Sidan buu Dhulku ahaa 466 Milyan oo Sano Kahor!

Meeraha Raage (Saturn; زحل) iyo xerooyinkiisa. (Sawirka waxaa Juun 20, 2019 qaaday tiliskoobka Habal “Hubble“)

Waxaa caan ah, in meerayaasha bahqorraxeeddeenna qaar ka mid ahi ay leeyihiin xerooyin (rings; حلقات) ku dul wareega, kuwaas oo ka samaysan baraf, dhagaxyo iyo boodh isku ururay oo sameeyay muuqaal xero u eg oo meeraha qurux iyo soojiidasho u yeela.  Meerayaasha xerooyinkan leh waxaa ugu horreeya Raage (Saturn; زحل), oo maalin dhowaa aynnu ka faalloonnay isaga iyo xerooyinkiisaba, Cirjiidh (Jupiter; المشتري), oo ah meeraha ugu weyn ee ururka cadceedda ka tirsan, iyo labada meere barafeed ee waaweyn ee kala ah: Uraanas (Uranus; أورانس) iyo Nibtoon (Nebtun; نيبتون). Balse Dhulku — sida la wada og yahay — wax xerooyin ah ma laha, waxaana la aamminsanaa in aanu horena u yeelan. Hase yeeshee, cilmibaashis ¹ soo baxday bishii Sibteembar ee sannadkan 2024, ayaa soo bandhigtay xog xiiso iyo ashqaraar leh, taas oo sheegaysa 466 milyan oo sano ka hor — Casrigii Ordofeeshiyaanka — in dhulku uu xerooyin ku dul wareega lahaa, si la mid ah meerayaash kale ee aynnu soo xusnay, iyada oo cuskanaysa caddaymo saynis oo hor leh.

Jaantus lagu mala’awaalay sidii dhulku uu ahaa 466 milyan oo sano kahor

Ugu horreyn, sooyaalka jiyoolaji ee dhulka marka la abla-ablaynayo waxaa loo qaybiyaa ammino (eras; حِقب) iyaguna u sii qaybsama casriyo (periods ; عصور). Guud ahaanna, cimriga dhulka waxaa loo kala dhambalaa afar amminood: Amminta Kaambariga Kahor (Precambrian era; الحقبة ما قبل الكامبري أو كما يسمى أحيانا الحقبة السابقة) ², Amminta Duugga ah (Paleozoic Era; الحقبة القديمة) ³, Amminta Dhexe (Mesozoic Era; الحقبة الوسطى) ⁴ iyo Amminta Cusub (Cenozoic Era; الحقبة الحديثة) ⁵, oo sida ay u kala horreeyaan u kala fog. Casriga Ordofeeshiyaankuna, waa casriga labaad ee hoostaga Amminta Duugga ah, oo waxaa ka horreeya uun Casriga Kaambariga (Cambrian period; العصر الكامبري) ⁶; halka ay ka dambeeyaan afar casri oo kale oo kala ah: Casriga Sayluuriyaanka (Silurian Period; العصر السيلوري) ⁷, Casriga Dhaayfooniyaanka (Devonian Period; العصر الديفوني) ⁸, Casriga Kaarbooniga (Carboniferous Period; العصر الكربوني) ⁹ iyo Casriga Bermiyaanka (Permian Period; العصر البرمي), ¹⁰ oo dhammaantood ka wada tirsan— sida aynnu sheegnay — Amminta Casriga Duugga ah. 

Haddaba, 466 milyan oo sano ka hor (oo ah xilliga cilmibaadhistan lagu xusay in dhulku uu xerooyin lahaa), waxa ay ku beegmaysaa badhtameeyadii Casrigii Ordofeeshiyaanka (Ordovecian period; العصر الأردوفيشيني), kaas oo soo bilaabmay 485 milyan oo sano kahor, dhammaadayna 443 milyan oo sano kahor. Akhristaha sharafta badanow, inta aynaan u gudagelin falanqaynta saynis ee cilmibaadhistan, iyo faahfaahinta caddaymaha saynis ee ay u cuskan tahay, marka hore aan sawir guud oo kooban kaa siiyo casrigaas iyo xaalka dhulku sida uu ahaa, iyada oo laga dhimbiilqaadanayo lakabyada dhulka, furfurka jiyoo-kimistari ee dhagaxyada, qalfoofyada noolayaasha, iwm.

