Xiddiguhu Maxay Ka Samaysan yihiin?

Ruux wal oo fiisigis-falageedka ay wax uga baxsan yihiin, maanta wuu og yahay in curiyayaasha asaasiga ah ee xiddiguhu ay ka kooban yihiin ay Haydrojiin iyo Hilyam yihiin, iyo ino yaryar oo curiyayaasha kale ah oo soo raaca. Tusaale ahaan, xiddigteenna Cadceeddu 74 % waxa ay ka kooban tahay curiyaha Haydarojiin, ¹ iyo 25% Hilyam ah, inta soo hadhayna waxa isugu jiraan curiyayaasha loo yaqaanno curiyayaasha culculus ee ka soo hadhay labadoodaas, sida Oksajiinta, Kaarboonka iyo Maarta.

Balse xogtani qarni ka hor may ahayn mid la yaqaan, waxaana loo malayn jiray in xiddiguhu ay ka samaysan yihiin is la curiyayaasha uu dhulku ka samaysan yahay ama laga helo, ilaa sannadkii 1925 saynisyahannaddii Ingiriiska ahayd ee Sisiiliya Bayngaboshgi ( Cecilia Payne-Gaposchki; سيسيليا باين-جابوشكين) buuggeedii PhD-ga ay ku qaadatay ee ay ugu magacdartay Qaabdhismeedka Kimikaad Ee Xiddigaha (The Chemical Compositions of Stars; التركيب الكيميائي للنجوم) ay ku soo bandhigtay cilmibaadhis wixii hore loo aamminsanaa oo dhan madax-madax u rogtay.

Sisiiliya Bayngaboshgi (1900 – 1979)

Markii ay daraasaysay ee ay furfurid ku samaysay xarriijimaha ilayska ka imanaya xiddigaha, maaddaama curiye waliba uu xarriijimo u gooni ah leeyahay oo midabbo gaar ah uu nuugo ama soo celiyo, waxa ay ogaatay curiyaha ugu badan ee xiddiguhu ay ka kooban yihiin in uu yahay Haydarojiin ee aanu ahayn curiyayaasha culculus ee dhulka laga helo, taas oo gebi ahaanba ka hortimid fikraddii laga haystay qaabdhismeedka xiddigaha iyo dabeecaddooda. Marwo Sisiiliya walow markii hore bulshaweyntii sayniska ay kala kulantay diidmo badan, haddana cilmibaadhisyadii oo dhami waxa ay xoojiyeen fikraddeedii, waxaana loo aqoonsaday hooyada mid ka mid ah kacdoon-aqooneeydadii ugu waaweynaa ee sayniska iyo felegga gaar ahaan, waxaana fikraddeedii ay hadda noqotay mabaadi’da felegga casriga ah.

Intaas ka dib qarnigii labaatanaad dhexdiisa, 1940s – 1950s, iyada oo laga shidaalqaadanayo cilmibaadhisteeda waxa fududaatay in la fahmo sida xiddiguhu ay tamarta ku dhaliyaan, taas oo waqtigaas ka hor ahayd halxidhaale lagu wareersanaa jawaabtiisa. Aalaaba, bu’da xiddiguhu waa tu aad u kul iyo cadaadis badan, waxaana heerkulkeedu uu gaadhaa malaayiin digrii, sida cadceedda. Taasi waxa ay samaaxaysaa laba atam oo Haaydarojiin ah bu’doodu in ay is ku soo dhowaato, awoodda kala diditaan ee imanaysana ay ka awood badato, ka dibna ay is ku dhacdo, sidaasna ay Hilyam iyo tamar kul iyo tu ilays ku soo saarto.

Falgalkan xiddiguhu ay tamarta ku dhaliyaan ee imika si yar oo fudud aynnu u sharaxnaynna waxaa lagu magacaabay Isudheg bu’eed (Nuclear fusion; الإندماج النووي).


1. Marka aynnu leenahay cadceeddu 74% waxa ay ka kooban tahay Haydrojiin, waa marka aynnu ka hadlaynno cufkeeda (mass;  الكتلة), balse dhanka tirada atamyada marka la fiirinayo 90% ayaa Haydarojiin ah, 9% ayaana Hilyam ah, inta soo hadhayna waa curiyayaal kale. Sababta Hilyamtu iyada oo dhanka tirada atamyada qorraxda 9% ka ah ay haddana dhanka cufka marka la eego 24. 85% ama 25% u noqotay, waa in ay ka culus tahay Haydarojiinta, markaasna cufkeedu uu badanayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top