Qur’aanka iyo Sayniska: Isdiiddo Mise Iswaafaq?

Qur’aanka kariimka ahi waa hadalkii Ilaahay ﷻ uu soo dejiyay, adillooyin iyo baraahiin runnimadiisa ka markhaati kacaysana uu soo raaciyay; halka kawnku uu yahay abuurkiisii uu uumay, sidaa aawadeed suurtogal ma aha in ay is khilaafaan Ilaahay hadalkiisa iyo abuurkiisu; balse waa ay is xoojinayaan, oo hadalkiisuna waxa uu fasirayaa abuurkiisa, abuurkiisuna waxa uu fasirayaa hadalkiisa. Ilaahayna ﷻ intaas oo aayadood ayaa uu ku ammaanay u fiirfiirsiga cilmiyeed ee cirka iyo dhulka, marna waxa uuba yidhi “Ku socda dhulka, oo ufiirsada sida [Alleﷻ] uu ku bilaabay abuurka”; u fiirfiirsigaas iyo baadhitaankaasina waaba waxa loo yaqaanno “saynis”. Halkaana waxa laga la soo bixi karaa natiijo ah: Qur’aanku wuu innagu dhiirrigeliyay barashada sayniska. Qasab ma aha dabcan in Qur’aanku uu kaaga warramo tafaasiisha saynis ee abuurka, Ilaahayna u maba soo dejin ujeedkaas, ee adiga ayuu kugu dhiirrigeliyay in aad baadho weliba adiga oo ajar Ilaahay kaga raadsanaya, kuna niyadsan in iimaankaagu aanu korodh mooyee ku nuqsaami doonin; in kastaa oo mararka qaarna uu ishaaraad saynis oo cajiib ah ku siinayo oo aanu ka madhnayn.

Taasina waa ta keentay, in aynnu aragno sayniska iyo Qur’aanku iyaga oo mar kasta wada socda oo aan is ka hor imanaynnin, badankana wax loollan lagu sheegi karaa aanu u dhexaynnin, oo taariikhda dhexdeeda bulshada Islaamka ka ma aanay dhicin loollanno la mid ah kuwii qarniyadii dhexe Yurub ka dhacay ee kiniisadda iyo saynisyahannada u dhexeeyay, kuwaas oo sababay in la gubo qaar ka mid ah saynisyahannada sida Giordano Bruno oo ahaa cirbixiyeen iyo faylasuuf Talyaani ah, qaar kalena xabsi-guri in lagu xukumo sida Galileo Galilei; ka dib markii ay qaateen aragtidii Copernicus ee Xarunnimada Cadceedda (Heliocentrism; مركزية الشمس), taas oo dhigaysay in dhulku aanu ahayn xarunta kawnka ee cadceedda uu ku wareego, sidoo kalena ay mala’awaasheen in suurtogal tahay in ay jiraan noolayaal ku nool meel ka baxsan dhulka.

Dhab ahaanna, waa aynnu arki karnaa sida Ilaahay abuurkiisa iyo hadalkiisu ay is ku fasirayaan ee ay is ku xoojinayaan, taasna qof kasta oo sayniska wax ka yaqaan diintana wax ka yaqaannaa si fiican oo muuqata ayuu u dheehan karaa oo ma qarsoona; in kasta oo is waafaqaas iyo is xoojintaas aynnaan ku ma magacaabaynnin mar kasta sida dad badani ay sameeyaan “Icjaas cilmi ah”, ee ayynu u arkaynno uun abuurkii Ilaahay iyo hadalkiisii oo is fasiraya, taasina ay ahaydba wax la sugayay oo la sii saadaalinayay in ay dhacdo.

Tusaale ahaan, saynisku waxa uu sugay in kawnka uu hal wax oo yar oo singularity lagu magacaabo uu is ku ahaa intii aanu qaraxii weynaa dhicin ka hor, ka dibna qaraxii weynaa markii uu dhacay dhulka iyo samaduba ay ka unkameen, sidaa si le’eg ayuu Qur’aankuna u sheegay, oo Alle ﷻ waxa uu yidhi: “أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ; miyaanay ogayn kuwii gaaloobay in samaawaadka iyo arladu ay ahaayeen wax is ku dhegsan (singularity), ka dibna aannu kala fujinnay (fujisku waa qaraxii)”. 

