Waxaa ka mid ah odhaahaha quruxda badan ee macnaha weyn ku fadhiya ee culimada muslimiinta ee mucaasiriinta ahi ay aadka u adeegsadaan, odhaahda ah “Ilaahay waxa uu u sugnaaday laba kitaab: mid la akhriyo iyo mid la arko”. Midka la akhriyaa sida aynnu la wada soconno waa Qur’aanka kariimka ah, halka midka la arkaana uu kawnka ama abuurkiisa yahay. Haddaba sida kawnkaba aan looga geyoon karin fasirkiisa iyo fahankiisa ilaa maalinta Qiyaame, ee marba marka ka sii dambaysa xog iyo sir iyo aqoon cusub looga helayo, ayaa Qur’aankana fahankiisana aan looga dhammaan karin ilaa maalina Qiyaame, qofna aanu u sheegan karin aqoonta iyo maskaxdiisu inta ay doonaan ha le’ekaadaane in waxa Alle uu uga jeedo oo dhan uu garanayo, gaar ahaaan weliba marka laga hadlayo nusuusta hal macne wax ka badan aqbalaya ee aanay tusintoodu hubaasha ama qadciga ahayn.
Qur’aankuna sida la wada og yahay, walow sugnaantiisu ay qadci iyo hubaal tahay (قطعية الثبوت), oo kummanaan qof ay Rasuulka ka soo qaadeen kummanaankaana kummanaan kale ay ka soo qaadeen ilaa oo innaga uu innaga soo gaadhay, laakiin tusintiisu ma wada aha hubaal sida la wada og yahay, oo waxaa ka mid ah qayb hal macne oo keli ah aqbalaysa sida ” لَمۡ يَلِدۡ وَلَمۡ يُولَد — Ma dhalin [Alle] la mana dhalin” oo kale, iyo qayb laba macno iyo wax ka badan aqbalaysa sida hadalka Ilaahay ee “وَامْسَحُوا بِرُءُوسِكُمْ — madaxyadiinna masaxa”, oo tusaale ahaan imaam Shaafici waxa uu ku tegay in xarafkan “ب” uu faa’idaynayo badh oo in qayb la masaxaa ay ku filan tahay; halka Abii Xaniifana uu yidhi mayee in la wada masaxo ayaa waajib ah. Mar haddii aayaddu hal macno wax ka badan ay aqbalaysana, waxaa loo baahanayaa wax lagu ka la xoojiyo midkood sida la wada yaqaan.
Intaa ka dib, qofka raacraaca aayadaha Qur’aanka kariimka ah ee ka hadlaya abuurka iinsaanka, waxa uu ka warhelayaa in ka abuurka dhooqada ama ciiddu aanu Qur’aanku ku gaar yeelaynnin Nebi Aadan, ee dhammaan basharka oo dhan uu sheegayo in la abuuray ciid. Ilaahay waxa uu bilowga suuradda al-Ancaam ku yidhi: “هُوَ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن طِينٍ — isagu waa Allihii idin ka abuuray dhooqo”. Suuradda ar-Ruumna waxa uu ku yidhi: ” وَمِنْ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنْ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٍۢ — aayaadkiisa waxaa ka mid ah in uu idin ka abuuray ciid”. Qolyihii beeralayda ahaa ee suuradda Kahf Ilaahay kaga warramayna ninkii mu’minka ahaa waa kii ku yidhi midkii gaaloobay : “أَكَفَرْتَ بِالَّذِي خَلَقَكَ مِن تُرَابٍ ثُمَّ مِن نُّطْفَةٍ ثُمَّ سَوَّاكَ رَجُلًا — ma wax aad ka gaalowday Allihii kaa abuuray ciid, intaa dibna candhuuf, intaa ka dibna ku simay adiga oo nin ah?”.
Haddaba marka ay sidaas tahay, waxa aynnu is la wada qirsan nahay in innaga ama qof kasta oo innaga mid ah aan si toos (مباشرة) ah ciidda looga abuurin, waxa la sheegayana uu noqonayo asalkeennii hore. Asalkaas horena ma aha sida mufasiriinta badankoodu ay ku tageen Nebi Aadan, oo ma jirto meel Alle ku yidhi “si toos ah (مباشرة ) ayaan ciidda uga abuuray Aadan”, balse Aadan sidaas innagaba la innooga abuuray ciid laakiin taas macnaheedu aanay u ahayn in si toos ah la innooga abuuray ayaa Nebi Aadan in ciid laga abuurayna aanay qasab macnaheedu u ahayn in si toos ah looga abuuray, gebi ahaanna maba jiro nas cad oo sugan oo arrinkaas sheegaya.
