Aw Guudcadde Iyo Waxtarka Baryada

May 25, 2024 waxa qoraal cinwaankiisu uu yahay “Waxtarka Baryada” mareegta Geeska ku baahiyay Cabdicasiis Aw Guudcadde. Marka la is ku soo duubana nuxurka qormadaasi waxa uu ahaa in ducadu aanay lahayn saamayn duleed oo muuqata, ee keliya ay leedahay saamayn nafsadeed oo togan, oo qofka ay ku abuurto xasilooni iyo degganaan gudeed uun, kana mid tahay qaababka nafsiga ah ee maskaxdu ay is kaga ilaaliso qarracanka iyo quusta. Kollay mawdduucyo kale oo cinwaanka uu ka hadlayay aan khusaynin carrabka wuu ku dhuftay, wax badan oo haddii waqti aynnu u helno aan ka hadli doonnana wuu is dhex dhigay, se hadda waxa aan ku gaabsan doonaa naqdinta qodobka nuxurka qormada ah ee “Ducadu saamayn duleed oo muuqata ma laha ee saamayn nafeed oo gudeed ayuun bay leedahay”.

Inta aanan u gelin, Aw Guudcadde waxa uu qormadiisan ku bilaabay sheeko uu xusay in uu goobjoog u ahaa, taas oo ku saabsanayd nin wadaad ah oo masaajid ka kacay oo shardiyadii ducada qayb ka mid ah u sheegay, ka dibna isaga oo aan shardiyadii uu sheegay buuxin hadalkiisii ku gabagabeeyay “Ilaahay ha inna waafajiyo shuruudda ducada iyo asluubkeeda”. Waxa uuna ereyo dhawr ah ku cabbiray sida layaabka iyo amakaagga ay ugu ridday dhacdadaasi, isaga oo xusay in aanay sinnaba is ku waafaqaynnin hadalkiisii hore iyo ducadiisan dambe, wax lagu qoslo oo laga maadsadana ay tahay, maaddaama shardiyadii uu hadda sheegayay midna aanu la iman haddana uu ducaystay!

Mandiqa marka la joogo, si guud shardiyada waxa loogu qaybiyaa laba qaybood: shardiyo lamahuraan ah (necessity; ضرورية), oo ah kuwa la’aantood waxaa shardiga ay u yihiin aanu dhici karin, sida ogsajiintu ay shardi lamahuraan ah ugu tahay nolosha; iyo shardiyo filnaanshiyo leh (sufficiency; كافية ) oo qasab aanay ahayn in ay lamahuraan noqdaan, sida in safarka diyaarad loo raaco, oo shardigaas diyaarad-raaca ahi shardi lamahuraan ah u ma aha safarka maxaa yeelay gaadhi baabad ku safri kartaa, laakiin waa shardi kugu filan si aad u safarto. Mararka qaarna shardigu waxa uu noqdaa mid lamahuraan ah se aan filnaanshiyo lahayn, sida shardiga Hydrogen-ta si biyo loo helo, oo shardigaasi waa lamahuraan se filnaanshiyo ma leh oo keligii biyo ma soo saari karo ee shardi kale oo Oxgyen ah ayuu u sii baahan yahay. Waxa kale oo shardigu noqon karaa mid lamahuraan ah filnaanshiyana leh, sida labadooda [Hydrogen iyo Oxgeyn ] marka la is ku daro si biyo la helo.

Haddaba waxaa is weyddiin mudan, shardiyadaa wadaadku uu sheegay ma waxa uu wadaadkaasi u arkayay shardiyo lamahuraan ah oo la’aantood aan ducada la aqbalin, si haddii uu ka tago loo yidhaahdo “Ducadiisu maad iyo barkumataal ayaa ay ahayd?”; mise waxa uu u arkayay shardiyo filnaanshiyo leh oo se aan lamahuraan ahayn oo la’aantoodna ducada la aqbali karo, si markaa ducadiisaa dambe ay macno u yeelato?

