Laga soo bilaabo boqolaal sano amaba kumanyaal sano kahor, aadanuhu waxa uu is weyddiinayay in koonka lagu la nool yahay iyo in uu keli ku yahay, balse muu garanayn si uu u baadho iyo wax uu ku baadho toona. Hase yeeshee isaga oo awoodda maskaxdiisa adeegsanaya taasi u may diidin in uu ka fekero oo uu wax iska weyddiiyo mararka qaarna jiritaankooda uu mala’awaasho. Noole garaad iyo wacyi leh ma keligaa baa dunida dhan ka jira? Cid kaa garaad hoosaysa ama kula siman amaba hadday doonto kaa ilbaxnimo iyo garaad sarreysaa in ay koonkaa baaxadda ballaadhan cidhifyo kale kaga nooshahay sow suurtagal ma aha? Horumarka sayniska iyo tiknoolajiyadda aawadii weyddiintaasi waxa ay noqotay mid isa sii furfurta oo marba marka ka dambsaysa jawaabteedu ay soo dhowaato.
Haddii berigii hore la malayn jiray in dhulku uu xarunta koonka yahay, oo xiddigo iyo waxa meerayaal alkuman ay isaga ku wareegaan, 500 oo sano kahorba malahaasi wuu beenoobay, kaddib markii saynisyahankii reer Poland ee Nikolaas Kobarniikas (Nicolaus Copernicus) uu soo bandhigay aragtidiisii Xarunnimada Cadceedda (Heliocentrism), taas oo tibaaxaysay in dhulku aanu xarunta koonka ahayn ee cadceeddu ay xarunta koonka tahay, dhulkuna uu yahay mid ka mid ah meerayaasha iyada ku wareega. Isaga oo ka dhimbiilqaadanaya aragtidaas, ayaa faylasuufkii Talyaaniga ahaa ee Joordaano Baroonno (Giardano Bruno) uu sheegay in xiddigahaa inoo muuqmuuqdaa ay cadceedo fogfog yihiin, sida cadceedduba ay meerayaal gaar ah oo ku wareega u leedahay oo kalena in xiddigahaasi ay meerayaal u gaar ah oo ku wareega u leeyihiin, markaasna ay suurtagal tahay in nololi ay meerayaashaas ka jirto. Weliba “Nolol keli ahi kama jirto”, ayuu yidhi, “ee xitaa nolol garaad leh ayaa ka jirta”.
Waa 500 oo sano kahor markii heerkaa la marayay, maanta se waxa aan og nahay in cadceeddeenna iyo bahdeeda iyo xitaa ururxiddigeedkeennu toona aanu xarunta koonka ahayn, waayo laba tirilyan oo ururxiddigood (galaxy; مجرة) oo kale ayaa jira, oo mid waliba uu ka kooban yahay balaayiin xiddigo ah iyo intaas in ka badan oo meerayaal iyo dayaxyo ah, sida ururxiddigeedkeena Diillincaanoodda (Milky Way galaxy; مجرة درب التبانة) ee cadceeddeenna iyo bahdeedu ay ka midka yihiinba uu uga kooban yahay 200 – 400 oo bilyan oo xiddigood oo cadceeddeennu ay mid ka mid ah tahay. Afartaa boqol ee bilyan ee xiddigood ee ururxiddigeedkeennu uu ka kooban yahay, intaan koonka kaleba la gaadhin, waxaa hubaal ah in balaayiin ka mid ahi ay meerayaal ku wareega leeyihiin, sida xiddigteenna cadceedduba ay meerayaal ku wareega oo siddeed ah u leedahay; dabcan marka laga reebo Buluuto (Pluto) oo berigii hore lagu tirin jiray meerayaasha bahda qorraxda, balse sannadkii 2006 gebi ahaanba laga saaray. Waxaana xisaabtaas inooga soo baxaysa balaayiin meerayaal ah in ururxiddigeedkeenna oo qudha laga helayo, koonka kalena isaga hadalkiisaba daa! Haddaba waxaas oo meere ah nololi kama jirto miyaa?! Waa arrinta aynu maanta qormadeennan ku falanqayn doonno.
Maqaalka oo dhammaystiran waxaa lagu baahiyay mareegta Ambaqaad. Halkan ka soo akhri : https://share.google/c2DcV0FLRS1UL4jzn