Sida Aragtida Dhalanrogadku (Evolution Theory; نظرية التطور) ay qabto, noolayaasha oo dhan oo bani’aadanku uu ku jiro waxa ay ka soo bilaabmeen badda, unuggii ugu horreeyay ee bakteeriyada ahaa ee noolayaasha oo dhami ay ka soo wada farcameenna dhooqooyinka salka badda ayaa uu ku unkamay, walow sida uu uga unkamay ay tahay halxidhaale aan ilaa hadda jawaab saxan loo haynnin, saynisyahannada qaarna ay sheegaanba in saynisku aanu weligii ka gungaadhi doonin. Markaasna, macnaha in dhooqo la innaga abuuray waxa uu noqonayaa in abuurkeennu uu ka soo bilaabmay dhooqooyinkaas salka badda ee ma aha in Aadan si toos ah dhoobo looga abuuray, wax alliyo wax sugan oo ku soo arooray in si toos ah ah looga abuurayna ma jiro sid aynnu sheegnay. Qormada xaggeeda dambe ayaanad ku arki doontaa aayado si cad u tibaaxaya ka abuurka dhooqada ee iinsaanka in looga jeedo in abuurkiisu uu ka soo bilaabmay. Dabcanna sida la wada og yahay, ciidda salka baddu waa dhoobo ama dhooqo maaddaama oo ay qoyan tahay oo biyo ay ku lifaaqan yihiin, sidaas aawadeed baana loo yidhi “طين—dhooqo”.
Waxaana cajiib ah, in Qur’aanku uu ishaaray in noolayaasha oo dhami ay badda ama biyaha ka soo wada jeedaan, oo Alle waxa uu suuradda al-Anbiyaa ku yidhi: “وَجَعَلْنَا مِنَ ٱلْمَآءِ كُلَّ شَىْءٍ حَىٍّ — Waxaa aannu biyaha xaggooda ka yeelnay (abuurnay) shay kasta oo nool”. Intanina waa qayb ka mid ah aayadda ka warramaysa abuurkii iyo samaysankii kawnka ee suuradda al-Anbiyaa ku jirta, “أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ۖ; kuwii gaaloobay miyaana ay ogayn in samaawaadka iyo dhulku ay wax is ku dheggan ahaayeen (singularity), ka dibna aannu ka la fujinnay (qaraxii weynaa)”. Taasina waxa ay ka dhigan tahay, in Alle uu aayaddan ku ishaarayo sidii noolayaashu ay ku bilaabmeen ka dib markii uu ishaaray sidii koonku uu ku bilaabmay, iyo in biyaha noloshu ay ka soo wada jeeddo, waana is la sida saynisku xoojinayo.
Aayad kale Alle isaga oo innagu tusinaya in asalka noolayaashu uu mid yahay weliba biyaha ay ka soo wada jeedaan waxa uu yidhi: “وَاللَّهُ خَلَقَ كُلَّ دَابَّةٍ مِّن مَّاءٍ ۖ فَمِنْهُم مَّن يَمْشِي عَلَىٰ بَطْنِهِ وَمِنْهُم مَّن يَمْشِي عَلَىٰ رِجْلَيْنِ وَمِنْهُم مَّن يَمْشِي عَلَىٰ أَرْبَعٍ ۚ — Ilaahay waxa uu sankuneefle kasta ka abuuray biyaha xaggooda, waxaana ka mid ah duul caloosha ku socda (sida badi xammaaratada); oo waxaa ka mid ah duul laba lugood ku socda (sida sinjiga laba-addinleyda (theropods) ee diinasoorrooyinka oo xamaaratada ka mid ah iyo shimbiraha iyo qaybo ka mid ah naasleyda sida bani’aadanka”; oo waxaa ka mid ah duul afar [addimood] ku socda (sida badi naasleyda iyo qaybo bdan oo ka mid ah xammaaratada).
Marka aynnu u imanno aayadda qudha ee si gaar ah Ilaahay Nebi Aadan uu ugu carrabbaabay in ciid laga abuuray, maaddaama aayadaha kale oo dhan ay yihiin qaar aan Aadan gaar ahaantiisa uga hadlayn oo ay yihiin qaae iinsaanka guud ahaantiisa ay uga hadlaya, ee “إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِندَ اللَّهِ كَمَثَلِ آدَمَ خَلَقَهُ مِن تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُن فَيَكُونُ”, iyada lafteeda ayaa tusinaysa in aan si toos ah looga abuurin. Waayo, Alle waxa uu ku kala saaray aayaddan laba shay oo kala ah “خَلق ” iyo “تكوين أو الإيجاد”, waxaana uu u dhexaysiiyay “ثُمّ” oo ah kalimad tusisa Carabiyada dhexdeeda kala dambayn waqti oo dheer. Haddaba aayaddan waxaa ka muuqata in ka abuurkii Aadan ee ciidda iyo jirsiintiisii (كن فيكون) ay muddo badan oo laga cabbiray “ثُم” u dhexaysay, ee wax is la xidhiidhsan aanu ahayn. Markaasna waxaa isweyddiin mudan waxa labadan xaaladood ee “خلقه من تراب ” iyo “ثم قال له من فيكون” ay ku kala duwan yihiin.
Carabiyada dhexdeeda, khalqiga waxa loo adeegsadaa marar farabadan qaddaridda macluumaadka iyo khiddad-dejinta (designed ;التخطيط ), oo waa kii gabyaagii Carbeed lahaa: “وَلأنْتَ تَفرِي ما خَلقْتَ وَبع-ضُ القَومِ يَخلقُ ثُم لَا يَفرِي ; adigu waad fulisaa wixii aad dejisay, dadka qaarna way dejiyaan markaas baa haddana aanay fulin”. Haddaad u baahan tahay in aad lawxad sawirto tusaale ahaan, marka hore waxa aad dejinaysaa khiddadda iyo qaabka ay u eekaanayso iyo sida aad ka dhigayso, markaas baad intaa ka dib sawiraysaa. Xujatul-Islaam Imaam Abuu-Xaamid al-Qasaali oo innoo fasiraya aayadda “هو الله الخالق البارئ المصور” waxa uu buuggiisa Al-Maqsid al-Asnaa ku yidhi: “Waxa laga yaabaa in dadka qaar ay u maleeyaan in magacyadani (الخالق البارئ المصور) ay isku ujeeddo yihiin, oo dhammaantood ay tusayaan jirsiin iyo ahaysiin, mana aha sidaas, ee shay kastaaba inta aanu jiraal-la’aanta ka iman ee aanu jiraalka iman waxa uu u baahan yahay qaddarid (خلق بمعنى التقدير ), mar labaadna jirsiin waafaqsan qaddaraddiisii, jirsiinta dabadeedna mar saddexaad qaabayn (تصوير)”. ¹
Mar haddii ay sidaa tahay, waxaa halkaa ka muuqanaysa in macnaha ereyga “خلق” ee aayaddan “خَلَقَهُ مِن تُرابٍ” ku jiraa uu yahay kii qaddarista, oo Alle markii hore waxa uu qaddaray in Nebi Aadan uu dhooqooyinka salka badda ka soo jeedo, ka dibna muddo badan oo malaayiin sano noqon karta ka dib oo Alle uu ka cabbiray “ثم” ayaa Nebi Aadan la jirsiiyay oo ‘كُنْ فَيَكُونُ ” la yidhi, ereygan Kunfayakuunna in aanu ilbidhiqsi ka dhignayn qaybtii hore ayaa aynnu ku soo sheegnay oo shay kastaba intii loogu talogalay uu ku ahaanayo. Imaamkii weynaa ee Fakhru-diin ar-Raasina waxa uu tafsiirkiisa ku yidhi: “Waxa Abuu-Muslim yidhi: Waxa aannu soo caddaynnay in khalqiga macnihiisu uu yahay qaddarid ama dejin, waxaana macnihiisu uu u noqonayaa cilmiga Ilaahay ee ku aaddan sida uu u noqonayo iyo doonistiisa in uu u dhaco habkiisa gaarka ah, waxaas oo dhamina way ka horreeyeen jiritaankii Aadan….. Hadalkiisa uu yidhi “كن “-na, waxa uu ka dhigan yahay soo gelintiisii jiraalka, waxaana markaa sugnaaday in abuurkii Aadan (oo macnaheedu yahay qaddariddiisii) uu ka horreeyay hadalkiisa ‘كن ; ahow’. ” ²