Mar kale Fiqhi ahaan shardiyada waxa loo qaybiyaa laba qaybood: shardi ansixitaan (شرط الصحة ) oo ah shardiga la’aantii aanu waxaasiba ansaxaynnin, iyo shardi dhammaystiran (شرط الكمال ) oo ah shardiga wuxu uu la’aantii ansaxayo se dhammaystirankiisa shardi u ah. Haddaba shardiyadaa wadaadku uu sheegay ma shardiyo shardi u ah ansixitaanka ducada oo la’aantood ducadu aanay ansaxaynnin ayuu u arkayay (mana jirto cid culimada muslimiinta ka mid ah oo shardiyaas wadaadku uu sheegay in ay shardiyo ansixitaan yihiin qabta, wadaadku haddii sidaa uu qabayna sheekhba ma ahayn ee nin la mid ah ayuun baa wacdinayay), mise shardiga ducadu waa in keliya waxaad doonaysayo aad si dhab ah Ilaahay uga barido shardiyadanina in ay dhammaystirayaan iyo aqblaaddu in ay soo degdegto in ay sababayaan ayuu u arkayay?

Awgu su’aashan ka ma jawaabin, in dubaaqiisa aanay ku jirinna waan u badinayaa, haddana eed iyo dhalleecayn ayuu wadaadka huwiyay, qormo dhanna dhacdadaas wuu ka qortay oo hordhac buuba uga dhigtay; isaga oo aan is weyddiin garanayninna shardiyadan laga hadlayaa waxa ay ka dhigan yihiin!

Sidoo kale, waxa uu is weyddiiyay qofku hadduu dhaho “Maxaan ka faa’idayaa in Ilaahay aan rumeeyo?” waxa diintu ay ugu jawaabayso, isaga oo is kugu jawaabay isaga oo diinta u tiirinaya “Ducadaada ayuu kaa aqbalayaa”! Tanina ma aha jawaab saxan, oo Rubuubi (Deism) Ilaahay rumaysan haddana duco wax la yidhaahdo aan qabin ayaa la soo helayaa, taasina waxa ay burinaysaa warkii uu sheegtay ee ahaa in Ilaahay loo rumeeyo si ducadaada uu u aqbalo. Ilaahay waxa loo rumeeyaa in caqligu uu caddeeyay waajibnimada in uu yahay xaqiiqo jirta oo aanu shaki ku jirin, la’aantiina aanu kawnba jiri kari kareen, ee ma aha si loogu danaysto oo markii la musallafo uun loogu cararo. Qofka Ilaahay u caabudaya una rumeeyay si keliya uu ducadiisa ugu aqbalo, ee aan u rumaynnim in uu yahay xaqiiqo jirtana, dhab ahaan qofkaasi Ilaahay ma baryayo mana rumaynnin ee maslaxaddiisa ayuu rumeeyay!

Intaa marka laga yimaaddo. Qoraagu dooddiisa ah “Ducadu saamayn duleed oo muuqata ma laha” ku ma dhisin u mana cuskan wax alliyo wax xujo iyo caddayn ah, ee keliya waxa uu taxay uun hadal dheer oo uu kaga warramayo waxtarka nafsadeed ee ducada, taasina meesha ka ma saarayso in waxtar koreedna ay leedahay, walow ta hore aanay ahayn ujeedkeedii rasmiga ahaa ee Alle uu u sharciyeeyay. Waxa uuna hadalka u dhigay, in marka mu’minku uu ducaysto ay tahay uun marka musiibo weyn oo cid kale oo loo la ciirsan karaa aanay jirin ay haleesho. Qur’aankuna waxa uu nooga warramayaa, in ducada noocaas ahi aanay ahayn ducada mu’miniinta, ee ay tahay ducada mushrikiinta, isaga oo tusaale ugu soo qaadanaya mushrikiintii Quraysheed, iyo sida markii doomuhu ay ku dhawaadaan in ay halligmaan ay ugu ducaysan jireen “Alloow haddii aad tan naga badbaadiso waannu kugu mahdnaqi doonnaa”. Waxaana halkaa ka cad, in ducada Aw Guudcadde uu ka hadlayaa aanay ahayn ducada muslimiin ahaan aannu naqaanno, ee ay tahay ta mulxidka ama qofka aan Ilaahay rumaysnayn uu ku durraansado marka albaabbada oo dhami ay ka soo oodmaan, balse uu ku khalday tii mi’miniinta.

