Aragtida Darwin iyo Qur’aanka— Qaybta 10aad | Xaawa ma waxaa laga abuuray feedhii Aadan?

Beryihii hore ma ay jirin culuum la mid ah kuwa hadda jira, oo marka laga tago cilmiga diiniga ah aqoonta kale aad bay u yarayd una koobnayd haddii aanay jirinba. Taasina waxa ay keentay in mufasiriinta qaar badan oo ka mid ah maaddaama aanay jirin macaarif kale oo Qur’aanka fahankiisa iyo fasirkiisa ay la kaashadaan in nasiib-darro ay mararka qaar la aadaan israa’iiliyaad iyo sheeko-xariirrooyinkii hore ee khuraafaadka u badnaa, ee diinta Islaamkuna ay u timid burburintooda iyo la dagaallankooda baridana ay ka ahayd, oo ku fasir ay is dhahaan.

Saamaynta israa’iiliyaadkaasi ay mufasiriin farabadan ku yeesheenna aad bay u ballaadhnayd, intaas oo tusaale baana aynnu uga keeni karnaa, waana ta sababtay xitaa tii oo Qur’aanku uu si cad u tibaaxay in ciddii Ibliisku uu waswaasiyay dembigana ku dhacday markii dambana towbad keentay ay Aadan ahayd Xaawana ay isaga raace u ahayd in haddana mufasiriinta qaarkood ay dhahaan Xaawa ayaa sababta lahayd oo inta ay geedkii laga mamnuucay cuntay Aadanna siisay, waayo Baaybalka ayaa taasi ay ku taallaa!  Qur’aankana waxa uu leeyahay ” فَوَسۡوَسَ إِلَیۡهِ ٱلشَّیۡطَـٰنُ — Waxa isaga (Nebi Aadan) wasaawisayay shayddaanka”. Mar kalena waxa uu yidhi “وَعَصَىٰۤ ءَادَمُ رَبَّهُۥ ; Aadam Rabbigiisa ayuu caasiyay.”


Sidoo kale, mas’aladan ah in Xaawa laga abuuray feedha Aadan iyada oo aanu jirin nas cad oo ku yimid, haddana mufasiriinta iyo culimada badankoodu waxa ay ku tageen in laga abuuray feedhii Aadan, qaarkoodna wararkii Sifru-Takwiin ku qornaa ayaaba ay si caadi ah u soo minguuriyeen! Marka aynnu imanno waxa ay u daliishadeenna, waxa ay sheegeen xadiis ay soo saareen Bukhaari iyo Muslin oo Rasuulku uu ku yidhi: ” Dumarka khayr is kugu la dardaarma (macnihii in aad wanaajisaan is ku gu la dardaarma), gabadha waxaa laga abuuray feedh, meesha ugu qalloocan feedhana waa halkeeda u sarraysa; oo haddii aad is ku deydo in aad toosiso waad jebinaysaa, haddii aad is ka dhaaftana weli wuu is ka qalloocsanaanayaa, ee dumarka khayr is kugu la dardaarma”.

Marka aynnu u fiirsannana, xadiiskan billowgiisa ilaa dhammaadkiisu waxa uu ku tusinayaa in duurxul iyo u eekaysiin ay ujeeddadu tahay, oo sida dumarku dabeecaddoodu ay u badan tahay oo ah in ninku dabcigeeda si caadi ah u fahmi waayo ayaa lagu metalayba sidii in feedh qalloocanba laga abuuray, carrabkoodana loogu metelay meesha feedha u sarraysa oo ah meesha ugu qallooca badan, haddii toosiya la is yidhaahdana jabaysa sida ninku xaaskiisa markuu fahmi waayo haddii uu qabsado oo la murmo oo toosi uu is ku yidhaahdaba uu arrinku furniin u gaadhayo.  Eekaysiintanna innaga lafteennu waa aynnu adeegsannaa, oo qofka tusaale ahaan fudfudud ee arrimaha aan is ka hubsan waxa aynnu nidhaahnaa “Ninkan degdeg ayaa laga abuuray!”.

Markaasna, waxa uu xadiisku ka warramayaa in ninku uu gabadhiisa u wanaag falo oo u dulqaato haddii ay caydo ama aflagaaddayso, oo aanu u qaban dhalankeeda iyo abuurkeedu haddii uu qalloocnaado ama isagu uu fahmi waayo, ee shaqo ku ma laha in Xaawa laga abuuray feedhii Aadan. Waxaana macnahaas adkaynaya, oo in ujeedku uu yahay sarbeeb iyo duurxul iyo u eekaysiin ee aanu ahayn xaqiiqo xoojinaya, riwaayada kale ee iyana saxiixa ah ee is la Bukhaari ku soo sooray ee ah “المرأة كالضلع ; Gabadhu waa sida feedha oo kale”! Mar kalena waxaa tusinaya in Xaawa iyo abuurkeedii laga hadlaynnin xadiisku ma sheegin Xaawa ee “gabadha” buu yidhi, oo gabdhaha oo dhan — ama sida ay u badan yihiin — ayuu ku socdaa. Qof kastana wuu garanayaa in aan gabadh kasta feedh laga abuurin ee ujeedku u eekaysiin iyo duurxul yahay! Midda kale haddii aynnu raacno fasirkooda ah in Xaawa laga abuuray feedh, muxuu yahay xidhiidhka ka dhexeeya in feedh laga abuuray Xaawa iyo in gabdhaha dabeecaddooddu ay waxoogay qalloocan tahay? Ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexayn karaa sinnaba. Markaasna wax daliil ah oo xadiiskaas ugu sugan ma jiro.

