Beryihii hore aad bay u adkayd in da’da dhulka iyo inta uu jiro la ogaado, maaddaama waddo tijaabo ku dhisan oo loo maraa aanay jirinna ninba waxbuu ku sheegi jiray ama uu ku mala’awaali jiray. Dunida Yurub, tusaale ahaan, waxaa laga aamminsanaa in aanu dhulku jirin lix kun oo sano wax ka badan, waxaana ay fekraddaasi salka ku haysay iskudayadii Jeemis Aashar (James Ussher) iyo hortii Joon Laytfuut (John Lightfoot) ee da’da dhulka. Aashar, oo ahaa wadaad kiristan ah, ayaa 1650-kii da’da dhulka xisaabiyay, isagoo siduu sheegay ka dhimbiilqaadanaya Baybalka, waxaana uu ku soo gebagabooday in Ilaahay uu dhulka abuuray maalin Axad ah, Oktoobar 23keedii, sannaddii 4004 ee miilaadiga kahor, xilli saacaddu ay ahayd 6: 00pm! Taas oo macnaheedu yahay in dhulku uu lix kun oo sano hadda jiro, iyo dheeraad yar. Warkaas ayaa faafay oo xitaa caalamka Islaamka qaybo badan oo ka mid ah u gudbay, iyo dunida kalaba, heer uu noqday wax la wada aamminay.
Qarnigii 18aad ilaa qarnigii 19aad, markii uu horumaray cilmiga jiyoolajigu, waxa ay saynisyahannadu ku baraarugeen qolofta dhulka ee sare in ay ka kooban tahay lakabyo dhagaxeed oo isa saarsaaran oo midiba ka uu ka sii hooseeyo ka da’ weyn yahay, lakab walina si uu u samaysmo waxa uu u baahan yahay waqti aad u badan oo malaayiin sano ah. Sidoo kale lakabyadaas waxaa laga dhex helay qalfoofyo iyo raadad ku dhex dhagaxoobay oo ay iska leeyihiin noolayaal beryo hore dhulka ku noolaa kuwaas oo dabargo’ay, taas oo mar labaad muujisay in da’da dhulku ay ka weyn tahay intii loo malaynayay. Sidaas awgeed ayaa Jaarles Laayol (Charles Lyell), oo ahaa jiyoolajisti Scottish ah, ahna ninka iska leh buugga Mabaadi’da Jiyoolajiga (Principles of Geology), uu sannadkii 1830 u tibaaxay in dhulku uu aad u da’weyn yahay, oo xitaa laga yaabo in uu malaayiin iyo balaayiin sano jiro.

Isla qarnigii 19aad qaarkiisii dambe, waxaa soo shaacbaxay saynisyahankii Ingiriiska ahaa ee Jaarles Daarwin (Charles Darwin), kaas oo sheegay waxa noole dhulka guudkiisa saaran oo dhami in ay asal-wadaag yihiin oo isir qudha ay ka soo wada tafiirmeen, dhir iyo xayawaannaba. Dabcanna si waxaas oo jaad ee noole iyo wixii ka horreeyay ee dabargo’ayba ay u soo ifbaxaan oo u soo dhalanrogmaan una kala farcamaan malaayiin sano ayay u baahan tahay. Mar kale ayayna sare u sii kacday qiyaastiii cimriga dhulka, loogana sii fogaaday malihii hore ee ahaa lixda kun ee sano iyo dhulkii dhallaanka ahaa. Laakiin waa intee milyan oo sano? Weli lama ogaan oo waxa ay ahayd mid dahsoon.
Dhanka fiisigiska, saynisyahankii Ingiriiska ahaa ee Loodh Keelfin (Lord Kelfin), oo ay Daarwin isku casri ahaayeen, ayaa isaga oo ka qiyaasqaadanaya xisaabaadkiisa fiisigiska, waxa uu da’da dhulka ku sheegay 20 – 100 milyan oo sano, hadday ugu badantana 400 milyan oo sano. Tallaabo hor leh bayna ahayd in da’ jaango’an oo hannaan saynis ku dhisan la soo gudbiyo. Wuxuu xusay in dhulku uu dhalashadiisii kaddib aad u kululaa, intaa kaddibna uu si tartiib-tartiib ah u qaboobay. Sidaas awgeed waxa uu xisaabiyay dhakhsaha uu dhulku ku qaboobi karo ee ilaa hadda sida uu yahay ku soo gaadhi karo, si uu uga la soo baxo intii sannadood ee soo maray ama uu jiray.