Xadiis baa sheegayay, “wax kasta oo baahidiisa ah midkiin ha weyddiisto Rabbigii, ilaa ha weyddiisto indhasha kabtiisa marka ay ka go’do iyo milixda”. Taas oo ka dhigan, in qofka mu’minka dhabtaa ahi uu arrimihiisa oo dhan uu Rabbigiisa weyddiisto, maxaa yeelay cid wax la weyddiisto isaga ayaa u mudan, baryadana ugu hor aqbali og. Mana aha kaasi xadhig mala’awaal ah, ee waa xadhig hubaal ah oo uu tijaabiyay sida cadceeddana uu u arkay xaqiiqadiisa, qof kasta oo mawaanicda ducadana ka dhowrsaday dhanka kalena waddadadeeda u marayna uu arki karo. Xitaa marka uu asbaabta qaadanayo, ee tusaale ahaan uu is dawaynayo, marnaba ma aamminsana in sababahani ay Ilaahay booskiisii ku jiraan oo uu iyaga kaga kaaftoomayo, ee waxa uu rumaysan yahay in sababtani ay tahay uun sababo uu Ilaahay uunka dhex dhigay in uu ixtiraamaana ay fiican tahay, laakiin cidda wax dawanaysaa ay xaqiiqo ahaan Ilaahay tahay. Sidaa aawadeed ayuu is kuna dawaynayaa Rabbigiisana uu ka baryayaa in dawadaa uu ku caafimaadiyo, waanu heli karaa in sababtaba uu is ka dhaafo laakiin taasi yaqiin iyo iimaan dheeraad ah ayay u baahan tahay.

Mar kale Aw Guudcadde waxa uu yidhi: “Ducadu xeerarka Dabeecadda waxba ka ma beddesho, ee waxa ay wax ka beddeshaa dareenka iyo niyada lgu qaabbilayo dabeecadda”! Balse wax uu ka wado “xeerarka dabeecadda” ma qayaxin. Ma xeerarka kawnkiga ah ee xatmiga ah ayuu ka wadaa ee saynisku uu uu ka warramo, ee haddii ay is beddelaan khalkhal kawn uu dhacayo, sida dhaqaaqa dhulka ama fiditaanka kawnka iyo waxa la midka ah (oo kuwaa in Ilaahay laga baryo in uu wax ka beddelo ku xadgudubka ducada “العدوان في الدعاء ” ayayba soo hoosgalaysaa oo ducaysigaa in laguu ciqaabo ayaaba laga yaabaaye maxaa ducaba keenay?); mise waxa uu ka wadaa waxyaabaha haddii ay wax is ka beddelaan wax khalkhal kawni ahi aanu imanaynnin, sida caafimaadka, xilliga roobka iyo waxa la midka ah? Haddii aan Rabbigayga weyddiisto in uu i caafimaadiyo, ka dibna uu i caafimaadiyo, xeerarka kawnkiga ah ee aan wax ka beddelay maxay yihiin ?! Awgu ka ma jawaabin.

