“Saynisku diin la’aanteed waa ku laangadhaynaya, diintuna saynis la’aantii waa tu indha la.”
—Albert Einstein

Sida Albert Einstein uu tibaaxayo, diintu waxa ay inna siisaa macnaha nolosha iyo jiraalka, waxa ayna dhistaa anshaxeenna iyo shakhsiyaddeenna. Waxa ay inooga jawaabtaa su’aalaha jiraalka: maxaa halkan aan u imi, maxaan u jiraa, yaa i jirsiiyay, halkeen u socdaa, iwm. Sidaas aawadeed, ruuxa sayniska keliya oggol ee diinlaawaha ahi waa laangadhe lugtii labaad ay ka maqan tahay, oo waxaas oo dhan ka arradan. Sayniskuna waxa uu dhisaa aragtideenna ku aaddan kawnka iyo abuurta. Waxa uu xogo innaga siiyaa dabeecadda iyo sida waxyaabuhu ay u jiraan, waxa uuna ka jawaabaa su’aasha “Sidee: how”: sidee kawnku uu ku barbaaray, sidee buu u shaqeeyaa, sidee noolayaashu ay u kala farcameen, iwm. Sidaas aawadeed, ruuxa diinta keliya oggol ee sayniska ka arradan waa ku indha la, oo mooggan waxaas oo idil.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top