Dhanka kale, sheekhii Masriga ahaa ee Sayid Quddub (1906 – 1966) waxa uu ku yidhi kitaabkiisa Dilaalul-Qur’aan markii uu sharxayay hadalka Ilaahay ee “وَالَّذِي أَحْسَنَ كُلَّ شَيْءٍ خَلَقَهُ وَبَدَأَ خَلْقَ الْإِنسَانِ مِن طِينٍ — Allihii shay kastaba wanaajiyay, abuuray; abuurka iinsaankana ka soo bilaabay dhoobo”: ” Waxaa suurtagal ah in ay ishaarayso unkamiddii unuggii u horreeyay ee meerahan dhulka, iyo in uu ka soo unkamay dhoobo, unuggaasna uu ka soo jeedo iinsaanku. Qur’aankuna ma sheegin qaabka uu u dhacay [dhallanrogadkaasi] iyo waqtiga uu qaatay iyo dhallanrogadyada uu soo maray toona, waxaana arrinkan ka sal-gaadhiddiisa looga tegayaa cilmi-baadhis kasta oo toosan, arrinkaasina ka ma hor imanayo naska Qur’aanka ee gooyay in unkamiddii hore ee iinsaanku ay dhiiqo ka ahayd”. ³
Munaasabo ahaanna, saddexdan aayadood ee is ku xiga ee suuradda as-Sajdah ku jira ee kale ah:
1. Waxa uu ka soo bilaabay abuurka iinsaanka dhooqo, وَبَدَأَ خَلْقَ الإِنسَانِ مِن طِين
2. Intaa ka dibna waxa uu tarankiisa ka yeelay sulaalad (qayb saafi ah ) oo ka mid ah biyo aad u yar ; ثُمَّ جَعَلَ نَسْلَهُ مِن سُلالَةٍ مِّن مَّاء مَّهِين
3 . Intaa ka dibna wuu simay, waxa uuna ku afuufay ruuxdiisa [macnihii mulkigiisa ku jirta] ; ثُمَّ سَوَّاهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِه:
Waxa ay gebi ahaanba baabiinayaan fikradda badi dadku ay ka haystaan abuurka iinsaanka iyo qisada abuurka, waayo qisada abuurka ee badi wadaaddadu ay sheegaan taranka jinsiga ah iyo toosinta & ku afuufidda ruuxda waxaa horreeyay toosinta iyo ku afuufidda ruuxda, oo wax ay yidhaahdaan markii Aadan la toosiyay ee ruuxda lagu afuufay ayaa kadib tarankiisa laga yeelay in uu jinsi ku tarmo, laakiin aayaddu waxa ay leedahay “maya, ee toosinta iyo afuufidda ruuxdu waxa ay yimaaddeen ka dib ku taranka jinsiga”! Sidaas aawadeed baa mufasiriintii hore markii ay is ku qaban weyday fikraddii ay ka haysteen abuurka iinsaanka iyo aayaddan ay qayb ka mid ahi u yidhaahdeen aayadahan hormarin iyo dibmarin (تقديم وتأخير) ayaa ku jirta, oo macno ahaan aayadda dambe ayaa ka horraysa ta labaad.
Haddaba aragtidani maanta si fiican ayaa ay aayadahan ay u la jaanqaadaysaa, oo markii aadamaha abuurkiisa bakteeriyaddii dhooqooyinka salka badda ka dhalatay laga soo bilaabay, ee bakteeriyadaa yarna ay ka soo dhallanrogmeen noolayaal yaryar oo hab isku-tag la’aan ah ku tarmayay sida isfanjiga (sponge; الإسفنج), ayaa intaa ka dib taranka awoowyadiisii hore ama asalkiisii hore laga yeelay mid ku tarma hab is-ku-tag ah ama jinsi (جَعَلَ نَسْلَهُ مِن سُلالَةٍ مِّن مَّاء مَّهِين), ka dibna muddo uu Ilaahay og yahay oo laga cabbiray “ثم ; intaaa ka dib” iinsaankuna uu ahaa wax aan la sheegin sida Ilaahay ku xusay suuradda al-Iinsaan, “هَلْ أَتَى عَلَى الإنْسَانِ حِينٌ مِنَ الدَّهْرِ لَمْ يَكُنْ شَيْئًا مَذْكُورًا ; iinsaanka waxaa soo maray xilli waqtiga ka mid ah oo aanu ahayn wax la sheego” ayaa Ilaahay uu simay oo toosiyay oo laba lugood uu ku istaajiyay, haddana uu ku afuufay ruux dhankiisa ah ( ثُمَّ سَوَّىٰهُ وَنَفَخَ فِيهِ مِن رُّوحِهِۦ) oo uu noqday iinsaankan aynnu naqaanno (homo sapiens), Aadan ayaana u horreeyay iinsaankan sidaa u dhammaytirma ee Ilaahay ka warqaba is kuna daya in uu la xidhiidho, oo innaguna aynnu ka soo tafiirannay.
