Yuug & Yamaayuug halkee lagu xidhay?

Halkan ka soo akhri qaybtii hore ee qormada.

Waxa aynnu qormadii hore kaga soo hadalnay shakhsiyadda Dulqarnayn iyo cidda dhabta ah ee ay tahay, innaga oo kaashanaynna taariikhda, raadadka iyo nusuusta diiniga ah, waxaana aynnu is la soo meeldhignay in uu ahaa Saayraskii Weynaa (Cyrus The Great; قورش الكبير ) oo noolaa intii u dhexaysay 600- 529 C. H (C. H. waxaa loo soo gaabiyay “Ciise Hortii”), ahaana aasaasihii Boqortooyadii Akhmiiniyiinta, innaga oo soo xusnay in nasiibwanaag sannadkii 1879 saynisyahannada raadadku ay magaalada Basaargidhay ka heleen taallo dhammaystiran oo uu ku sawiran yahay Saayraskii Weynaa, isaga oo xidhan dhardhaqameedkii lagu yaqaannay boqorrada Beershiya madaxiisana ay ka muuqdaan laba gees oo waaweyn oo taajna uu ka koreeyo,  taasina ay muujinayso in naanaystan “Dulqarnayn; Geesoole” loo yaqaannay, sidaas aawadeedna markii taallada la samaynayay aan looga illoobin astaantii uu caanka ku ahaa ee labada gees ee loogu sameeyay. Taalladuna waxa ay u noqonaysaa qarnigii lixaad ee miilaadiga hortii, taas oo ka dhigan in la sameeyay xilligii uu Saayras noolaa ama inyar ka dib geeridiisii.

Saayraskii Weynaa (Cyrus The Great; قورش الكبير)

Sida aynnu soo sheegnay, Saayras markii uu xukunka la wareegay waxa uu is la markiiba 550 C. H. si fudud ku mideeyay Beershiya iyo Miidiya taariilhda markii u horreysay, kuwaas oo awal laba boqor oo kala duwani ay u kala talin jireen, waana sababta Qur’aanku uu u sheegay ka hor duulimaadyadiisii bari iyo galbeed in Dulqarnayn gacanta loo geliyay dhulka, “إنا مكنا له في الأرض ; waxa aannu gacmaha u gelinnay dhulka”, ¹ markaasna shay kastana waddadii uu u mari lahaa loo fududeeyay maaddaama boqortooyo weyn oo aan loo babbac dhigi karin uu Ilaahay u dhiibay. Aalaabana, marka Qur’aanku uu ereyga “مكنا له الأرض” adeegsado waa marka awood maamul oo suurtagalnimadeedu adag tahay uu Ilaahay ruux siiyo, sida tan Saayras, oo waa kii Nebi Yuusuf markii xabsiga laga soo saaray ee uu is la markiiba Masar madax ka noqday Ilaahay yidhi: “وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِى ٱلْأَرْضِ; sidaas baanu Yuusuf u makansiinnay dhulka”, maaddaama sida ruux maxbuus ahi uu madax ku noqdaa ay adag tahay waafajinta Rabbi mooyee.

Dabadeed sida Hiiradootas (Herodotus; هيرودوتس) oo noolaa intii u dhexaysay 484 – 425 C. H uu buuggiisa Taariikhda ku soo gudbinayo, waxa uu Saayras galay duullaankiisii u horreeyay oo dhinaca galbeed ahaa, ² kaas oo uu kaga hortagayay dagaal uu ku soo qaaday Karoowsis (Croesus; كروسيس) oo ahaa boqorkii magaalada Liidiya (Lidya; ليديا) oo dhacaysay meesha hadda loo yaqaanno Anaaddool ee Turkiga ka mid ah, isaga oo ku jebiyay Karoowsis iyo ciidankiisiiba 14 maalmood gudahood,  sidaasna gacanta ay ugu gashay Liidiya sannadkii 546 C. H. Sida Hiiradootas uu sheegayana, waxa uu Saayras dadkii shacabka ahaa u la dhaqmay si ka duwan sidii boqorradu ay samayn jireen marka meel ay qabsadaan ee gowraca iyo baabiinta ahayd, isaga oo Karoowsis iyo ciidankiisii isaga ku soo duulay iyo shacabkii magaalada ku dhaqnaaba caddaalad iyo naxariis u fidiyay, marka laga reebo kuwii dagaalka sii waday, Karoowsisna isaga si gaar ah ayaaba uu u dhowray wuuna is ka cafiyay . ³ Qur’aankuna waa ka sheegay in Dulqarnayn jihada galbeedka ee cadceeddu ay u dhacdo uu duulimaadkiisii u horreeyay ku tegay, dadkii uu ku la kulmayna markii la kala doorransiiyay in uu ciqaabo maaddaama ay iyagu dagaalka bilaabeen sida taariikhda ku cad ama in uu u samafalo uu sheegay in ciddii gardarrada waddana uu ciqaabi doono, kuwa kalena uu is ka cafin doono.