Ducadu asal ahaan waa tijaabo iimaaneed oo la maro, ruuxii aan tijaabin waxa uu ka dhahaana waa uun guri nin korka iyo saqafka hore ka soo fiiriyay waxa uu ka dhaho uun. Ceelna ninkii galay baa la warsadaaye, aan mid iyo laba dhacdo oo casrigan aynnu nool nahay dhacay soo qaato, si aynnu u aragno in ducadu saamayn gudeed uun ay leedahay sida Aw Guudcadde sheegtay iyo in saamayn duleed oo muuqata ay leedahay sida xaqiiqadu ay tahay. Weliba in kasta oo boqollaal iyo kummanaan dhacdaba la soo heli karo oo qaarkood aniga shakhsi ahaan aan u la kulmay, qaarna kutubta diineed ee lagu kalsoon yahay iyo Qur’aanka kariimka ahba lagaga warramayay, laakiin maaddaama laga yaabo in dadka qaar ay ku anddacoodaan “waxaasi waa wax waayo hore ahaa oo ku ma kalsoonaan karno ee kuwo casrigan dhacay noo keen” ayaan kuwan u markhaati gashanayaa.

Dr Lawrence Brown waa mid ka mid ah dhakhaatiirta uga caansan Ameerika. Waxa uu ka dhashay qoys Masiixiyiin ah, se markii uu sidaa u qaanqaadhayba inyar ka dib waxa uu noqday mulxid ama Alle-kood kolba sida aad u taqaan diin is ka dhaafe Ilaah jiritaankiisa rumaysnayn. Balse muddo ka dib ayuu Ilaahay rumeeyay, muddo ka dibna diinta Islaamka ayuu qaatay. Isaga oo ka warramaya qisadiisa iyo tajribadiisa shakhsiga ah ee rumayntiisa ka dambaysahna waxa uu yidhi: “Muddo hadda laga joogo labaataneeyo sano ayaa ay ii dhalatay gabadh yari, laakiin nasiibdarro waxa ay la dhalatay waxa loo yaqaanno “Coarctation of The Aorta” oo ah mushkilad dilaa ah, taas oo ka dhigan in ilmaha la dhashaa aanu inta badan noolaan, weliba waxa uu u dhintaa qaab xun, oo aalaaba marka xaaladdani ay la soo deristo waxaa waajib ah in wadnaha qalliin lagu sameeyo, dhawr sano marka ay ka soo wareegaanna in haddana qalliin kale lagu sameeyo…, aakhirkana sidaas baa ilmuhu uu ku geeryoodaa. Markii xaaladdan aan ka warhelay, waxa ay ahayd markii u horraysay ee aan dareemay in arrinku uu farahayga ka baxay, wax alliyo wax aan sameeyana waan garan waayay. Beryihii hore, mar kasta oo dhibaato ay i hesho si iskay ah ayaan u la macaamili jiray; haddii xoolo aan u baahdo shaqo badan ayaan qaban jiray, haddii wax in wax laga qabto u baahan uu yahayna cid wax ka qabata ayaan heli jiray, ama anigaaba hagaajin jiray, sidaas baana dhaqankaygu uu ahaa, cid kastaana [ oo i taqaannaana] si fiican bay u la socotaa waxa aan ka warramayo.


