Guud ahaan shakhsiyadaha Qur’aanka dhexdiisa lagu sheegay waa midka ugu qarsoonida iyo muranka badan, culimada muslimiinta iyo taariikhyahannadooduna ay qaarba meel u la kaceen casriyadii hore iyo kuwii dambeba. Sida aayadaha Qur’aanku ay tilmaamayaan, waxa uu Dulqarnayn ahaa nin boqor ah oo wanaagsan, oo naxariis, dulqaad, garsoor iyo caddaaladba ku sifaysan, oo dhanka Rabbi laga ilhaaminayay, oo galay saddex safar oo waaweyn oo kii koowaad mid galbeed guntii uu ku tegay ahaa, kii labaadna mid uu bari guntii ku tegay oo dad reer baadiye ah oo guryo iyo wax ay cadceedda ka hoos galaan aan haysan uu ku la kulmay, iyo ka saddexaad ee u dambeeya oo ahaa mid uu laba qolo derbi bir ka samaysan oo nuxaas lagu dhalaaliyay uu ku soo kala dhex dhigay. Tilmaamahanina waa muhiim si aynnu u ogaanno cidda dhabta ah ee uu ahaa Dulqarnayn.
Inta aynaan u gelin ra’yiga ugu awoodda badan uguna saxsan ee caddaymaha taariikheed iyo kuwa raadad (archaeology) ay xoojinayaan, marka hore aynnu is la soo eegno qayb ka mid ah wixii culimadii hore iyo qaybo ka mid ah kuwii dambe ee mucaasiriinta ahaa ay ka yidhaahdeen, innaga oo mid walba naqdinaynna una bandhigaynna tilmaamahaas kor ku qoran in ay ku rumoobayaan iyo in kale. Qaar waxa ay yidhaahdeen waa mid ka mid ah boqorradii Ximyariyiinta ahaa ee Yaman ee Tabaabicada la odhan jiray, waayo iyaga ayaa la bixi jiray naanaysaha ay “ذو” ugu horreyso, bilmetel “Duu Nawaas” iyo “Duu Jadan” oo kale, sida Abuu-Rayxaan al-Bayruuni uu buuggiisa Al-Aathaar al-Baaqiya ku xusay, ¹ Maqriizina uu buuggiisa Khudadka ku difaacay, Ibnu-Khalduun iyo culimo kalena ay xoojiyeen, qoraaga iyo cilmibaadhaha reer Masar ee ilaa hadda nool ee Mansuur Cabdulxakiimna uu buuggiisa Dulqarnayn ugu janjeedhsaday. Hase ahaatee mad’habkani waa mid taagdaran, waayo taariikhda lagu ma xusin boqor Reer Yamaneed ah oo Bari iyo Galbeedba gaadhay, qolana derbi xadiid ka samaysan ku xidhay.
Qaar kale waxa ay yidhaahdeen waa mid ka mid ah boqorradii Shiinaha oo la odhan jiray Jin Juwaan ( 秦始皇; Qin Shihuang), oo noolaa inii u dhexaysay 259 – 210 C. H, kaas oo dhisay derbiga aadka u weyn ee waqooyiga Shiinaha ku yaalla ee 21, 000 ee km teedsan. Waxaana ra’yigan qaba aadna u difaacay imaamkii weynaa ee Daahir ibnu Caashuur, tafsiirkiisa at-Taxriir wa Tanwiir, hasehaatee isna waa ku tabardaran, waayo derbigani waxa uu ka samaysan yahay dhagaxyo iyo ciid, midda kale derbiga Qur’aanku sheegay waa mid laba buurood u dhexeeya kanna laba buurood dhexdooda la ma dhigin. Intaas waxa dheer in Qin Shi Huang uu ku caan ahaa waqtiyadii dambe laynta mufakiriinta iyo saynisyahannada iyo dilka cid kasta oo nidaamkiisa maamul ka hortimaadda, balse sida aad ka arki doonto qormada tan ku xigta ee Uug iyo Amaayuug Daahir ibnu Caashuur waa uu sigay xaqiiqada shakhsiyadda Dulqarnayn in uu garto.