Horraantii casrigan Ordofeeshiyaanka, waxaa kordhay heerarka gaasaska diirran ee ku jira gibilka hawada, oo uu ugu doorroon yahay Kaarboon Laba Oksaydhku (CO²). ¹¹ Korodhkan waxaa loo aaneeyaa dhaqdhaqaaqa fulkaanooyinka oo xilligaa aad u xoogganaa, kuwaas oo marka ay qarxaanba cirka ku sii deynayay xaddiyo aad u badan oo gaasaska diirran ah, taas oo keentay in heerkulka dhulku uu sare u kaco oo kulayl darani uu ka dhasho, oo sida daraasaadku ay sheegayaan 45C° gaadho.  Tani waxa ay horseedday in baraf badan oo fadhiyay uu dhalaalo, oo heerka biyaha ee meeruhu uu kordho, dhul ballaadhan oo berri ahaana uu bad isu beddelo.

Casrigan noloshu badda ayaa ay ku ekayd, oo berriga u may soo gudbin, la mana soo heli karo qalfoof noole berrikunool ah oo xilligaas u noqonaya. Maaddaama aanay jirin dhir berriga ku taalla oo Kaarboon Laba Oksaydhka nuugtana, aad buu kulkii u sii dabadheeraaday oo uu u sii jiitamay, muddooyin badan. Balse waxa uu dheef weyn u noqday noolayaashii badda ku uunnaa, oo aad bay isu qaybiyeen isla markaana u tarteen oo u tadawureen, waayo markii heerka biyaha ee baddu uu kordhay ee qaarado badan oo berri ahaa ay badda ka mid noqdeen, noolayaashii baddu waxa ay heleen degaan waasac ah iyo bii’ad hodan ah oo ilo cusub oo ay quutaan u yeeshay— wixii loo bixiyay markii dambe “Dhacdadii Weyneyd ee Isballaadhinta Nolosha ee Ordofeeshiyanka” (Great Ordovician Biodiversification Event; الإشعاع الأردوفيشي العظيم ).

Arrinkaasi waxa uu horseeday, in sinjiyadii noolayaasha ee xilligaas tiradoodu ay afar jeer laballaabmato, waana sababta saynisyahanno badan ay u qabaan in casrigani uu ka ahmiyad weyn yahay Qaraxii Kaambariga ee dhacay 541 milyan oo sano kahor, bilowgii Casrigii Kaambariga, kaas oo looga jeedo isqaybintii iyo dhallanrogadkii nololeed ee caadiga ka baxsanaa ee waagaas dhacay, ee muddo u dhexaysa 20 – 25 milyan oo sano oo qudha noolayaal aan la soo koobi karin ay ku soo ifbaxeen, heer “qarax” lagu metelay, oo “Qaraxii Kaambariga” loo bixiyay (Cambrian Explosion; الإنفجار الكامبري).

Saddex-Waaxoodlayaal (Trilobites; ثلاثيات الفصوص)

Noolayaashii casrigan Ordofeeshiyaanka soo ifbaxay waxaa ka mid ahaa Saddex-Waaxoodlayaasha (Trilobite; ثلاثيات الفصوص), oo ahaa noolayaal jidhkoodu ka kooban yahay waax kore iyo laba waaxood oo dhinacyada ah (eeg sawirka kore). Waxaa kale oo ka mid ahaa kuwo loo yaqaanno Xiddig-Badeedyada (Sea stars; نجوم البحر), oo shan daraf iyo wax ka badan leh (eeg sawirka hoose), mararka qaarna lagu magacaabo Kalluun- xiddig (Starfish), walow magac qaldan uu yahay maaddaama Xiddig-Badeedku aanu kalluun ahayn. Magaciisa saxda ah ee sayniseedna waa Xiddig-Badeed (Sea Star), ee ma aha Kalluun-Xiddig (Starfish).

