegaysa in kawnku inyar ka dib qaraxii weynaa meelahaa 10‐³⁵ ilaa 10‐³² ilbdhiqsi intii u dhexaysay uu sameeyay weynaan qayralcaadi ah oo aad iyo aad u baaxad weyn markaana laga yaabo in qaybo ka mid ahi ay ka falliidhmeen oo kawnan kale ay halkaa ka abuurmeen oo kan ka duwan.

Steven Weinberg

Sida warraysi sannadkii 2008 uu ka qaaday saynisyahanka Britishka ah ee Richard Dawkins waxa Steven Weinberg oo ah fiisigisyahan Ameerikaan ah oo 1979 abaalmarinta Nobel Prize-ta la qaatay fiisigisyahankii muslinka ahaa ee Axmed Cabdisalaam uu sheegay in ugu yaraan kawnankaa tiradooda noqon karaan 10⁵⁶ oo kawn! ¹ Tiradan qofka aan garanaynnin waxa laga yaabaa in uu u qaato tiro yar, laakiin waa wax aad iyo aad u weyn oo aan la malaysan karin, waxa ayna ka dhigan tahay bilyan ama kun milyan oo tirilyan oo tiliyan oo tirilyan oo tirilyan oo tirilyan oo kawn iyo dheeraad, haddaa ma aha xiddig ama meere waxa laga hadlayaa ee waa kawn dhan oo mid kastaaba keenna oo kale laga yaabo in uu le’eg yahay amaba ka weyn yahay! Waxaana Weinberg uu sii raaciyay in ay noqon karaan 10¹²⁰, dabcan imika waxaaba ay mala’awaashaan in ay noqon karaan 10⁵⁰⁰ oo kawn!

Fikraddan marka laga yimaaddo dhinaceeda saynis, dadka u ololeeya badankoodu u ma difaacaan oo ku ma ayna riixin sababo iyo mala’awaal saynis ee waxa ay u qaateen sababo falsafadeed iyo aydhoolajiyadeed, oo waxa mulxidiintu ay is yidhaahdaan gabbaad kaga dhigta waxa loo yaqaanno Sugidda xeesha dheer (Fine tuned ; الضبط الدقيق) iyo xeerarka kawnka ee haddii mid ka mid ahi uu inyar is beddeli lahaa kawnkuba aanu jiri lahayn ama nololiba aanay ka suurtowdeen, sidaa aawadeedna aan iinsaankan hadda ka fikiraya kawnka la heleen, waana waxa loo yaqaanno mabda’a iinsaannimada (anthropic princible; المبدأ الإنساني) gaar ahaan kiisa xooggan ee caanka ah, oo tusaale ahaan haddii cufisjiidadku intuu yahay in yar ka weynaan ama yaraan lahaa suurtogal may ahaateen in nololi ay suurtowdo, sidoo kalana haddii is ballaadhintii kawnku inyar ka kordhi ama yaraan lahayd intii ay ahayd kawnkan aynnu ku nool nahay ma jireen.

Caddayntan Sugidda Xeesha Dheer loo yaqaannaana waa mid ka mid ah caddaymaha Ilaahay ee saynisku uu ka qaybqaatay, ahna mid qof kasta oo xaqiiqo-raadis ah deeqaysa oo sababteeda ay Ilaahay ku rumeeyeen qaar badan oo hoggaamiyayaasha sayniska iyo culimadiisa waaweyn ah, sida fiisigisyahanka, cirbixiyeenka iyo xisaabyahanka Ameerikaanka ah ee Frank J. Tipler iyo saaxiibkii John David Barrow oo isna xisaabyahan iyo fiisigisyahan iyo cirbixiyeen Ingiriisa ah. Hortoodna waa caddaynta sababteeda Ilaahay uu ku rumeeyay mulxidkii ugu weynaa qarnigii 20aad ee Antony Flew oo qormo gaarkeeda ah aynnu beryo dhewayd ka qornay.