Dhanka kale, saynisyahankii qarnigii 20aad ee Albert Einstein, oo mararka qaarna lagu tiriyo in uu yahay saynisyahankii ugu weynaa ee abid dunida soo mara, waxa uu awalkiisii hore qabay kuna doodi jiray in kawnku uu xaalad taagnaan ah ku jiro oo aanu fidaynnin, keligiina ma ahayn ee saynisyahannadii xilligiisa iyo kuwii ka horreeyay oo dhan ayaa la qabay. Taasina waa ta keentay in aragtidiisa Xigaalnimada Guud (General Relativity: النسبية العامة) uu ku soo cubcubo fikrad ama mafhuum uu ku magacaabay Sugnaanshaha Kawnka (Cosmological constant — الثابت الكوني).

Albert Einstein (1879 – 1955)

Laakiin ugu dambayn sannadkii 1931 ayaa uu ka noqday fikraddaas, kadib markii saynisyahankii Ameerikaanka ahaa ee Edwin Hubble — oo ah ninka loo magacdaray telescope-ka caanka ah ee Hubble — uu sugay in kawnku uu fidayo, isaga oo ku sugay waxa loo yaqaanno “Redshift — الإزاحة الحمراء”. Albert Einstein waa uu ka qoomamoon jiray fikraddaas, waxa uuna yidhi — sida George Gamow uu xusay — “Qaladkii ugu weynaa ee aan abidkay ku dhacay waxa uu ahaa markii aan isle’egtayda ku daray fikradda Cosmological constant!”.

Edwin Hubble (1889 – 1953)

Fiditaankanina waxa uu soo bilaabmay Qaraxii Weynaa markii uu dhacay, oo hadda laga joogo 13.7 bilyan oo sano. Qaraxii weynaana kawnku waxa uu ahaa wax aad iyo aad iyo aad u yar oo lagu magacaabay “singularity”, ka dib markaas ayaa uu bilaabay in uu si xawli ah u fido oo marba marka ka dambaysa uu sii ballaaddho sida aynnu soo sheegnay, ilaa uu noqday kawnka intaa le’eg ee hadda dhexroorkiisa lagu qiyaaso 93ka bilyan ee sannad-ilaysed. Qur’aanka Kariimka ahna waxaa suuradda ad-Daariyaat ku timid aayad xusaysay fiditaankaas, oo Alle waxa uu yidhi: : وَٱلسَّمَآءَ بَنَيْنَٰهَا بِأَيْيْدٍۢ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ — Samada waxa aannu ku dhisnay awood, annagaanna ballaadhinaynna”.

Balse fiditaankaas Culimada Kawniyaadka gaar ahaan qeybta Physical Cosmology-gu waxa ay inna leeyihiin weligii sii wadi maayo ee waa uu joojinayaa, mar haddii uu joojiyana shaki la’aan waa uu burburayaa, waxa uuna ku ku soo noqonayaa qaabkii uu ahaa markii qaraxii weynaa uu dhacayay. Tanna waxa la yidhaahda Aragtida Burburka Weyn (Big Crunch Theory —نظرية الإنسحاق العظيم), waana aragti xooggan oo saadaalisa dhammaadka iyo mustaqbalka kawnka, sida Aragtida Qaraxa Weyniba ay u saadaaliso bilowgii iyo barbaariddii kawnka.

Burburkaa weyn iyo dhammaadkaa kawnka ee Aragtida Burburka Weyni ay xustay innagu waxa aynnu u naqaannaa Qiyaamaha, Alle Weynana isaga oo ka warramaya qiyaamaha waxa uu inoo sheegay hadal la mid ah kaas ay aragtidu saadaalisay ee ku saabsan dhammaadka kawnka, oo waxa uu yidhi: “يَوْمَ نَطْوِي السَّمَاءَ كَطَيِّ السِّجِلِّ لِلْكُتُبِ ۚ كَمَا بَدَأْنَا أَوَّلَ خَلْقٍ نُّعِيدُهُ ۚ وَعْدًا عَلَيْنَا ۚ إِنَّا كُنَّا فَاعِلِينَ — Maalinka aanu duubayno samada sida warqadda loogu duubo waxa ku dhex qoran, sidii aannu ku bilownay abuurkii u horreeyay ayaanu ku soo celinaynaa. Waa ballan korkayaga ah, annaguna waxa aannu nahay kuwo samaynnaya”.