Xiddig-Badeed (Sea star; نجم البحر)

Waxa sidoo kale soo ifbaxay noolayaal lagu magacaabay Beentikoobtaris (Penticopterus;  بنتيكوبتيروس), oo qalfoofkooda markii u horreysay laga helay Maraykanka, 2010kii (eeg sawirka hoose). Waxa aad isu qaybiyay oo u farcamay Lafdhabar-laawayaasha (Invertebrates; اللافقاريات),  Kalluun Daanlaawaha (Agnatha ; الأسماك اللافكوك) oo ahaa kalluunnadii u horreeyay iyo qaar kale oo badan. Sidoo kale, casrigan waxaa soo ifbaxday dhir bidaa’i ah oo ka soo dhallanrogatay xayaabada, sida Dhir-Beerka (Livewort; نبات الكبد) oo ah dhir aan lahayn nudo (tissues; أنسجة) biyaha xididka geedka ka soo qaada oo caleemaha iyo qaybaha kale gaadhsiiya.

Beentikoobtaris (Penticopterus;  بنتيكوبتيروس)

Dhanka kale, juquraafiga dhulku aad buu uga geddisnaa sida hadda uu yahay. May jirin toddobo qaaradood iyo shan badweynood sida hadda, ee waxaa jirtay qaarad oo weyn oo loo bixiyay Ganduwaana (Gondwana; غندوانا), taas oo ka koobnayd Ameerikada Koonfureed, Afrika, Hindiya, Ustareelliya iyo Cidhifka Koonfureed, kuna taallay xilligaas meel u dhow meesha hadda uu ku yaallo Cidhifka Koonfureed. Waxaa soo raacayay qaarad loo bixiyay Looritaaniya ( Laurentia; لوريتانيا), oo Ameerikada Waqooyi iyo Giriinlaand ka koobnayd, Baltiika (Baltica; بلطيقا) oo qaybo ka mid ah Yurubta Waqooyi (sida dawladaha Iskaandaneefiyaadka, tusaale ahaan Iswiidhan iyo Noorwey) iyo Ruushka qaybtiisa Yurub ka koobnayd, iyo dhulal yaryar oo jasiirado ah. Waxaana dhammaantood ku wareegsanayd badweyn lagu magacaabay Baansalaasa (Panthalassa; بانثلاسا), oo oogada dhulka oo dhan haysatay, iyo bado yaryar oo qaaradaha u kala dhexeeyay.

Khariidadda dhulka (Casrigii Ordofeeshiyaanka, 485 – 443 mh “milyan kahor”) ¹²

Intaas marka laga yimaaddo, casrigan waxaa si aan caadi ahayn u kordhay burburdhagaxcireedyada ku soo dhacaya oogada dhulka ee ka imanaya fagaagga sare, ¹³ , sida diiwaan jiyoolajiyeedku (geological record; السجل الجيولوجي) uu muujinayo, gaar ahaan waxaa aad loo helay nooc ka mid oo loo yaqaanno Koondirayt L ( L chondrite; الكوندريت L) oo aalaaba ka soo jeeda hadhaaga meereyarayaal burburay, una noqonaya casrigaas. Burburdhagaxcireed (meteorite debris; حطام نيزكي) marka aynnu leennahayna, waxa aynnu u jeednaa burburka ku dhaca dhagaxcireedyada (meteorites; نيازك) ama meereyarayaasha (asteriods; كويكبات) ama sidoo kale saynlecireedyada (comets; مذنبات) marka masaafada ugu dhow ee dhulka ay u jirsan karaan soo gaadhaan (walaxcireedda masaafadan — oo lagu magacaabo masaafada Rooj (Roche limit; مسافة روش) — soo gaadha, awoodda isku haysa qurubyada ay ka kooban tahay iyo awoodda ka dhalanaysa cufisjiidadka dhulka waxaa xoog badan ta cufisjiidadka dhulka, sidaas aawadeed walaxdaasi way burburaysaa oo qurubyadeedu way kala daadanayaan), ama malluugyada kale ee fagaagga ay isku dhacaan, kaddibna ay burburaan oo jajabyo ay kala noqdaan. Jajabyadaas ayaa lagu magacaabaa “Burburdhagaxcireedyo”. Looga mana jeedo — sida magacu uu ku moodsiin karo — burburka dhagaxcireedyada oo qudha, ee burburka meereyarayaasha ama dhagaxcireedyada ama saynlecireedyada oo dhan ayaa la isku wada yidhaahdaa “burburdhagaxcireed”, waxaana magacaas loo qaatay waa in uu sidaas ku caanbaxay darteed.