Haddana sida aynnu soo sheegnay, waxa uu Saayras galay sida Hiiradootas sheegay socdaalkiisii labaad oo uu ku tegay bari guntii, sannadkii 539 C. H, kaas oo uu ku gaadhay Baabbil (Babylon; بابل) ⁴oo magaalooyinkii ugu waaweynaa uguna difaaca adkaa ee xilligaas ka mid ahayd. Waxaana xilligaas magaalada xukumi jiray nin la odhan jiray Nabonidus oo ahaa keligiitaliye ay shacabku necbaayeen, ilaa ugu dambayn uu Saayras magaalada furtay sannadkii 539 C. H, Yuhuuddana uu ka xoreeyay guumeysigii iyo qafaalashadii Baabbil (الأسرى البابلي) ee xilligaa lagu hayay oo 50 – 70 sano soo jiitamayay, isaga oo uga sii gudbay deegaanka loo yaqaann Bactria oo hadda ah qaybo ka mid ah Afgaanistaan, Daajisikistaan iyo Turkiministaan oo ay deganaayeen qabiilooyin reerguuraa ah. Qur’aankuna waa ka ka warramaya, in safarkii labaad ee Dulqarnayn uu ahaa mid jihada bari ama cadceed-soo-bax (مطلع الشمس) uu ku tegay, uuna ku la kulmay qoomam aan haysan dallaayado iyo wax ay cadceedda ka hoosgalaan ama is kaga dhigaan baadiyennimo awgeed, dabcanna waa shucuubtii degganayd Gedrosia.

Intaas ka dib haddaba aynnu u nimaadno socdaalkiisii saddexaad. Taariikhyahankii Giriigga ahaa ee Hiiradootas waxa uu buuggiisa Taariikhda ku sheegay, in Saayraskii Weynaa uu u jihaystay jihada waqooyi ka dib markii uu furtay Baabbil, si uu uga hortago qabiilo la dhihi jiray Maasaajiitaay (Massagetae; الماساجيتاي) oo amniga dawladda iyo deegaankaba khatar ku ahayd. ⁵ Bogag hore oo buugga ka mid ahna waxa uu ku sheegayaa in uu Saayras guulo waaweyn ka gaadhay gobollada sare oo uu uga jeedo waqooyiga, balse aanu isagu dhacdooyinkaas sheegistooda ku sii dheeraan doonin. ⁶ Boqortooyadii Beershiya ee Saayras uu boqorka u ahaana waxaa xilligaas jihada sare ee waqooyi ka xigay dhulka loo yaqaanno Banka Uraasiya (Eurasian Steppe; السهوب الأراسية) ee aadka u ballaadhan, kaas oo ka soo bilaabma jihada bari marka la eego waqooyi-bari Shiinaha iyo Mangooliya,  dhanka galbeedna ku dhammaada Yukrayn iyo dawladda Hangari. Sida la wada og yahayna, dhulkani waxa uu deegaan u ahaa qabiilooyin laayaan ah oo muddo markii la joogaba inta ay is urursadaan ku soo duuli jiray dawladaha la jaarka ah, waana kuwa lagu magacaabay Yuug iyo Yamaayuug oo afka Giriiggana loogu yeedho “Gog” iyo “Magog”.

Inta khadka cagaaran uu saaran yahay weeye Banka Uraasiya (Eurasian Steppe; السهوب الأراسية) 

Labadan erey ee Yuug iyo Yamaayuug “يأجوج ومأجوج” halka ay asal ahaan ka soo jeedaan qolo waliba dhan bay u la kaceen, oo qaar baa yidhi waxa uu ka yimid ereyga Carbeed ee “المأج” oo macnihiisu yahay “is garaac/ isbaraanbar”, ama “أج النار” oo macnaheedu yahay dabkii baa huray, balse sida saxda ahi waa in aanay ahayn Af Carabi. Af Cibriga waxaa lagu dhahaa ” גּוֹג וּמָגוֹג” oo loogu dhowaaqayo “Gog Magog”, balse la ma hubo asalka ereyga iyo halka uu ka soo jeedo. Marka Baaybalka aynnu dib ugu noqonno, waxa aynnu arkaynnaa in labadan erey ay ku soo arooreen Sifriga Xisqiyaal, iyada oo Yuug looga jeedo nin boqor ah, Yamaayuugna dhulka uu ka taliyo. Waxaana ay ka mid ahaayeen hadal ah: “Ina Aadamoow, u jihayso Yuug, dhulka Yamaayuug, boqorka Maashik iyo Tuubbaal”. ⁶ Maashik (Meshech; ماشك) waxaa loo yaqaannay dad degganaan jiray goobaha ka ag dhow Badda Madow gaar ahaan waqooyiga buuraha Qawqaas (Caucasus Mountains; جبال القوقاز), qaarna waxa ay yidhaahdeen maya ee waxaa looga jeedaa Moosko caasimadda Ruushka ee hadda; halka Tuubbaal (Tubal: توبال) looga jeedo shucuub iyo qabiilooyin degganaa buuraha Qawqaas agtooda, ama waqooyi-bari Anaaddool. Laba goorana waxa ay si wacan u tilmaamayaan goobtii ay degganaayeen qabiilooyinkani oo Bankii Uraasiya ahaa.

