Cashuurta iyo Islaamka: Dulmi mise Dadnimo?

Hordhac

Aayadda “Jizyadu” waxa ay soo degtay sannadkii 9aad ee Hijriyada, xilligaas oo Dawladdii Roomaanku ay go’aansatay in ay soo afjaraan Dawladdii Islaamka oo uu madax u yahay Suubbanuhu (NNKH), waxa ayna soo ururiyeen ciidan dhan 40, 000 oo dagaalyahan. Xilligaas muslimiinta waxaa haysatay abaar ba’an oo dad iyo deegaanba saamaysay, se Rasuulku waxa uu ku dhiirrigeliyay muslimiinta in ay dagaallamaan, oo cadowga ku soo socda ay ka hortagaan oo ay is ka dhiciyaan.

Ilaahayna waa ka aayaddan ku amraya in ay la dagaallamaan, ee yidhi: “La dagaallama kuwa aan Ilaahay iyo maalinta dambe (aakhiro) toona rumaysnayn, ee aan xaaraan ka dhigan wixii Alle iyo Rasuulkiisu xaaraabtinimeeyeen, oo aan ka diin dhigan diinta xaqa ah ee ka mid ah kuwa kitaabka la siiyay ilaa ay gacan ka dhiibayaan cashuurta iyaga oo dullaysan”. ¹ Ugu dambeyn, ciidan gaadhaya 30, 000 oo mujaahid ayaa muslimiintu ay kaga hortageen, waxaana dhacay dagaalkii Tabuuk, kaas oo gaaladii soo duushay ee Islaamka soo dabarjara is lahayd ay ku jabeen, hoog iyo halaagna uu ka soo gaadhay, dhulkii ay haysteenna lagaga la wareegay.

Maxaa keenay cashuurta?

Sida aayaddaba ku cad, Islaamku gaaladii Roomaanka ahayd ee muslimiinta soo weerartay ma kala doorsiin in ay islaamaan ama la laayo, ee waxa uu u furay albaab kale oo ay ku bixi karaan, nafahooda iyo maalkooduna ay ugu badbaadi karaan iyaga oo diintooda haysta, waana in cashuur ay bixiyaan. Tallaabadanna waxa ay dhab ahaan ahayd tallaabo aad u qurxoon, oo Islaamka nabad-jacaylkiisa iyo wanaaggiisa ka turjumaysa. Sidaa darteed ayaa faylasuufkii iyo taariikhyahankii weynaa ee Arnold J. Toynbe (1889 – 1975) uu ku yidhi buuggiisa caanka ah ee A Study of History: ” La ma kala doorrin dilka iyo Islaamka, ee waxa la kala doorriyay Islaamidda iyo cashuurta; taasina waxa ay ahayd siyaasad aad u qurxoon oo ra’yiyada oo dhami ah ku kulmeen ammaanisteeda”. ²

Arnold J. Toynbe ( 1889 – 1975)

Dhanka kale, mustashriqii iyo taariikhyahankii Reer Holand ee Reinhart Dozy isaga oo arrinkaa ka warramaya, dhanka kalana fiditaankii Islaamka fasiraya waxa uu yidhi: “Xukunka Islaamiga ahi waxa uu ku suntanaa dhimrinta, sama-falidda iyo u wanaag-samaynta shacabbada uu xukumayay siiba Kiristaanka, maxaa yeelay badiba masiixiyiinta barigu waxa ay u abtirsanayeen madaahib ka la kulantay Xukuumaddii Qusdandiiniyiinta dhib weyn oo aan la qiyaasi karin. Markii Islaamku uu yimi — sidii caadadiisa ahaydna waxa uu ku suntanaa tasaamux iyo wanaag e — waxa uu u nabad-geliyay xorriyaddooda oo dhammaystiran iyo in ay haystaan diimahooda maaddaama ay ka doorbidayaan diimaha kale. Waxa uu ku hadheeyay ilaalintiisa, waxa uuna dhexdooda u wada simay xuquuqdooda iyada oo ay ka la duwan yihiin madaahibtooda iyo firqooyinkoodu. Hana iloobin in [markii hore] ay ku qasbanaayeen in ay Imbbaraaddooriyaddii Roomaanka u dhiibaan lacago aan la malaysan karin, se markii Islaamku uu yimi waa uu ka cafiyay, ku mana faral yeelin ilaa cashuur dhexdhexaad ah oo aan cidna dhibayn mooya e. Marka aad intaa garatana, waxaa meesha ka baxaysa amakaaggaaga iyo layaabkaaga aad ka qabto in ay [shacabbadaasi] xukunka Islaamka ka doorbidayeen ka Roomaanka, oo ay u dhaqaaqayeen in carabta ay ka saacidaan furashooyinkooga iyaga oo aad ugu qalbi san”. ³

Reinhart Dozy (1820 – 1883)

Yaa cashuurtu ay u taallay?