Ruuxdanina ma aha nafta sida aynnu qormo hore ku faahfaahinnay, oo naftu noole kastaba waa ay ku jirtaa waana ta dhimata, balse ruuxdu waa cunsur aan maaddi ahayn oo bani’aadanka Rabbi ku gaar yeelay, mana arkaysid xayawaan la leeyahay “Ruux baa ku jirta” ama tiiyoo Qur’aanka lagu dhex leeyahay “ruuxdaa dhimanaysa ama geerida dhadhaminaysa”. Ruuxdani waa waxa iinsaanka u suurtogeliyay in uu ka fikiro Ilaahay, malaa’ig iyo dhammaan waxyaabaha maaddada ka baxsan (metaphysics), ee ka duway Ilaahayna kaga karaameeyay dhammaan noolayaasha iyo xayawaannadii kale oo dhan, malaa’igtana uu Nebi Aadan oo aadamaha metelayay uu ku kasbaday in ay u sujuuddo. Ruuxdan Ilaahiga ahi ee Qur’aanku uu xusayna waxa ay innoo fasiraysaa caqligan iyo wacyigan heerka sarreeya ee bani’aadanka kaas oo Alferd Russel Wallace oo aasaasihii labaad ee Aragtida Dhallanrogadka ahaa uu ogaaday in aan lagu fasiri karin doorashada dabiiciga ah iyo tafsiir kasta oo maaddi ah sida aynnu qormo hore ku soo xusnay, ilaa markii dambe uu dhankaaa ruuxaaniyaadka u jeedsaday buugaagna uu ka qoray.
Akhriste, Qur’aanka kariimka ahi keliya ku ma eekaysan in uu ishaaraad innaga siiyo asalka bani’aadanka, ee xitaa waxa uu sheegay in uu ka soo jeedo ama ka soo dhallanrogmay qoomam hore, sida ka muuqata suuradda al-Ancaam, oo Alle waxa uu yidhi isaga oo dadka la hadlaya”إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَسْتَخْلِفْ مِن بَعْدِكُم مَّا يَشَاءُ كَمَا أَنشَأَكُم مِّن ذُرِّيَّةِ قَوْمٍ آخَرِينَ — Hadduu doono [Alle] waa idin tagsiin, waxa uuna gadaashiin khaliif ka dhigi cidduu doono; sida idinkaba uu idiin ka soo unkay tafiirta qawm kale”. Haddii aad is odhan lahayd malaha hadalkani dad gaar ah oo saxaabada ah tusaale ahaan ayuu ku socdaa oo sinjigan dadka ku ma socdana aayado kale ayaa Alle uu ku caddeeyay in dadka oo dhan la la hadlayo, Qur’aankuna isaga ayaa is fasira, waxaana ka mid ah aayadahaas midda ku jirta suuradda an-Nisaa’ ee ” إِن يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ أَيُّهَا النَّاسُ وَيَأْتِ بِآخَرِينَ — Hadduu doono wuu idin tagsiin dadkiinnanoow, waxa aanu keeni kuwo kale”, iyo aayadda kale ee ku jirta suuradda Faadir ee “يَا أَيُّهَا النَّاسُ أَنْتُمُ الْفُقَرَاءُ إِلَى اللّه وَاللّه هُوَ الْغَنِيُّ الْحَمِيد (1 ) إِنْ يَشَأْ يُذْهِبْكُمْ وَيَأْتِ بِخَلْقٍ جَدِيد “. Waxaana aayaddaa hore aynnu xitaa ka fahmaynnaa, in suurtagal ay tahay in bani’aadanku uu sii dhallanrogmo muddo ka dib oo qawm kale uu isaga ka soo baxo, sidii isba uu uga soo unkamay tafiirta qoomam hore, waana haddii Ilaahay uu doono.