Qaar kale waxa ay yidhaahdeen waa boqorkii Giriigga ahaa ee Aliksandarkii Weynaa (Alexander The Great; الإسكندر الكبير), oo noolaa intii u dhexaysay 356 – 323 C. H. Waxaana ra’yigan qaba mufasiriin farabadan, sida Raasi, Aluusi, Ibnu-Kathiir iyo kuwa kale, waxaana u horreeyay raggii qabay ra’yigan Ibnu-Siina oo kitaabkiisa Shifaha markii uu ku soo hadalqaaday Aristootal sheegay in uu macallin u ahaa Aliksandar oo uu yidhi waa ninka Qur’aanka dhexdiisa lagu xusay ee Dulqarnayn. Hase ahaatee isna waa ku tabardaran, waayo tilmaamaha uu Alle Dulqarnayn ku sheegay ee in uu nin wanaagsan oo ilhaam Rabbi ku socday oo mu’mina ahaa ku ma rumoobi karaan Aliksandarkan, maxaa yeelay taariikhyahannada oo dhami waxa ay is ku waafaqeen in uu sanamcaabud (وثني) ahaa, isaga iyo macallinkiisii Aristootalba.
Dhanka kale ma ahayn nin naxariis iyo caddaalad ku la dhaqma deegaannada uu qabsado, oo 330 C. H. waxa uuba gubay magaaladii weynayd ee Beersaabolis (Persebolis; برسبوليس) ee uu dhisay Daaraayooskii Koowaad (Darius The Great; داريوس الأول), ka dib markii shacabkii magaalada ku dhaqnaa ay damceen in ay is ka caabbiyaan. Waxa intaa u dheeraa in uu isku arki jiray ilaah, buugaagta taariikhda qaarkoodna waxa ay xuseen in xidhiidh jinsi oo saaxiibtinimo dhaafsiisan ay wada lahaayeen saaxiibkiisii iyo janaraalkiisii Hephaestion. Sidoo kale weligii ma dhisin derbi xadiid iyo nuxaas ka samaysan oo dabna lagu dhalaaliyay, mana jirto wax tusinaya in magaca “Dulqarnayn” loo yaqaannay gebi ahaanba. Markaana suurtogal ma aha in uu noqdo Dulqarnaynka Qur’aanka lagu sheegay.
Waxa kale oo culimadani ay mad’habkoodan ku kabeen war Ibnu-Jariir uu tafsiirkiisa ku soo saaray, oo la sheegay in Nebiga la weyddiiyay cidda Dulqarnayn uu yahay, ka dibna uu yidhi “Roomaan buu ahaa, waxa uuna noqday boqor, ka dibna Masar buu aaday, magaalada Iskandariya ayuuna dhisay”, iyaga oo yidhi magaalada Iskandariya waxa taariikhyahannadu ay is ku waafaqeen in uu Aliksandarkii Weynaa dhisay, markaasna waa isaga. Balse waxa ka hoosbaxday in warkani uu daciif yahay oo aanu Nebiga ka sugnayn, si la mid ah sida ay uga hoosbaxday taariikhda dhabta ah ee Aliksandarkii Weynaa uu lahaa ee mustaxiilka ka dhigaysa in uu Dulqarnaynka Qur’aanku lagu sheegay noqdo. Imaam Ibnu-Xajar al-Casqalaani waxa uu kitaabkiisa Fatxul-Baariga ku yidhi: “Warkani haddii uu sugnaan lahaa murankuba halkaas buu ku soo afjarmi lahaa, laakiin waa daciif”. ² Sidaas si le’egna Xaafid Ibnu-Kathiir ayaa yidhi: “Waxa ku jirta dherer saa’id ah waana munkar, Nebigana ka muu sugnaan, waxa ugu weyn ee uu noqon karaana waa in uu warar Israa’iiliyaad ah yahay”. ³
Intaas marka laga yimaaddo, qarnigii 20aad horraantiisii waxa xilligaa soo shaacbaxay imaamkii weynaa ee Hindiga ahaa ee Mawlaanaa Abulkalaam Aazaad. Abulkalaam Aazaad waxa uu ku dhashay Maka al-Mukarrama dabayaaqadii qarnigii 19aad, 1888. Waxa uu ahaa buuni buugaag badan qoray, oo uu ugu horreeyo tafsiirkiisa Qur’aanka ee luuqadda Urduuga ku qoran, waxa kale oo uu noqday wasiirkii waxbarasho ee u horreeyay Hindiya madaxbannaanidii ka dib, 1947.