Burburdhagaxcireedku marka uu qolofta sare ee dhulka ku soo dhaco, meesha uu ku dhacay waxaa ka samaysanta booraan/ god (crater; فوهة). Aalaabana waxa lagu ogaadaa booraantani in ay booraan burburdhagaxcireed tahay iyada oo loogu tago — tusaale ahaan— hadhaayo gaar ku ah dhagaxcireedyada ama meereyarayaasha, ama in laga dhex helo macdahana kuwooda samaysma marka dhulku uu cadaadis daran la kulmo sida kolka dhagaxcireed ama meereyare ku soo dhaca, ama iyada oo la eegayaba habsamayska booraanta oo haddii ay goobo tahay waxaa muuqata in ay burburdhagaxcireed ka samaysantay.

Booraan ku taalla gobolka Arizona ee dalka Maraykanka, taas oo 50, 000 oo sano kahor ka samaysantay dhagaxcireed dhulka ku soo dhacay. (Tusaale ahaan baan u soo qaatay)

Haddaba, cilmibaadhistan soo baxday Sibteembar 16, 2024,  oo Mudane Aandhi Tomkeens ( Andy Tomkins; أندي تومكينز) — oo ka socda Jaamacadda Monash ee Ustareelliya — iyo kooxdiisu ay sameeyaan, waxa ay ku daraaseeyeen 21 booraan dhagaxcireed oo u noqonaya Casrigii Ordofeeshiyaanka, dhammaantoodna ku wada yaalla agagaarka khadka dhulbadhaha goobo aan ka fogayn 30°, si ka duwan booraamo dhagaxcireedyadii samaysmay casriyadii kale oo iyagu daafaha dunida ku ku kala filiqsan. Arrinkani waxa uu dhaliyay, in la is weyddiiyo sababta ka dambaysa meelo u dhowdhow khadka dhulbadhaha in ay ku soo wada dhacaan burburdhagaxeedyadaasi, oo adduunka intiisa kale ay ugu soo dhici waayaan, tiiyoo 70% ka mid ah qolofka dhulka ee kalena ay ka madhan tahay!

Mudane Aandhi Toomkeens iyo kooxdiisu waxa ay yidhaahdeen, horta waa qasab in burburdhagaxeedyada booraamahan sameeyay ay isku hal il ka imanayeen, haddii kale suurtogal may ahaateen in ay goobo is ku dhowdhow ku wada dhacaan, ee waxaa sidoo kale laga heli lahaa meelo badan oo Afrika, Ameerikada Waqooyi iyo Ustareelliya ka mid ah oo giddigoodba ilaashan karayay raadadkaas. Balse taasi may dhicin, waxaana ay muujinaysaa in ay hal meel ka wada imanayeen. Si isku hal il uga wada yimaaddaanna, Toomkeens iyo saaxiibbadiis waxa ay soo bandhigeen in ay u badan tahay in ay ka dhasheen meereyare soo gaadhay masaafada Rooj (inyar ka hor baynnu sheegnay waxa looga jeedo masaafada Rooj) oo burburay, kaddibna burburdhagaxcireedyadiisii ay isku urureen oo xero dhulka ku wareegta ay sameeyeen. Dabadeedna ay dhacday in ay si tartiib-tartiib ah oo isdabajoog ah kolba qaybi uga soo dhacdo iyada oo hal khad iyo goobo isu dhowdhow ku soo wada dhacaysa, ilaa ugu dambayn xeradii ay baaba’day, sidaasna ay ku joogsadeen burburdhagaxcireedyadii hal khad ku soo wada dhacayay.

Waxaana xusid mudan, in lakabyada dhulka ee u noqonaya Casrigii Ordofeeshiyaanka laga helay xaddi fiican oo Niikal (Nickel; النيكل) ah, taas oo tusinaysa in goobahan ay ku soo dhaceen burburdhagaxcireedyo meereyarayaal, waayo Niikalku waa curiyayaasha asaasiga ah ee meereyaraashu ay ka kooban yihiin. Waxa taas soo raacda, in laga helay xaddiyo door ah oo Irriidiyam (Iridium; الإريديوم) ah, Irriidiyamtuna waa curiye dhif iyo naadir ku ah qolofka dhulka balse meereyarayaashu ay hodan ku yihiin, markaasna waxaa muuqata in casrigaas burburdhagaxcireedyo meereyaraal oo aad u badan ay soo gaadhayeen oogada dhulka (dabcan markii burburdhagaxcireedyadii ay xero sameeyeen, ayaa si tartiib-tartiib ah dhulka ay ugu soo daateen. Waxaana muujinaysa in ay xero sameeyeen habka ay u soo wada dhaceen oo hab nidaamsan oo goobo hal khad ah ku soo wada dhacaya ahaa, sida aynnu soo sheegnay. Waa is la sida loo badinayo in xerooyinka meeraha Raage (Saturn; زحل) ay ku samaysmeen, walow burburdhagaxcireedyada xerooyinkiisu ay ka kooban yihiin aanay ahayn kuwo meereyare balse burburka dayaxyadiisii mid ka mid ah ay yihiin, sida muuqata).