Saayras intii aanu iman, qarnigii 7aad ee miilaadiga hortii, waxa qabiilooyinkan banka Uraasiya degganaa oo uu u afdheeraa mid loo yaqaannay Sikiisiyiin ( Scythians; السكيثيون) oo deegaan ku ahaa waqooyiga Badda Madow ay weerar ba’an ku ekeeyeen gobolka Anaaddool ee Turkiga dhaca; halka sannadkii 620 C. H inta ay urursadeen ay weerar kale ku qaadeen boqortooyadii Aashuuriyiinta ( Assyrians; الآشوريين) ee caasimaddeedu ahayd Ninevah, iyaga oo dabcan soo maraya buuraha Qawqaaas, ilaa ugu dambayn ay kaga takhalluseen oo ay rideen boqortooyadaas iyaga oo xulafaysanaya boqortooyadii kale ee Baabbil iyo Miidiya. Tani waxa ay keentay in qabiilooyinkani ay cabsi iyo argagax weyn ay ku abuuraaan dadkii ku noolaa Eeshiya iyo Yurub, ilaa sheekoxariirooyin badan laga faafiyay oo ay ka mid tahay in aanay ahaynba aadame ee meelo kale ay ka soo jeedaan, ama abuurta aadamaha aanay lahayn. Wax alliyo wax ka jiraana ma jiraan, ee waxa ay ahaayeen uun inna la mid ah oo ilma Nebi Aadan ah. Annaga laftayada ayaa waayadii hore “Amxaar” marka aannu maqalno ay noo sawirmi jirtay dad san waaweyn ama foolfoolxun oo abuur silloon, balse markii aannu aragnay baannu ogaannay in sawirkii aannu ka haysannay aanu sax ahayn, oo dad is ka caadi ah oo bani’aadanka kale u eeg ay yihiin. Waana xaalad is ka jirta tani.

Webiga Kuura (Kura river; نهر كورا) loona yaqaannay casriyadii hore Webiga Saayras (Cyrus river; نهر قورش)

Iyada oo ay sidaas xaaladdu tahay, ayaa uu soo baxay Saayraskii Weynaa qarnigii lixaad ee miilaadiga hortii. Ka dibna waxa uu u jihaystay jihada waqooyi, isaga oo gaadhay Aasiyada Dhexe meesha hadda loo yaqaanno Labada Badood Dhexdooda oo looga jeedo Badda Madow (Black Sea; البحر الأسود ) iyo Madda Kasbiyaan (Caspian sea; بحر قزوين). [eeg khariidadda sare].  Ilaa imikana, waxaa deegaankaas ku yaalla webi la dhaho Saayras (Cyrus river; نهر قورش) oo casriyadii u dambeeyay loo bixiyay Kura [Mar labaad eeg khariidadda, meesha khadka liimiga ahi uu ku qoran yahay], laakiin magaciisii hore ee loo yaqaannay uu ahaa Webiga Saayras (Cyrus river; نهر قورش) sida taariikhayahannada oo dhami ay is ku waafaqeen, taasina waxa ay maragmadoon u tahay in uu Saayras halkaas gaadhay is kuna fidiyay ilaa heer webigii meeshaas ku yaallayba loogu magacdaray. Webigaasna waxa uu uga sii gudbay webiga kale ee Araxes (أراكسس) oo waxoogay yar dhanka waqooyi ka xiga kan Kura jaarna la ah. ⁷


Buuraha Qawqaas Ee Waaweyn (Greater Caucasus Muntains;  جبال القوقاز الكبرى)

Haddaba halkaas marka aynnu aynnu joogno,  waxaa aynnu jihada waqooyi ka arkaynnaa Buuraha Qawqaas Ee Waaweyn (Greater Caucasus Muntains;  جبال القوقاز الكبرى), oo dhaca labada badood dhexdooda [Eeg khariidadda sare, meesha midabka casaanka ahi uu saaran yahay ee kore ee magaca Greater Caucasus ku qoran y]. Waa silsiladbuureed aad u ballaadhan oo iskeed u samaynaya xad dabiici ah oo kala saaraya waqooyiga iyo koonfurta, qabiilooyinkii waqoogiga ee weerarka ahaa ee Banka Uraasiya ka soo duuli jiray ee Yuug iyo Yamaayuug loo bixiyayna ka xijaabaya kuwa koonfurta ee dhanka Joorjiya soo xiga. Xilligaasna, waxa koonfurta silsilad-buureeddan degganaa bulshooyin ay ka mid ahaayeen Armanku (Armenians; الأرمينيين) oo ahaa kuwo ku faradhaadheer farsamada noocyadeeda kala duwan, gaar ahaan samaynta agabyada macdanta ka samaysan iyo dhulbeerashada, waana is la kuwa Dulqarnayn ka codsaday in uu derbi kaga xidho Yuug iyo Yamaayuug. Luuqaddooduna wax ay ahayd luuqadda Armanka oo ahayd luuqad ay adag tahay in ay Beershiyaanku fahmaan turjumaanno la’aantood, waana ka Qur’aanku uu sheegay in uu Dulqarnayn halkaas kula kulmay duul aan sigaynnin in ay hadalka lagu la hadlayo fahmaan (لَّا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلًا), qiraa’o kalena waxa ay ahayd “يُفْقِهُونَ” oo Y-du ay godan tahay, macnaheeduna waxa uu noqonayaa markaas “Kuwo aan sigaynnin in ay hadalka fahansiiyaan cidda ay la hadlayaan ee ay wax ka codsanayaan”, waana Saayras (Dulqarnayn) oo Beershiyaan ahaaye.