Waxa lamahuraan ah in aynnu xusno: in cashuurtan loo sharciyeeyay keliya gaalada duullaanka ah ee gardarrada wadda—sida kuwan Roomaanka ahaa ee ay ku soo degtay aayaddu, se sinnaba aanay u jirin aayad bannaynnaysa in gaal aan dagaal kugu ahayn aad dul dhigto cashuur. Maxaa yeelay cashuur laga ma qaado ilaa dhul dagaal lagu qabsaday mooyaan e, gaalada dagaalkoodana waxa banneeya keliya gardarro uu wadaan sida ay qabaan Imaam Abii-Xaniifa, Imaam Maalik iyo Imaam Axmed bin Xanbal, ee ma aha gaalnimadiisa sida uu ku tegay Imaam Shaafici (RD). Maxaa yeelay haddii gaalnimadiisu ay dilkiisa bannaynnayso dumarka, odayaasha iyo carruurta gaalada ah ayaa dilkoodu uu bannaanaan lahaa; mana jiro cid muslimiinta ka mid ah oo taa qabta.

Ilaahay waxa uu Qur’aankiisa ku caddeeyay, in cidda Ilaahay jidkiisa lagu la dagaallami karo ay tahay kuwa muslimiinta la dagaallamaya ee duulaanka wada, oo Alle waxa uu yidhi: “وَقَاتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَكُمْ وَلا تَعْتَدُوا إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ — Ilaahay jidkiisa ku la dagaallama kuwa idin la dagaallamaya, hana xadgudbina Alle ma jecla kuwa xadgudba e”. ⁴ Laakiin gaalada aan duullaanka kugu ahayn, is ka dhaafba in aad ku xadgudubto oo dagaal aad ku qaaddo e Alle waxa uu inna amray in aynnu u wanaajinno oo si fiican aynnu u la dhaqanno, waxa uuna suuradda Mumtaxinah ku yidhi: “لَّا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ أَن تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ — Alle idiin ma diiddana kuwa aan diin ahaan idin ku la dagaallamaynnin ee deegaannadiinniina aan idin ka saarin in aydin u wanaagsamaysaan oo aydin u caddaalad-fashaan; Alle waxa uu jecel yahay kuwa caddaaladda fala e”. ⁵

Yaa laga qaadayay, intee se ayaa ay le’ekayd?

Cashuurta laga ma qaadayn dumarka, carruurta, odayaasha, wadaaddada bannaanada ama mawlacyada ku cibaadaysanaya, bukaanka xanuunsanaya, dadka waalwaalan ee dhimirka ah, dadka saboolka ah ee aan waxba haysan, indhoolayaasha, ragga laxaadka la’ iyo cid kasta oo aan dagaal geli karayn, se waxaa laga qaaday dadka hodanka ah iyo kuwa shaqaysta, waxa laga qaadayayna may ahayn wax weyn ee waxa ay ahayd lacag aad u yar, oo sannadka dhami markuu soo wareego waxaa laga qaadi jiray hal diinaar (4.2 g) amaba wax ka yar sida uu qabo Imaam Abii Xaniife — Alle ha ka raalli-noqdee, laguna dhaqmay waqtigii Haaruun ar-Rashiid iyo Dawladdii Cabbaasiyiinta guud ahaan.

Dulmi mise dadnimo?

Sida xaqiiqadu ay tahay, cashuurtani ma ay ahayn — sida dadka qaar oo ilbaxnimooyinka iyo taariikhda dunida aan akhriyin ay u malaynnayaan — mid lagu cidhiidhi gelinayo gaalada la jebiyay oo “baad” ahaan looga qaadayo, ee waxa ay ahayd mid ay ku bixinayaan beddelka ilaalinta iyo amniga iyo difaacidda ciidamada muslimiintu ay u bixinayaan, maaddaama oo iyagu aanay waddanka difaaciisa ka qayb-qaadanayn, se haddii ay ka qayb qaataan waa ay ka dhici jirtay.