Xerooyinka meeraha Raage

Sida manhajka sayniska ee Falsafadda Sayniska (Philosophy of Science; فلسفة العلم ) lagu barto uu dhigayo, marka afeef (hypothesis; فرضية) saynis oo sidan oo kale ah la soo bandhigo, si runnimadeeda iyo beennimadeeda loo kala tijaabiyo waa in ay saadaal (prediction; تنبؤ) run iyo beenin aqbalaysa oo la tijaabin karo bixinayso, si intaas kaddib haddii saadaasheedu ay run u noqoto ay aragti (theory; نظرية) saynis ugu gudubto, gaar ahaan haddii caddaymo kale oo saynis oo sii xoojinaya ay hesho, awood fasireed oo fiicanna ay leedahay.

Haddaba, maanta afeeftani waxa ay saadaalinaysaa: maaddaama xero dhulka ku wareegaysaa ay jirtay, dabcan burburdhagaxcireedyada ay ka kooban tahay qaybo badan oo fallaadhaha cadceedda ka mid ah baa ay is ku gudbayaan, markaasna waxaa la filayaa in meeruhu uu xilli qaboobe daran galo. Waana is la sida dhacday, oo dhab ahaan xilligaas kaddib dhulku xilli qaboobe daran buu galay, oo loo yaqaanno Barafowgii Heernaantiga “Hirnantian Glaciation; التجلد الهيرنانتي” (barafowgan waxaa loogu magacdaray gobol ku yaal Booland (poland; بولندا) oo la yidhaahdo Hirnant, kaas oo laga helay dhagaxyo badan oo u noqonaya Casrigii Ordofeeshiyaanka, kuwaas oo ka samaysmay barafowgii darnaa ee xilligaas iyo isbeddelladii cimileed iyo degaan).


Hore waxa aynnu u soo sheegnay, in Casrigii Ordofeeshiyaanka horraantiisii dhulku uu aad u kululaa. Balse dabayaaqadiisii, gaar ahaan 444 milyan oo sano kahor, waxa dhulku uu galay barafow aad u daran oo galaaftay nolosha 85% ka mid ah noolayaashii oogadiisa ku noolaa, sida aynnu ku soo sheegnay qormadii “Sidee bay Diinasoorooyinkii & Noolayaashii Waaweynaa u Dabargo’een?”, ee daraasaddan kahor saynis ahaan loo xaqiijiyay. Taasina waxa ay xoojinaysaa, in dhab ahaan dhulku uu xilligaas xero lahaa, waayo waxa ay xeradaasi door weyn ka ciyaaraysaa in heerkulkii dhulku uu hoos u dhaco, markaasna barafow uu yimaaddo. Sababaha ka dambeeyay barafowgaasina waxa ay ilaa waa’ dhowaa ahaayeen qaar dahsoon oo aan caddayn , balse fekraddan waxa ay awood u yeelatay in ay fasirto.


Akhriste, waxyaabahaas oo dhan iyo kuwo kale oo aynaan xusin oo daraasadda lagu dhex sheegayba, waxa ay tusinayaan oo ay xoojinaysaan fekraddan curdinka ah ee weli aan laba bilood jirsan, ee sheegaysa in meeraha dhulku uu 466 milyan oo sano kahor lahaa xero u eg ta meeraha Raage, balse uu waayay casriyadii dambe.

