Dhul (Tix kooban)

Bi’i waaye arliyoow,
Afar kuman malyuunaad,
Oo aad abuurnayd,
Amakaaygo yaab liyo,
Maxaa arrimo waaweyn,
Indhahaagu arkayeen!

Ila maa ayaantii,
Eebbe uu ku uumee,
Aad tidhi addeec baan,
Rabbiyow an kuu ahay,
Idilkiiba koonkaa,
Unug noole adigaa,
Ogaalkeen martiyayoo,
Adigaa abeesiyo,
Aboor iyo qaniin iyo,
Injir laga ducaystiyo,
Ayax iyo qudhaanjiyo,
Shinni awlal dhigatiyo,
Idabbadis-abootiyo, (abooto-idabbadis)
Iskaanbaha badeediyo,
Arbe iyo shabeel iyo,
Aar iyo dhurwaa iyo,
Xuunshiyo aboodiyo,
Ishkin geel lo’aad iyo,
Adhigiyo gammaankiyo,
Ila maayo aadmiga,
Aqalkoodi hooyiyo,
Askunkood ahaayoo,
Ay kugu arooraan!

Xigga udubka yeeshiyo,
Ubbo iyo galool iyo,
Unuun iyo gulaan iyo,
Adaahiga dhulkeen iyo,
Ergin ciinka meteshiyo,
Shabkax iyo uneexiyo,
Afgub iyo madheedh iyo,
Waxa geedo awdalan,
Adigaa u aabboo,
Abtirkoodu gelayaa!

Fiisigis ilays iyo,
Aragtida Isaaq ¹ iyo,
Tii Aaynishtaayn ² iyo,
Awoodaha dabeecadda, ³
Lagu qeexo atamkiyo,
Aljebrada xisaabtiyo,
Feleggaa adduunkiyo,
Lagu eego kawnkee,
Ashqaraarka beeriyo,
Isirbaadhka noloshiyo,
Abla-aablinteediyo, ⁴ (abla-ablaynteeda)
Anatomi ⁵ siwoolaji, ⁶
Juquraaf asqaw iyo,
Anbad kaa ilaashiyo,
Guga oddoraskiisiyo, ⁷
Dhulka oogadiisaas,
Alkunkeedi hore iyo,
Aayatiinnadeediyo,
Akhrinteeda sooyaal,
Jiyalooji ⁸ arradtira,
Iinsaaniyaadkiyo, ⁹
Afafkiyo hidddaa iyo,
Ansoroboloojiya, ¹⁰
Boqollaal aqoonood,
Adigaw iniin oo,
Ay kaa abqaaleen!

Imisaa akhyaar iyo,
Rusul Eebbe doortiyo,
Ehlullaahigii iyo,
Weliyada Ilaahay,
Anshax iyo wanaag iyo,
Qurux iyo akhlaaqiyo,
Iimaanka nuurkaa,
Ay kugu dul oogeen,
Adna awr geddiisii,
Hayin laylyan u ahayd!

Dhanka kale abaaliis,
Arxanlaawayaal iyo,
Axmaqiin dugaagyo ah,
Oo uunka madhiyoo,
Ibtilooyin bidayoo,
Ummadaa xasuuqoo,
Malaayiin afduubtoo,
Ajashooda gooyoo,
Birmageydo aynabay,
Imisaad arkaysoo,
Uurkaagu murug iyo,
Umal qaadi kari laa!


1. Isaaq Niyuutan (Isac Newton; إسحاق نيوتن): fiisigisyahan iyo laahuuti Ingiriis ah oo noolaa intii u dhexaysay 1643 – 1727, ahna aasaasaha Aragtida Cufisjiidadka ee dabadii uu horumariyay Albeert Aaynishtaayn.
2. Albeert Aaynishtaayn (Albert Einstein; ألبرت آينشتاين): fiisigisyahan dhalasho ahaan Jarmal ah oo noolaa intii u dhexaysay 1879 – 1955, ahna ninka is ka leh Aragtida Xigaalnimada Guud (General Relativity; النسبية العامة) iyo Xigaalnimada Gaarka ah (Special Relativity; النسبية الخاصة) oo ah seeska fiisigiska casriga ah.
3. Afarta awoodood ama xoog ee kawnka: Awoodda Cufisjiidadka (Gravity force; قوى الجاذبية), Awoodda Birlab-danabeedka (Electromagnetic force; قوى الكهرومغناطيسية), Awoodda Bu’da Ee Itaalka Weyn (Strong nuclear force; القوى النووية القوية) iyo Awoodda Bu’da Ee Itaalka yar (Week nuclear force; القوى النووية الضعيفة).
4. Abla-ablaynta noolayaasha (Taxonomy; التصنيف): waa farac ka mid ah cilmiga Bayoolajiga oo lagu daraaseeyo sida noolayaashu ay is ku raacraaci karaan iyada oo la eegayo xidhiidhka dhallanrogad ee ka dhexeeya iyo astaamo kale oo gaar ah.
5. Anatomi (Anatomy; التشريح): isna waa farac ka mid ah Bayoolajiga oo lagu daraaseeyo qaabdhismeedka noolayaasha dhir iyo xayawaannaba.
6. Siwoolaji (Zoology; علم الحيوان): waa farac ka mid ah cilmiga Bayoolajiga oo labada hore ee Abla-ablaynta iyo Anatomiguba ay hoos tagaan, waxa uuna daraaseeyaa noolayaasha aan dhirta ahayn ee xayawaannada ah: hannaankooda, habdhaqankooda, dabeecadahooga, dhallanrogadkooda, qaabdhismeedkooda, hiddahooda, iwm.
7. Oddoroska hawada (Meteorology; علم الأرصاد الجوية): waa cilmi daraaseeya cimilada iyo waxa la xidhiidha, sida roobabka, dabaylaha, iwm. Waa farac ka mid ah cilmiga Sayniska Dhulka (Earth science; علم الأرض) oo ay hoostagaan Jiyoolajiga iyo Juquraafiguba.
8. Jiyoolaji (Geology; الجيولوجيا): waa farac ka mid ah cilmiga Sayniska Dhulka oo daraaseeya sooyaalka dhulka, qaabdhismeedkiisa, lakabyadiisa, dhulgariirrada, iwm.
9. Culuumta Aadanaha (Humanities; الإنسانيات): waa qayb ka mid ah aqoonta oo ay hoostagaan culuumta kala ah Falsafadda, Cilminafsiga, Taariikhda, Cilmibulshaha, Suugaanta iyo Ansoroboolojiga.
9. Ansoroboolaji (Anthropology; الأنثروبولوجيا): waa farac ka mid ah Culuumta Aadanaha oo daraaseeya iinsaanka; dhaqamadiisa, askunkiisa iyo habdhaqankiisa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top