Antony Flew

Dabcan waxaa jira buugaag iskood u taagan oo laga qoray mawdduucann sugidda xeesha dheer ee kawnka, una horreeyo buugga Martin Rees ee la magacbaxay ” Keliya Lix Nambar” (Just Six Numbers; فقط ستة أرقام ) oo Martin uu ku soo gudbiyay lix xeer oo haddii mid ka mid ah inyar wax is ka dhimi ama kordhi lahaayeen aanu kawnkuba jireen ama nololi aanay ka suurtowdeen, waxaana uga horreeyay oo buug uu u bixiyay: Ever Since Darwin:Reflections in Natural History ka qoray Stephen Jay Gould oo saynisyahan dhallanrogad iyo taariikhyahan saynis oo Ameerika u dhashay ah, labadan nin ee inyar ka hor aynnu soo magacownnay ee Tipler iyo John Barrow-na wax badan ayay mawdduucan ka qoreen.

Richard Dawkins

Laba fasir ayaana ay ka bixi weyday sida Dawkins waraysigaa uu ku sheegay walow marka hore uu saddex odhanayo laakiin ta dambe Weinberg uu ka diiday ² maaddaama aanay sinnaba macno u lahayn: in la rumeeyo in ilaah xikmadoole ah oo abuure ah oo sidan uunka u sii diyaariyay oo sidan xeesha dheer kawnka u sugay uu jiro, iyo in ay mala’awaashaan kawnan tirobeel ah oo tirilyanno, tirilaynno iyo tirilyanno iyo wax ka badanba ah oo wax nolol iyo wax caqli ah iyo sugid xeeldheer aanay ka jirin oo si kedis ah keennan oo keli ahi uu u noqday mid sidan u sugan oo u xeeldheer, iyada oo haddaa aanay jirin wax alliyo wax tusaya caqli ahaan iyo cilmi ahaanba kawnankaas in ay jiraan iyo haddii ay jiraan in ay is ku dhex daadsan yihiin toona, suurtogalna aanay ahayn in la tijaabiyo; haddana caqliga mulxidiintu waxa uu aqbalayaa in balaayiintaa kawn ee ay mala’aawasheen ay rumeeyaan, ilaah keli ah oo intaas oo adillooyin ahi ay caddaynayaanna ay inkiraan oo ay diidaan! Runtii waa kibir iyo tacasub meeshii u dambaysay, Ilaahayna dadka sidaas ah isaga oo ka warramaya waa ka yidhi: “إِن فِى صُدُورِهِمْ إِلَّا كِبْرٌ مَّا هُم بِبَٰلِغِيهِ ; laabahooda dhexdooda wax aan kibir ayna gaadhaynnin ahayn ku ma jiro”.

Intaa waxa dheer, in su’aashii aanay halkaa ku go’in, oo waxa ay noqonayaan uun islaantii xaabada qaadi kari weyday ee in kalana iigu soo dara tidhi, maxaa yeelay hal kawn iyaga oo fasirkiisa la daalaadhacaya oo u taagi la ayaa haddana balaayiin kawn oo kale oo khiyaali ah oo aanay fasiri karayninna ay is ku soo fureen, kuwaas oo aanay ka jawaabi karin halka ay ka yimaaddeen iyo sida ay u yimaaddeen iyo sababta ay u jiraan toona! Wax kale ku ma garatide, waa “Nin daad qaaday xumbo cuskay”! Sideedabana, waxaa jira mabda’ falsafi ah oo uu soo bandhigay faylasuufkii weynaa ee William Ockham, kaas oo lagu magacaabo Occam’s razor. Waxa uuna mabda’ani sheegayaa, wax lagu xallin karo waddo qudha in doqonniimo iyo qalad ay tahay in la is ku dayo in wadooyin badan lagu xalliyo tusinaysana in xalkaa dambe uu qalad yahay. Macnihii tusaale ahaan sugidda xeesha dheer ee kawnka iyada oo lagu xallin karo jiritaanka Ilaah abuure ah oo intaas oo adillooyin falsafi iyo caqli ahiba ay caddaynayaan jiritaankiisa waa qalad in la is ku dayo in lagu xalliyo mala’awaashada balaayiin kawn oo fawdo ah oo waxba aanay ka jirin.