Gidaarka Derbendi (Derbent wall; جدار دربند)

Mawlaanaa Abulkalaam Aasaad sida uu ku xusay cilmibaadhistiisa tobanka sano ka qaadatay ee mawdduuca Dulqarnayn, markii uu silsilad-buureeddan Qawqaas booqday waxa uu soo arkay gidaar la dhaho Derbendi (Derbent wall; جدار دربند) sidoo kalena caalamka Islaamka dhexdiisa magacyo kale oo Baabul-abwaab iyo Saddul-khasar ay ka mid yihiinna looga yaqaannay, oo silsilad-buureedda dhexdeeda marin ka bannaanaa lagu awday, kaas oo culimadii Islaamka ee hore iyo juquraafiyaqaannadooda qaybo badan oo ka mid ahi ay ku tageen in uu kii Dulqarnayn yahay, sida Baydaawi, Mascuudi, Qaswiini, Maqdisi iyo Raasi iyo kuwo kaleba. Balse sidaas oo ay tahay darbigan tilmaamihii Qur’aanku ku sheegay ku ma rumoobayaan, waayo sida la og yahay waxa uu ka samaysan yahay dhoobo iyo dhagaxaan halka ka Qur’aanku sheegay uu leeyahay xadiid iyo nuxaas. Sida muuqata ee loo badinayana, waxaa gidaarkaas Derbendi dhisay boqorkii Saasaaniga ahaa ee Khosrow I, oo noolaa intii u dhexaysay 527 – 578 miilaadiga.

Surinka Daaryaal (Darial Gorge; مضيق داريال)

Abulkalaam Aasaad waxa uu dib u sii raacay silsiladbuureedda, ka dibna meel kale oo waxoogay yar ka durugsan waxa uu ka helay surin cidhiidhyoon oo lagu magacaabo Surinka Daaryaal (Darial Gorge; مضيق داريال), kaas oo dhaca waqooyiga Joorjiya, waana surin meel istaraajiiti ah ku yaalla oo labadan dhanba silsilad-buureedda Qawqaas ay ka xigto, qabiilooyinka waqooyiga ku noolna marka ay ku soo duulayaan kuwa koonfurta marin istaariijiiti ah oo ay uga soo gudbaan u ahaa. Nasiibwanaagna, Mawlaanaa Abulkalaam Aasaad waxa uu surinkan ka dhex helay derbi qadiimi ah oo dhammaanba tilmaamihii Qur’aanku uu ku sheegay derbigii Dulqarnayn ay ku rumoobayaan, oo gobollo xadiid iyo nuxaas ah leh , dhacana laba buurood dhexdooda (بين السدين). Waxaana xusid mudan, in dadka deegaankan degan iyo taariikhyahannaduba ay gidaarkan ama teedkan u yaqaanneen caanna uu ku ahaa Gidaarka Birta ah (Iron Gate; الباب الحديدي), maaddaaama beryihii hore uu ahaa teed weyn oo aad u dheer oo figta labada buurood ku dhowaa surinkana wada awdaya, bir iyo nuxaasna ka samaysnaan jiray sida magacaba ku cad, looguna talogalay in uu ka difaaco dadka koonfurta qabiilooyinka waqooyiga  ee wuxuushta ah oo ah kuwa loo bixiyay Yuug iyo Yamaayuug. Turkiduna waxa ay u la baxeen gidaarkan “Damirkapu” oo isna ah erey macinihiisu yahay “Gidaarka birta ah”.

Teedka Daaryaal (Darial wall; جدار داريال), 1920.