Sir Thomas Arnold (1864 – 1930)

Mustashriqii iyo taariikhyahankii weynaa ee British-ka ahaa ee Sir Thomas Arnold, oo ah ninka is ka leh buugga The Preaching of Islam oo ah buug weyn oo aad u qiimo badan oo taariikhyahanku uu u noqonayo tixraacyo ku qoran wax ka badan siddeed luuqadood, isaga oo arrinkaa ka warramaya waxa uu yidhi: ” May ahayn ujeeddada cashuurtan loo saaray Masiixiyiinta — sida ay doonayaan dadka qaar iyaga oo is ka malaynnaya uun — nooc ka mid ah noocyada ciqaabta maaddaama ay Islaamka qaadan waayeen, laakiin waxa ay la gudanayeen uun si la mid ehlu-dimmaha kale — waana muslimiinta intaan ahayn e— ee ku hoos nool dawladda ee iyaga iyo in ay ka qayb noqdaan ciidanka ay kala dhex joogstay diintoodu, iyaga oo u bixinaya beddelka ilaalada ay u dammaano qaadeen xoogagga muslimiintu. Markii Reer Xiirah ay keeneen maalkii lagu heshiiyayna waxa ay si cad u sheegeen in keliya cashuurtan ay u dhiibayaan shardi ah “in annaga iyo madaxdayadaba ay naga ilaaliyaan oo ay naga difaacaan xadgudubka dhanka muslimiinta iyo muslimiinta qayrkoodba”. Sidaasoo kale ayaa Khaalid bin Waliid uu ugu qoray heshiiskii uu la galay qaar ka mid ah reerihii la jaarka ahaa Xiirah hadal u dhignaa “haddii aannu idin difaacno cashuur waannu leennahay, haddii kale se MAYA”. ⁶

The Preaching Of Islam, by Sir Thomas Arnold

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Waxaana laga dheehanayaa in muslimiintu ay si cad uga soo baxeen ballankaas dhacdadii dhacday waqtigii Cumar. Markii imbbaraadoorkii Hiraqle uu soo dhoobay ciidan aad u weyn si uu uga hortago xoogagga muslimiinta ee dhulalka qabsaday, waxaa waajib muslimiinta ku ahayd wixii dhacay aawadii in ay is kugu geeyaan awooddooda oo dhan dagaalka lagu soo qaaday. Markii arrinkaa uu ogaaday Abuu Cubayda — hoggaamiyihii carabtu — waxa uu u qoray shaqaalayaashii magaalooyinkii Shaam ee la furtay isaga oo amraya in ay u celiyaan cashuurtii sannadka ka soo gashay magaalooyinkaas, dadkiina waxa uu u qoray hadal u dhigan “Waa aannu idiin soo celinnay maalkiinnii maxaa yeelay waxaa na soo gaadhay waxaa la noo soo ururiyay oo huwan ah, idinkuna waxa aydin nagu shardiseen in aannu idin difaacno annana ma awoodno taas….” Sidaas aawadeed waxaa la soo celiyay maal badan oo kii dawladda ah, kadibna masiixiyiintii ayaa barako ugu duceeyay madaxdii muslimiinta, waxa ayna yidhaahdeen: Alle ha noo kiin soo celiyo, idinkana ha idiin ka hiiliyo (Roomaanka), hadday iyaga ahaan lahaayeen waxba noo may soo celiyeen, inta aannu haysannana way naga qaadi lahaayeen”. ⁷

Waxa se laga yaabaa in dadka qaar ay ku kadsoomeen ereyga “صاغرون — dullaysan” ee ku jira aayadda, se sida ay u fahmeen ma aha, Imaam Shaaficina — Alle ha ka raalli-noqdee— waxa uu yidhi: dullaysannimadani waxa ay ka imanaysaa kibir-jabintooda iyo u hoggaansankooda shareecada Islaamka. Waana runtii oo, nin soo duulay oo inta la jebiyay xukunkii Islaamka la soo hoos geliyay dullinnimo iyo jab ka weyn oo ku dhici lahaa ma jiro.

Tixraacyo

1. Suuradda Tawbaha:29

2. توينبي ، أرنولد ، مختصر دراسة التاريخ ، الجزء الثاني صفحة 355)

3. دوزي ، رينهارت ، ملوك الطوائف ونظرات في التاريخ الإسلامي ، ترجمة كامل كيلاني ، من 399 – 4004.

4. Suuradda al-Baqarah : 1905.

5. Mumtaxinah: 86.

6. The Preaching of Islam, Sir Thomas Walker Arnold, P527.

7. Tixraaca hore

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top