Mawlaanaa Abulkalaam Aazaad markii uu qorayay tafsiirkiisa ee uu soo gaadhay suuradda Kahfi, ayaa waxa uu is dul taagay Dulqarnayn iyada oo ay u cuntami weyday wareerka mufasiriinta ee ku aaddan shakhsiyaddan iyo sida aanay u jirin cid war sugan oo caddaymo wata ka keentay. Ka dibna waxa uu galay cilmbibaadhis ballaadhan oo cimrigiisa ka qaadatay 10 sano oo dhammaystiran, isaga oo ku soo idlaaday in Dulqarnayn uu ahaa Saayraskii Weynaa (Cyrus The Great; قورش الكبير ), aasaasihii boqortooyada Akhminiyiinta ee Faaris (Beershiya), waxa uuna ka qoray mas’aladan xaqiijin dheer oo aad u heersarraysa oo hortii iyo gadaashiiba aan la qorin mid la mid ah, waxa aanad ka dhex helaysaa buuggiisa Tafsiirka ee Turjumaanul Qur’aan mujalladka saddexaad, nasiibdarro se Carabi loo ma turjumin buugga oo dhammaystiran. Intaas ka dibna culimo iyo mufakiriin badan baa ka dabaqaatay kuna qancay mad’habkan, oo uu u horreeyo mufakiriii iyo faylasuufkii Baakistaaniga ahaa ee Abuu Aclaa al-Mawduudi iyo niman kale.
Saayraskii Weynaa (Cyrus Tue Great; قورش الكبير) waxa uu Iiraan koonfur-galbeeddeeda ku dhashay intii u dhexaysay 600 – 590 C.H. Awoowgii waa Akmiinis (Achaemenes; هخمنش), waana halka laga keenay magaca boqortooyadan loo bixiyay ee Akmiiniyiinta (Achaemenid Empire; المملكة الأخمينية), halka aabbihii uu yahay Kaambisis (Cambyses; كمبوشيا). Sannadkii 559 C. H geeridii aabbihii ka dib ayaa uu Saayras kursiga madaxtinimadda la wareegay, waxa uuna is la markiiba si fudud oo aan dhiig ku daadan ku mideeyay Faaris (Beershiya) oo qaybta koonfureed ahayd iyo Miidiya (Media; ميديا) oo qaybta waqooyi ahayd sannadkii 550 C. H, kuwaas oo markii hore ahaa laba gobol oo kala madaxbannaan oo mid walba boqor gooni ahi uu ka taliyo, isaga oo ka dhigay boqortooyo keli ah taariikhda markii u horreysay. Sidaas aawadeed ayaa Qur’aanka kariimka ahi uu ka hor safarkiisii Galbeed u sheegay in markii hore dhulka gacanta loo geliyay, “إِنَّا مَكَّنَّا لَهُۥ فِى ٱلْأَرْضِ; Annagu waxa aannu gacmaha u gelinnay dhulka”, waayo ma ahayn wax is ka fudud oo si sahlan loo samayn karo waafajin Rabbi mooyee, loona sheegay in shay kasta waddadii uu u mari lahaa loo fudaydiyay.