Geeridii Saayras ( Alle ha ka raalli-noqdee ) ka dib in muddo ah baa laga nastay weerarradii qabiilooyinkii Banka Uraasiya degganaa ay Eeshiyada galbeed iyo deegaannadii la jaarka ahaaba ku soo qaadi jireen, maaddaama waddadii istaraatiijiga ahayd ee ay u soo mari jireen laga xidhay. Waana la is ku khilaafay sababta ka dambaysay geerida boqorka, oo qoloba waliba dhan bay u la kaceen sida Hiiradootas uu sheegayo, waayo taariikhdii iyo ilbaxnimadii Saayras iyo Beershiyaba waxa ay ku burburtay gacanta Aliksandarkii Weynaa (Alexander The Great; الإسكندر الكبير), waxa innaga soo gaagaadhay sooyaalkiisuna keliya waa intii taariikhyahannada Giriiggu ay inoo soo gudbiyeen, Giriigga iyo Beershiyana cadow bay ahaayeen sida la wada og yahay, markaasna in ay taariikhdiisa oo dhammaystiran ay inna soo gudbiyaan waa mid aan la sugayn.

Taasina waxa ay keentay,  in wax badan oo guulihii Saayras ka mid ahaa loo tiiriyo niman kale, oo tusaale ahaan saddexdan safar ee Saayras waxaa iyaga oo sidooda ah Aliksandarkii Weynaa u tiiriyay nin loo bixiyay Kalastiinaska Beenta ah (Pseudo-Callisthenes; سودو-كاليستينس), kaas oo xaday magaca taariikhyahankii Aliksandar ee Kalastiinas ( Callisthenes;كاليستينس) inta uu magiciisii saxda ahaa qariyay, ka dibna qoray buug uu ku magacaabay “Alexander Romance; رومانسيات الإسكندر” oo uu ka buuxiyay waxyaabo iyo taariikho aan ka sugnayn Aliksandarkii Weynaa oo ay ka mid tahay saddexdan safar ee Saayras ee taariikhu ay inoo kaydisay oo Aliksandar uu u tiiriyay, waxaana buuggan Carabiyada loo soo turjumay casrigii Cabbaasiyiinta. Taariikhyahankii Yuhuudiga ah ee noolaa qarnigii koowaad ee miilaadiga ee Josephus Flavius-na waxa uu sheegay in Aliksandarkii Weynaa uu gidaar ka dhisay deegaanno halkaas ah oo sida muuqata uu ka wado gidaarka Daaryaal, waayo gidaarka kale ee Derbent waxaa la dhisay isaga dabadii sida aynnu soo sheegnay oo suurtogal ma aha in uu isaga ka wado, iyada oo haddaa taariikhda Aliksandar oo si fiican inoo soo wada gaadhay aanay ku sugnayn wax tusinaya in uu gebi ahaanba buuurahaa Qawqaas gaadhay, balse cidda gaadhay ay tahay Saayras markaasna cidda gidaarkaas dhistay isaga uun noqonayso.


Hiiradootas waxa uu sheegay in uu Saayras ku geeryooday dagaal uu la galay qabiilooyin loo yaqaannay Maasaajiitaay (Massagetae; المساجيتاي) oo ka mid ah qabiilooyinkan degganaa Banka Uraasiya, dadka qaarna ay sheegtaan in xidhiidh abtirsiino ay la lahaayeen Sikiisiyiinta, ⁸ ka dib dagaal ku kala dhex maray sida la aamminsan tahay webiga Seer-Daarya (Syr Drya) oo marka surinka Daaryaal la joogo waqooyi-bari fog looga kacayo.  Markaasna waxa ay u badan tahay in dagaalku uu ahaa ka dib markii uu Saayras surinkan soo xidhay, oo isaga oo halkaas ku sii wajahan markii reerihii degganaa surinka agtiisa uu sii ag marayay ay ka codsadeen in uu ka awdo qabiilooyinkan Sikiisiyiinta ama Yuug iyo Yamaayuug; halka taariikhyahanno kalena ay qabaan in uu dagaalkaas ku soo dhaawacmay oo qasrigiisii markii uu ku soo noqday uu geeryooday.

Saayras dabadii In muddo ah oo aad u badan baa laga nastay weerarradii qabiilooyinkan sida aynnu dhowaan soo sheegnay, ka dibna qarnigii saddexaad ee miilaadiga hortii ayaa qayb iyaga ka mid ahi ay dhankaas iyo Shiinaha is ku shubeen oo ay weerareen maaddaama koonfurta aanay u soo kici karin oo surinkii ay u soo mari jireen ee  uu Saayras ka awday. waxaana taariikhyahannada Shiinuhu ay qabiilooyinkan u bixiyeen “匈奴” oo Af Ingiriisi ku noqonaysa Xiongnu, Carabigana loo soo gaabsado “هن”, waxana ay ka mid ahaayeen is la qabiilooyinkii degganaa Banka Uraasiya ee Yuug iyo Yamaayuug. Xilligan waxaa Shiinaha boqor ka ahaa Jiin Juwaan (Qin Shi Huang) oo qaybtii hore aynnu ku soo carrabaabnay, waxa uuna waqtigaas dhisay derbiga Weyn ee waqooyiga Shiinaha dhaca si looga difaaco weerrarada qabiilooyinkan, lagana yaabaa in khiddadda noocan ah uu ka eegtay Saayraski Weynaa.

