Ugu horreyn, ogow iilayska qorraxda ee caddaanka ahi in uu ka kooban yahay toddobo midab oo asaasi ah oo is ku dhafan, ee aanu ahayn mid qudha. Waxaana ay kala yihiin: casaan iyo liimi, huruud/ jaalle iyo cagaar, cirood (blue) iyo fiyoore (violet; البنفسج), iyo ka fiyooraha ka horeeya oo afka qalaad lagu dhaho “Indigo”, af Carbeedkana “النيلي”, af Soomaalina aanan u hayn, oo mararka qaarna lagaba reebo.

Aalaaba midabyadani waxa ay si fiican uga soo dhex muuqdaan waxa loo yaqaanno Jeegaanta ama Qaansoroobaadda, taas oo samaysmata marka ilayska qorraxdu uu soo dhex marayo dhibcaha roobka ka dibna xagashiisa uu qalloocsan ku yimaaddo xawaarihiisa oo is dhimay darteed, dabadeed midabkii caddaanka ahaa uu kala filiqsamo oo toddobadii midab ee uu ka koobnaa uu kala noqdo.

Haddaba, marka iftiinka qorraxda oo toddobadii midab ka kooban uu gibilka hawada ee dhulka soo galayo, sidii si le’eg ayaa ku dhacda oo waa uu kala falliidhmaa kolka curiyayaasha gibilka hawadu ka kooban yahay gaar ahaan Oksajiinta iyo Nitroojiinta uu soo dhexmaryoo waanu qalloocsamaa, toddobadii midab ee uu ahaa buuna u kala baxaa. Dabadeed waxaa dhacaysa in midabyada hirbaacoodu (wavelength; طول موجي) uu gaaban yahay (oo ah buluugga iyo fiyooraha) ay noqdaan kuwa u kala firdhismi og ee ugu kala baahista badan, oo marka aad u fiirsato jeegaanta ama qaansoroobaadda oo kale waxa aad arkaysaa in midabka buluugga ah iyo midabka fiyooruhu ay ka khafiifsan yihiin kuwa kale, waayo iyaga ayaa ugu hirbaac gaaban oo si aanay midabyada kale u kala baahin baa iyagu ay u kala baahaann oo jihooyinka ay ugu kala filiqsamaann, sidaas baana khafiif ay u noqdeen.
Sidaas awgeed buluugga iyo fiyooraha ayaa cirka aad ugu kala baahaya oo uu ugu kala fidaya in ka badan midabyadii kale, balse sidaas oo ay tahay midabka fiyooraha ah ma aragno ee buluugga oo ka hirbaac dheer ayaa aynnu aragnaa, waxaana keenaya laba arrimood, 1) in unugyada isha aadamiga ee ka masuulka ah arkidda midabyada ee lagu magacaabo “Cones; المخاريط” ay qaabbili og yihiin arkidda buluugga in ka badan fiyooraha, 2) iyo in xaddiga midabka fiyooraha ee ilayska qorraxdu uu asal ahaanba ka yar yahay xaddiga midabka buluugga ah, sababtaas baana midabka cirka inooga muuqdaa uu buluug u noqday.

Haddaba waxaa xiiso leh, marka meeraha Dusaa (Mercury; عطارد) la joogo arrinku sidaas wuu ka duwan yahay, cirkiisuna sida ka dhulka buluug ma aha maalinkii ee waa madow, waayo isagu ma laha gibil hawo oo marka ilayska qorraxdu uu soo gaadho kala firdhiya, sidii dhulka. Taas beddelkeeda iftiinka qorraxdu si qummaati ah ayaa uu oogadiisa ugu soo dhacaa isaga oo caddaan keliya ah, jihooyinkana aan ku kala baahin maaddaama gibil hawo oo kala baahiyaa aanu jirin; halka cirka intiisa kalena uu madowgiisii is ka yahay maaddaama fallaadhaha qorraxdu aanay wada gaadhaynnin.
F.G! Sawirka Dusaa ee sawirka ka muuqdaa waa macmal aan ku sameeyay Maxkaxda Macmalka ah (AI), waayo duruufta Dusaa ee aadka u adag sida heerkulkiisa maalinkiina ah 430 C° habeenkiina ‐180 C° ayaan saamaxaynnin in markabcireed oogadiisa la dejiyo si uu sawirro uga soo qaado sida cirkiisu uu u muuqanayo, balse waxa uu sawirku ka turjumayaa xaqiiqooyin saynis ahaan aannu u xaqiijinnay.
Mahadsanid saaxiib sida quruxda badan ee aad noogu soo gudbisay. In badan waan ku taxnahay qormooyinkaada waayo ma way yaryihiin dadka soomaaliyeed cid sidan oo kale sayniska iyo arimihiisa usoo gudbisa waliba luuqad ay dadku fahmayaan.
Mahadsanid sxb.