Haddaba, mar haddii aynnu soo caddaynnay in hadalka Ilaahay iyo abuurkiisu aanay suurtogal ahayn in ay is ka hor yimaaddaan, haddiiba la arko wax korka uga eeg in sayniska iyo Qur’aanku ay is kaga hor imanayanaan shaki la’aan laba mid ka bixi mayso: 1) in arrinkaa sayniska ahi uu qaldan yahay, taasina caddaynteeda in la helo ayay u baahan tahay, 2) ama in fahankeenna ku aaddan nusuusta mas’aladaa ku soo aroortay uu wax ka qaldan yahay, markaana ay is waafaqi karayaan mas’aladaa sayniska ah, taasina baadhitaan dheer iyo in loo dhabbagalo ayay u baahan tahay oo miiska la soo saaro. Haddii tusaale aynnu u soo qaadanno, mas’alada in dhulku uu goobo yahay waxa ay korka uga muuqan kartaa in aayadda ”  وإلى الأرض كيف سطحت ” ay ka hor imanayso, laakiin marka loo dhabbagalo wax alliyo wax iska-hor-imaad ahi ma jiraan. Waayo?

Mandiq ahaan tilmaamaha waxaa loo qaybiyaa laba qaybood: tilmaamo dhab ah ( صفات واقعية) iyo tilmaamo xigaalnimo ah( صفات انتزاعية او  نسبية أو إضافية). Si aad u ka la fahantidna aan tusaale yar ku siiyo. Hadda haddii aan idhaahdo dhulku waa uu jiraa, jiritaankaasi waa tilmaan dhab ah oo aan is beddeli karaynnin, oo ma dhici karto in ta ka soo horjeedda aan ku tilmaamo oo aan dhaho dhulku ma jiro, maxaa yeelay isburin ayaan ku dhacayaa; laakiin haddii aan idhaahdo dhulku waa uu weyn yahay, weynidaasi ma aha tilmaan dhab ah ee waa tilmaan xigaaleed, maxaa yeelay dhulku waa uu weyn yahay  tusaale ahaan marka loo eego dayaxa, laakiin aad buu u yar yahay tusaale ahaan marka loo eego cadceedda, oo waxa ay ka weyn tahayba 109 jeer. Markaa weynida dhulku waa tilmaan xigaaleed, oo dhanka dayaxa oo kale marka laga fiiriyo ayaa uu weyn yahay.

Haddaba labadan tilmaamood ee fidsanaanta iyo goobannimadu ma aha tilmaamo dhab ah, ee waa tilmaamo xigaaleed. Sidaa aawadeed ayaa hal shay marna waa uu fidsan yahay aad u odhan kartaa, marna waa goobo aad u dhi kartaa, oo tusaale ahaan roogga marna wax aad odhan kartaa waa uu fidsan yahay, marna wax aad odhan kartaa waa afar-gees ama waa goobo adiga oo qaabka uu u samaysan yahay fiirinaya. Haddii tilmaamo dhab ah (real attributes ) ay ahaan lahaayeenna, kuu ma aanay suurtogasheen in aad hal mar roogga tidhaahdo waa uu fidsan yahay iyo waa goobo, oo isburin ayaad ku dhici lahayd; si la mid ah sida aad u gu dhici lahayd haddii aad odhan lahayd dhulku waa uu jiraa iyo ma jiro.

Sidaa daraaddeed, dhulku waa uu fidsan yahay marka innaga araggeenna loo eegayo, waana ta aayaddu ay ka hadlayso ee ku cad oo “أفلا ينظرون — miyayna eegaynnin?” ayaaba Alle ﷻ yidhi; waana goobo marka qaabka uu u samaysan yahay la fiirinayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top