Dhanka kale, waxa ay culimadaasi soo daliishadeen aayadda Suuradda Nisaa u horraysa ee ah: “يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ، واحِدَةٍ، وخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا”, waxa ayna yidhaahdeen aayaddu waxa ay sheegaysaa in naf keli ah la innaga abuuray oo ah Aadan, isagana laga abuuray Xaawa oo macnihii feedhiisa laga abuuray! Laakiin tafsiirkaasi waxa aanu sax u ahayn:

1. Horta aayaddu ma carrabbaabin in naftaasi ay Aadan tahay, ereygaa “زوج; xaas” oo Carabiyada dhexdeeda lab iyo dheddigba loo adeegsadana in Xaawa looga jeedo. Marka aynnu milicsanno aayadda tan u eeg ee Suuradda al-Acraaf ku jirta ee ah “هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍۢ وَٰحِدَةٍۢ وَجَعَلَ مِنْهَا زَوْجَهَا لِيَسْكُنَ إِلَيْهَا — Alle waa Allihii idin ka abuuray naf keli ah, iyadana ka yeelay xaaskeeda si uu ugu dego iyada xaggeeda”, waxa ay u badan tahay in naftaasi ay tahay Xaawa, ereyga “زوج”-na uu ku dhacayo Aadan. Maxaa yeelay damiirka ka noqonaya “ليسكن; si uu ugu dego” oo ah “هو; isaga” waa lab, waxa uuna u noqonayaa waxa ugu soo dhaw oo ah ereygan “زوج”; halkaasna waxaa ka caddaanaysa in ereygan zawj cidda uu ku rumoobayaa uu lab oo Aadan ah yahay ee aanu dheddig oo Xaawa ah ahayn, illeen haddii dheddig oo Xaawa ah uu ku dhacayo waxaa la odhan lahaa “لتسكن; si ay ugu degto” e.

2. Laba gooraba haddii aynnu nidhaahdno naftan waxaa looga jeedaa Aadan iyo haddii aynnu nidhaahdno maya ee Xaawaba, macnuhu ma aha mana noqonayo in midkood midka kale qayb ka mid ah laga abuuray, oo xarafkan “مِن” ma aha kii qaybta faa’idaynnayay (من للتبعيض) ee maanta ee waa kii Bayaaniyada (البيانية) la odhan jiray, macnuhuna waa “Waxa uu ka abuuray naftaa sinjigeeda xaaskeeda”, oo macnihii mid la mid ah oo ay is ku nooc yihiin ayaa loo abuuray oo lammaane looga dhigay si ay isugu degaan oo ay is ku fahmaan xidhiidhkooduna uu u samaado.

Fasirkanina waa mid ilaa xilligii salafka iyo culimadii horaba jiray oo kutubta tafsiirka ku yaalla. Bilmetelna imaamkii weynaa ee Fakhrudiin ar-Raasi waxa uu yidhi ka dib markuu sheegay fasirka hore ee sheegaya in Xaawa laga abuuray feedha Aadan: “Qawlka labaad oo ah kuu doortay Abii-Muslim al-Asfahaani waa in ujeedka “وخلق منها زوجها ” uu yahay “من جنسها ; macnihii sinjigeeda”, oo uu la mid yahay hadalka Ilaahay ee “واللَّهُ جَعَلَ لَكم مِن أنْفُسِكم أزْواجًا ” iyo ka kale ee “إذْ بَعَثَ فِيهِمْ رَسُولًا مِن أنْفُسِهِمْ” iyo sidoo kale midka kale ee ‘لَقَدْ جاءَكم رَسُولٌ مِن أنْفُسِكُمْ’.”

Haddaba ereygan “مِن” ee aayadda ku jiraa waxa uu la mid yahay uun is la “مِن”-tan kale ee ku soo aroortay aayadda tan u eeg ee  “وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَٰجًا لِّتَسْكُنُوٓاْ إِلَيْهَا “, qof kastaaba wuu garanayaa in lammaanayaasheenna aan qayb inna ka mid ah aan laga abuurin ee ujeedku yahay sinjigeenna iyo nooceenna in ay yihiin. Aayaddan suuradda Nisaa’na tan ayuun bay la mid tahay, waxa aanay riixaysaa wixii qoomamkii hore ay aamminsanaayeen ee ahaa in gabdhuhu aanay sinjiga dadka ahayn ee qawm ragga ku dawan ama sida qaarkood odhan jireen shayaaddiin ah ay ka soo jeedaan, oo waxa ay leedahay “Maya ee is ku sinji iyo nooc ayaad tihiin”.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top