Qarnigii 19aad dabayaaqadiisii, 1879, nasiibwanaag waxa culimada raadadku ay magaalada Basaargidhay (Pasargadae; باسارغاد) oo ah meel 50 mayl u jirta magaalada qadiimiga ah ee Beersaabolis (Persepolis; برسيبوليس) ay ka heleen taallo dhif iyo naadir ah oo uu ku sawiran yahay Saayraskii Weynaa (Cyrus The Great; قورش الكبير). Basaargidhay waa magaalo taariikhi ah oo noqotay caasimaddii u horreysay ee Boqortooyadii Akhmiiniyiinta xilligii uu boqorka ahaa Saayras, waana halka uu ku aasan yahay ee qasrigiisiina uu ku yaallay. Waxa ay imika dhacdaa waqooyiga magaalada Shiraz ee ku taalla Iiraan, waxa ayna u jirtaa 80 km.
Taalladan waxaa lagu tiriyaa taallada qudha ee Beershiyaan leeyahay ee u dhigmi karta taallooyinkii hore ee Girgiigga, dhanka farshaxanka iyo dhammaystirnaanta. Waxa ka muuqanaya Saayras oo dhardhaqameedkii lagu yaqaannay boqorrada Beershiyaanka xidhan, sidoo kale madaxiisa ay ka muuqdaan laba gees. Taasina waxa ay marag u tahay in boqorkan Saayras loo yaqaannay Labageesle (ذي القرنين) intii uu noolaa iyo geeridiisa ka dibba, sababtaas aawadeedna markii la damcay in taalladiisa la xardho aan laga illoobin ee loogu yeelay astaantii uu caanka ku ahaa ee labada gees, waxaana taalladani ay u noqonaysaa qarnigii lixaad Ciise Hortii, taas oo ka dhigan in la sameeyay xilligii Saayras ama geeridiisa inyar ka dib.
Haddaba halkaas marka aynnu maraynno, waxa mudan in in door ah aynnu is dul taagno si aynnu u baadhno sababta magacani uu ugu baxay inta aynaan u gelin faahfaahinta saddexdii safar ee uu galay. Dabcan waxaa jira fardiyaat farabadan oo culimadii hore ay ka bixiyeen, kuwaas oo badankoodu ay ku dhisan yihiin mala’awaallo aan caddaymo taariikheed iyo kuwa kale toona lagu dhisin oo iska saadaal-saadaal ah. Qaar waxa ay yidhaahdeen sababtu waa in uu bari iyo galbeedba gaadhay, qaar kale waxa ay yidhaahdeen maya ee waa in uu timaha laba qaybood ka dhigi jiray oo uu midba gees ku gunti jiray, qaar kalena maya ee waa in markii la dilayay madaxa geeskiiska lagu dhuftay, halka qaar kalena ay yidhaahdeen maya ee waa in uu laba gees oo caadi ahba lahaa, kan dambena waa mid aad u liita una taagdaran. Balse marka aynnu u dib milicsanno sababu nusuulka ayaadahan, waxaa innoo soo baxaysa sabab aan waxaas oo dhan midna ahayn, dhan kalena caddayn kale oo xoojinaysa in Dulqarnayn uu Saayras ahaa inna siinaysa, waana isla halka Mawlaanaa Abulkalaam Aazaad uu ka ambaqaaday cilmibaadhistiisa.