Derbiga Weyn ee Shiinaha

Tanina waa sababta ka dambaysay in imaamkii weynaa ee Daahir ibnu Caashuur uu ku tago in in Jiin Juwaan uu ahaa Dulqarnaynka Qur’aanka lagu sheegay, maaddaama derbigan uu qabiilooyinkan Yuug iyo Yamaayuug loo yaqaannay is kaga xidhay, iyada oo haddaa derbiga Shiinuhu uu ciid iyo dhagaxaan ka samaysan yahay. Keliya haddii imaamku uu taariikhda in yar hore ugu noqon lahaana is la markaaba waxa uu ogaan lahaa in Dulqarnayn uu ahaa Saayraskii Weynaa oo waxoogay saddex qarni ku dhowaad ka horreeyay Jiin Juwaan. Haddana qarnigii afaraad ee miilaadiga ayaa qabiilooyinkani ay is urursadeen,  waxa ayna weerar ba’an ku eekeeyeen Boqortooyadii Roomaanka ee Galbeed iyaga oo uu hoggaaminayo nin la odhan jiray Attila The Hun, ilaa ay gacantooda ku burburtay bishii Sibteembar sannadkii 476 ee miilaadiga. 

Intaas ka dib, qarnigii 12aad ee miilaadiga ayaa markii ugu dambaysay ay qabiilooyinkani iyaga oo aad u tirobadan is ku urursadeen dhulkii loo yaqaannay Mangooliya oo bankii Uraasiya ee ay degganaayeen ka mid ahaa, waxaana xilligan hoggaaminay ninkii la odhan jiray Jinkiis Khaan. Ereygan “Mangol” laftiisa sida tixraacyada Shiinuhu ay qorayaan waxa uu ka yimid “Mangog”, sida muuqatana isbeddel baa ku dhacay ilaa uu afka Cibriga ku noqday Maagoog oo ah ereygii loo yaqaannay qabiilooyinkii degganaa banka Uraasiya ee Magoolkanina ay ka soo jeedaan. Ka dibna waxa ay u soo jihaysteen dhankaas iyo Baqdaad iyaga oo soo jiidhay derbigii Daaryaal ee uu dhisay Saayraskii Weynaa (Dulqarnayn), ilaa ay burburiyeen dhammaanba ilbaxnimadii muslimiinta iyo tii carbeed, Baqdaadna ay ku laayeen hal maalin oo qudha wax u dhexeeya 150, 000 ilaa 200, 000 oo qof.

Derbiga ama teedkan Dulqarnayn ee Daaryaal daloolintiisuna waxa ay soo bilaabantay waqtiyo hore, oo waa kii Rasuulku (NNKH) uu ku yidhi xadiiskii ay Bukhaari iyo Muslinba keligii ku soo saareen baabka Ya’juuj wa Ma’juuj : “Carabi waa ay hoogtay, shar baana u soo dhowaaday. Teedkii Yuug iyo Yamaayuug waxa maanta la furay intaa in le’eg ( suulka iyo farta ku xigta ee Murdisada la dhaho ayuu is ku qabtay).” ⁹ Dhab ahaanna, dhowr qarni ka dib sharkii Rasuulku uu sii sheegay ayaa Carab ku habsaday, kummanaan haddii aanay ahayn malaayiin qof ayaana ay xasuuqeen Magoolka oo ka mid ahaa qabiilooyinkii banka Uraasiya degganaa ee Yuug iyo Yamaayuug, ilaa imbiraaddooriyaddii Cabbaasiyiintu ay gacantooda ku burburtay. Waxa kale oo jira xadiis sheegaya in maalin walba ay Yuug iyo Yamaayuug qodaan ka dibna marka ay seexdaan uu haddana sidiisii ku noqdo, balse waxaa xusid mudan in uu xadiis daciif ah yahay.

Sidaas aawadeed baa imaam Daahir ibnu Caashuur tafsiirkiisa at-Taxriir wa Tanwiir uu qalinku ugu duugay in Magoolkii iyo Tataarkii ay Yuug iyo Yamaayuug ahaayeen, oo waxa uu yidhi tafsiirkiisa weyn ee at-Taxriir wa Tanwiir: “Culimada taariikhda iyo kuwa abyaqaanka ahi waxa ay is ku maandhaafeen labada magac ee Magool iyo Tataar in loogu yeedhi karo ka kale, sababtuna waa in ay adag tahay in la ka la saaro maaddaama ay is ku dhow yihiin. Culimada qaarna waxa ay yidhaahdeen Magool waa Maagoog, waana magaca isir hore oo ay lahaayeen oo la odhan jiray Sikiisiyiin (Scythians; السكيثيون)…. Arrinka ay waajibka tahay in la cuskadaana waa in Yuug iyo Yamaayuug ay Magoolkii iyo Tataarkii ahaayeen, Abul-Fidaana waxa uu sheegay Yuug in uu Magoolkii ahaa, markaasna Yamaayuug waxa ay noqonayaan Tataarkii. Ka dibna Tataarkii ayaa ka magacdheeraaday Magoolkii waana ay is ku dhex darsameen, dabadeed labadii qabiilaba Tataar ayaa ay ku caanbaxeen.