Hase yeeshee inyar kaddibba waxa saynisyahannadu ay ogaadeen xog Keelfin ka maqnayd oo aanu xisaabta ku darsan, taas oo ah, curiyayaasha qaar, ee ku jira gudaha hoose ee dhulka iyo oogadiisaba (sida Yuuraaniyamta, iwm) in ay sameeyaan falgalka loo yaqaanno kaahfalka (radio-activity), isla markaana ay si joogto ah u soo daayaan kul. Sidaas awgeed waxa taasi ay sababaysaa dhakhsihii dhulku uu ku qaboobi lahaa in uu aad u yaraado oo isu dhimo, maaddaama kul joogto ahi uu ka dhex dhalanayo, oo sidaa degdegga ah ee Keelfin uu sheegay aanu ku qaboobin. Halkaas baana xisaabtii Keelfin gurracnimadeedu ay ka soo muuqatay. Ciddii ugu horreysay ee falgalkan kaahfalka daahfayddaana waxay ahayd Henneri Baakolor (Henri Becquerel), sannadkii 1896. Waxaana ugu dabamaray oo sii ballaadhiyay Marie Curie iyo saygeedii Pierre Curie oo iyana cilmibaadhisyo ka qoray.

Intaa kaddib, qarnigii 20aad horraantiisii, saynisyahannadu waxa ay daahfaydeen hab cusub oo da’da dhulka lagu ogaan karo. Kaas oo ah, curiyaasha qaarkood, bu’da atamyadoodu ma taagna, ee in muddo ah markay joogaanba si tartiib tartiib ah ayay tamartooda u waayaan, waana isla curiyayaashii aynnu dhowaan soo sheegnay ee kaafhalka (radio-activity) sameeya, iyagoo isu beddela curiye kale oo aan kaah lahayn. Tusaale ahaan, aysatoobka Uranium-238, oo ka mid ah aysatoobyada (isotope; النظير) curiyaha Yuuraaniyaam, waxa uu si tartiib-tartiib ah isugu beddelaa Lead- 206. Waqtiga uu isugu beddelayaana waa mid jaango’an oo aan is bedbeddelin si walba oo xaaladaha iyo duruufaha ku xeeran ay u kala duwan yihiin. Haddaba marka la doonayo in aysatoobkaas shay cimrigiisa lagu xisaabiyo, waxa halbeeg laga dhigtaa waxa loo yaqaaanno da’badhkiisa (half-life; عمر النصف ), oo ah waqtiga ay ku qaadato in kalabadh ka mid ahi uu mataataxo oo is beddelo.
Tusaale ahaan, ka soo qaad in aad haysato 100 atam oo Uranium-238 ah. Si boqolkaas atam kalabadh ka mid ahi uu Lead-206 isugu beddelo, waxa ay ku qaadanaysaa 4. 5 bilyan oo sano (4.5 × 109 oo sano). Markaasna, waxa aad leedahay: da’badhka Uranium-238 waa 4. 5 bilyan oo sano, tiradaas ayaanad halbeeg ka dhiganaysaa. Sidaas awgeed markaad rabto in dhagax ama qalfoof da’diisa aad ogaato, waxa aad fiirinaysaa xaddiga Uranium ah ee hadhay iyo xaddiga isbeddelay ee Lead noqday. Haddii tusaale ahaan ay is le’ekaadaan, waxa ay ka dhigan tahay in 4. 5 bilyan oo sano uu shaygaasi jiro, waayo si kalabadh Uranium-ta ka mid ahi uu isu beddelo, oo Lead uu u noqdo, waxa ay ku qaadanaysaa 4. 5 bilyan oo sano.
Markii la daahfayday habkan cusub ee aadka u qotada dheer, waxa ay noqotay in dhagaxyadii dhulka da’dooda la xisaabiyo si loo la soo baxo intii sano ee dhulku uu jiray. Sannadkii 1905-tiiba, cimriga dhulka waxaa lagu qiyaasay 141 milyan oo sano; haddana sannadkii 1911 waxaa lagu qiyaasay 1. 64 bilyan oo sano; haddana sannadkii 1935 waxa tiradu ay noqotay 1. 9 bilyan oo sano; haddana sannadkii 1947 waxa ay isu beddeshay 3. 35 bilyan oo sano; haddana sannadkii 1953kiina waxa ay noqotay 4. 5 bilyan oo sano. Ugu dambaynna halkaas bay ku soo afjarantay oo dhagaxyada ugu da’da dheer ee meeraheenna dhulka waxa da’doodu ay gaadhaysaa 4. 5 bilyan oo sano, sidaasna waxa da’da dhulku ay ku noqonaysaa 4. 5 bilyan oo sano. Intaas oo keli ah ma aha, ee xitaa dhagaxcireedyadii dhulka ku soo dhacay ee bahdeenna qorraxda ka tirsanaa markii da’dooda la xisaabiyay dhammaan waxay wada noqdeen 4. 5 – 4. 6 bilyan oo sano, waana isla xilligii bahqorraxeedda oo dhulkeennu uu ku jiro ay samaysantay.
Tixraacyo
1. Tinner, A., & Teichmann, J. (2003). Lord Kelvin and the age-of-the-earth debate: A dramatization. Science & Education, 12 (2), 213–228.
2. Radványi, P., & Villain, J. (2017). The discovery of radioactivity. Comptes Rendus Physique, 18 (9-10), 544-550.
3. Nobel Prize Outreach. (n.d.). Marie Curie. In Women who changed science. NobelPrize.org.
4. Singham, M. (2021, September 5). When Lord Kelvin nearly killed Darwin’s theory. Scientific American.