Sida aayadaha billowgooda ka muuqata waxa Rasuulka wax laga weyddiiyay Dulqarnayn, oo Alle waxa uu yidhi “وَيَسْئَلُونَكَ ; waxa ay ku weyddiinayaan”. Cidda su’aashan Nebiga weyddiisayna waxa riwaayaad kala duwani ay ku soo arooreen in ay ahayd mushrikiintii Quraysheed oo Yuhuudda inta ay u tageen ka soo qaatay su’aalo ay Rasuulka ku imtixaamaan, halkaasna waxa aynu ka la soo dhex bixi karnaa in Dulqarnaynka Qur’aanka lagu sheegay uu xidhiidh la leeyahay Yuhuudda. Ibnu Abii-Xaatimna waxa uu Suddi ka soo weriyay in Yuhuuddu ay Nebiga ku tidhi, “Muxammedoow, waxa aad Ibraahiim, Muuse, Ciise [ma aha ciisahani Nebi Ciise] iyo nebiyada aad uga warrantaa waa in aad annaga naga maqashay, ee car noo nooga warran nebi Ilaahay aanu Towraadda ku sheegin [naanaystiisan] meel qudha mooyee?” Ka dibna Rasuulku waxa uu weyddiiyay “Waa ayo?”, waxa ayna yidhaahdeen “Dulqarnayn”. Dabadeed waxa uu yidhi “Weli wax isaga ku saabsan i ma soo gaadhin [la ii ma waxyoon]”, markaas baa ay baxeen iyaga oo farfaraxsan oo in ay guulaysteen is ka dhaadhiciyay, laakiin ma ay gaadhin albaabka ilaa Jibriil uu Nebiga soo gaadhsiiyay aayadayan”. ⁴
Haddaba marka aynnu u noqonno Baybalka sida uu sameeyay Mawlaanaa Abulkalaam Aasaad, waxa Sifriga Daanyaal oo la sheego in qaybtiisa hore la qoray 160 sano ka hor dhalashadii Saayras aynnu ka helaynnaa kelmad ah “יש לו קרניים” oo loogu dhawaaqayo “Luu karnaa’iim”, macnaheeduna uu yahay geesoole ama laba gees leh, “ذو القرنين”, halkaas mar oo keliya ayaa ayna kaga soo aroortay Baybalka oo dhan kelmaddaasi. ⁵ Waxaana ay ku jirtay jumlad Daanyaal — oo la sheego in uu nebi ahaa — uu kaga warramayay manaam uu laba jeer arkay, oo uu sheegay in uu ku riyooday wan laba gees leh oo galbeed iyo waqooyi iyo koonfur is ku ballaadhinaya cid horjoogsatana la waayay, ka dibna mar dambe orgi hal gees lihi uu u imanayo oo uu kaga takhallusayo. Is la Sifriga Daanyaalna waxa ku timid in loo fasiray riyadiisa, oo wanka labada gees leh loogu sheegay in ay yihiin boqorrada Beershiya iyo Miidiya, orgiga kaga takhallusi doonana boqor Giriig ah. Dabcanna sida la wada og yahay ciddii ugu horreysay ee Beershiya iyo Miidiya midaysay boqorna u noqotay waa Saayras, markaasna wankaas geesaha lihi cidda ugu horreysa ee uu ku rumoobayaa waa isaga, orgiguna waa Aliksandarkii Weynaa oo 200 oo sano ka dib dabadii yimid boqortooyadii uu Saayras aasaasayna burburiyay.
Haddaba, waxa ay u muuqataa in Saayras markii uu boqorka noqday ka dib uu manaamkan maqlay naanaystanina ay halkaas ka raacday, gaar ahaan markii uu ku duulay Baabil duullaankiisii labaad ee jihada bari oo xagga dambe aynnu kaga warrami doonno, kaas oo uu Yuhuudda kaga xoreeyay guumaysigii Baabbil ee soo bilaabmay markii boqorkii Baabbil ee Nebakidhneeesar 2 (Nebuchadnezzar II; نبوخند نصر الثاني) uu ku soo duulay boqortooyadoodiii Yahooda, 586 C. H, ka dibna inta uu qabsadaday deegaankoodii ka raray oo ku go’doomiyay Baabil haykalkii Nebi Sulaymaanna ka burburiyay, ilaa 70-50 sano ka dib uu Saayras yimid oo uu Baabil la wareegay iyagana uu diintoodii u nabadgeliyay deegaankoodiina uu ku celiyay.