Markii inantaydan yar oo magaceedu uu yaahay Hannah ay xanuunkan la dhalatay, waxa aan markiiba geeyay qaybta emergency-ga, tiiyoo jidhkeedu laga soo bilaabo laabta ilaa qaarka hoose  uu yahay mid buluug rasiina ah, sababtuna waa in jidhkeedu aanu helin oksajiin, annaga oo arkayna ayuuna oksajiin la’aan hortayada ugu dhimanayay. Markii aan arkay arrinku halka uu marayo, sidaan hore u sheegayba waxa ay ahayd markii u horraysay ee aan dareemo in awood sare [Ilaahay] aan u baahan ahay. Waqtigaasna waxa aan ahaa mulxid. Markii hore waxa aan ka dhashay qoys Quaker oo Protestans-ka firqooyinkiisa mid ka mida ah, manaan ahaan jirin mid daneeya oo waxa ay farayso sameeya. Markii inantii aan dhakhtarka keenay, waxa loogu yeedhay qayb ka mid ah dhakhaatiirka majaalkan ku takhasustay, anigana waxa aan go’aansaday in aan qol aado si aan u tukado. Waxaa ay ahayd markii u horraysay ee aan salaad tukado. Dabcan waxaan tukaday salaad uu tukan lahaa qof mulxid ah ama shakisan, waana in aad i tidhaahdo “Ilaahayoow, haddiiba aad jirto, naftayda ii dhowr”. Dabcan anna sidaas ayaan sameeyay, waxa aanan idhi: ” Ilaahayoow anigu ma garanayo in aad jirto iyo in kale, ee haddii aad jirto, waxa aan u baahan ahay kaalmadaada”. Waxa aanan ballan ugu qaaday in haddii inantayda uu ii badbaadiyo intaa ka dibna uu diinta isagu uu raallida ka yahay uu igu hanuuniyo aan raaci ama rumayn doono.

Muddo 15 ilaa 20 daqiiqo ah ayaan ka maqnaa qolka inantayda, markii aan ku soo noqday qolkii ay taallay ee albaabkii aan furayna, waxa aan la kulmay dhakhaatiirtii oo madaxa kor uga qaaday bukaankii. Waxa aanan ogaaday in wax ay ks beddeleen, markii dhakhaatiirtii wejiyadooda aan fiiriyayna waxa ka muuqday dhab ahaan in ay fahmi la’ yihiin sida ay wax noqdeen, oo waxoogay malaha ay amakaagsan yihiin. Markii aan u tegayna waxa ay si fudud iigu yidhaahdeen: “Khayr ayay ku dambaynaysaa, xaqiiqo ahaanna sida aad adba arkayso ma dhiman doonto”. Tuntii waxa ay ku soo noqotay xaaladd dabiiciga ah, macnihii caafimaad taam ah. Qalliin lagu ma samaynnin, wax dawo ahna u ma ayna baahan. Xaaladdeedu madax-madax ayay is ku rogtay. Waxa aan xasuustaa tii oo dhakhaatiirtu ay is ku dayayaan in tafsiir lagu qanci karo ay ka bixiyaan waxa dhacay oo nafahooda iyo anigaba ay u sheegaan, waxa aanan dareemayay in nafahooda ay ku qanciyeen, aniguna sidaas ayaan u eegayay aniga oo fikiraya, waxa aanan hoos is ku idhi “Tafsiirkaasi idinka ayuu idin khuseeyaa ee aniga i ma khuseeyo”, waayo waxa aan ogaa in inyar ka hor aan Ilaahay baryay, keliyana ay waajib tahay in aan rumeeyo in gacanta Rabbigay ay taasi ku dhacday”.

Daawo: Dr Laurence Brown oo ka warramaya qisadiisa

Dhacdo kale ayuu Dr Mustafa Maxmuud ka warramay, waana qiso dhab ah oo Morooko sannadkii 1968 ku ka la dhex martay isaga iyo gabadh Faransiisad ah oo Islaamka qaadatay. Wax uu yidhi, waxa ay igu tidhi: Dr Mustafoow, muddo hadda laga joogo soddon sano ayaa aniga iyo saaxiibbaday is ku raacnay safar xagaa-bax iyo dalxiisba ah oo aannu ku aadnay Morocco. Dabadeed habeen ayaan riyo cajiib ah arkay, oo waxaan arkay qof nuur ka soo baxayo oo dhar midab caddaan ah xidhan, oo aan dareemay in Nebi Muxammed uu yahay, waxa uuna ii dhiibay kitaab Qur’aan ah. Ka dibna saaxiibbaday ayaan u sheegay oo waxaasi waa iska riyo e na la dhaaf ayaa ay i yidhaahdeen. Ka dibna waan ka diiday oo waxaa maankaygu ku qnacay in in taasi tahay dhambaal i faraya in aan daraaseeyo diinta Islaamka.

