Rumayntii Antony Flew — Aabbihii ilxaadka ee qarnigii 20aad

Antony Flew waa faylasuuf Ingiriis ah, oo hilaaddii 1923 ku dhashay magaalada London, geeriyoodayna 2010kii isaga oo 87 jir ah. Waxa uu waqtigiisa intii ugu badnayd ku qaatay falsafadda diinta (philosophy of religion), waxa uuna ahaa ustaadka falsafadda ee Jaamacadda Oxford. Awalkiisii hore waxa uu ahaa masiixi, oo waxa uu ka dhashay qoys Kiristaan ah; laakiin isla markiiba waa uu ka baxay oo waxa uu noqday mulxid.

Antony Flew

Antony Flew waxa lagu naanaysaa in uu ahaa aabbaha ama nebigii ilxaadka ee nuskii dambe ee qarnigii 20aad, aadyarna is ka ma fadhiyin oo mulxid is ka ma sheeganayn sidii faylasuufkii British-ka ahaa ee Bertrand Russel e waxa uu qoray ilaa 6 buug oo ku saabsan dafiriddiisa jiritaanka Alle; isaga oo hawshaas ku gudojiray wax ka badan 65 sano oo ilxaad-difaac ah.

Bertrand Russel

Bishii September ee sannaddii 2004, ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press ay baahisay war u dhigan sida tan: “Mulxidkii ugu halista badnaa waxa uu rumeeyay Alle, iyada oo ay ku riixeen aragtiyo saynis ahi”. Sannadkii 2007na: Antony Flew waxa uu soo bandhigay buuggiisa “There is God: How the World’s Most Notorious Athiest Changed His Mind — Waxaa jira Ilaah: Sidee ayaa Mulxidkii ugu Caansanaa Adduunku uu u Beddelay Ra’yigiisa”, oo meelahaa 300 oo bog ku dhowdhow, kaas oo uu kaga warramayo hayaankiisii rumaynta.

Antony waxa uu buuggiisaas ku xusay, in sannadihii u dambeeyay ka hor rumayntiisa uu u janjeedhsaday sayniska, oo uu daraaseeyay Aragtida Qaraxa Weyn (Big Bang Theory) iyo Aragtida Darwin ee Tadawurka (Evolution Theory), kuwaas oo uu sheegay in ay ka dambeeyeen rumayntiisii in Ilaahay uu jiro, waxa uuna aad u la dhacay Burhaanka Taxa (برهان التصميم الذكي او برهان النظم — The Intelligent Design Argument), gaar ahaan faraciisa Caddaynta Sugidda Xeesha Dheer (Fine tuned; الضبط الدقيق) ee ku aaddan xeerarka kawnka ee haddii mid ka mid ahi uu inyar is beddeli lahaa kawn aanu jiri lahayn ama nololiba aanay ka suurtowdeen,  sidaa aawadeedna aan iinsaankan hadda ka fikiraya kawnka la heleen, waana waxa loo yaqaanno mabda’a iinsaannimada (anthropic princible; المبدأ الإنساني) qaybtiisa xooggan.

Tusaale ahaan, awoodda cufisjiidadku waa ta gaasaska iyo boodhka kawniga ah is ku keenta si xiddigaha iyo meerayaashu ay u abuurmaan, haddii intaa ay tahay ay ka yaraan lahaydna xiddigo iyo meerayaal ma abuurmeen amaba sida hadda ay yihiin ma ahaadeen, markaana bani’aadan iyo nolol toona la ma heleen. Waxaa jira jaangoyno wada sidaas ah oo badan, oo gebigoodaba haddii inyar ay wax is ka beddeli lahaayeen aan u kawn jireen ama nololi aanay suurtowdeen, lix ka mid ahna waxa buuggiisa Just Six Numbers si faahfsaahsan ugaga hadlay Martin Rees oo cirbixiyeen iyo fiisigisti Ingiriisa ah . Sidaas aawadeed, taasi waxa ay lamahuraan ka dhigtay in ay jirto awood sare oo sidan oo dhan u jaangoysan xeerarkan una diyaarisay kawnka.

Martin Rees

Dhanka kale, Antony Flew waxa uu buuggiisan ku caddeeyay: in dhammaan xujooyinkii falsafadeed ee uu u daliishan jiray dafiridda Alle ee lixdiisaa buug uu ku dhigay ay ismoodsiis iyo waxbakamajiraan u soo baxeen muraajacayn badan kadib, waxa uuna xusay in ilxaadkiisa ay ka dambeeyeen sababo nafsadeed oo ku kallifay in uu u raadsado xujooyin falsafaseed.


Munaasabo ahaanna, badi mulxidiinta casriga ilxaadkoodu ma aha mid falsafi ah ama mandiqi ah is kaba dhaaf in uu noqdo mid saynise, ee waa mid ay keeneen sababo nafsi ah iyo caaddifadooyin gudeed; waana sababta ay u bataan xilliyada duufaannada iyo dhul-gariirradu ay dhacaan. Ama waaba halkii faylasuufkii Faransiiska ahaa ee Blaise Pascal e, keliya waxa ay is ka doonayaan oo ay is ka jecel yihiin in ay ilxaadoobaan oo xadhkaha akhlaaqda iyo anshaxa ee diintu jidaysay ay is ka furaan, oo sino iyo fuxshi oo dhan ay ku dhiirradaan, ee macnuhu ma aha in ay sababo saynis iyo falsafi ah ku gaaloobeen.

Steven Weinberg

Waxa aynnu tusaale ugu soo qaadan karnaa qodobkan, Steven Weinberg oo ah fiisigisyahan Ameerikaan ah, oo hilaaddii 1979 abaal-marinta Nobel Prize-ta fiisigiska ka la qaatay fiisigisyankii muslinka ahaa ee reer Pakistan ee Muxammed Cabdisalaam (AHUN). Steven marka aad dhegaystato waraysiyadiisa uu bixiyay, waxa si shaki la’aan ah kuugu muuqanaya in ilxaadkiisa ay ka dambeeyaan sababo nafsi ah. 

Tusaale ahaan, muuqaalkan sare Weinberg waxa uu ka warramayaa sababaha ka dambeeyay ilxaadkiisa, isaga oo sheegay in Alle aanu jeclayn, sababtuna ay tahay in Alle uu cadho-badane xanaaq badan oo cadaab jecel yahay. Waxa se isweyddiin mudan,  Steven Weinberg ilaaha uu ka gaaloobay ma Ilaahay baa? Jawaabtu waa “maya”, ee waa ilaah uu mala’awaashay oo aan jirin iyo sawirasho gurracan oo cid kasta ay tahay in ay ka gaalowdo, Ilaahayna ma aha oo Rabbigeen waa naxariis badane tudhis iyo dembi-dhaaf badan, oo 114ka suuradoodba marka mid la ga reebo “بسم الله الرحمن الرحيم ” ku furfuray. Halkaana waxaa ka cad, in sababta ilxaadkiisa ka dambaysaa ay tahay sababo nafsadeed oo ka dhashay sawirasho qaldan oo uu ka qaatay Ilaahay.

Antony Flew gebagebadiisii waxa uu ku dambeeyay Deism ama Rubuubi, mana helin waqti kale oo uu diimaha ku sii baadho oo dhawr sano oo keli ah ayuu sii noolaaba kadib rumayntiisii jiritaanka Alle; in kasta oo ra’yigiisa uu Diinta Islaamka ka haystay uu aad u xumaa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top