Markhaatiga ugu muuqda ee arrinkaas [ah in Yuug iyo Yamaayuug ay Magoolkii iyo Tataarkii ahaayeen] waa xadiiska Ummu-Xabiiba ay Saynab binu Tajxshi ka soo werisay, ee ah in Nebigu uu u soo galay isaga oo argagaxsan oo uu yidhi: “Ilaah xaq lagu caabudaa ma jiro Ilaahay mooyee. Hoog baa Carab u sugnaaday shar ku soo dhowaaday aawadeed, maanta intaa le’eg baa laga furay derbigii Yuug iyo Yamaayuug.” La mana garanayo waqtigii ay deegaannadooda ka soo ambabaxeen, iyo wixii sababay toona. Waxa se lagu qiyaasayaa in qarnigii lixaad ee Hijriga ay soo ambabaxeen. Boqortooyadiii Carbeedna gacantii Magoolka iyo Tataarka baa ay ku kala daadatay, laga soo bilaabo markii Jinkiis Khaankii Magooliga ahaa uu soo baxay iyo la wareegistii Bukhaara sannadkii 616 H, iyo soo gaadhistoodii Diyaara Bakri sannadkii 628, ilaa ugu dambayn burburintii Hoolaako ee Baqdaad caasimaddii boqortooyadii Carbeed sannadkii 660 H. ” ¹⁰

Mar kale imaamku isaga oo sharxaya aayadda kale ee “حتى إذا فتحت يأجوج ومأجوج” waxa uu yidhi: “Waxa ay mufasiriintu ku tiriyeen [soo bixista Yuug iyo Yamaayuug] astaamaha saacadda ee yaryar, wacdiga soo dhowaanshihiisana waxaa lagu fasiray soo dhowaanshaha qiyaamaha…. iyada oo lagu dhisayo tafsiirkanna, waxa soo baxaysa in aayaddani ay si cajiib ah u sifaysay ka hor soo bixistooda shan qarni, sidaas aawadeed baannu aayaddan ugu tirinnay mucjisooyinka cilmiga ah ee Gaybiga ah….Baaba’ii boqortooyadii Carbeed iyo burburkii ilbaxnimooda iyo awooddoodiina waxa ay gacantooda ku dhacday Magoolkii iyo Tataarkii waana Yuug iyo Yamaayuuy……Soo dhowaanshahanina waa mid nisbi (relative) ah, oo macnihii waxa looga jeedaa marka loo barbardhigo cimriga adduunyada inta ka hadhay intii tagtay, sida hadalka Ilaahay ee “إقتربت الساعة وانشق القمر; saacaddii baa soo dhowaatay, dayaxiina wuu kala dhambalmay.” ¹¹

Isaga hortiina imaam Qurdubi oo noolaa xilliyadii Magoolku ay dadka xasuuqayeen ayaa maankiisa ay ku soo dhacday in ay noqon karaan Yug iyo Yamaayuug, waana kii yidhi “Waxa ka soo baxay waqtigan ummado Ilaahay mooyee cid kale koobi karin, muslimiintana Ilaahay mooyee cid kale ka difaaci karin, ilaa heer aad mooddaba in ay Yuug iyo Yamaayuug yihiin ama hordhacoodii“. ¹² Dhanka kale imaamkii weynaa ee Maxamed Anwar al-Kishmiiri ayaa kitaabkiisa Faydul-Baarii fii Sharxi Saxiixil-Bukhaari ka dib markii uu si fiican uga soo warramay derbiga Dulqarnayn oo uu xoojiyay  in uu kan Daaryaal yahay oo aanu ahayn derbiga weyn ee Shiinaha iyo ku kale toona sheegay in uu maanta burbursan yahay derbigu, Qur’aankana aanu ku sugnayn ballanqaad ah in uu weligii dhisnaan doono. ¹³ Mawlaanaa Abulkalaam Aazaad laftiisa oo cilmibaadhistan abaalkeeda leh baa isna sidaa si le’eg ku tegay, waxaana soo bixistoodii uu u qaybiyay toddoba marxaladood oo tii ugu dambaysay ay tii Magoolka ahayd.