Laga soo bilaabo xilligaasna, xidhiidhkii Saayras iyo Yuhuudda u dhexeeyay aad buu u wanaagsanaa, waxaana Baaybalka Sifriga Ashciyaa ku soo aroortay in Saayras uu masiixii Alle uu doortay yahay, waxaana uu u dhignaa sidan: “Sidaas buu Rabbigu uu ku leeyahay masiixiisa Saayras, oo uu gacanta qabtay si uu ugu jebiyo umaddo dhan.” ⁶, taasina waxa ay muujinaysaa in Yuhuuddu ay yaqaanneen in Saayras muwaxid yahay heer uu Alle doortayba, buugaagta taariikhduna waxa ay is kugu wada biyoshubteen in uu Saayras haystay Diinta Saraadishtiyada oo ku dhisnayd caabudidda Ilaaha keliga ah, waxaana ay ugu yeedhi jireen magaca Ahuura-masda ( Ahura Mazda; أهورامازدا) oo macnihiisu yahay Allaha sarreeya ee abuuraha ah. Waana intii aan la taxriifin diinta Saaraadishtiyada oo carabtu ay u taqaannay Majuusta, Rasuulkana (NNKH) waa tii laga soo weriyay in uu yidhi “Sida Ehlukitaabka u la dhaqma”, ⁷ ka mana ay hoos bixin ku mana kadsoomin Rasuulku waxyaabihii laga sheegi jiray ee dabcaabudka ahaa oo waxa uu ogaa in ay asal ilaahiya lahayd, si la mid ah Kiristaanka iyo Yuhuudiyada.
Sida taariikhyahankii weynaa ee Giriigga ahaa ee Hiiradootas (Herodotus; هيردوتوس) oo lagu naanaysayba “Aabbaha Taariikhda” ee noolaa intii u dhexaysay 484 – 425 C.H uu buuggiisa Taariikhda ku soo gudbinayo, markii uu Saayras mideeyay labadii dawladood ee Beershiya iyo Miidiya ayaa waxa uu damac galay boqorkii Karoowsis (Croesus; كراوسيس) la odhan jiray oo xukumi jiray Liidiya oo ah meel dhacaysay Galbeedka Beershiya imikana ku taalla gobolka Anaaddool ee Turkiga, kaas oo dagaal ku soo qaaday Saayras iyo boqortooyadiisii Beershiya sannadkii 547 C. H, ⁸ ilaa ugu dambayn dagaal aad u qadhaad oo labada ciidan ku kala dhex maray agagaarka webiga Haaliis (Halys; هاليس) dabadii uu Saayras ku jebiyay Karaawsis 14 maalmood gudahood, sidaasna uu ku qabsaday boqortooyadii Liidiya.
Waxa Hiiradootas iyo Isfiinoon (Zephyion) iyo dhammaanba taariikhyahannada Giriiggu ay ka maragkaceen, iyaga oo haddana ah cadowgii Saayras maaddaama Beershiyaan uu ahaa iyaguna Giriig, in si caddaalad dhaaftay oo naxariisi ay ka muuqato uu Saayras u la dhaqmay shacabkii magaalada ku noolaa intii aan gardarrada iyo dagaalka wadin, ilaa heer in dagaal uu dhacayba aanay dadkii shacabka ahaa dareemin. Karoowsis oo ahaa ninkii duullaanka ku soo qaadayna wuuba is kaba cafiyay, markii dambena lataliye ayuu ka dhigtay. Waana is la sida Qur’aanku uu ku sheegay in uu sameeyay Dulqarnayn duullaankiisii u horreeyay ee dhanka Galbeed ahaa, oo Ilaahay waxa uu kala doorransiiyay in uu u ciqaabo gardarradooda aawadeed iyo in uu u samafalo (قُلْنَا يَا ذَا الْقَرْنَيْنِ إِمَّا أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّا أَن تَتَّخِذَ فِيهِمْ حُسْنًا ), isna waxa uu sheegay in ciddiii dulmiga sii wadda uu ciqaabi doono cidda kalena uu si fiican u la dhaqmi doono.