Dhanka kale, Ilaahay markii malaa’igta uu ku yidhi “إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ — dhulka dhexdiisa wax aan yeelayaa khaliif”, ee ay weyddiinayeeen “أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ —ma wax aad ka dhex yeelaysaa cid fasahaadinaysa oo dhiigga daadinaysa, annaga oo kuu tasbiixnsanaynna tiiyoo aannu ku dheehan nahay mahaddaada oo ku weynaynayna?”, hadda ayaa aynnu fahmaynnaa in ay arkayeen dabcan noocyadii kale ee jinsigan Homo-ga ka midka ahaa ee dhulka fasahaadiyay ee dabar-go’ay, oo is la markiiba ay kuwaas aadamahana uga qiyaasqaateen. Haddii kale sidee baa ay ku ogaadeen in dhiigga ay daadin doonaan oo arlada ay fasahaadin doonaan? Waxbana ka ma jiraan waxyaabaha mufasiriinta qayb ka mid ahi ay sheegeen ee in wax Xin iyo Bin la odhan jiray ay dhulka degganaayeen ah, xadiis nebi oo saxiix ah iyo aayad Qur’aan ah iyo aragti saynis ahina ku ma soo aroorin ee waa iska sheekobaraley aan sal iyo raad lahayn, oo markii su’aashani ay ku adkaatay ay xal ka raadiyeen oo ay mala’awaasheen. Qaarna waxa ayba yidhaahdeenba jinka ayaa is laayay, oo jinku ma dhiig buu leeyahay malaa’igtu in ay dhiig daadinayaan ayay sheegeen e?!
Sida aayadda ka dambaysa ee “وعلّم آدم الأسماء كلها ” aynnu ka dhadhansanaynnana, waxyaabaha sinjiyadaa aadamaha ka horreeyay ku keenayayay dhiig daadinta faraha badan wax ay u muuqataa in ay ka mid ahayd in aanay hadli jirin, oo aalaaba qofku haddii aanu hadal awoodaynnin ficil ayaa dareennadiisa iyo waxa ka dhex guuxaya uu ku cabbiraa, oo waad aragteen oo ilmaha yar inta aanu hadalka baran marka uu xanaaqo ficil ayaa uu xanaaqiisaa ku cabbiraa, oo koob ayaa tusaale ahaan uu jabiyaa ama dhulkuu is la dhacaa ama kolba wixii uu dareenkiisa ku cabbiri karo ayaa uu sameeyaa. Kuwanna mar haddii ayna hadal awoodaynnin ficil ayaa ay wax ku cabbiri jireen, taasina waa ta keentay in ay is laayaan oo dhiig badan ay daadiyaan.
Haddaba si dhiig daadintaasi ay u yaraato, Eebbe Nebi Aadan iyo bani’aadankaba wax uu baray magacyada waxyaabaha jira oo dhan, si ay u hadlaan oo ereyo ay isu dhaafsadaan oo luuqad ay u yeeshaan, wax uuna yidhi “وَعَلَّمَ آدَمَ الأَسْمَاء كُلَّهَا— Aadan wax uu baray magacyada oo dhan”. Taasina wax ay jawaab u tahay tuhunkii malaa’igta ee ahaa in basharkani uu dhiigga daadin doono, oo hadalkan iyo cilmigani wax ay yaraynnayaan mushkiladdaas; sida ilmaha yariba marka uu hadalka barto uu u dego, oo halkii uu dareennadiisa dhib iyo ficil ugu cabbiri jiray ereyo uu ugu cabbiro. La mana hayo caddayn sheegaysa in noocyadii kale ee iinsaanku ay hadal caadi ah lahaayeen ama luuqad, oo saynisyahannadu waxa ay sheegaan in sinjigii u horreeyay ee luuqad yeesha sidoo kalana ilbaxnimooyin sameeyaa uu sinjigan Homo Sapiens-ka ama bani’aadanka caqliga leh uu yahay.
Tixraacyo
- Maqsid Al-Asnaa, Abii-Xaamid Al-Qasaali , b. 75.
- Mafaatiixul-Qayb, Fakhrudiin ar-Raasi, J.8, b. 79.
- Fii Dilaalil-Qur’aan, Sayid Qudub, b. 2089.