Dhanka kale, sida juquraafiyaqaankii Idriisi uu ku sheegay buuggiisa Nus’haha, Ibnu-Khardadbana Masaaligga, ¹⁴ boqorkii Cabbaasiga ahaa ee Haaruun al-Waasiq Billaah ayaa xilligiisii manaan ku arkay in teedkii Dulqarnayn ee Yuug iyo Yamaayuug hayay uu jabay. Taasina waxa ay ku abuurtay cabsi iyo argagax badan, ka dibna waxa uu diray 60 nin oo uu u horreeyo Salaam at-Turjumaan oo afyaqaan luuqado badan yaqaanna ahaa, si uu u soo sahamiyo teedka ugana warkeeno. Salaam at-Turjumaan waxa uu u jihaystay jihada waqooyi oo ahaa meesha qabiilooyinkan Banka Uraasiya degganaa ay ku noolaayeen, safar dheer oo qaatay 28 bilood ka dibna waa uu soo noqday,  isaga oo tilmaamo qotodheer ka bixiyay teed uu sheegay in uu kii Dulqarnayn yahay, waana suurtogal in uu soo arkay teedkii Daaryaal marka la fiiriyo sifooyinka uu ka bixiyay ee sawirkan hoose ka muuqata.  Manaamkaasna taariikhda ayaa rumaysay, oo saddex ama afar qarni oo keli ah ka dibba waa tii Magoolka oo Yuug iyo Yamaayuug ahaa wixii ay sameeyeen sameeyay, boqortooyaddii Cabbaasiyadana dhulka la simay.

Akhriste, marka aynnu qabsanno ra’yigan ah in Yuug iyo Yamaayuug ahaayeen Magoolkii soona baxeen sida culimadaas iyo kuwo kale oo aynaan carrabbaabinba ay ku tageen soo bixitaan dambena aanu u hadhin, in kasta oo aanay ku rumoobin sifada xadiiskii Muslin soo saaray ee Nawaas ibnu Samcaan laga weriyay ee sheegayay in Yuug iyo Yamaayuug ay cabbi doonaan badyarada Dabariya, lagana fahmayay in Nebi Ciise ay ka dambaynayaan, oo waxyaabahaasi aanay dhicin xilligii Magoolka iyo Tataarka, haddana waa ra’yiga ugu awoodda badan uguna xooggan, ee aayadaha Qur’aanka iyo xadiiska Nebiga ee Muslin iyo Bukhaariba ay keligii ku soo saareen baabka Ya’juuj wa Ma’juuj ee aynnu soo sheegnay iyo taariikhdaba la jaanqaadaya, aniguna aan xoojinayo. Culimada iyo cilmibaadhayaasha qaarna waxa ay qabaan in ay soo baxeen balse mar kale oo dambe ay u hadhsan tahay oo ay fasahaadin doonaan caalamka, waxaana suurtogal ah marka lagu socdo ra’yigan in badyarada Dabariya ay xilligaas badideedu uumibaxdo oo inta soo hadhay ay cabbi doonaan, amaba badnidooda lagu cabbirayay ee aan looga jeedin si toos ah bay biyaha u cabbi doonaan, ama faragelinta DNA-da ee socota ay ka heli doonaan awoodda ah in ay badyaro dhan cabbi karaan iyaga oo aadame dadka la mid ah. Sidoo kalena, waxa culimadani ay intaas ku dareen in derbiga burburkiisa iyo fasahaadkoodu aanu is ku xidhnayn, oo iyada oo derbigu uu burbursan yahay haddana fasahaadkoodii u weynaa uu hadhsan yahay. Ilaahay baana xaqiiqada nooga ogaal badan.


Tixraacyo

1. Suuradda Kahf: 84
2. Heradotus (Histories, p. 29)
3. Heradotus ( Histories, p. 35)
4. Heradotus ( Histories, p. 69)
5. Heradotus ( Histories, b. 78)
6. Sifru-Xisqiyaal: 38
7. Jacob Abbott (The Story of Cyrus the Great, p. 274)
8. Heradotus (Histories, p. 78)
9.  Waxaa soo saara Bukhaari (3346) iyo Muslim ( 2880).
10. Imaam Daahir ibnu Caashuur (At-Taxriir wa Tanwiir, Jus. 17, b. 31)
11. Imaam Daahir ibnu Caashuur ((At Taxriir wa Tanwiir; Jus. 18, b. 147)
12. Abuu-Cabdullaah Muxammed ibnu Cabdillaahi al-Qurdubi (Tafsiirul-Qurdubi, Jus. 10, b. 426)
13. Muxammed Anwar al-Kishmiiri (Faydul Baari fii Sharxi Saxiixil-Bukhaari, Jus. 4, b. 23)

14. Abul-Qaasim Cubaydullaah ibnu Cabdallah Ibnu-Khardadbah (Al-Masaalik wal Mamaalik, b. 163)

3 thoughts on “Yuug & Yamaayuug halkee lagu xidhay?”

  1. Waa labo qormo oo hab farshaxamaysan u qoran, Dadaal dheerna la galiyay, Xaqiiq waxaan ka heedhday xog mug iyo Maceedu aanan soo koobi karin.

    “Cilmi aan ku rumeeyo, caqli aan ku beeniyo toona lahayn!” Se haddii ay noqoto aan odhan lahaa waa run, se Alle naga og!.

    “Cabdikariim Sh. Bashiir” ilaahay miisaanka wanaaga if iyo aakhiraba hakuugu daro.

  2. Aamiin Mohamoud Elmi

    Si farshaxamaay, ayaad usoo diyaarisay Su’aalo badan oo aan iska waydiiyeyna xaga dambe ayaan ka helay jawaabta.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top