Tixraacyo

1. Cilmibaadhistan waxaa lagu faafiyay wargeyska  Earth and Planetary Science Letters, Sibteembar 16, 2024. Halkan ka soo akhriso ama kala deg: https://www.sciencedirect.com/science/article/pii/S0012821X24004230

2. Amminta Kaambariga Kahor (Pre-cambarian Era; الحقبة ما قبل الكامبري): waa laga soo bilaabo samaysankii dhulka, 4. 6 milyan oo sano kahor, ilaa laga soo gaadho 541 milyan oo sano kahor. Waxa ay ku fadhidaa 90% ka mid ah cimriga dhulka.
3. Amminta Duugga ah (Paleozoic Era; الحقبة القديمة): waa laga soo bilaabo 541 milyan oo sano kahor, ilaa laga soo gaadhayo 252 milyan oo sano kahor.
4. Amminta Dhexe (Mesozoic Era; الحقبة الوسطى): waa laga soo bilaabo 252 milyan oo sano, ilaa laga soo gaadhayo 66 milyan oo sano kahor.  Ammintani waxa ay leedahay ahmiyad gaar ah, waayo waxaa soo ifbaxay Dhaaynasoorrooyinka iyo qaybahoodii kala geddisnaa, waxaana ay ka kooban tahay saddex casri oo waaweyn: Casrigii Tiriyaasigga (Triassic Period; العصر الترياسي) oo ah 252 milyan oo sano — 201 milyan oo sano kahor, Casrigii Juraasigga (Jurassic Period; العصر الجراسي) oo ah 201 milyan oo sano — 145 milyan oo sano kahor, iyo Casrigii Kiritayshaska (Cretaceous Period; العصر الطباشيري) oo ka soo bilaabma 145 sano ka hor kuna dhammaada xilligii ay dabargo’een Diinasoorrooyinku, 66 milyan oo sano kahor.
5. Amminta Cusub (Cenozoic Era; الحقبة الحديثة): waa laga soo bilaabo 66 milyan sano kahor ilaa maalinkan maanta ah ee aynnu taagan nahay. Ammintani waa tu aad u wacdaro badnayd, waayo waxaa dhacayo isbeddello aad u waaaweyn. Waxa ay ka kooban tahay saddex casri oo kala ah: Casriga Baaliyojiinta (Paleogen Period; العصر الباليوجيني), oo ah laga soo bilaabo 66 milyan oo sano — 23 milyan oo sano kahor, Casriga Niyoojiinta (Neogene Period: الغصر الميوجين) oo ah laga soo bilaabo 23 milyan oo sano kahor — 2. 8 bilyan oo sano kahor Casrigii Barafowga, iyo Casriga Afarlaha (Quaternary Period; العصر الرباعي) oo ah kaga soo bilaabo 2.8 bilyan oo sano ka hor ilaa maanta.
6. Casriga Kaambariga (Cambrian period; العصر الكامبري): waa laga soo bilaabo 541 milyan oo sano — 481 milyan oo sano kahor.
7. Casriga Sayluuriyaanka (Silurian Period; العصر السيلوري): waa laga soo bilaabo 443 milyan oo sano — 419 milyan oo sano kahor.
8. Casriga Dhaayfooniyaanka (Devonian Period; العصر الديفوني): waa laga soo bilaabo 419 milyan oo sano — 359 milyan oo sano kahor.
9. Casriga Kaarboonifaraska (Carboniferous Period; العصر الكربوني): waa laga soo bilaabo 359 milyan oo sano — 299 milyan oo sano kahor.
10. Casriga Bermiyaanka (Permian Period; العصر البرمي): waa laga soo bilaabo 299 milyan oo sano — 252 milyan oo sano kahor.

11. L. Robin M. Cocks and Trond H. Torsvik:  Ordovician palaeogeography and climate change (Gondwana Research, Vol. 100, pp. 53 – 72)  https://www.sciencedirect.com/science/article/pii/S1342937X20302756#:~:text=At%20the%20beginning%20of%20the,levels%20were%20so%20high%20(Fig.

12. Halkan ka soo akhriso cilmibaadhis uu sameeyay Stephen M. Holland, oo lagu faahfaahiyay khariidadda juquraafiyeed ee dhulka, Casrigii Ordofeeshiyaanka: https://www.britannica.com/science/Ordovician-Period

13.https://en.wikipedia.org/wiki/Ordovician_meteor_event

14. Alexander Pohl, Yannick Donnadieu, Gullaume  Le Hair and others (Glacial onset predated Late Ordovician climate cooling)https://agupubs.onlinelibrary.wiley.com/doi/10.1002/2016PA002928

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top