Sida la wada og yahay, jasiirad-u-eekaha Anaaddool oo ah halka uu Saayras qabsaday dhanka galbeed waxaa ka xigta badda Iijah oo gacamo badan ay galaan oo uu ugu weyn yahay gacanka Ismiir (Gulf of İzmir; خليج إزمير). Gacanka Ismiir haddaba waxa dhanka bari iyo dhanka galbeedba kaga teedsan buuro aad u waaweyn oo jiq ah, kuwaas oo sameeya marka korka ama meel fog laga soo eego qaab il oo kale ah sida sawirka sare ka muuqata, waana sababta uu Qur’aanku u sheegay in Dulqarnayn uu arkay cadceeddii oo aad mooddo in ay ku sii dhacayso ishaas “وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِي عَينٍ”, maaddama galbeed meeshii ugu shishaysay ee uu gaadhi kari lahaa gaadhay oo baddu ay soo celisay, mana odhan Qur’aanku “وَهِي; iyada oo” ee waxa uu yidhi “وجدها; waxa uu arkay”, macnihii isaga ayaa ay sidaa u la muuqatay cadceeddu ama u arkayay, ee ma aha in ay jirto meel gaar ah oo il oo kale ah oo cadceeddu ay dhex gasho marka ay dadka ka qarsoonto. Is la Qur’aanka kariimka ah baana habufikirka noocaas ah ee aadka u liita beeninaya oo yidhi “فلا أقسم برب المشارق والمغارب; waxa aan ku dhaartay Rabbiga cadceed-soo-baxyada iyo cadceed-dhacyada”, mana odhan “فَلا أقسم برب المشرق والمغرب”, waayo cadceeddu meel keli ah oo ay ku dhacdaa ma jirto ee cidhif kasta oo ay ku qarsoonto waxa la odhan karaa waa cadceed-dhac, sababtaas baana wadar looga dhigay maaddaama ay tiro badnaanayaan, waxa laga hadlayaana uu kaas yaha. Aayadaha kale ee ereyada “المشرق” iyo “المغرب” iyaga oo keli ah ay ku soo arooreenna bari iyo galbeed baa looga jeedaa, bari iyo galbeedna dabcan waa keli, sababtaas baana iyana keli looga dhigay; halka aayadda “رب المشرقين ورب المغربين” ay culimo badan yidhaahdeen waxaa looga jeedaa halka cadceeddu ay ka soo baxdo iyo halka dayaxu uu ka soo baxo, iyo halka cadceeddu ay u dhacdo iyo halka dayaxu uu u dhaco, sababtaas baana laba looga dhigay oo “المشرقين” iyo “المغربين” loo yidhi.
Dhan kale gacanka Ismiir waxa ku soo shubma webiga Gediz kaas oo xaddiyo aad u farabadan oo dhooqo iyo ciid ah ka soo qaada dhaadhacyda hoose ee Anaaddool gacankana ku soo dara, gaar ahaan waqtiyadii hore, ilaa biyaha gacankuba ay isu beddeleen dhooqo liiq ah. Waana sababta Qur’aanku uu u yidhi “عَيْنٍ حَمِئَةٍ; il aad u dhooqaysan”.
Intaa ka dib sida Hiiradootas iyo taariikhyanannada kaleba ay sheegayeen, waxa Saayras isla markiiba uu u jihaystay dhankaas iyo bari guntii 539 C. H isaga oo uu ku gaadhay sida aynnu soo sheegnay Baabbil (Babylon; بابل) ⁹ oo magaalooyinkii ugu waaweynaa uguna difaaca adkaa ee xilligaas ka mid ahayd. Waxaana xilligaas magaalada xukumi jiray nin la odhan jiray Nabonidus oo ahaa keligiitaliye ay shacabku necbaayeen, ilaa ugu dambayn uu Saayras magaalada furtay sannadkii 539 C. H, Yuhuuddana uu ka xoreeyay guumeysigii iyo qafaalashadii Baabbil (الأسرى البابلي) ee xilligaa lagu hayay oo 50 – 70 sano soo jiitamayay, isaga oo uga sii gudbay meesha loo yaqaanno Bactria oo ah meel ha ka tirsan qaybo ka mid ah Afgaanistaan, Daajikiskaan iyo Turkiminstaan, sababta uu u tegayna waxa ay ahayd si uu u soo damiyo shaqshaqooyin ay halkaas ka wadeen qabiilooyin jaar ah, waana kuwa Qur’aanku uu ku sheegay in ay ahaayeen badow aan xitaa guryo ay cadceedda ka hoos galaan lahayn, sida la wada og yahayna deegaannadaas waxa ku noolaa qabiilooyin reer baadiye ah.