Sabine Hossenfelder

Sidaa aawadeed ayaa faylasuufadda iyo fiisigisyahannadda Jarmalka ah ee Sabine Hossenfelder ay qoraal 2018 ay qortay ugu tidhi iyada oo ka hadlaysa kawnanka badan ee qaar ka mid ah fiisigisyahannada mulxidiinta ahi ay is ku deyayaan in kaga cararaan qiridda Ilaahay : “Haddii Ockham uu arki lahaa waxa fiisigisyahannadu ay hadda samayanayaan, Ilaahay ayuu ka baryi lahaa in caqliga uu dhulka u soo celiyo. Waa lamahuraan in meesha laga saaro khiyaallada lamahuraanka aan ahayn”. ³

Ugu dambayn, mabda ahaan haddii xitaa aan ka soo qaadno in kawnan badan oo wada dawdo ah ay jiraan se tirobeel (infinity) aan ahayn maaddaama tirobeelku aanu caalamka sayniska ka dhex shaqaynnin walow wax tusinaya in ay jiraan iyo in ay fawdo yihiin toona aanu jirin, taasi marnaba meesha ka ma saari karto jiritaanka Ilaah xikmadoole ah oo abuure ah, maxaa yeelay waxa aannu lee nahay kawnkan ayuu ka dhex doortay kawnankaa kale, sida malaayiinta noole-maniyeedba uu mid ka mid ah ugu doortay in uu bacrimiyo ugxanta dheddiga, waxaana markaa aynnu ku magacaabi karnaa sida Dr Cadnaan Ibraahiim uu u bixiyay Doorashada Ilaahiga ah (God’s Selection; الإنتخاب الإلهي), wax mushkilad ahina markaa ku ma jirayso haddii xitaa ay dhab noqoto in kasta oo aanay suurtogal ahayn sida xagga hore aan ku soo sheegnay.

Dr Cadnaan Ibraahiim

Waxa la odhan karaaba, tirowga kawnanku iyaga ayaa xujo uu ku nqon karaa, oo waxaaba loo daliishan karaa jiritaanka Ilaahay, maxaa yeelay kawnkeenna waxaa suurtogal ahayd in sidan hadda uu yahay si ka duwan uu noqdo, waxaana caddaynaya taas kawnankaas aad mala’awaateen, is la markaana waxaa qasab noqonaysa in la helo cid sidan uu yahay u doortay oo u sugtay oo siyaha kale ka duday.

Paul Davies

Qodobkan ayuuna buuggiisa ” The Goldilocks Enigma: Why is the Universe Just Right for Life?” Ku tibaaxay fiisigisyahankii British-ka ahaa ee Paul Davies, oo uu ku sheegay in arrinka qosolka leh uu yahay in fikradda kawnanka badan ee markii hore la is ku deyi jiray in lagu lumiyo u baahnida awoodda abuure ay hadda is ku beddeshay daliil saynis oo cajiib ah oo tusinaya jiritaanka ilaah.

Tixraacyo

1. Steven Weinberg Discussion (3/8): Daqiiqadda 8:35 https://youtu.be/kNpiX8XQhJM?si=KTBKl_NCGesGewAB2.

2. Waraysiga hore, qaybta (4/8); daqiiqadda 4:35 https://youtu.be/Re4ZOJPQ9lI?si=U2Ca7A5pux_LIPGF3.

3. Scientific Theory And The Multiverse Madness: by Sabine Hossenfelderhttps://www.npr.org/sections/13.7/2018/01/22/579666359/scientific-theory-and-the-multiverse-madness

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top