Oomwamwa (ʻoumuamua)

Robert J. Weryk

Bishii Oktoobar 19, 2017, fiisigisyahanka yo cirbixiyeenka dhallinyarada ah ee Reer Kanada ee Roobart Weerak (Robert J. Weryk) iyo saaxiibbadii oo adeegsanaya tiliskoobka Pan-STARRS waxa ay ka warheleen walaxcireed marla’arag ah oo dhulka u jirtay 33 milyan oo kam, taas oo u socota hab aan looga baran walaxcireedyada ururka cadceedda ka tirsan muujinayana in ay ka timid dibadda shishe qorraxdana u jirta 180 milyan oo km.

Habkii ay ururka cadceedda u soo gashay iyo sidii ay uga baxday.

Walaxcireeddani waxa ay ku socotay xawaare dhan 315, 000 km saacaddii, waxa ayna lahayd qaabdhismeed aan hore loo arag oo ka soocaya dhammaanba walaxcireedyada kale sida sawirka kaaga muuqata. Dherer ahaan waxa lagu qiyaasaa 200 – 800 oo mitir, ballac ahaanna 80 mitir, midabkeeduna waxa uu ahaa casaan, waxaana lagu magacaabay “Oumuamua” oo ah erey afka Hawaiian ka soo jeeda oo ujeedkiisu yahay “mid meel fog laga soo diray”.

Oomwamwa

Walaxcireeddani waxa markii ay ugu dhowayd Sibteembar 9, 2017 cadceedda u jirsatay 37 milyan oo km, waana masaafada ugu dhow ee shay uu u jirsan karo cadceedda. Ka dib waxa ay bilowday in ay qorraxda ka fogaato iyada oo ku socota xawaare aad u dheeraynaya oo aan la jaanqaadayn midka laga malaysan lahaa walaxi marka ay intaas u jirsato qorraxda, waxa ayna u  jihaysatay dhankaas iyo xiddigaha shishe iyada oo marba marka ka dambaysa ka sii fogaanaysa qorraxda iyo ururka cadceedda, waxaana loo badinayaa in aanay dib u soo noqon doonin oo ay ku dhex libdhi doonto fagaagga fog.

Dibka Barafcireedka (Comet tail; ذيل المذنب)

Aalaaba marka walaxcireedyada barafcireedka (comet; مذنبة) ahi ay cadceedda u dhowaadaan kulka qorraxda uga imanaya aawadii maaddooyinka ku jira sida barafku waa ay uumibaxaan, waxaana ay xagga dambe ka sii daayaan qiiq iyo boodh iyo gaasas loo yaqaanno Dibka Barafcireedka (Comet tail; ذيل المذنب), halkaas baana laga ogaadaa waxa ay ka samaysan yihiin. Balse walaxcireeddani wax qiiq ah ma sii deyn, taasina waxa ay keentay in si fiican looga warheli waayo waxa ay ka samaysan tahay ama ay ka kooban tahay, taas oo saynisyahannada ku noqotay halxidhaale furfuriddiisa uu midiba meel u la kacay.

Walaxcireeddan Oumuamua waxa ay ka mid tahay walaxcireedyada aan ka tirsanayn urur gaar ah kuna wareegin xiddig gooni ah ee si xorriyad leh ugu kala goosha xiddigaha iyo fagaagga dhexdiisa, kuwaas oo loo yaqaanno Intersteller Object (جسم بين نجمي), waxaana ay ahayd tii ugu horreysay nooceeda ee bahda ururka cadceedda soo booqata.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *