Mas’alada soo saarista jidhadhku — haddaa ma aha nafta — waxa ay ka mid ahayd mas’alooyinkii ugu waaweynaa ee Falaasifadii Islaamiyiinta ahaa ee Maddarasaddii Mashaa’iyada (The Peripatetic school ) ka tirsanaa iyo mutakallimiintii ama laahuutiyiintii Islaamka ee Ashaacirada iyo Maaturiiddiyadu ay is ku hayeen, waana mid ka mid ah saddexdii mas’alo ee Imaam Abuu-Xaamid al-Qasaali uu ku gaalaysiiyay markii u qorayay buuggiisa Tahaafutul Falaasifaha, iyada iyo weligii-jirnimada kawnka (أزلية الكون ) iyo in aanu Alle ogayn jus’iyaadda shay’yada ee si guud uun uu u og yahay sida ay sheegan jireen.

Falaasifadii Islaamiyiinta ahaa oo ay u horreeyaan Abii-Nasri al-Faaraabi (874 — 950 M/ 260 — 339 H) iyo Abuu-Cali Ibnu-Siina (980 — 1037 M/ 370 — 427 H), waxa ay ku doodayeen in waxa la soo saarayo maalinta aakhiro ee la xisaabinayo ee jannaysmaysa ama naarmayaa uu yahay ruuxda ama nafta ee aanu ahayn jidhka ; halka mutakallimiitu iyaga oo adillooyin caqli ah iyo kuwo naqli ahba cuskanaya ay ku doodayeen in jidhka iyo ruuxdaba la soo wada saarayo, sidaasna uu sharcigu sheegay, caqliguna aanu diidin.

Akhriste, maanta mas’alada waxa aynnu is ka taagi doonnaa dhan saynis, innaga oo arki doonna sida culimadii mutakallimiinta ahayd uu mawqifkoodu u saxnaa una adkaa, suurtogalna ay u tahay in jidhadhka la soo saaro marka ay baaba’aan ka dib saynis ahaan, walow sharci ahaan ay hubaal iyo biyo-kama-dhibcaan tahay. Waxaana cajiib ah, sidoo kalena tusinaya cabqarinnimadii iyo xeeldheeridii culimadii Mutakallimiinta ahayd, in xitaa mas’aladii weligii-jirnimada kawnka uu saynisku xoojiyay oo uu u maragkacay mawqifkii Mutakallimiinta, ee ahaa in kawnku uu billow leeyahay ee aanu weligii-jire ahayn sidii falaasifadaasi ay sheegan jireen, iyaga oo haddana aamminsan in Alle uu u jiro oo weliba uu abuuray! Waana tii uu Qasaali ku eedaynayay, in aanay sugi karin Ilaahay jiritaankiisa marba haddii in kawnku uu weligii-jire yahay ay is ka dhaadhiciyeen, taasina ay isburintooda iyo tahaafutkooda marka baabka ilaahiyaatka ay ka hadlayaan ay ka mid tahay.
Beryo dhowayd oo soo qaaditaankii carshigii Balqiisa iyo makaanikada kuwaantamka aynnu ka warramaynnay, waxa aynnu xusnay in wax kasta oo jiraa uu macluumaad (informations) ka kooban yahay, laga soo bilaabo atamka ilaa bani’aadanka iyo kawnka oo dhan, oo bani’aadanka oo kale DNA-diisa ayay ku kaydsan yihiin macluumaadkiisu. Shayga haddii macluumaadkiisa si 100% ah loo sugana, waxa aynnu xusnay in in hab teleportation (الآنتقال الآني ) ahaan ah loo rari karo, waxa la rarayaana ma aha jirmiga caadiga ah ee waa macluumaadka uu ka kooban yahay, oo inta isaga la baabiiyo ayaa macluumaadkaas meeshii la doono loo dirayaa, ka dibna halkaas ayuu isaga oo sidiisii ahi uu ku abuurmayaa ilbdhiqsi wax ka yar gudihii.
Mar haddii waxa la rarayaa uu macluumaadka yahayna, waxaa adkaanaysa in si 100% ah loo sugo macluumaadka waxyaabaha waaweyn ee bani’aadanka oo kale ah, sidaad aawadeed ayaana ilaa hadda loogu guulaysan la yahay in si teleportation ahaan ah loo raro wax ka weyn atam. Werner Heisenberg mabda’iisii Sugid la’aantuna (Uncertainty Princible; مبدأ عدم التحديد ) waa kii sheegayay in bani’aadanku aanu awood u lahayn in shay macluumaadkiisa uu si 100% ah u sugo, in kasta oo mabda’aas qayb ahaan la dillaaciyay, oo footoon (photon) iyo atamba macluumaadkooda si 100% ah loo sugay, ka dibna si teleportation ahaan ahna loo raray.

Haddaba intaan la inna abuurin, Alle waxa uu qaddaray oo uu dejiyay marka hore macluumaadkaas aynnu ka kooban nahay, kaasina waa macnaha abuurka (khalqiga) ee meelo badan oo Qur’aanka ka mid ah ku soo arooray, wuuna ka duwan yahay samaynta, ahaysiinta ama jirsiinta ( التكوين أو الإيجاد ; كن فيكون), oo markii Alle uu qaddaray macluumaadkeenna, ayaa intaa ka dib uu ku yidhi iyagii “كن ” oo ay ahaadeen oo jiraalka ay ka mid noqdeen. Carabiyada dhexdeedana, khalqiga waa loo adeegsadaa khiddad-dejinta (designed ;التخطيط ), oo waa kii gabyaagii Carbeed lahaa: “وَلأنْتَ تَفرِي ما خَلقْتَ وَبع-ضُ القَومِ يَخلقُ ثُم لَا يَفرِي ; adigu waad fulisaa wixii aad dejisay, dadka qaarna way dejiyaan markaasaa haddana aanay fulin”. Haddaad u baahan tahayin aad lawxad sawirto tusaale ahaan, marka hore waxa aad dejinaysaa khiddadda iyo qaabka ay u eekaanayso iyo sida aad ka dhigayso, markaasaad intaa ka dib sawiraysaa. Ilaahayna maaddaama cilmigiisu uu weligii-jire (أزلي) yahay, wax xagga dambe kaga soo dhashaa ma jiraane intaanu inna jirsiin waxa ogaalkiisa aynnu ku jirnay oo uu inna sii dejiyay innaga oo macluumaad ah, ka dibna intaa ka dib ayuu jiraalka innoo soo bixiyay oo uu inna jirsiiyay. Sidaa aawadeed qaddariddu (الخلق) way ka horraysay jirsiinta iyo ahaysiinta (الإيجاد والتكوين ).
Ilaahay waxa uu yidhi: ” : هُوَ ٱللَّهُ ٱلْخَٰلِقُ ٱلْبَارِئُ ٱلْمُصَوِّرُ ; Ilaahay waa Abuuraha (dejiyaha macluumaadka), Uumaha, Qaabeeyaha”. Xujatul-Islaam Imaam Abuu-Xaamid al-Qasaali oo innoo fasiraya aayaddanna waxa uu buuggiisa Al-Maqsid al-Asnaa ku yidhi: “Waxa laga yaabaa in dadka qaar ay u maleeyaan in magacyadani (الخالق البارئ المصور) ay isku ujeeddo yihiin, oo dhammaantood ay tusayaan jirsiin iyo ahaysiin, mana aha sidaas, ee shay kastaaba inta aanu jiraal-la’aanta ka iman ee aanu jiraalka iman waxa uu u baahan yahay qaddarid (خلق بمعنى التقدير ), mar labaadna jirsiin waafaqsan qaddaraddiisii, jirsiinta dabadeedna mar saddexaad qaabayn (تصوير¹)”.
Suuradda Aala-Cimraanna waxa ku timid: “إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِندَ اللَّهِ كَمَثَلِ آدَمَ خَلَقَهُ مِن تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُن فَيَكُونُ”, waxaana aad aragtaa in Alle kala saaray abuurkii oo macnihiisu uu yahay qaddaristii in Nebi Aadan uu ciid ka ahaado, iyo jirsiintii iyo ahaysiintiisii (التكوين ) oo iyadu ka dib qaddaristiisii timid, loona dhexaysiiyay “ثم; intaa ka dib”. Imaam Fakhru-diin ar-Raasina waxa uu tafsiirkiisa ku yidhi: “Waxa Abuu-Muslim yidhi: Waxa aannu soo caddaynnay in khalqiga macnihiisu uu yahay qaddarid ama dejin, waxaana macnihiisu uu u noqonayaa cilmiga Ilaahay ee ku aaddan sida uu u noqonayo iyo doonistiisa in uu u dhaco habkiisa gaarka ah, waxaas oo dhamina wuu ka horreeyay jiritaankii Aadan….. Hadalkiisa uu yidhi “كن “-na, waxa uu ka dhigan yahay soo gelintiisii jiraalka, waxaana markaa sugnaaday in abuurkii Aadan (oo macnaheedu yahay qaddariddiisii) uu ka horreeyay hadalkiisa ‘كن ; ahow’. ” ²
Haddaba marka ay sidaa tahay, jidhkeennu ha baaba’o oo ha madho hadduu doonee macluumaad buu ka kooban yahay, macluumaadka uu ka kooban yahayna Ilaahay waa hayaa, hadhowna maalinta aakhiro macluumaadkii ayuun baa dib jiraalka loogu soo saarayaa, waxaana abuurmaya jidhadhadhkii iyaga oo noocoodii iyo siday ahaayeen ah; tabtii makaanikada kuwaantamka iyo teleportation-ku ay innoo sheegaysay, oo waa innagii inyar ka hor soo sheegnay in haddii macluumaadka shayga la sugo inta la baabiiyo meeshii la doono isaga oo sidiisii ah lagu jirsiin karo xilligii la doono.
Ilaahayna isaga oo xaqiiqadaa sheegaya waxa uu suuradda Yaasiin ku yidhi: “وَضَرَبَ لَنَا مَثَلًا وَنَسِيَ خَلْقَهُ قَالَ مَنْ يُحْيِ الْعِظَامَ وَهِيَ رَمِيمٌ قُلْ يُحْيِيهَا الَّذِي أَنشَأَهَا أَوَّلَ مَرَّةٍ وَهُوَ بِكُلِّ خَلْقٍ عَلِيمٌ ; Wax uu noo soo qaatay [bani-aadankii] tusaale, isaga oo illoobay abuurkiisii. Wax uu yidhi : “Yaa lafaha soo noolaynnaya iyaga oo ah qaar baaba’ay? (78) Waxa aad ku tidhaahdaa, ” waxa soo noolaynnaya kii unkay iyaga markii u horraysay, isaguna abuur kasta mid aad u og weeye”. Ujeeddo: mar haddii markii hore intaan la jirsiin ama la unkin la qaddaray macluumaadkiisa, wax farqi ahi u ma dhexeeyo jirsiintiisii hore iyo in mar labaad dib loo jirsiiyo, maxaa yeelay waa uu og yahay macluumaadkiisa oo wax lumay ma jiraan (وهو بكل خلق عليم ), mar hadduu og yahay oo uu hayo macluumaadkii uu ka koobnaana xilligii uu doono ayuu ku jirsiinayaa meeshii uu doono.
Tixraac:
1. Maqsid Al-Asnaa, Abii-Xaamid Al-Qasaali, b. 75
2. Mafaatiixul-Qayb, Fakhrudiin ar-Raasi, V. 8, b.79
Qoraal cajiib ah
This was a delight to read. You show an impressive grasp on this subject! I specialize about Sports and you can see my posts here at my blog Webemail24 Keep up the incredible work!
Aad baan ugu raaxaystay qoraalkaan cilmiyeysan ee aad uga hadashay soosaarista danbe. Wax kasta macluumaad ayay ka kooban yihiin, Eebbe ayaa haya oo markii uu doono jirsiin kara. Mahadsanid.
Mahadsanid macalin.