F. G! Waxa inoo hadhay keliya safarkiisii uu ku gaadhay Uug iyo Amaayuug oo sida aad wada ogaan doontaan jihada waqooyi ahaa, isagana qormadan tan ku xigta ayaa aynnu ku faahfaahin doonnaa cidda ay yihiin iyo halka derbigu uu ku yaallaba. La socod wanaagsan idamka Alle.
Tixraacyo
1. Abuurayxaan al-Bayruuni (Al Aathaar al-Baaqiyah, b. 45)
2. Ibnu-Xajar al-Casqalaani (Fatxul-Baarii Fii Sharxi Saxiixil Bukhaari, Jus. 6, b. 440)
3. Abulfidaa ( Tafsiiru Ibnu-Khathiir, Jus. 3, b. 106)
4. Jalaaludiin as-Suyuudi (Ad-Dur al-Manthuur, Jus. 9, b. 630)
5. Sifru Daanyaal: 8
6. Sifru Ashciyaa: 45
7. Ibnu Cabdilbarr (Al-Istidkaar, Jus. 8, b. 292)
8. Herodutus’s Histories (p. 29)
9. Herodutus’s Histories (p. 69)
Dhabtii waa qormo sideeda uqiimo badan taariikh waynna iga kaafisay shaqsiyan waxaanan sida qoraaga qoray anna ugu qancay in uu dulqarnayn ahaa sayras .
Mahadsanid zxp
Qormo qiima badan. Hadda ka hor waxaan Dulqarnayn u aqaannay Alexander The Great. Mahadsanid ustaad
Mahadsanid Shiikh Cabdikariim si wacan baa u dhigtay una faafaahisay cidda uu ahaa Dul-qarnayn qaybta xiga ee kaga hadli doonto Yuug iyo Amaayuugna waa ka sugnaa Alle idinkii guulayso Mawlaanaa.
Si fiican baad u faahfaahisay ustaad ilaahay hakaa ajar siiyo
Qormo xog iyo ogaal cusub xambaarsan ayay ii ahayd akhrinta qormadan qiimaha badan.
Mahadsanid walaal.
Hore waa u ogaa aleksander inoona noqa karin waayo sidaadka wanaagsan dulqarneyn iyo sifaad kiisa xun isma qaadan karaan.
Mahadsanid
Maanta oo aan ayaadaha akhrinayay, ayaan is waydiiyay ninkan aad maalin kasta xogtiisa suurayul-kahfi ku akhrida wa ayo horta? Kolkaasan qormadaadan xasuustay oo baadi hoob tagay. Mahad badan mawlaana.
Rabbi hakaa abaaliyo ustaad ,taariikh wayn ayaad ii kordhisay mahadsanid oo maamuusnid.
Jazakallahu khayr,, wll qaali,, waad ku mahadsantahay sida quruxda badan eed noogu soo diyaarisay
Mahadsanid walaal.
In ka badan 8 aayadood oo quraanka ku jira ayaa tilmaamaya “ مشرق و مغرب” oo keli keli ah, hal iyo labo kuwaa kamid ahi “مشرقين، مغربين” ayey isticmaaleen. Halka aayadda aad xustay ee “ مشارق ، مغارب” ay iyada iyo aayad labaad oo wehelisa tahay. Markaa aayaadkaas ka badan ee tilmaamta aad tiri Alle ma oran oo “مشرق، مغرب” ahi ay ku jiraan sidee laga yeelayaa?
Hagaag waxa xaqiiq ah in uu sidii saxda ahayd alle waa fajiyey
Good job