Markii aanu ka soo noqonnay safarkii ayaan saaxiibbaday u sheegay in aan ku noqonayo Morocco, iyaga oo ila yaabban ayaanan ku soo laabtay Morocco. Ka dibna Carabigii ayaan bartay, sidoo kale Qur’aanka micnihiisii ayaan dhigtay, wax aanan si dhab ah ugu qancay oo aan u qaatay Diinta Islaamka. Waxa ay tidhi, 10 sano ilaa 15 sano ka dib ayaan maalin aan dareemay xanuun dhanka laabta ah. Wax aanan u tegay dhakhtarkii iigu dhawaa, baadhitaan ka dibna wax uu ii sheegay in kansar dhanka naaska ahi uu igu dhacay, aadna uu jidhka ugu fiday; heer aan qalliin waxba aanu u taraynnin, sidoo kale aan la dawayn karaynnin.

Markii saaxiibbadaydii Faransiiska jooga ay maqleen warkaas, ayaa waxa ay igu la taliyeen in Brazil ay i geeyaan oo halkaasaa yara cusbitaallo fiicane la igu la tacaalo. Laakiin waan diiday ayaa ay tidhi. Is la habeenkii ayaan soo weysaystay ka dibna laba rakcadood ayaan tukaday. Markii aan ka baxay ayaan Ilaahay aad u baryay iyada oo ilmadu ay labadayba dhaban ka qubanayso, kuna durraansanaya “Allow adiga cid aan ahayn ma lihi”. Ka dibna waan lulooday oo gam’ay. Arroortii markaan soo kacay ayaan dareemay caafimaad iyo laabtii i xanuunaysay oo aanan wax xanuun ah ka dareemaynnin. Ka dibna waxa aan ku noqday dhakhtarkii, markii uu i eegayna wuu u qaadan waayay in aan ahay gabadhii shalaydan uun kansarka naaska ah ee aadka u baahay uu hayay, waxa aanu gudogalay in uu dib ugu noqdo faylalkii baadhitaannada si magacayga iyo shaybaadhkii uu u soo hubsado, ilaa ugu dambayn uu ka yaqiinsaday.

Dr Mustafe Maxamuud waxa uu hadalka ku soo gabagabeeyay, in ay ku tidhi: “Mustafoow jawharad ayaa idin ag taalla Islaam la yidhaahdo, se yaraa inta aydin i dhug leedihiin ee aad ka faa’idaysataan”!

Dr Mustafe Maxamuud oo ka sheekaynaya qisada isaga iyo gabadhii Faransiisadda ahayd dhex martay.

Akhriste, kuwani waa laba iyo hal dhacdo oo ka mid ah boqollaal iyo kummanaan dhacdooyin, kuwaas oo dadkii tarjibooyinkaas maray ay ka warrameen. Xor baad u tahay in aad rumaysato iyo in aad rumaysan weydaba, laakiin waxaa muhiim ah in naftaada aanad been u sheegin oo xaqiiqooyinka aanad indhaha ka qarsan haddii aad xaqiiqo-doon tahay, haddii aad u baahan tahayna waad tijaabin kartaa oo indhahaaga ayaad ku soo arki karta haddii waddadeeda aad u marto. Se waxaan marnaba la aqbali karin in inta kummanaankaa dhacdooyin iyo tajribooyin aad bannaankaa is ka dhigto, tajribo aanad samayninna aad ka hadasho, ka dibna aad halkan la soo istaagto “Ducadu saamayn duleed oo muuqata ma laha”, adiga oo aan wax xujo iyo caddayn toona ah wadan, ee keliya wax aad is kugu sheekaysay iyo khiyaalkaagu waxa uu kuu sawiray uun la soo shirtegay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top